Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

Maajiddada Laascaanood oo qaarkood lagaga hadlay dhibaatada ka soo korodhaysa Somaliland

$
0
0

Awdalpress – London – Guud ahaanba gobollada darifyada ee Somaliland iyo qaar badhatama Somaliland ahba waxa ka soo kordhaya, shaki iyo dareen laga muujiyey xukuummadda cusub ee Somaliland.

Dareenkaa oo daarran kooxaha cusub ee cunufka, cadaawadda iyo cunsuriyaddu halakaysey ee ku qul qulaya maamulka Somaliland. Waxana laga dayriyanaa sida maamulka cusub ee Muse Bixi durba u tallaabsaday.

Haddaba waxa aan maanta idin wadaajinaynaa qudbaddii masaajidka Laascaanood oo lagu soo qaaday xaaladda degaankaas iyo culayska ka soo kordhay Somaliland.

Awdalpress


Ex- Wasiir Ahmd Xaaji Daahir oo xil wareejintii wasaaraddiisa si run ah uga hadlay.

$
0
0

Awdalpress – London – Ex – Wasiir Ahmed Xaaji Daahir oo maalintii shalay ahayd xilka laga tiriyey, horena u soo maray xilal wasiirnimo, ahna siyaasi qiima badan, oo magac iyo maamuus ku leh gobollada galbeedka, ayaa markii uu xilka wareejinayey si mug leh uga hadlay, muddadii yarayd ee uu joogay wasaaradda xidhiidhka golayaasha. Waxana uu sheegay in lacagtii wasaaradda taallay oo malaayiin ahayd la dhacay, oo aanu waxba ugu iman khasnadda wasaaradda.

Awdalpress

Qurba joog reer Somaliland ah oo ku guda jira sidii ay u badbaadin lahaayeen Somaliland.

$
0
0

Awdalpress – London – Cabsi badan oo soo wajahday qurba joogta iyo qol qol joogta Somaliland ayaa dibadda ka wada dhaq dhaqaaqyo ay kaga tashayanaan siyaasadadda Somaliland ee gudo iyo dibadba marin habawday.

Wararku sida ay ku soo gaadhayaan mareegta awdalpress.com ayaa tibaaxaysa, in dalkii Somaliland iyo siyaasaddiisiiba ay xilligan gashay mugdi cabsi badan, waxana ay dib ugu noqotay xilligii sagaashanaadkii.

Madaxweyne Muse Bixi Abdi oo ah hoggaamiyaha cusub ee la kowsaday marxaladdan ayaa waxa la sheegayaa in uu qaaday toobiye ka duwan kii uu ku ololaynayey. Waxana laga cabsi qabaa, in gobollada qaar la yimaaddaan talo ay u madax bannaan yihiin. Haddii aan si dhakhso leh wax looga baddalin golaha xukuumadda uu dhisay Muse Bixi. Taasi oo aan wadan aqoon iyo waaya aragnimo. Isla markaana laga ilaaliyey shacabka miisaanka leh ee dega bari iyo galbeed ama kuwa laga tirada badan yahay ee la hayb sooco.

Awdalpress

Mustafe Martin iyo Ali Xaraare oo dhulka jiid jiidaya Somalilandda maanta. ( Si fiican u daawo )

$
0
0

Ma hadhin ma hadhin, hadal la is yidhaahdaa…..

Qofkii in uun Somaliland rajo ka qabow ku quus qaado meesha ay maanta Somaliland marayso iyo sida looga dayrinayo.

Awdalpress

Xukuumadda Muse Bixi oo si weyn looga soo horjeedo. Sababtu maxay tahay?

$
0
0

Awdalpress – London – Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi oo dhawaan loo dhaariyey in uu hoggaamiyo Somaliland, ayaa isla markiiba soo dhisay dawlad u badan reerkiisa ama dhan u janjeedha. Isla markaana aan ahayn tii uu ballan qaaday in uu soo dhisi doono, ee ahayd in uu soo dhisi doono dawlad tayo leh.

Haddaba barnaamij ku saabsan arrintaa oo lagu falan qaynayey saamiga ay u dhigan tahay dawladdaasi iyo tayadeeda ayaa waxa qabtay HCTV. Doodayaasha ayaa u kala qaybsamay laba kooxood oo ay qaarna difaacayeen xukuumadda, qaarna ay runta ka sheegayeen sida ay wax u jiraan.

