Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

Guddoomiyihii hore ee gobolka Awdal u fadhiyey xisbiga Waddani oo afka furtay, eedana u jeediyey xisbiyada Mucaaridka halka uu Madaxweyne Muse Biixi ku ammaanay mawqifkiisa doorashooyinka.

$
0
0

Awdalpress – London – Siyaasi Abdikariim Maal oo ahaa guddoomiyihii xisbiga Waddani, balse dhawaan xilkaa iska casilay, ayaa eedo kulul u jeediyey xisbiyada mucaaridka….. ee waa sida uu sheegaye carqaladda ku ah doorasho ka dhacda dalka Somaliland.

 

Mudane Maal ayaa saacad ka hor la hadlay Rayo TV oo xaruntiisu tahay magaalada Borama. Waxana uu sharraxaad ka bixiyey arrimaha dhawaanahan ay ku rafteen xisbiyada mucaaridku.

 

Mawqifka Abdikariim ka qabo geeddi socodka xukuumadda Muse Bixi, ayaa safka hore kaga jirta sida xilligan ay u badan yihiin shacabka gobollada galbeedku, waxana muuqata in ay aad u soo xoogaysanayaan taageerada shacabkaasi ay la bar bar joogaan Muse Bixi iyo xukuumaddiisa,  shacabkaasi oo markii hore u janjeedhay dhinaca mucaaridka.

 

 

Awdalpress


Madaxweyne Muse Bixi maxaa seeggan? Muxuuse saxay? Mucaaridka maxaa ka qalday? Maxayse doonayaan?

$
0
0

Awdalpress – London – Jamhuuriyadda Somaliland waa ay da’jirsatay, xukuumadaheedii kala danbeeyeyna waxa ay ku yimaaddeen doorasho aan odhan karro 70% waa lagu qanacsanaa amma sax ayey u dhaceen. 100% la si nabad gelyo ah ayey u qabsoomeen.

 

 

Doorashadii ugu danbeysey ee lagu doortay Muse Bixi waxa ay ahayd tii ugu xanaaqa iyo xag xagashada badnayd, waxana tartanku dhex yaallay saddex xisbi oo cudud ku lahaa dalka. Laakiin ugu danbayn waxa labadii xisbi ee Waddani iyo UCID isla garteen ama go’aansadeen in xisbiga Kulmiye ku guuleystay doorashadii, sidaasina uu Muse Bixi ku noqday madaxweynaha sharciga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

DOORSHADII DABADEED MAXAA DHACAY?

 

Sida illaa maanta muuqata waxa siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo badani abuureen xiisado lagaga soo hor jeedo xukuumadda Muse Bixi. Shirkii loogu magac daray GACAN LIBAAX oo loo tiriyo taageerayaashii WADDANI ayaa qabsoomay. Shirkaasi oo ahaa shir beeleed watay wanaaggiisa iyo dhalliishiisa. Kadib, waxa afka furtay siyaasiyiin, aqoon yahanno iyo wax garad kale oo ku abtirsada taageerayaasha WADDANI.

 

Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ayaa afka furtay, dacaayadana ku furay xukuumaddii Muse ee cusbayd, isla markaana magacyo u bixiyey Muse Bixi iyo xukuumaddiisa, balse aan talo iyo toosin marna ula tegin Madaxweynaha.

 

Muse Bixi waxa uu arrimahaa kaga jawaabay dulqaad iyo in uu gogol u fidiyo cid kasta oo mucaarid ama talo ula socota xukuumaddiisa. Laakiin meelaha ay dhalliishu ay ka jirto in uu gacanta geliyo waa uu ka gaabiyey. Gaar ahaan in uu soo dhiso xukuumad tayo iyo waayo aragnimo u leh dawladnimada iyo aqoonta dunida lagula xidhiidho.

 

 

MAXAA DHALLIIL AH EE KU GADAAMAN MUSE BIXI IYO XUKUUMADDIISA

 

Madaxweyne Muse Biixi dabcan waa bani’aadam oo dhalliil waa yeelan karaa, ceebna maaha in qoraal ahaan iyo si kaleba loogu sheego. Laakiin xaq looguma laha in shakhsiyaddiisa la caayo amma dawladda Somaliland u dhisan la isku dayo in lagu dumiyo amma ammaan darro laga abuuro gobollada qaar.

