Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

Sida taban ee loo tafsiirinayo xidhiidhka maamullada Somalida iyo waddammada Khalijka ee ay gacan saarka leeyihiin oo siyaasiyiin dan lihi xilligan ku tilmaameen masiibo in laga hor tago u baahan. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Siyaasiga Faarax Macallin ee reer Kenya, ayaa muddaba qaylo dhaan iyo borobogaan xoog leh ku haya Somalia. Waxanu geed gaaban iyo mid dheerba u fadhiistay sidii ay Somalia mar kale dhulka ugu dhici lahayd. Sidoo kale waxa uu aad uga xun yahay xidhiidhka iyo horumarka ay maamullada Somalidu ka sameeyeen diblamaasiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Haddaba bal nala daawo, sheekadan cusub ee la leeyahay Emerates ka ayaa ka danbeeya fadqalallada Somaliya ka socota iyo sida ay u guud ahaanba waddammada Carabtu ula dagaallamayaan horumarka Somalida amma ay u jecel yihiin dagaal mar waba ka holca Somalida iyo waddammada dariska ah.

Ex-Senotor Farax Macallin marna kama hadlo, xidhiidha dhaqaale amma ganacsi ee dhex mara waddammada Carabta iyo waddammada Kenya, Tanzania ama Ethopia. Waxana la og yahay in waddammada qaniga ah ee Carabtu ay maal-gashiyo iyo ganacsiyo ka wadaan dunida horumartay iyo kuwa soo korayaba. Taasina waxa ay macnaynaysaa in maamullada Somaliduna ay ka mid yihiin kuwa ay la macaamilayaan, qaabka iyo kayfiyadda ay ula macaamilayaanna ay tahay mid waafaqsan shuruucda caalimiga ah.

Awdalpress


Mustafa Martin oo si cilmiyeysan uga hadlaya Maamulka Hawada ee ay Somalia la wareegtay iyo saamaynta weyn ee ay ku yeelan doonto Somaliland.

$
0
0

Awdalpress- London – Waxa dhawaan ay Somalia la wareegtay Maamulka Hawada oo ay muddaba sugayeen, waxana meesha ka baxday rajadii ay Somaliland ku doonaysey in ay qabta dalkeeda maamusho.

Arrintan oo dhabar jab iyo lama filaan ku noqotay maamulka Somaliland. Xilligan u caddaatay in aanay waxba ka qaban karin. Ayaa waxa eegaya aqoon-yahan Martin oo badiba ka faallooda arrimahaasi iyo guud ahaanba siyaasadda Somaliland ee sii foorarta.

Awdalpress

Siyaasi Boobe Yusuf Ducaale oo qaylo dhaan ka soo jeediyey dhallinyarada suuqayda khasabka laga jarayo timahooda. ( Waa arrin laga ilmeeyo….. Boobe…daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Dhawaqa qiirada leh ee uu Boobe kaga hadlay nabsiib darrada xilligan ku habsatay dhallinyarta reer Somaliland, ayaa ka dhawaajiyey tallaabada dhalintii dalka sida khasabka ah timaha loogaga jarayo suuqyada, ee ciidammada Bolisku shaqo uga dhigteen ugaadhsiga timaha dhalinyarada. Halkii dhalinta looga jihayn lahaa.

Boobe ayaa sheegay in ay dhalinta reer Somaliland haysato shaqo la’aan, dhaqaale la’aan iyo daryeel la’aan. Taasina ay kaliftay in timihii iska ciiri kari waayaan ama falalka ammaan darraba uu yimaaddo. Sidoo kale waxa uu si qiira leh uga hadlay hagar daamooyinka ku habsaday dhalinyarada reer Somaliland ee aan xalka loo hayn.

Awdalpress

Madaxweyne Muse Biixi oo fuliyey ballan qaadkiisii ahaa in uu dhallinyarada timaha ka xiiri doono iyo falcelinta dhallinyaradii Bolisku timaha ka jarayey. ( Daawo adaa yaabiye )

$
0
0

Awdalpress – London – Wakhtigii lagu jiray ololaha doorashooyinka ayaa Muse Bixi waxa uu ballan qaaday in uu dhalin yarada timaha ka xiiri doono, xoog ku muquunin doono, oo aan la isku nixi doonin.

Warkaasi oo duuban halkan ka daawo:

Awdalpress

Heestii sannadka cusub ugu xiisaha badnayd Hargeysa ee dhallinyarada reer Somaliland ay Bolisku timaha kaga jarayeen. ( Qosolkii adduunka )

$
0
0

15 Stylish & Trendy Black Men Haircuts In 2017-2018-15 Stylish inside Black Mens Hairstyle – Fade Haircut

Awdalpress – London – Waxan ka xunnahay in uu maamulkii Muse Bixi ee loo hanweynaa illaa iyo immiga ka bixi la’yahay dhalliil iyo ceeb uu la kowsado sannadka 2018. Umana malaynayo in ay joogsanayso dhaleecadaa iyo in wax xun laga sheego, haddii aanu isbeddel deg deg ah ku samayn maamulkiisa uu soo dhisay ee qarbooshka ah iyo falalka aan laga fiirsan ee ay ku kacayaan madaxda ammaanku.