Haddii aan soo qaadano mid ka mid ah doodayaasha difaacayey Muse Bixi ayaa ku andacooday in dawladda Muse ay soo dhiseen ama ka talo bixiyeen Prof. Samatar, laakiin arrintaasi lama garanayo meesha uu xogteeda ka helay, sidoo kale waxa uu ku andacoonayey in askartu ay ka maamul fiican yihiin mas’uuliyiinta rayidka ah. Balse waxa uu illoobay in uu Siyaad Barre askari ahaa, Mingiste askari ahaa iyo kuwo kale oo badan diktaytaris ahaa.

Dhinaca kale Daakir oo ka mid ahaa doodayaasha la soo horjeeday saamiga iyo tayada wasiirrada ayaa ku doodayey in ay dawladda Muse tahay mid qabiil kaliya ka kooban, isla markaana xag jir ah. Halka nin da’yar oo ka Muse difaacayey ku doodayey in uu fursad weyn siiyey da’yarta. Da’yartu waxa ay ku fiican tahay kubadda, laakiin maamulka in ay hoos ka soo billaabaan ayey ku fiican yihiin.

Awdalpress

Dawladda Federaalka Somalia oo sheegtay in ay dhawaan la wareegi doonto maamulkii hawada Somaliya oo ay Somalilandna ku jirto. ( Daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Dawladda Federaalka Somalia ayaa wadda qorshihii ugu danbeeyey ee ay kula wareegi lahayd maamulka hawada Somalia oo ay maamuli jirtay shirkadda ICAO.

Maamulka hawada Somalia oo ay Somaliland ku jirto ayaan sinaba u suurta galay in laba loo kala maamulo, waxana uu dhawaan si toos ah u hoos iman doonaa xukuummadda Federaalka Somalia. Halka aanay Somaliland waxba uga qorshaysnayn in ay cidhiidhsato maamulka dhinaceeda. Balse isku day ay Somaliland doonaysey in ay maamulato dhinaceeda ayaa haba yaraatee suurta geli waayey laguna hongoobay.

Awdalpress

Wiilka uu Madaxweynihii hore ee Somaliland soddogga u yahay uguna awoodda weynaa xilligii Siilaanyo ayaa kulan u qabtay qaar ka mid ah golihii wasiirrada ee hore. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Wiilka ku magac dheer Baashe Morgan ee uu sodogga u yahay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, oo todobaadadan dambe ku hawlanaa shirar hoosaadyo iyo abaabul ka dhan ah xukuumadda madaxweynaha cusub ee Muuse Bixi, ayaa maanta qado iskugu keenay wasiiradii hore ee dhacay iyo ku-xigeenadoodi kuwaasi oo uu ku casuumay hudheelka loo yaqaano ”Booli Qaran” ama Jirde Hotel ee ku yaala Hargeysa.Ujeedada uu Baashe ka lahaa shirkan qadada ah ee maanta ayaa lagu tilmaamay inay aheyd sidii uu ex- masuulintaasi uga horkeeni lahahaa madaxwryne Biixi.Abaabulkan ka dhanka ah madaxweynaha cusub ee uu wado Baashe Morgan ayaa sida la sheegay ku salaysan isagoo doonayey inuu wasiir ka noqdo xukuumadda cusub balse uu madaxwyne Biixi diiday inuu xukuumaddiisa ku soo daro iyo iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in xukuumadda cusubi ay rukhsadihii kala noqonayso shirkado gaar loo leeyahay oo uu Baashe sheerar ku lahaa oo xukuumaddi hore siisay qandaraasyo aan la shaacinin.

Awdalpress

Madaxweyne Muse Bixi oo Siminaar u furay golihiisa wasiirrada. ( Daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Mudane Bixi oo ah madaxweynaha cusub ee dhawaan la wareegay hoggaanka dalka Somaliland ayaa Siminaar u furay golihiisa wasiirrada ee uu dhawaan soo magacaabay. Waxana uu si cad oo aan qarsoodi lahayn ugu sheegay in aanu ka oggolaanayn wada shaqayn la’aan.

Wasiirradan Siminaarka loo furay, oo uu madaxweynuhu ku tilmaamay in ujeedku yahay isbarasho iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen. Ayaa muddo maalmo ah lagu xereeyey dugsiga Abaarso.

Hadal dheer oo uu Muse Bixi u jeediyey wasiirradiisa ayaa u egaa in uu yahay madaxweyne la xisaabtami doona, oo la socon doona dhaq dhaqaaqa wasiirrada.