 

 

 

Col. Muse waxa uu seegay arrimaha ay ka mid yihiin:

 

  1. In uu dhiso dawlad xubnaheedu aqoon sare iyo waayo aragnimo leeyhiin.
  2. Waxa uu ka gaabiyey in uu si dhab ah uga daba tago wixii hore u qaldamay
  3. La xisaabtanka maamulladiisa iyo sixitaanka maamulladiisa ayaa ayaguna ah kuwo buuq iyo carqalad ku ah xukuumaddiisa.

 

 

 

MADAXWEYNE MUSE MUXUU HAGAAJIYEY?

 

Si kooban haddii aan uga jawaabno su’aashaasi, waxa uu dhisay amma uu ku guda jiraa, maamul daadajin, la dagaallanka musuq maasuqa, caddaaladda oo uu awoodda koowaad saaray, in loo sinnaado awoodda dawladda iyo in uu wada tashi la yeesho dadka aqoonta leh ee lexejeclada ka qaba Somaliland iyo wanaaggeeda.

 

 

XISBIYADA MUCAARID MAXAA KA QALDAN?

 

Xisbiyada mucaaridku waxa ay weli ka samri la’ yihiin doorashadii laga badiyey, gaar ahaan xisbiga Waddani. Mar walbana waxa carrabkooda ka dhammaan la’, ereyada cadhadu ku jirto ee ah DOORASHADII XAQ IYO XALAAL midna umay dhicin, WAA LA NA BOOBAY iyo weedho la mid ah. Intaasi waxa dheer af-laago loo adeegsado dhallin yaro social media ha aan kaba seexan oo buun buunisa wax yaalaha ka qaldan Somaliland amma dumin kara xukuumadda Somaliland iyo dacaayado badan oo raqiis ah.

 

Taasi baddalkeedna waxa u qumman in ay hoggaanka xisbiyada mucaaridku talo iyo taageero siiyaan sidii Somaliland wada jir loogu handaafin lahaa, fikirka ummadda loo midayn lahaa iyo wax la mid ah. Arrimaha u bannaan ee ay samayn karaanna waa badan yihiin, xukuumaddu haddii ay taageero noocaasi ah ka heshana waxa iman lahayd in meesha maanta la joogo hore looga socon lahaa.

 

 

Ahmedweli Goth

England

 

 

 

 

Erdogan: Dilka Jamal Khashoggi waa uu qorsheysnaa

$
0
0

Awdalpress – London – Warar aan ka soo xigannay VOA da laanteeda Afka Somaliga oo ku saabsanaa dilkii saxafigii Saudiga ahaa ee Maraxuum Jamal ayaa sheegaya in uu Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan uu maanta shaaca ka qaaday in ay jiraan astaamo xooggan oo muujinaya in dilka suxufigii Sacuudiga ee Jamal Khashoggi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana loo fuliyey “si aad u fool xun”.

 

 

Isaga oo xubno ka tirsan xisbigiisa AKP kula hadlayey baarlamanka, ayaa Erdogan waxa uu sheegay inuusan ku qanacsaneyn sheesgashada Sacuudiga ah ee ah in xubno ka tirsan sirdoonka dalkaas oo kaliya ay ka dambeeyaan dilka.

 

Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay diyaarinta qorshaha dilka billaabeen dabayaaqadii bishii September ka hor inta aan Khashoggi la dilin labadii October.

 

 

 

Hadalkiisa ayaa waxa uu burinayaa kan Sacuudiga ee ahaa in Jamal Khashoggii uu ku geeriyooday dagaal si lama filaan ah uga dhacay qunsuliyadda.

 

 

 

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale dalbaday in 18-ka qof ee Sacuudiga ay sheegeen in dilka loo xiray, lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbul, oo dilka uu ka dhacay.