Awdalpress

SHEEKO GAABAN: Caruur waayey hooyadood iyo aabbe gabdh guursaday si uu carruurta hooyo ugu helo.

$
0
0

Awdalpress – London – Film Somaliyeed oo saddex qaybood ah, kana sheekaynaya qiso ka mid ah kuwayawga runta ah ee ka dhex dhaca mujtamaca Somaliyeed, ayaan maanta idiinka soo xullay qolka kaydka.

Halkan ka daawo:

Qaybta kowaad

Qaybta labaad

Qaybta saddexaad

Awdalpress

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo ku hanjabay in aanu biyo u kabbanayn Maraykanka dalkiisana uu dhulka la simi karo. ( Waa cajiib! )

$
0
0

Awdalpress – London – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa sheegey in Mareykanka ay tahay in uu aqoonsado in barnaamijka Nugliyerka ee dalkaasi uu yahay mid dhab ah.

 

 

 

Hadalkiisa sanadlaha ah ee uu jeediyay Isniintii, ayuu Kim ku hanjabay in badhanka Nugliyerka dalkiisa uu ku heysto xafiiskiisa. Waxa uu sheegey in dhammaan dhulka beriga ah ee Mareykanka ay ku jiraan shiishka Nugliyerkooda.

 

 

 

 

Waxana uu yiri “Mareykanku waligooodna ma billaabi karaan dagaal aniga iyo dalkeenna ka dhan ah.”

 

 

 

Waxa uu Kim Jong Un sheegey in dalkiisa uu u babbac dhigi karo han-jabaad kaste oo Nugliyer ah oo kaga timaadda Mareykanka. Waxana uu sheegey in ay heystaan ka hortag Nugliyer oo xooggan kaas oo awood u leh in uu ka hor tago Mareykanka inay ku ciyaaraan dab.

 

Source VOA

 

Awdalpress

Tacsi tiiraanyo leh oo ku socota reer Siciid Qalinle Samatar.

$
0
0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Annaga oo kala ah.

 

  1. Dr. Mohamed Nuh Ali
  2. DR. Sacad Haji Hirsi
  3. Bashir Sh. Omer Goth
  4. DR. Mohamoud Sh. Hassan Tani
  5. Ali Sh. Omer Sh. Muse
  6. Rashid Abdillaahi Qalib
  7. Ex. Wasiir Mohamed Abdillaahi Obsiye
  8. Abdillaahi Ibrahim Fanax
  9. Abdikarim Haji Ibrahim
  10. Ibrahim Aw Ahmed Absiye
  11. Hassan Bile Amir
  12. Abdillaahi Maah.
  13. Abdi Barkhad Ismail
  14. Harawe Sh. Omer Goth
  15. Mustafe Daud Aw Hassan
  16. Mohamed Osman Dhirane
  17. Omer Ismail Sh. Muhumed
  18. Omer Aden Liibaan
  19. Mohamed Aden Egeh
  20. Abdilxamid Sh. Muhumed Farax
  21. Ahmedweli Sh. Omer Goth
  22. Abokor Nuh Ali

Waxan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa reer Siciid Qalinle Samatar meel kasta oo ay joogaan, waxanan ka tacsiyadaynaynaa geerida ku timid wiilkooda Marxuum Cisman Siciid Qalinle, oo maanta ku geeriyooday magaalada Djabouti.

 

Allaha u naxariisto marxuumka, eheladiisiina samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

 

Aaammiin

 


Garab ka mid ah oday dhaqameedyada gobolka Awdal iyo Sheekhul baladka Borama oo booqday Jig jiga. ( Daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Oday dhaqameedyada gobolka Awdal garab ka mid ah, shakhiyaad dalxiil ahaa oo qurba joog ah iyo Sheekhul baladka Borama Sh. Abdillaahi Sh. Ali ayaa maalintii shalay ahayd ka soo laabtay magaalada Jig Jiga.

 

Wafdigan odayada ah ayaa ujeedkoodu ahaa in ay wada xaajood iyo arrimaha cakiran ee gobolka kala soo hadlaan Madaxweynaha degaanka Somalida Ethopia. Laakiin mar ay warsaxaafadeed kaga warramayeen socdaalkoodan, si cad uma ay sheegay ujeeddada socdaalkooda ee xilligan yimid.

 

Dhinca kale waxa wafdiga aan ka mid ahayn salaaddiin miisaan ku leh gobolka amma galbeedka Somaliland oo matala shacab aad iyo aad u luxdan. Sababta ay weli salaadiintu u kala qaybsan yihiinna lama garanayo.