Farriinta laga fahmayo tallaabadan Muse Bixi qaaday, ayaa ah in uu leeyahay HALLA I SUGO…oo yaan laga didin golaha kooban ee aan magacaabay.

Awdalpress


Tacsi ku socota eheladii uu ka geeriyooday AUN Mohmed Qalinle Arbe.

$
0
0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Anigoo ku hadlaya magaca reer Sh. Omer Goth meel kasta oo ay joogaanba waxa aan tacsi u diraynaa eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay Allaha u naxariistee Mohamed Qalinle Arbe oo maanta ( 25/12/2017 ) ku geeriyooday magaalada London ee carriga Ingiriiska.

Waxanan marxuumka Ilaahay uga baryeynaa in uu Jannadii ka waraabiyo, ehelkiisiina uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Bashir Sh. Omer Goth

Siyaasi Boobe Yusuf Ducaale oo ka hadlay tababarka uu Muse Bixi wasiirradiisa u furay iyo wada tashiga wasiirradii xukuumaddii hore ee Baashe ku casuumay.

$
0
0

Awdalpress – London – Ex-wasiir Boobe Yusuf Ducaale oo lagu yaqaan hadal tifaf tiran meeshiisana yaalla, ayaa shalay ka hadlay laba dhacdo oo isa saaran, labaa dhacdo oo midi ay ahayd tababarka uu Muse Bixi u qabtay wasiirradiisa cusub iyo kulan wada tashi oo wasiirradii hore ee Siilaanyo intii laga tegey uu ninka Baashe Mogran loo yaqaannaa uu u qabtay, isaga oo casuumadda ugu yeedhay mid uu Madaxweyne Siilaanyo soo wakiishay, balse aanu madasha joogin.

Awdalpress

Guddoomiya Baarlamanka Somaliland oo ka hadlay dastuurka la furayo iyo gobollada darifyada xaqooda weli laalan. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Guddoomiye Baashe M Farah oo ah afhayeenka Baaralamka Somaliland ayaa maanta ka hadlay, fursita dastuurka iyo saami qaybsiga weli lagu muransan yahay. Si gaar ahna waxa uu farta ugu fiiqay gobollada darifyada oo saamiga ay dawladda ku leeyihiin uu aad iyo aad uga yar yahay inta ay gobollad dhexe ku leeyihiin.

Awdalpress

ARAGTIDA WARGEYSKA: Somaliland illaa goorma ayey sidan ku sii jiri kartaa?

$
0
0

Gooni isu taagga Somaliland ay ku doonayso in ay ictiraaf kaga hesho dunida iyo siyaasadda ay dunida ka iibinayso oo fashil ku dhaw. Oo aan maanta qalinka u qaatay,  iskuna dayi doonno inaan si faah faahsan uga faalloonno.

 

 

Qodobka koowaad.

 

 

Somaliland waxa maamulkeeda ka muuqata isku dheelli tir la’aan qabiil amma beeleed, oo weliba maanta uu ka soo muuqdo nacayb iyo calool xumo soo cusboonaatay, waxana cad in qabiil keli ahi isu gadaamay maamulkii iyo dhaqaalihii dalka. Tusaalena waxa kuugu filan,  saamiga ama tirada ay beelaha Somaliland ugu kala jira golayaasha xukuumadda iyo  golaha dawladda u qaabilsan fulinta ee loo yaqaanno wasiirrada, oo WASIIRKII GUDAHA, WASIIRKII DIBADDA, WASIIRKII MAALIYADDA IYO WASIIRKII MACDANTA IYO BIYAHA IWM, aan beel mooyaane loo oggolayn in ay beelaha kale qabtaan. Sidoo kale heshiisyada caalamka lala galo iyo wafidyada loo diro waddammada caalamka waxa 99% u badan xubno ka soo jeeda beel gaar ah. TALIYAYAASHA CIIDAMMADA, GUDDOOMIYAYAASHA XISBIYADA, HOR JOOGAYAASHA GOLAHA GUURTIDA, BADHASAABYADA, KOMISHINNADA XUKUUMADDA IYO HAY’ADAHA MADAXA BANNAAN WAXA ISKA LEH BEEL KELIYA. 

 

 

Waxa intaa dheer in laga warqabo mas’uuliyiinta kale ee ka soo jeeda beelaha darifyada oo kale amma kuwa kale oo aan ahayn qabiilka keliya ee maamulka isku xeeray, in wasaaradaha amma maamulka kale ee ay Somaliland ka hayaan lagu dul maamulo, oo ay      midiidin u yihiin reerka Somaliland iska yeeshay. Haddii ay ka hadlaan caddaalad darrida amma is yidhaahdaan maamulkaaga u madax bannaanowna markiiba la casilayo.