 

 

 

Erdogan ayaa sheegay inuusan wax shaki ah ka qabin daacadnimada boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis, isaga oo aan sharaxaad bixin.

 

 

 

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in weli aan la aqoon halka uu jiro meydka Jamal Khashoggi, wuxuuna Sacuudiga ka dalbaday inay shaaca ka qaadaan qof Turkish ah oo la shaqeeya, oo meydka qaaday.

 

 

 

Erdogan ayaan khudbaddiisa ku magacaabin Maxamed Bin Salman, oo qaar ka mid ah sharci dejiyayaasha Mareykanka ay dilka ku eedeeyeen, hase yeeshee waxa uu sheegay in Turkey aysan soo xiri doonin baaritaanka kiiska dhimashada Khashoggi, illaa dhammaan su’alaaha taagan laga jawaabo.

Warkan waxan ka soo xigannay VOA
Awdalpress

Maanta nagula raaxaysta codkii macaanaa ee Nimcaan Hillaac iyo heestii Maantana.

$
0
0

Awdalpress – London – Hoobolka codka dahabiga ah leh ee Nimcaan Hillaac iyo heestiisa Maantana aan dhagaha ugu raaxayno.

Awdalpress

Wakiilka Somaliland u fadhiya Maraykan oo soo dhaweyn loogu sameeyey Minnesota

$
0
0

Awdalpress – London – Jaaliyadda Somaliland qaybtooda deggen magaalada ayaa soo dhaweyn ballaadhan u sameeyey Wakiilka Somaliland ee dhawaan loo soo magacaabay dalka Maraykanka mudane Bashir Goth.

 

Soo dhaweyntan oo uu gadh-wadeen ka ahaa Prof. Ahmed Ismail Samatar ayaa sidan u dhacday:

Awdalpress

Warar xiisa leh oo aan la wadaagayno VOA ( Daawasho wacan )

$
0
0

Warara xiiso badan oo ay sii daayeen laanta Afka Somaliga ah ee VOA nala daawada.

Awdalpress

Buuggii Miyi illaa Madaxtooyada ee Xirsi qoray iyo aragtidayda ( Qaybta 1aad )

$
0
0

Afeef:

 

Waxan marka hore ka cudur daaranayaa in aanan weli helin buugga Miyi illaa Madaxtooyo nooc kasta oo uu u qoran yahay….ama ku qoran yahay. Sidaasi daraaddeed, qoraalkaygu ma xanbaarsana faallo aan ka bixinayo asraarta buuggu ka warramayo iyo farsamo ahaan sida uu u qoran yahay.

 

Laakiin hadal haynta buugga oo batay, qaybo ka mid ah oo social media ha la soo geliyey iyo ta qoraalkan igu kalliftay oo ah waraysiga uu Xirsi siiyey HCTV, oo aan u arkay waraysi ay wariyaha iyo Xirsi isku hayeen weerar iyo is-difaac.

 

Hordhac:

 

26kii October 2018, xilli fiidnimo ah ayey ahayd maalinta uu Xirsi soo bandhigay buuggiisan Miyi illaa Madaxtooyo.

 

Madal si weyn u agaasiman, isla markaana uu hal door badani ka soo qayb galay ayaa lagu soo bandhigay. Inkasta oo ay hal door badan iyo mas’uuliyiin hore iyo kuwa immiga joogaaba aanay ka soo qayb gelin. Madashaa iyada ah, waxa ay kulmisay siyaasiyiin hore, oo ay Xirsi Xaaji Ali kala fikir ahaayeen amma ay dadku u arkayeen in ay col yihiin. Siyaasiyiinta farta lagu fiiqayeyna waxa ka mid ahaa Maxamud Xaashi oo ahaa Wasiirkii Madaxtooyada xilligii Siilaanyo ee lagu beddelay Xirsi, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan iyo Ali Marreexaan oo isna loo arkayey in ay siyaasadda aad isaga soo horjeedeen, gaar ahaan xilligii kala guurka siyaasadeed ee doorashada lagu jiray.

