Awdalpress(Qabridahar) 19 Jan, 2018–Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo xadhiga lagaga jaray jaamacada qabridahar oo ay ka soo qaybgaleen Madaxwaynaaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI dr Dilaaye Gete, wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada JDFI ee dhinaca waxbarashada sare Dr Sameel kiflemadaxwaynaha jaamacada qabridahar mudane Dr yuusuf maxamed masuliyiin isugu jira heer faderaal iyo heer deegaan, hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanka, dufcada 1aad ee waxbarashada ka bilowday jaamacada qabridahar iyo marti sharaf kale ayaa si qurux badan uga qabsoontay madasha shirarka ee jaamacada qabridahar.
Jaamacada qabridahar oo ka mid ahayd 11kii jaamacadood ee dhawaan lagu soo daray jaamacadaha dalka ayaa waxaa dhismaheeda lagu soo gabagabeeyay muda 2 sanadood ah Waxaana si wada jir ah xadhiga uga jaray jaamacada qabridahar maanta Madaxwaynaaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI dr dilaye gete, wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada JDFI ee dhinaca waxbarashada sare samawel kifle.
Haddaba, waxaa ugu horayntii ka hadlay xafladan xadhig ka jarka jaamacada qabridahar madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo ugu horayntii u mahad celiyay dhamaanka masuuliyiinta ,odayaal dhaqameedka deegaanka iyo ardayda dufcada 1aad ee waxka barata jaamacada qabridahar, madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay ahmiyada jaamacadan u leedahay shacabwaynaha itoobiya gaar ahaana bulshada deegaanka madaxwaynaha ayaa sheegay in dalkeena itoobiya wixii ka dambeeyay xiligii maamulkii kaligii taliskii macangaga ahaa uu ka hirgalay hormar laxaad leh oo aan kalago’ lahayn sidoo kale waxa uu tilmaamay madaxwaynuhu in ay maamuladii hore ee wadanka ka soo talin jaray ku guuldaraysteen in ay wadanka ka hirgaliyaan jaamacahado iyo tacliinta sare ee waxbarashada gaar ahaana deegaanka soomalida itoobiya ahaa meelaha aan laga hirgalin habayaraatee xarumaha waxbarashada marka laga beero hal dugsi sare oo ay waxka baran jireen ciyaalka ay dhaleen ciidankii dhargigu
Madaxwaynaha DDSI ayaa intaasi ku daray in dadaalkii dheeraa ee ay sanadihii la soo dhaafay sameeyeen xukuumada faderaalka iyo xukuumada DDSI lagu guulaystay in deegaanka soomalida itoobiya laga hirgaliyo mashaariicaha waawayn ee wax kabadalaya nolosha bulshada kuwaasi oo ay ka mid yihiin jaamacadan maanta xadhiga laga jarayo sidoo kalena la hirgaliyay mashaariico kor loogu qaadayo nolosha bulshada xoolo dhaqatada ahaan jiray lagana dhigayo xoolo dhaqato beeralay si bulshada deegaanka looga saaro saboolnimada islamarkaana loogu biiro wadamada dhaqaala hoodu meel dhexaadka yahay iyada oo laga faa’iidaysanayo khayraadka hidin ee deegaanku hodanka ku yahay madaxwaynaha DDSI ayaa ku booriyay ardayda dufcada 1aad ee hadda waxka barata jaamacada qabridahar, hogaaminta jaamacada qabridahar iyo bulshada agagaarka jaamacada qabridahar ay siwada jirka uga shaqeeyaan kor u qaadista tayada jaamacada qabridahar.
Dhankiisa wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI Dr tilaaye gete oo xafladan ka hadlay ayaa sheegay faa’iidooyinka ay bulshada deegaanka u leedahay jaamacadan qabridahar wuxuuna cadeeyay wasiirku in jaamacadihii kale ee ay isku wakhtiga ahaayeen jaamacada qabridahar ay dib u dhaceen oo ayna wali bilaabin waxbarashadii sanadkan balse in jaamacadan qabridahar xadhiga laga jaro ay ku timiday dadaalka xukuumada DDSI iyo ka go’naanshiyaha ay leeyihiin hogaaminta xukuumada DDSI ay tahay tan suurta galisay in maanta xadhiga laga jaro wasiirka ayaa sheegay in jaamacadan qabridahar ee maanta xadhiga laga jaray islamarkaana bilwoday adeegii bixinta waxbarashada ay tahay mid xaqiijinaysa dadaalka loogu jiro gaadhsiinta adeega waxbarashada dalka iyada oo dhinaca kalena looga faa’iidaysana soo saarida cududa waxbarasho ee deegaanka iyo dalkaba .