 

 

Awdalpress

Gaashaanle sare Muse Bixi oo durba aad uga walaacsan dawladdiisii uu ku dhisay talo xumada iyo talada nacaska.

$
0
0

Awdalpress – London – Nin weyn oo loo hanweynaa oo durba la hiifay ayuu noqday Madaxweyne Muse Biixi, waxana isa soo taraya wararka sheegaya in uu ku hongoobay talo uu nin nacas ahi siiyey. Waxana immiga la soo sheegayaa in durba uu walaac iyo walal soo food saaray sidii uu dalka u maamuli lahaa.

Muse Bixi oo ay dadku u haystee nin geesi ah, caddaaladdana ku fiican isla markaana dalka ku hoggaamin kara tubta toosan ee loo baahan yahay, ayaa markii ugu horreyseyba waxa uu soo xushay dawlad qarboosh ah oo dhinac ka raran, isla markaana aan u cuntamin shacabka reer Somaliland. Tallaabadan oo ku timid si deg deg ah, ayaa waxa isla markiiba uu ku tallaabsaday in uu Siminaar u furo, si ay wasiirradiisa qaar u bartaan waxa uu ka doonayo, afar casho ayaana la siinayey casharro ku saabsan habka dawladnimo iyo shaqooyinka wasiirka laga doonayo.

Laakiin weli walaacii waa isa soo tarayaa. Madaxweyne Muse Bixi na waxa durba culays kaga yimid dad badan oo wax garad ah, dadkaasi oo ugu baaqaya in uu kordhiyo wasaaradaha, isla markaana wax ka baddal ku sameeyo wasiirrada uu hawsha u magacaabay.

Ku darsoo waxa dalkii durba ka bilowday dhaqankii Talabaan ka iyo Al shabaab, oo waxa la bilaabay in dhallinyartii timaha laga jaro, loo labbisto sidii xagjirka, lagu dhaqmo dhaqanno aan hore loo aqoon.

Dhinaca kale waxa iyana talo lagu siinayaa in uu falalkaasi joojiyo, sidoo kale wasiirrada uu magacaabay hor geeyo golaha baarlamanka, si uu sharcigu u ansixiyo loolana xisaabtamo mustaqbalka iyo immigaba, taasi oo aanu illaa immiga hor geyn. Sababtana aan la garanayn. Balse la leeyahay…..waxba maahine waa ku khasban yihiin in ay ansixiyaan. Xaajadaasi oo u eg SHARCI KA BOOD amma LA JIIFYAANA BANNAAN.

Isku soo wada duuboo, Muse Bixi ayaa la soo sheegayaa in uu ku khal khalay shaqadiisii, meel uu wax ka soo qabtana uu garan la’yahay. Xanaaq iyo hanjabaad ayaanu maalmahan miciinsadaa.

Madaxweyne dhegeyso talada shacabkaaga, laakiin ha qaadan talada NACASKA.

Awdalpress

Kaftanka siyaasadda iyo Muse Bixi oo ay seeftu dul saaran tahay. ( Daawasho wacan )

$
0
0

Awdalpress – London – Major Muse Bihi Abdi oo xilligan ku fadhiya kursiga Madaxweynenimo ee Somaliland, ayaa waxa maamulkiisa dul hoganaya ceebo badan oo ay ka mid yihiin, dhaqankii AL Shabaab iyo Talabaan oo ka bilowday Hargeysa, Qabyaaladdii oo uu si cad ugu dhaqmayo iyo jahawareer ku dhacay maamulkii Somaliland.

Tolkiisii reer magaalkii oo leh BAL NAGALA DURUG WASAKHDA, OO XAAFADDA KA YARA FOGOW…KKKKK

Haddaba Ali Xaraare iyo saaxiibbadii oo innoo soo gudbiya arrimo kuwaasi ku saabsan aan wada daawanno.

Awdalpress

Muse Bixi miyaan u sammirraa mise waan ka samirraa? Miyaan u ducaynaa mise waan habaarraa?

$
0
0

Awdalpress – London – Samirka Allaa inna faray oo waa loo baahan yahay, Musena waa inankeennii ee bal aan u yara samirro, haddii loo caal waayana dee waan ka samraynaa, oo sidii Alla na bado ayaan yeelaynaa.

Laakiin Muse miyaanu tol iyo saaxiib ka naxa lahayn, sida uu wax u wadose miyaa lagu garab joogaa? Mise waa askari Diktaytar ah oo cidba wax kama dhegeysto? Su’aalahaasi waa kuwo dad badani is weydiinayaan, waxase ka jawaabi doona, isaga iyo inta loo maleeyo in ay la taliyaan.

Falalka ugu danbeeyey ee uu ku kacay, waxa ay muujinayaan in uu qabiil u dhurtay, oo weliba uu qabiil hoose u dhurtay, oo uu leeyahay dalka annaga ayaa iska leh, oo cidi nalama laha…..la ogaan doonee!