 

Dhammaanba siyaasiyiintaa aan magacyadooda soo sheegay, ayaa ah kuwa ay jufo ama degaan ka soo wada jeedaan. Intubana waxa ay Xirsi ku bogaadiyeen buuggaa uu qoray, oo aanu midna akhriyin waxa ku qoran.

 

 

Aragtidayda:

 

Buugga Xirsi intii aan la daah-furin, ee uu social mediaha soo galay, waxa maskaxdayda ku soo dhacaysay, arrimo badan oo aan ku dhu-dhuminayey qaabka uu siyaasigu u qori karo xasuus reebkii noloshiisa iyo shaqadiisa amma inta ku xeeran.

 

Hab qoraalka luqadeed, xaqiiqooyinka buugga ku jira iyo caddaymaha uu raacin karo amma arrimaha xasaasiga ah ee ku qoran buugga ayaan iyana aad uga fekerayey ama u xiisaynayey.

 

 

Balse, daah-furkii buugga ayaan in yar ku niyad jabay. Waayo waxan filayey in Xirsi amma qof uu u igmaday oo buugga soo akhriyey uu sharraxaad ka bixiyo arrimaha qorayaashu niyadda ku hayaan, hase yeeshee waxa xafladdii buuggu ku bilaabantay kuna dhammaatay uun hadallo duur xul ah, kaftan iyo ammaan loo jeediyo Xirsi.

 

 

Ka Ahmedweli Goth ahaan, waxan aamminsanahay in aan ka mid ahay dadkii sababta u ahaa in uu Xirsi buug qoro amma laga qoro siysaasadda uu xilligaa wasiirka ka ahaa. Waxanan maalin maalmaha ka mid ah oo aan u malaynayo in ay ahayd 2011, uu iga soo wacay Hargeysa, 45 daqiiqo ayaanan ka wada sheekaysanay buug aan ka qoro siyaasadda Somaliland, si uu xog ii siiyana aan ku idhi buugga qayb weyn ayaad kaga qorraan doontaa.

 

 

Kadib, fikirka qoraal buug uu qayb ka yahay waa uu soo dhaweeyey, hadalkayagiina waxa markii danbe u batay taariikhdiisii iyo kaalintii uu ku lahaa halgankii SNM, waxanan hadalladiisii ka sii xasuustaa, mar uu iiga warramayey dagaal uu galay, oo bee bee la jiidhsiiyey, balse nasiib wanaag aanay taayirradii bee beegu marin. Ilaahayna badbaadiyey.

 

Xirsi wakhtigaa aad ayaan isugu dhaweyn, mar kasta oo uu London yimaaddana waan is maqli jirray amma kulmi jirray. Aniga uun ima xidhiidhinaye asxaabta iyo macaariifta nin ka war hayana waa uu ahaa. Waxase uu caan ku ahaa shakhsi shaqadiisa jecl amma daacad u ah, oo aad u muuqda.

 

 

Xafladdaa ka dib, waxa aan dhegeystay waraysi uu HCTV la yeeshay Xirsi, waraysiguna waxa uu ku koobnaa uun buugga Miyi illaa Madaxtooyo ee uu qoray, oo ay ku jireen arrimo xasaasi ah. Waxanse ka cudur daarayaa in aanan immiga faalladaydan ku soo bandhigi karin maaddaama aanan buugga helin.  Sida uu waraysiga u bixiyey iyo sida uu buuggu u qorraana ay is khilaafi karaan….wakhtigeeda ayaanan la sugi doonaa.

 

 

Laakiin su’aal uun baan mar walba iska weydiinayey in yar aan ka milicsaday buugga, waraysigiisana aad uga muuqtay, taasi oo ahayd caafimaadka Madaxweynihii Siilaanyo ee uu ku sheegay, “ Muddo bil markii uu Siilaanyo xilka hayey, ayey xaaskiisu iigu yeedhay xaalad caafimaad oo ku soo korodhay Madaxweynaha, taasi oo waa sida uu sheegaye ahayd, in ay Marwo Amina-weris ka shikiday xasuusta Madaxweynaha, isna uu go’aansaday in uu xilka ka dego.” Su’aashayda intaaba igu wareegeysey oo ahayd, in dhakhtar lala tashaday, oo la eegay xaalka Madaxweynaha iyo in kale……Laakiin waxa aan ka shakiyey in aanu Xirsi buuggiisa ku caddayn, in markii Siilaanyo xasuustiisa la dayriyey aan la marin dhakhtar ee la qariyey xaalkaasi.