 

 

Arrintamahaasi oo ah kuwa ugu horreeya ee caalamka u iftiimiyey in Somaliland aanay ka jirin wada lahaansho amma ay jiraan reero dalka Somaliland deggen oo ay arrimahaasi fogeeyeen, isla markaana aanan xilligan aamminsanaynba Somaliland, balse cabudhsan.

 

 

Qodobka labaad.

 

 

Somaliland waxa ay sheegataa in ay tahay waddan Demuqraaddi ah, oo ay doorasho ka dhacdo. Waxana illaa immiga ay sheegtaan in ay afar amma ka badan oo doorasho xor ahi ka dhacday Somaliland, waxana ugu danbeysey doorashadan la yidhi waxa lagu doortay Madaxweyne Muse Bixi. Laakiin beesha caalamka iyo dadka reer Somaliland ee run sheegga ahi ay markhaati ka yihiin in aanay doorashooyinkaasi xor iyo xalaal midna u dhicin, balse la matalay.

 

 

SABABTA AAN SIDAA U LEENAHAY BAL AAN RAACINNO.

 

 

 

Aan soo qaadanno doorashadan u danbeysey, ee la yidhi DIIWAAN GELIN AYAA LA SAMEEYEY. Horta dadka diiwaan gelinta loo sameeyey address ma leeyihiin? ma shaqeeyaan? dalka ma deggen yihiin mise waa muhaajiriin aan ka qorrayn degmooyinka ay ka codaynayaan? Su’aalahaasi oo aan jawaab loo hayn, ayaa ku taabsiinaya in marka la leeyahay diiwaan gelin…..horta la helo dadka la diiwaan gelinayaa ma yihiin dad u bisil diiwaan gelinta, oo shuruudaha diiwaan gelinta buuxin kara. Markaa miyaanay tallaabadaasi ahayn mid daba dillaac la qaadayo oo been cad ah.

 

Arrintaasi marka aad guda gashid, waxa aan ognahay in aan la aqoon dadka is diiwaan geliyey, oo dadka qaar laga soo gurayey Ethopia amma ay dadka qaar  uba dadnaayeen carruur aan qaan-gaadhin amma in badani aanay isba diiwaan gelin.

 

 

Ta kale ee la yaabka lihi waxa weeyi, in la yidhi doorashadani waa mid lagu galayo Biometrics ama waxa afka qalaad loogu yeedho  Retinal scanning oo ah mid isha bu’deeda kamaradi ay qabato qofka odaynayana sidaa lagu garto in uu qofkii yahay iyo in kale. Farsamadan oo aanay weli duwalka horumaray isticmaalin. Somalilandna ay ka ahayd uun borobogaandha iyo wax lagu qaldayey shacabka, balse aan doorashada lagu gelin. Caalamka Somaliland caawiya iyo beesha caalamka ee dawladaha Somaliland oo kale daneeyaana way ka war hayaan.

 

Beentaa aan geedna loogu soo gabban, ee ay dadka qaar contracts ku qaateen lacago aad badanna ka heleen, ayaa noqonaysa waxyaalka aanay Somaliland marnaba ku faa’iidayn, in ay beenaalayaal yihiinna dunida u caddaynaysa.

 

 

Qodobka saddexaad.

 

Waxa dalka Somaliland ka jira, shakhiyaad siyaasiyiin iyo calooshooda u shaqaystayaal ah oo shacabka ku beerlaxawsada Mujaahid, SNM. Ictiraafkii ayaan keenaynaa. Shirkado dekedaha innoo dhisa ayaa lala soo heshiinnay.  Oo haddana ganacsi kale dhan kale laga wato. Qabyaaladda dalka ragaadisayna sii hurinaya. Sicir bararka iyo noloshiina kor u sii kicinaysa, oo dadka qaar sidaa ku lacagaystay,  shacabka intiisa badanina aanay ka war hayn.

 

 

Caalamkuna waxa ay ka warqabaan in aanay Somaliland ahayn dawlad madax bannaan, in ay Somaliland tahay meel kontaynar ku jirta, oo kolba kooxi ay dillaasho, beentoodiina la bartay. Waxase Somaliland lagu ixtiraamaa nabadda ay dadkoodu ku wada nool yihiin, ee aan ka jirin Somalia.