Kolley shacabku xammil ayey leeyihiin, marka ay intaasi dhaaftana way xisaabtami, inta la isku samrayo ayey talo joogtaa. Balse marka ay talo faro ka haaddo, yaan la kala caban. Somalilandna noqon mayso mid dad gaar ah u adeegta amma loogu adeego.

Dhallinta gobollada darifyada amma kuwa dulman ee gobollada dhexe ee Somaliland ee raba ama u harraaddan in ay dalkooda u shaqeeyaan amma ka shaqaystaan, noqon maayaan kuwo xadhko ku xidh xidhan, kacdoon dhab ah ayaana meel kasta ka qarxi. Rasaas iyo xadhigna waxba ka tari maayo.

Ilaahaysna waxan ka baryeynaa in aanu dalka yar…waa Somalilande, ee rajada badani ka muuqato ka qabto madaxda qabiilka iyo kala fogaynta dadka wadda, Allaha si dhakhsa leh uga qabto. Madaxweynaha dalkana uu Alle ku ilhaanmiyo caddaaladda iyo wax wada lahaanshaha…aammiinta raaciya

Awdalpress

Gaashaanle Muse Bixi Abdi oo kulan uu u qabtay wasiirradiisa ku dhisay guddi u adeega sidii uu dhaqaale deg deg ah u samayn lahaa iyo in isaga uun loo daayo isticmaalka qabyaaladda ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Ninka xilliga ku fadhiya kursiga madaxtooyada Somaliland ( Waa Muse Bixi Abdiye ) ayaa kulan u qabtay wasiirradiisa itaalka daran, aqoonta daran ee uu u isticmaalayo sida shaqaale uu iska leeyahay.

Muse Bixi ayaa sida caadadiisa ah shirkaa ka jeediyey qudbad dheer oo isugu jirta bahdilaad, faan, canaan iyo calool xumo. Waxana uu isla madashii ku magacaabay guddi ka shaqayn doonta sidii ay dhaqaalaha dalka u hoos keeni lahaayeen, Dollarka magaalada uga soo ururin lahaayeen, saxaafaddana ula dagaallami lahaayeen iyo Bahasha qabyaaladda la yidhaana isaga mooyaane uga mamnuuci lahaayeen shacabka reer Somaliland. Waxana shirkii lagu soo gaba gabeeyey sacab iyo heestii Guulwade Muse Bixi.

Awdalpress

Weriye Ducaale oo barnaamijkiisa Xusuus Reeb ku waraystay DR. Mohamoud Sh. Hassan Tani. ( Daawasho wanaagsan )

$
0
0

Awdalpress – London – Barnaamijka Xusuus reeb ee aalaaba ka baxa HCTV ee uu wariye Ducaale soo saaraha ka yahay, ayaa inta badan waxa uu waraysiyo la yeeshaa shakhsiyaadka uu is leeyahay, waxa ay ku suntan yihiin taariikhda ummadda, halganka ummadda amma dadka Ilaahay hibada u siiyey hal abuurka, qoraalka amma fanka kale.

 

Maanta waxa uu Ducale innoo soo gudbiyey waraysigi uu la yeeshay DR. Mohamoud Sh. Hassan Tani oo ah shakhsi mudan in uu ummadda la wadaago, waayihii uu soo maray, taariikhihii uu u soo joogay iyo sheekooyin kale oo xiisa leh.

 

 

Awdalpress

U.S. added 148,000 jobs in December, in lagging finish to year of strong growth

$
0
0

The economy added 148,000 jobs in December after a year of steady hiring, missing expectations for a larger surge of growth, the government reported Friday.

The jobless rate stayed at 4.1 percent last month, the lowest point since 2001, with health care and professional services driving much of the past year’s gains.

Wages, meanwhile, continued their slow climb, rising by 9 cents. That’s a 2.5 percent increase since December 2016 (and still below pre-recession levels).

“It’s certainly disappointing, but we’re still topping off a strong year for job creation, said Mike Loewengart, vice of president of investment strategy at E*TRADE, a financial services company in New York.

Retail lost 20,000 jobs in December, according to the BLS estimate, capping a year of shrinkage in the sector. About 67,000 positions vanished from stores in 2017, compared a stretch of growth (203,000 jobs) in 2016.

“That’s a notoriously volatile number around the holiday season, but it also reflects in part that increasing number of sales are coming from e-commerce and not brick and mortar stores,” said David Berson, chief economist at Nationwide. “That’s part of a longer term decline in that sector.”

Manufacturing, though, saw strong gains (25,000). The industry added 196,000 jobs last year, compared to a loss of 16,000 positions in 2016.

Friday’s numbers on the broader economy missed expectations — analysts had predicted between 200,000 and 250,000 new positions — but they still send a promising message to job seekers: Employers will be increasingly desperate for your applications in 2018.