 

 

Arrinta kale ee la yaabka ila noqotay, waxa ay tahay, tani uu kaga warramay xilligii doorashada, ee qoraal buuggiisa laga soo sawiray aan ka akhristay in maalqabeenka Ina Aw Siciid ku baayacay lacag malaayiin doller ah.

 

Qoraalka buuggan oo dhammaystiran waxan la sugayaa qaybtayda dambe.

 

 

Ahmedweli Goth

Tacsi tiiraanyo leh oo ku socota eheladii Marxuum Abdikariim Abdisalaan Sh. Barkhad

$
0
0

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

 

Ilyas Yusuf Wayrax iyo Ahmedweli Sh. Omer oo ku sugan dalka Ingiriisku waxa ay halkan uga tacsiyadaynayaan eheladii Marxuum Abdikarim Abdisalaan Sh. Barkhad oo kala ah Qoyskiisii, Eheladiisii, Asxaabtii iyo dhammaanba intii ay is yaqaannay marxuumka.

 

Eebbe waxa ay uga baryayaan in uu u naxariisto, qabrigana u waasiciyo Marxuum Abdikariime.

Marxuumka waxa ay ajashu ku heshay magaalada Hargeysa isaga oo subaxdaa ay u qorshaysnayd in uu u safro dalka Maraykanka oo uu deggenaa. laakiin muddo safar gaaban ku joogay magaalada Borama.

 

Marxuumka Jannadii Allaha ka waraabiyo, ehelkiisiina samir iyo iimaan Allaha ka siiyo

 

Aammiin

Ilyas Yusuf Wayrax iyo Ahmedweli Goth


Barnaamij laga diyaariyey taariikhda magaalada Dilla oo kooban iyo horumarka xilligan ka hana qaaday.

$
0
0

Awdalpress – London – Magaalada Dilla oo caan ku ah waxbarashada iyo xoolo dhaqato-beeray, waxa xilligan laga dareemayaa in horumar la taaban karaa uu ka hana qaaday. Laakiin weli waxa ay dhinaca kale tabaysaa, taageero la’aan ay ka tirsanayso dhinaca xukuumadda Somaliland. Hadday noqon lahayd dayac tirka dugsiyada, cusbatalka iyo guud ahaanba adeegga bulshada.

 

Dhinaca kale waxa muddaba magaalada ragaadiyey shakhsiyaad ka hor taagan qurxinta iyo dhismaha magaalada, dadkaasi oo meel kasta oo dan-guud laga dhisayo sheegta, iyaga oo aan warqado sharciya u haysan. Taasi oo ay maamulka degmaduna iska indha tiraan.

 

Laakiin qurba joog badan iyo dadka wax ku haysta dalka ee magaalada u dhashay ayaa mar walba jecel in ay qayb weyn ka qaataan dhismaha magaalada.

 

 

 

Awdalpress

Tacsi tiiraanyo leh oo ku socota reer Nuux Ali Khayre iyo qoyskii ay ka baxday Marxuumad Nimco Nuux Ali.

$
0
0

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Reer Sh. Omer Goth meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxa ay tacsi u dirayaan  qoyskii ay ka baxday Marxuumad Nimco Nuux Ali  iyo reer Nuux Ali Khayre oo ay ka mid yihiin Dr. Mohamed Nuh Ali, Abubakar Nuh Ali iyo Qabuul Nuh Ali oo kala jooga USA, Canada iyo Somaliland.

 

Ilaahayna waxa ay Marxuumadda ugu baryayaan in uu Jannadii ka waraabiyo. Ehelkeediina uu samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Aammiin.

Doorasho aan weli hore loo arag oo ka socota dalka Marykanka. Tartanku ayuu u dhexeeyaa?