 

 

Laakiin haddii la helo xukuumad danaynaysa dadkeeda, oo hoggaan fiican u noqota dalka iyo dadka la heli karo rajo sidan maanta jirta dhaanta.

 

 

Gaba gabadii.

 

Somaliland maanta ayey ugu daran tahay, waxana ay ku socotaa jidkii ay ku baabi’i lahayd amma ku kala googo’i lahayd. Waayo waxa saaxadda ka sii baxaya, wada tashigii, dul qaadkii iyo qabyaaladdii oo xadhka goosatay, oo aanu reerna reer aamminayn. Xukuumadda jirtaana maaha mid loo siman yahay ama loo soo xulay si caddaalad ah, amma oggol in ay dadka si sinnaan ah wax u wada qaybsadaan.

 

Awdalpress

Ceebaha iyo shaqaaqooyinka durba laga dhex abuuray wasaaradda beeraha ee gobolka Awdal ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Isku duwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Awdal ayaa durba qaylo dhaan iyo cabasho ka soo jeediyey falal argagixiso oo lagula kacay nin ka mid ah shaqaalaha maamulka Awdal. Waxana uu sheegay in falalkaa lagula kacay ay saraakiisha amnigu ku sheegeen in uu xagga sare kaga yimid.

 

 

Waxa weli la sugayaa in ay baarlamaanku ansixiyaan amma diidaan xubnaha golaha wasiirrada ee uu Muse Bixi soo dhisay, laakiin waxa la yaab leh, in wasiirrada cusubi ay shaqadiiba la wareegeen, hawl maalmeedkoodii shaqo ee wasaaraddana ay wadaan. Taasi oo ay shacabku is weydiinayaan sharciyadda ay ku timid.

Awdalpress

Halkan ka daawo Xuutiyiinta oo isu diyaarinaya in ay duqeeyaan Berbera

$
0
0

Awdalpress – London – Jabhadda Shiicada ah ee dagaalka ku baabi’isay Yaman ayaa ku hanjabtay in ay gantaalo la dhici doonto marsada Berbera ee ku taalla xeebta badda cas ee Somaliland.

Somaliland ayaa sannadkan 2017ka horraantiisii heshiis la gashay dawladda UAE, heshiiskaasi oo ah saldhig Mellatari oo ciidammada Emerate ku isticmaalaan.

Awdalpress

Dawladda Somaliya oo si rasmi ah ula wareegtay Maamulka Hawada Somalia oo ay Somalilandna ku jirto. Maxayse Somaliland uga soo horjeedsatay.

$
0
0

Awdalpress – London – Jamhuuriyadda Federaalka Somalia ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay Maamulka Hawada Somalia oo ay Somalilandna ku jirto. Taasi macnaheedu waxa weeyi, Muqdisho oo laga maamuli doono maddaarada Somalia oo Somalilandna ku jirto amma diyaaradaha dul mara hawada Somalia oo Somalilandna ku jirto oo Muqdisho laga maamuli doono.

Laakiin waxa arrintaa aad u diiday maamulka Hargeysa oo xilligan uun ku baraarugay in aanay hawada Somaliland gacanta ugu jirin maamulka Jamhuuriyadda Somaliland.

Awdalpress


Janaral Abdi Qaybdiid Cawaale oo gurigiisii xoog lagu galay. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda weerartay guriga xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo duhurnimadii Sabtida ciidan hubaysan oo loo malaynayo inay kuwa dawladda yihiin ay xoog ku galeen.

 

Burbur loo gaystay guriga Cabdi Qaybdiid

Xilliga weerarku uu dhacay, Mudane Qaybdiid waa uu ka maqnaa guriga, mana jiro wax khasaare nafeed ah oo halkaa ka dhashay.

Xildhibaan Cabdi qaybdiid oo goor dambe saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taliyaha nabadsugidda ee gobolka Banaadir uu ku wargeliyey in guriga ay soo weerareen ‘ciidamo ka amar qaata Iimaaraadka carabta’.

Barta Twitterka ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa iyadana lagu qoray in madaxweynaha Soomaaliya uu taliyaha milateriga ku amray in baaritaan lagu sameeyo dhacdadaas, ayadoo ‘ciddii ku lug yeelatana sharciga lala tiigsan doono’.

Sawirro laga soo qaaday guriga Sen. Cabdi Qaybdiid ayaa muujinaya burbur loo gaystay agabkii guriga yiillay.

 

 

Tix raac BBC iyo Hiiraan.