“There’s almost one job open for every unemployed person,” said Dan North, chief economist at Euler Hermes North America, a credit insurance firm.

There are now six million vacancies in the United States and 6.6 million unemployed people, to be more precise. From January to November, the economy added 1.9 million jobs.

However, companies nationwide keep struggling to fill roles, citing tight labor markets, retiring baby boomers and failed drug tests. Factories, hospitals, contractors and eateries, among other employers, face this trouble.

“Restaurants are finding it extremely challenging to find workers,” Sonia Riggs, president and chief executive of the Colorado Restaurant Association, said in an email. “Many have even eliminated drug testing because finding employees is so difficult.”

Employers increasingly are turning to on-the-job training to find and retain employees — but that could be keeping wages down.

“In manufacturing and metals, especially, employers have been saying to me, ‘I could grow faster if I could find somebody, anybody,’ ” said North, the economist. “They’ll hire whoever they can find, pay them a low wage and train them up.”

Though last year brought what economists see as healthy job growth, it was still below 2016. The average number of jobs employers added each month in 2017 was 173,000, compared to the previous year’s 187,000.

On Friday, the government unveiled its estimate for the year: 2.1 million new jobs arrived in 2017, a slight drop from 2.2 million in 2016.

The U.S. jobless rate dropped faster in 2017, though, and it’s expected to keep shrinking. Roughly 10,000 baby boomers turn 65 each day, and not enough young workers are cycling in to replace them.

One forecast from Goldman Sachs predicted the figure will dip to 3.5 percent by the end of next year, the lowest since 1969.

“Such a scenario would take the U.S. labor market into territory almost never seen outside of a major wartime mobilization,” Goldman Sachs chief economist Jan Hatzius wrote in November.

Economists can’t agree on why wages haven’t lifted with the demand for workers. As paid training spreads and more workers master skills that boost their productivity, paychecks should grow too, as companies compete for workers, said Josh Wright, chief economist at iCIMS, a hiring software company.

“We’ll see more turnover,” he said. “Employers will be poaching more workers, and if workers feel undervalued, thinking, ‘I should have gotten that raise,’ they’re going to make a move.”

That could be especially true in health care, which drove much of the job growth in 2017 and doesn’t appear to be slowing down.

Nurses, physician assistants, home health aides and physical therapists are among the country’s fastest-growing jobs as the population ages.

While manufacturing has enjoyed a four-month growth streak, reaching an eight-year high in November (125,000 jobs), analysts expect the sector to remain a sliver of the economy, compared to service-based work.

The economic data in 2017 sparked bipartisan cheers, but the hiring blitz hasn’t touched every corner of the country. West Virginia, where mining jobs have faded in recent decades, still has one of the highest jobless rates in the country (5.3 percent), and Ohio, which was hit hard by the manufacturing downturn, continues to grapple with a higher-than-average share of unemployed people (4.8 percent).

“We can’t just say everything is roses,” said Robert Frick, corporate economist at the Navy Federal Credit Union.

People in areas where opportunities have declined are showing less desire to pack up and leave. In 2017, only 11.2 percent of Americans relocated, the smallest share since the Census began tracking it in 1948.  Of those who moved, fewer than a fifth said they left for an employment-related reason.

 

The Washing Post

 

Awdalpress


Xaflad lagu taageerayey Madaxweyne Abdi Omer oo Jaaliyadda DDSI ee Kanada ku qabsatay Toronto, kaasi oo daba lagu soo dhaweeyey shirkii magaalada Minneapolis

$
0
0

Awdalpress – London – Xaflad lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada, laguna taageerayey Madaxweyne Abdi Omer Geelle ayaa waxa uu daba socday, shirkii weynaa ee ka dhacay magaalada Minneapolis USA.

 

Xafladdan oo ay ka qayb galeen dad qiima leh, oo isugu jira rag iyo dumar ayaa hadalkoodii sidan u dhignaa.

 

 

 

Awdalpress

Socdaalka Muse Bixi uu Djabouti ku tegey muxuu kaga geddisan yahay socdaalladii Siilaanyo, Rayaale iyo Cigaal?

$
0
0

Awdalpress – Awdalpress – Somaliland maaha dawlad dunidu ictiraafsan tahay, waana dal aan maamulkiisu caddaalad ku dhisnayn, isla markaana ay qabyaalad, maamul xumo iyo musuq maasaq halakeeyey.

Image may contain: 1 person, smiling, standing and suit

 

 

Dhawaan doorashadii la yidhi waxa helay Muse Bixi, 70% reer Somaliland kuma aanay farxin….kumana faraxsana, waxana loo arkay mid boob iyo musuq uu hadheeyey. Xisbiyadii mucaaridkiina waxa khasab ku noqotay in ay natiijadii jujuubka ahayd oggolaadaan.