$
0
0

Dadweynaha Mareykanka oo aad u kala qeybsan ayaa maanta u kala codeynaya labada xisbi ee Republican ka iyo Democratic ga.  Si ay u doortaan xubno cusub oo aqalka congress-ka ah.

 

 

Natiijada doorashada ayaa beddeli doonta jihada siyaasadeed iyo awoodda Washington laba sano kadib markii madaxweyne Donald Trump uu xukunka qabtay.

 

 

Dhammaan 435-ka xubnood ee aqalka wakiilada ayaa dib loo soo dooran doonaa, halka 35 kursi oo ka mid ah aqalka senate-ka ayagana lagu loolamayo, waxaana taas dheer 36 ka mid barasaabyada gobollada.

 

Codadka ra’yiga dadweynaha iyo dadka siyaasadda taxliiliya ayaa muujinaya in xisbiga mucaaradka ah ee dimqoraadigu uu u muuqado mid la wareegi doona hoggaanka Aqalka Hoose.

 

Xisbiga Jamhuuriga ayaa isku haleynaya in madaxweyne Trump uu kiciyo taageerayaashooda, si ay u sii haystaan maamulka Aqalka Senate-ka oo hadda ay kaga badan yihiin diqmoraadiga 51-49.

26 ka mid ah 35-ka kursi ee Aqalka senate-ka ee lagu loolamayo ayaa waxaa ku fadhiya dimqoraadiga, taasi oo adkeyn doonta rajada dimqoraadiga ee ah inay aqalkaas kala wareegaan Jamhuuriga.

 

Awdalpress

 

Maxay soo kodhin doontaa Ilhan Omer oo ku guulaysatay doorashada ay kaga mid moqotay golaha Congresska Maraykanka

$
0
0

Awdalpress – London – Ilhan Omer oo dalka Maraykan ku soo gashay qaxootinimo, isla markaana ah gabadh xijaaban oo muslin ah, noqotay gabadha keliya ee Afrikan ah ee ka mid noqota golahan hoose ee looga taliyo dalka Maraykan, waxa ay soo kordhisay sharaf iyo il gaar oo ay dadka Maraykanku ku eegaan dadka sinjigoodu yahay Somalida.

 

Sidoo kale gabadha Ilahan waxa ay noqon kartaa siyaasiyad u hadasha dadka Somalida ah iyo kuwa la midka ah amma muslimiinta oo tirsanaya cadaadis. Taasi oo aan awal hore laga dhex helayn golahan congress ka ee dalka looga taliyo.

 

Dhinaca kale waxa ay model amma hormood u noqon doontaa da’ yar badan, oo ku nool Maraykan si fiicanna wax u baratay. Kuwaasi oo iyaguna sida Ilhan u soo xadhko xidhan doona, in ay siyaasadda Maraykan ka qayb qaataan, si ay talada shacabka Maraykan qayb uga noqdaan.

 

Xildhibaanad Ilhan, waxa ay noqotay gabadh fursad u heshay in ay ka mid noqoto aqalka hoose ee dalka Maraykan looga taliyo.

 

 

Awdalpress

Madaxweyne George H W Bush markii la doortay iyo qudbaddii uu dadkiisa u akhriyey

$
0
0

President George HW Bush 

Awdalpress – London – Shabakadda Awdalpress oo malaha wakhtiyadan yaraysay wararkii iyo arrimihii looga bartay, waxa ay maanta dib idiin celinaysaa 30 sano markii la doortay Madaxweynihii Maraykanka George H W Bush iyo qudbaddii uu dadkiisa u akhriyey.

Xilliyada qaar miyaanay habboonayn in aan dib u jalleecno sida madaxda adduunku dadka ula hadasho, ee shacabkuna u dhegeystaan, iyaga oo maskaxda ku haya Madaxweynahani qofka uu ahaa iyo qofka uu noqon doono xilliyada soo socda.

Dhageysiga sidan oo kale ahina waa qiimayn ay ku samaynayaan dhalashadiisan cusub.