Awdalpress

Madaxweyne Muusow isma qabato sharciga ayaa cid walba ka sarreeya iyo in wasiirro aanu sharcigu ansixini ay hawshii wasaaradeed maamulaan.

$
0
0

Awdalpress – London – Maalintii hore ee uu Madaxweyne Muse Biixi bannaanka keenay shakhsiyaadka uu u magacaabay dawladdiisa, waxa ka diday dad u hanweynaa ballan qaadkiisii ahaa in uu wax weyn soo wado, filashada shacabkkuna waxa ay ahayd in uu soo xuli doono hoggoomiyayaal miisaan leh, aqoon leh, magac ama maamuus ku leh Somaliland.

 

Markii xigtay, waxaba la arkay wasiirradii oo aanay golaha sharci dejinta ee Baarlamanku aanay ansixin oo haddana la wareegay xafiisyadii iyo sirihii wasaaradaha. kadibna, waxaba lagu baraarugay golihii wasiirrada oo tababar loo furay, muddo afar casho ahna lagu xereeyey meel ka baxsan Hargeysa.

 

Madashii lagu soo khatimayey tababarkaasina, waxa ka hadlay Madaxweynaha isaga oo wasiirada ula dhaqmaya, sidii kuwo aan u baahnayn in qaarkood laba diidaba, golaha sharciga ayaa la idin marinayaa si la idiin ansixiyana marnaba muu odhan.

 

 

Madaxweyne Muse waxa uu ballan qaaday in uu si caddaalad ah u soo dhisi doono dawladdiisa, welina caddaaladdii uu ballan qaadayna saami qaybsigii saxda ahaa kama muuqato, waxana uu sameeyey dawlad aan dheelli tirnayn, oo dhinac ka raran.

 

 

Haddaba inkasta oo ay deg deg tahay in la sugi waayo waxa dhiman, haddana madaxweynaha waxa laga rabaa in uu dadkiisa dhageysto, talo wadaag la yeesho, wixii ka qaldama uu saxo. Sidaasi oo ah habka keliya ee lagu wada noolaan karo, horumar iyo waxa loo socdana lagu gaadhi karo.

 

Laakiin Muuse waa lunsan yahay,  sida ay immiga wax u socdaan iyo rajadii laga qabayna wax badan ayaa is weydaarsan.

 

 

Awdalpress

Somaliland oo laga mamnuucay dabbaal degga sannadka cusub. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Dabbaal degga sannadka cusub ee Miilaadiga ah, oo dunida oo dhan laga soo dhaweynayo, ayaa maanta laga mamnuucay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khalil ayaa amarro ad-adag iyo hanjabaad kagala hor tagey dabbaal degga sannadka cusub ee ka dhacaya caalamka. Si gaar ahna waxa uu u bar tilmaameedsaday dhallinyarada ku nool magaalooyinka Hargeysa iyo Borama.

 

Arrintan oo dhabar jab iyo sumcad xumo ku noqonaysa maamulka cusub ee uu ka madaxda yahay Muuse Biixi ayaa ah mid aad loola yaabay, sababta Sheekha ku kalliftay in uu tallaabadan xag-jirka ah qaadana laga argagaxay.

 

 

Sh. Khalil waxa uu sheegay in ay la dagaallamayaan dhaqan xumada loo keenay dhalin yarada, ee ay sida gaalada iyo Yahuudda u labbisanayaan, u xiiranayaan…..markaa, waa in aan ka digtoonannaa dhaqan xumadaa ayuu Sheekhu hadalkiisii ku soo gaba gabeeyey.

 

Sawirka hoos yaallaa, waa dhalinyaradii oo khasab middi lagaga jarayo timaha dheer ee ay la bexeen….

 

Awdalpress

Dhammaanba dadka shabakadda awdalpress ku xidhan waxan leenahay HAPPY NEW YEAR 2018

$
0
0

Awdalpress – London – Happy New Year 2018, waxan Ilaahay ka baryeynaa in uu sannadka sannadkiisa bash bash iyo barwaaqo iyo farxad innagu gaadhsiiyo.

Dhallinay dammaashaada, oo sannadka cusub ku soo dhaweeya farxad iyo dammaashaad.

Awdalpress

Heestii SANNAD WALLIBA oo aan ku soo dhaweyneyno sannadka cusb ee 2018 ka

$
0
0

Awdalpress – London – Sannad wanaagsan oo khayr leh ayaan Ilaahay baryeynaa.

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live