 

 

 

Haddaba ninkan Muse Bixi ee aan madaxnimadiisa heshiiska lagu ahayn, reer Somalilandna intooda badani aanay oggolayn, ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu socdaal ku tegey dalka Djabouti. Socdaalkaasi oo aan hore loo sii shaacin, ayaa wariyayaasha Muse Bixi ee caydiga ahi ku sheegeen in ay Djabouti casuuntay, laakiin dawladda Djabouti may sheegin in ay casuuntay Muse Bixi iyo in kale, soo dhaweyntiina waxa ay u dirtay wasiir ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Ismail Omer.

 

 

 

Dhinaca kale Djabouti waa dawlad caalamka ka tirsan, oo aan la sinnayn Somaliland, waxana hoggaamiya madaxweyne waaya arag ah, oo dalkiisa dhisay. Beesha caalamkana kaga jira maqaam fiican, oo karaamo leh.

Madaxweyne Ismail Omer Geelle waxa uu jecel yahay midnimada iyo wada jirka Somaliyeed, waxana uu taageero weyn siiyaa dawladda Muqdisho, oo uu ka taageero dhinaca amniga, ciidammadiisuna waxa ay naftooda u hureen, oo dhiig badan u daadiyeen sidii ay u nabadayn lahaayeen Somaliya.

Muse Bixi xukuumaddiisa iyo kuwii ka horreeyey ee Somalilandna waxa ay og yihiin in uu Madaxweyne Isamail marna qarsan mabda’iisa Somalinimo iyo taageerada midnimada Somaliyeed. Sidaasi daraaddeed, waxa ay haddana jecel yihiin in ay xidhiidh la sameeyaan Djabouti, oo isku dhereriyaa sidii ay la mid yihiin.

Haddaba bal aan eegno fikir arrintan ku saabsan oo aan ka hellay barta facebook….

Id Hassan Musa

Djibouti madaxdeedu in ay madaxwayne Somaliland ah dalkooda ku soo dhaweeyaan imika uguma horayso ee bal aan ka yara faaloodo waxa ay ku kala duwanyiin safarkii ugu horeeyay ee madaxwayne Siilanyo Djibouti ku taggay August 2010kii iyo kan uu shalay madaxwayne Muuse dalkaa ku taggay.

Ugu horayn waxa aan dalwadaagtay xasuusinayaa in aanu jirin madaxwayne Somaliland ah oo Djibouti calankiisa u sudhay goobta uu fadhiistay amma gaadhiga lagu qaaday ba. Intay Somaliland jirtay dal qudha ayaa madaxwayne Somaliland ah, waa wakhtigii Siilanyo e, siiyay protocol dhamaystiran. Dalkaasina wuxu ahaa South Sudan oo markii madaxbanaanidooda u wanqalayeen madaxwayne Siilanyo usoo dhaweeyay tabtii ay madaxda dalalka kale ba usoo dhawaynayeen, calankeeniina sudhay madashii ay ka dhacday wanqashu.

Hadeen kusoo noqdo Djibouti, Ismaaciil Cumar Geele madaxwayne Siilanyo safarkiisii ugu horeeyay ee uu Djibouti ku taggo waxa uu ugu yimid diyaarada hoosteeda, shalay na isagoo airport ka jooga ayuu doorbiday in uu iska fadhiyo VIP lounge ka oo uu Muuse Biixi wasiirkiisa ariimaha dibada soo kaxee ku yidhahdo. Maxay ku kala duwanyihiin 2da madaxwayne iyo 2da marxaladood ba.

 

 

 

Ahmiyada kowaad ee Ismaaciil Cumar Geele waa in uu hantiyo maskaxda iyo quluubta madaxda Somaliland si uu danta dalkiisa uga fushado isla markaana dalabaad amma shuruudo adagi xageena uga taggin. Sababta uu Siilanyo diyaarada hoosteeda ugu taggay waxa ay tahay:

 

 

 

1. Siilanyo oo magaciisu waynaa isla markaana mucaaradad adag ku hayay madaxwaynihii uu ka badiyay ee Daahir Riyaale.

2. Ismaaciil Cumar Geele oo aan si fiican uga dharagsanayn aragtida siyaasadeed ee madaxwayne Siilanyo isla markaana ka werwer qabay in uu Cigaal 2aad ku noqdo.

3. Iyo madaxwayne Siilanyo iyo guud ahaan Kulmiye oo Ethiopia isku fiicnayn wakhtigii ay mucaaridka ahaayeen.

 

 

 

2010kii, Ismaaciil Cumar Geele isagoo dhinac na ka werwersanaa waxa madaxwayne Siilanyo kaga soo bixi doona ayuu dhinaca kale na u arkayay fursad qaaliya oo uu Somaliland ku hantiyi karo isla markaana kusoo afjari karo xidhiidhkii xulafaysnaa ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Ethiopia. Werwerka ugu wayn (nightmare) ee Ismaaciil Cumar Geele waa Somaliland iyo Ethiopia oo u heshiiya oo wuxu xasuustaa markii Meles Zenawi iyo Cigaal u heshiiyeen dawladii Somalia ee uu Carta ku dhisay 2000.