Awdalpress

Guddoomiye ku/x golaha shacabka Somaliland Mudane Ahmedyaasiin oo xeerka lagacagaha la isku dhaafsado sharraxaad ka bixiyey

$
0
0

Xeer cusub oo ku saabsan lacagaha sida qaldan loo isticmaalo iyo xawilaaduhu doorka ay ku leeyihiin, ayaa waxa maanta ka hadlay G/X golaha shacabka Somaliland mudane Ahmedyaasiin Sh. Ali Ayaanle.

 

 

Awdalpress

Warbixin kooban oo aan idiinka hayno socdaalka Madaxweyne Muse Bixi uu ku marayo gobollada bariga iyo badhtamaha Somaliland.

$
0
0

Awdalpress – London – Madaxweyne Muse Bixi ayaa usbuucii innaga tegey illaa immaga socdaal ku kala bixiyey gobollada Saaxil, Togdheer, Oodweyne, Sool iyo Sanaag. Intii uu marayey dhulaasina waxa uu la kulmay soo dhaweyn aan caadi ahay, shacabkii uu la kulmayna waxa ay is weydaarsadeen warbaxinno iyo wada tashi jilbaha la is dhigay.

 

Socdaalkan ayaa u quus gooyey shakhsiyaadkii borobogaandaha ka waday media ha iyo mucaaridkii la buun buuninayey. Goob wal oo uu tagana waxa uu Madaxweynuhu dhex joogay oo uu dhex lugaynayey shacabka goobahaasi. Sida, Berbera, Burco, Oodweyne, Laascaanood, Ceerigaabo, Gar’adag iyo tuulooyinka kale ee degaannadaasi. Sidoo kale waxa uu degaannada qaar dhagax dhigay mashaari amma kala qayb galay xaflado Jaamacadeed iyo kulammo horumarineed.

 

 

Awdalpress


Gabdhaha Somaliyeed ee Ingiriiska deggen oo billaabay in ay u tartamaan quruxda gabdhaha dunida. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Gabdhaha Somaliyeed ee ku nool dunida horumartay sida waddammada reer galbeedka ayaa muddo sannado ahba ka qayb gala waxa loo yaqaan moodeelka, fanka iyo siyaasadda. Laakiin immiga waxa ay billaabeen in ay ka qayb qaataan tartanka quruxda gabdhaha ee dunida.

Sida ay caalam badani qireen, waxa dumarka Somalida lagu tilmaamaa kuwo kaalinta koowaad kaga jira quruxda dunida, soo jiidasho badanna waxa ay ka dhex muujiyeen caalamka horumaray.

Haddaba Muna oo ka mid ah gabdha aadka u qurxoon ee ka qayb galay tartanka quruxda dalka Ingiriiska bal nala daawada:

Awdalpress

Gabadh si cajiib ah uga hadashay xaflad aroos oo wiil ay jeclayd uu ku aroosanayey. ( Qoruxda iyo dhiirranaanta hadalkeeda nala daawada )

$
0
0

Awdalpress – London – Gabadh uu wiil jeclaa oo laga hor guursaday iyo wiil ay gabadhi jeclayd oo gabadh kale uga hor martay, waxa ay ka mid tahay nolosha caadiga ah ee maalin walba inna soo hor marta.

 

Laakiin gabadhani waxa ay ereyo ku muujisay sida ay wiilka aroosanaya u jeclayd, balse uu nasiibkiisu noqday in ay gabadh kale is helaan…..cajiib!

 

 

Awdalpress

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Zaylici oo berri Jimcaha ka soo degi doona garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport London.

$
0
0

Awdalpress – London – Madaxweyne u xigeenka Somaliland mudane Abdirahman Zaylici ayaa maalinta barri ah ee ay taariikhdu tahay 30/11/2018, iman doona magaalada London ee carriga Ingiriiska.

 

Mudane Zaylici ayaa booqasho ku imanaya dalka Ingiriiska iyo dalka Belgium. Muddada uu dalalkaa joogo waxa kaga qayb geli doonaa shirar caalami ah iyo shirka ka dhici doona London ee loo qabanayo hawl wadeenno ka tarisan waddammada Yurub.