Waxaa kale oo ka hadlay intii ay socoday xaflada xadhig ka jarka jaamacada qabridahar madaxwaynaha jaamacada qabridahar mudane Dr yuusuf maxamed oo tilmaamay in dhismaha jaamacada qabridahar ku baxday 740 milyan oo birr wakhti xaadirkana waxka baranayaan 1500 oo arday oo ah dufcadii 1aad ee waxbarashada ka bilowday jaamacada qabridahar kuwaasi oo ka kala yimiday deegaanada dalka islamarkaana ay si diiran u soo dhaweeyeen bulshada ku dhaqan gobolka qabridahar oo soo dhawayn ku caan baxdy.
Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladan xadhig ka jarka jaamacada qabridahar hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanka iyo qaarka mid ah hogaaminta diimaha kala duwan ee dalka itoobiya kuwaasi oo ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee ay jaamacadan u leedahay qaybaha ka duwan ee bulshada deegaanka iyo dalkaba.
Ugu dambayntii jaamacada qabridahar ayaa noqonaysa jaamacadii 3aad ee xadhiga laga jaray 11kii jaamacadood ee lagu daray jaamacadihii dalka waxaana gabagabadii xafladan xadhig ka jarka jaamacada lagu abaalmariyay xafiisyadii heer deegaan,wasaaradaha feer faderaal iyo shirkadii sida hagar la aanta ah uga shaqeeyay hirgalinta dhismaha jaamacada qabridahar..
Kulan balaadhan oo uu kasoo qaybgaley madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, odayaal dhaqameedka deegaanka, odayaal dhaqamedka magaalada qabridahar, Dhalinyarta iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada magaalada qabridahar islamarkaana lagaga hadlayay xadhig kajarka iyo soo dhawaynta ardayda cusub ee jaamacada qabridahar ayaa ka qabsoomay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey.
Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in uu horumarka deegaanka gaar iyo kan magaalada qabridahar ku talaabsatay uu yahay mid aan la dafari Karin oo ay mucaarad iyo muxaafidba qirayaan islamarkaana loo baahanyahay in halkaas lagasii wado. Wuxuuna Madaxwaynuhu intaa kudaray in jaamacadan qabridahar ay tahay mid taariikhi ah oo isbadal horumarineed ku samayndoonta guud ahaan deegaanka gaar ahaan magaalada qabridahar, Iyadoo shacabka qabridahar ay jaamacadan u horseedi doonto waayo aragnimo iyo ilbaxnimo dhinaca isdhexgalka bulshada ah maadaama oo ay jaamacadu qaabilayso arday ka kooban dhamaan qoomiyadaha kala duwan ee dalka. Madaxwaynaha ayaana shacabka ku adkeeyay oo kula dardaarmay inay si hagar la’aan ah usoo dhaweeyaan ulana dhaqmaan ardayda ay jaamacadu qaabishay maadaama oo ay ardaydan tirade badan ay magaalada kusoo kordhin doonaan horumar balaadhan oo kala duwan. Wuxuuna madaxwaynuhu xusay in ay radaydan markii ay imanayeen jaamacada ay la tashadeen waalidoontood islamarkaana ay sidaas ku yimaadeen, Loona baahan yahay in si wanaagsan loosoo dhaweeyo.
Dhankooda waxaa iyana kulankan ka hadalay odayaal dhaqameedka deegaanka, odayaal dhaqameedka mm qabridahar iyo dhalinyarta mm qabridahar ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin xadhig kajarka jaamacadan taariikhi ah ee qabridahar islamarkaa ay si hagar la’aan ah usoo dhawayn doonaan ardayda ay jaamacadu qaabishay ee kakala yimaaday deegaanada dalka.
Ugu danbayn madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa u hoyday magaalada godey ee xarunta gobolka shabeele oo ay wakhti xaadirkan ku suganyihiin.
Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayay oo habeenkii xalay u hoyday magaalada Goday ee xarunta gobolka Shabeele islamarkaana kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Goday ayaa maanta uga kicitimay dhinaca magaalada Raaso ee xarunta degmada Raaso.
Madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa waxay intii ay ku sii jireen socdaalkooda sii booqdeen mashruuca wayn ee waraabka looga faa’iidaysanayo wax soo saarka beeraha ee degmada beer-caano, degmada iimay bari iyo degmada abaaqorow sidoo kale madaxwaynaha ayaa tuulo kasto oo ay sii marayaan kula hadlayay qaybaha kala duwan ee bulshada kuna boorinayay in xooga saaraan wax soo saarka beeraha sidoo kalena ka faa’iidaystaan mashaariicaha ay xukuumada DDSI hirgalisay.
Ugu dambayntii madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa galabta ku dheelmaday magaalada Raaso ee xarunta degmada Raaso madaxwaynaha iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo oo ka qaybgalaya shirwaynaha wadatashiga xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha DDSI oo maalinta barito ah ka furmaya magaalada Raaso ayaa markii ay gaadheen magaalada raaso waxaa halkaasi si balaadhan oo meeqaam sare ugu soo dhaweeyay kumanaan ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Raaso. madaxwaynaha iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa wakhtixaadirkan ku sugan magaalada Raaso.
Cakaaranews