 

 

 

Inkastoo Daahir Riyaale, geeridii Cigaal dabadeed, xidhiidh la sameeyay Djibouti hadana muu ka leexan seeskii diblomaasiyadeed ee uu Cigaal dhisay ee xulafaysiga Ethiopia iyo Somaliland. Sidaa daraadeed Ismaaciil wuxu salaxanayay in uu cadkiisa kulaylka kaga goosto aragtidii Kulmiye ee ka fogayd mid qaranimo ee ku salaysnayd ciddii Daahir Riyaale la shaqaysay ba waa cadawgayaga oo wuxu ku guulaystay in uu ka takhaluuso xidhiidhkii adkaa ee Ethiopia iyo Somaliland. Hadalkii uu ka yidhi madaxwayne Siilanyo August 2010kii kulankii ay kula yeesheen Ismaaciil Cumar Geele qasriga madaxtooyada ee dalkaasi waxa uu ahaa:”adigaa noogu dhaw ee gacan naga sii aqoonsiga raadistiisa”. Dhawr todobaad dabadeedna waakii lahaa Ismaaciil “buudhigii bay ka horaysiiyeen faraskii”.

Soo dhawaynta Muuse waxa ay la xidhiidhaa uun siyaasadaa aan kor kusoo sharaxay ee laakiin waxa ay ku kala duwanyiin uun tii Siilanyo, waa isagoo imika Muuse yaqaana kuna kalsoon waxa uu ka filan karo oo aan yacni ka baqayn in uu Cigaal oo kale ku noqdo. In aad xasuusataan mooye Muuse Biixi wuxu la socday waftigii madaxwayne Siilanyo ee ka qayb gallay caaleema saarkii Ismaaciil 2016kii. Madaxwayne Siilanyo waakii la ag-fadhiisiyay madaxda maamul goboleedyada somalia iyo madax dhaqameed markaa Muuse waa nin uu hore usoo tijaabiyay oo kolay airport kaba caga jiid ayuu ku yimid.

Lax walba halka ay is-dhigto ayaa lagu qalaa ee ilaahay madaxdeena haka yeelo kuwo fahamsan siyaasadaha qaran lagu hogaamiyo, kalsoonidana gadhka ha u joojiyo, aamiin.

 

 

Awdalpress

Abdi Good oo maanta oogta ka caddeeyey caddaalad la’aanta iyo nacaybka uu Muse Bixi u caddaystay beelaha darifyada ( Si fiican u daawo adaa yaabiye )

$
0
0

Awdalpress – London – Abdi Good oo StarTV aalaaba ka soo daaya barnaamij uu ku eego luqadda afka- Somaliga oo la yidhaa Isir raaca luqadda, ayaa ka adkaysan waayey caddaalad darrida ka taagan Somaliland iyo Qabiilka kaliya ee isku koobay maamulka iyo talada Somaliland.

 

 

 

Muse Bixi oo laga filayey in uu wax weyn ka beddelo caddaalad darradaasi ayaa sii fogeeyey dadkii dalka la deggenaa, ee ay talo iyo taakulaynba isku lahaayeen, noqdayna kii ugu darraa ee soo mara Somaliland. Waxana ay shacabka reer Somaliland intooda badani kala noqdeen kalsoonidii ugumana yeedhaan Madaxweyne. Waayo ma mudna in loogu yeedho illaa iyo inta uu dariiqa saxa ah ku soo dhacayo.

 

 

 

Gobollada Awdal, Sool iyo Sanaag oo awalba ay dhallinyartiisa wax baratay ay ku shaqo la’aayeen, waxa immiga ku soo beeray Togdheer iyo Hargeysa oo uu dadkeedii kala qaybiyey. Rajadii Somaliland laga qabayna waxa ay ku sii socotaa god madaw. Awdalpress na waxa ay la safan tahay dadka xaqoodii laalan yahay ee Reer Awdal.

 

 

Haddaba Abdi Good maanta taasi ayuu ku soo baraarugay, waxana uu ka hadlayaa sida ay Somalilanda la sheegaa ay u dhigan tahay.

 

 

 

 

 

 

Awdalpress

Nacaybka maamulka Somaliland ee maanta sii xoogaysanayaa muxuu soo wadaa?

$
0
0

 

 

 

 

 

 

 

Awdalpress – London – Farriimaha soo gaadhaya shabakadda awdalpress.com ayaa ah kuwa dhiillo ku ah jiritaanka Somaliland. Waxana cabasho aad u xoog badan laga muujinayaa caddaalad la’aanta, saami qaybsiga beelaha wada dega Somaliland oo aan si siman wax u qaybsan iyo raja xumada Somaliland ee ay beesha caalamku maanta aragtay.