 

Wararka lagu sheegay saxaafadaha qaar ee sheegaya in M/xigeenka loo diiday in uu ka soo dhoofo Ethopia ayaa ah mid aan waxba ka jirin oo been ah.

 

Awdalpress

Wadaadka Mukhtaar Roobay ee ka soo diga rogtay Al Shaab iyo cidda ka danbaysa xadhiggiisa.

$
0
0

 

 

 

 

 

 

Awdalpress – Copenhagen – Wadaadka Mukhtaar Roobow ee safka hore uga jiray xarakada xag jirka ah ee Al Shabaab, isla markaana sheegata xasuuqyada muddada dheer ka socotay dalka Somalia, ayaa muddo si nabad gelyo ah ugu sugnaa Somalia.

 

Laakiin muuddooyinkan oo gobolkiisa Baydhaba uu ka socday tartanka loogu jiro madaweynaha gobolkaa, ayaa markii uu tartankaa ka soo dhex muuqday, waxa mar keliya lagu baraarugay xadhig soo wajahay, isaga oo ay ciidammo keeneen xabsi ku yaalla Muqdisho.

 

Ciidammada AMISOM oo loo tirinayey in ay wadaadka soo xidheen ayaa iska fogeeyey eedeymahaasi. Waxana warkaa lagu nashriyey bogga BBCda laanteeda afka Somaligu ku leedahay InterNetka.

 

Xigasho BBC Somali:

 

Midowga Afrika ayaa sheegay inay ciidamada AMISOM wax lug ah ku lahayn xarigga Mukhtaar Rooboow iyo Xiisadda ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed toona.

War saxafadeed ay Midowga Afrika maanta soo saartay ayaa waxay ku sheegtay xaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka taagan si dhaw iney ula socdaan wakiilka gaarka ah ee xafiiska guddiga midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) iyo Madaxa Amisom Danjire Fransisco Madeira.

Danjire Madeira wuxuu sheegay iney shacabka iyo saaxibbada midowga Afrikaba uu ku wargelinayo iney xarigga Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur iyo in Muqdisho loo qaadaba ay wax lug ah ku lahayn AMISOM.

 

Awdalpress

Allaha u naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad ayaa maanta ku geeriyooday qarax ka dhacaymaanta magaalada Muqdisho.

$
0
0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Ugu horrayn waxa shabakadda awdalpress.com, ay tacsi u diraysaa eheladii uu ka baxay Marxuum Cawil Daahir Salaad, oo maanta ku gareeyooday qaraxii ka dhacay Muqdisha. Sidoo kale waxa aan geerida Cawil ka tacsiyadaynaynaa ummadda Somaliyeed, gaar ahaan bahda saxaafadda.

 

Warka geerida oo aan ka soo xigannay BBC Somali, ayaa sidan u qorraa:

 

Weriye Cawil Daahir Salaad oo ka tirsanaa Telefishinka Universal ayaa ku dhintay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan shaqaalaha Universal ee Muqdisho oo maydkiisa arkay. Sidoo kale labo ka tirsanaa illaaladiisa ah iyo darawalkisii ayaa la dhintay weriyaha.

 

Image result for cawil daahir salaad

Labo qarax oo gaari loo adeegsaday ayaa saakay kadhacay magaalada Muqidisho. Kan hore ayaa ka dhacay illinka Tiyaatarka Qaranka.

Ugu yaraan 10 qof oo u badan askarta dowladda ayaa ku dhimatay qaraxii koowaad oo ka dhacay bar koontarool oo ku hortaalla Tiyaatarka Qaranka, waxayna u badnaayeen illaalada guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Banaadir Maxamad Tuulax oo marayay meesha uu qaraxu ka dhacay.

Dhaawacyada ay Aamin Ambulance qaadday ayaa la sheegay inay gaarayaan 14.

Qaraxa labaad ayaa qiyaastii muddo soddon daqiiqo kaddib ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon. Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas`uuliyadda qaraxyadaasi.

 

Awdalpress

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live