 

 

 

 

Somaliland taariikhdeeda intii ay dhisnayd ma soo marin maamul ka caddaalad xun, ka tayo xun oo ka jahawareer badan ka maanta ka curtay. Ninka odayga ah ee kursiga Madaxtooyada Somaliland cidhiidhsadayna ( Waa Muse Bixiye )  waxa uu bilaabay, aar-goosi keeni kara colaad hor leh, qabiilaysi keeni kara kala qaybsanaan iyo maamul xumo godka ku sii ridda Somalilandda sii dhimanaysa. Waxana ay sidani soo noolaynaysaa AWDAL STATE, XARAKADII SULDAAN WABAR, SSC, KHAATUMO IYO KUWA KALOO BADAN.

 

 

 

 

Codka shacabka ee u badan ka dhallin yarada shaqada la’i, waa mid sheegaya niyad jab iyo jahaweer, oo rajadoodii ku ridday god madaw, waxa ay la il daran yihiin shaqo la’aan amma noloshoodii oo cidhiidhi ku jirta. Kuwa ugu sii daran ee aanu ceella u qodnayn, cidina u maqnaynina waa dhallin yarada gobollada awdal, Sool, Salal iyo Gebilay. Waxase la filayaa in ay dullinimada ka kacaan, ka hadlaan oo ka muddaharaadaan. Somalida ayaa tidhaa NIMAAN HADLAN HOOYADIINA WAX MA SIISO.

 

 

 

Muse Bixi idin maqli maayo haddaydaan dhawaqiinna oo midaysan kor u qaadin. Haddii aad cabsataan amma iska indha tirtaan dhibta idin haysta, cadaadisku waa idinku laban laabmayaa, oo waxa aad ku danbayn doontaan dad gun ah, oo reer reer loo kala jabiyo, lagu dul danaysto. Shaqo iyo wax la mid ahna ha filannina inta aad aammusan tihiin. Ee Musana ku mashquulsan yahay kala qaybintiinna, dhibaatayntiinna ama cadaadintiinna.

 

 

Awdalpress

Dalka Somaliland marka aan kula yeesho taladiisa iyo khayraadkiisa aad maroorsatay ayaan kula difaaci.

$
0
0

Inkasta oo aanu sidiisaba dagaal fiicnayn, oo weliba dhiig sokeeye ayaanu fiicnayn, haddana marka lagu yidhaa DALKA ILAMA LIHID……Waa sida Muse Bixi uu u dhigay,  ee ku cad dawladdiisa ka tarjumaysa……talada annaga uun baa iska leh. Miyaanan anna xaq u lahayn in aan idhaahdo, ‘ waayahaye difaaco oo kuwa aad sadbursiiyaha siisay ha kuu difaaceen.

 

 

Sidaa marka aan leenahay amma aan u fakaraynaa maaha sidii reer Somaliland isku ogaayeen, ee waa sida immiga taagan ee  Muse Bixina ku hoggaaminayo dalka, laguna niyad jabay, in badan oo innaga mid ahna ka fogeysey magaca Somaliland. Ka qoraa ahaana maan garan waayin in aan taageero hadalka Suldaan Saleebaan ee ku qotoma masiirkii aan isla ogayn ee reer Somaliland guddoonsadeen.

 

 

 

Suldaan Saleebaan oo ah oday dhaqameed guun ah, ruug caddaadi ahina waxa uu indhaha iska qabtay dhaqanka Muse Bixi ee isugu jira bahdilka, cadaawadda iyo kala fogaynta reeraha ku bahoobay Somaliland. Sida kale waxa uu Suldaanku og yahay in uu Muse Bixi dadkiisii indhaha ka laliyey oo uu aar-goosi dartii taladii dalka waxba uga siin waayey. Hadalkiisuna waxa uu ciil ku gadhoodhiyey  in badan oo dadkiisa ah, walaalaheenna reer Puntland ah amma in badan  aan ood wadaagta nahay. Somaliland iyo Puntlandna midkoodna maanta uma habboona in uu dagaal ku fakaraan. Laakiin hadalka Suldaanka wax badan ayaa ka run ah oo dad badani la qabaan.

 

 

Dhinaca kale colaadda Somali dhex martaa waa KUGU DHIMAY OO KAA DHIMAY. Labada maamul ee Somaliland iyo Puntlandna midkoodna guul ma sheegan karo, dhallinta isku dhimanaysa amma dhaawacu soo kala gaadhayaana waa mid doqonniimo, waxana fiican in xal la gaadho.

 

 

 

Gaba gabadii, waxa aan soo dhaweynaynaa dhammaanba inta nabadda ka talisa, inta walaalnimada jecel, ee u hiilinaysa nabadda iyo Somalinimada.

 

 

 

Awdalpress

 

 

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live