Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

WAR DEG DEG AH: Ergeygii QM ee laga eryey Somalia oo maanta golaha ammaanka ee QM ka dhegeystay warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Ergeygii QM u fadhiyey Somalia Nicholas Haysom ayaa goor dhaweyd laga dhegeystay hadal dheer oo uu kaga warbixinayey Somalia halka ay marayso, siyaasad ahaan, ammaanka, dhaqaalaha iyo guud ahaanba hannaanka dawladeed ee illaa immiga hagaagay, dhinaca kale waxa uu is dul taagay eedaha lagu soo eryey iyo shaqadii uu hayey intaba.

 

Hadalka Nicholas ayaa loogu magac daray duufaanta siyaasadeed ee Somalia.

Awdalpress


Golaha Ammaanka QM oo weli ka hadlaya arrinii ergeygooda laga caydhiyey Muqdisho iyo qaraxyadii xarunta QM lala beegsaday. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Hore waxa aan idiinku soo gudbinnay warbixin laga dhegeystay ergeygii la eryey, immigana waxan idiin soo gudbinaynaa hadalkiisii oo ay qaar kale la socdaan, halkan ka daawada:

 

 

Awdalpress

Magaalada Garawe oo si toos ah ay uga billaabantay doorashadii guddoomiyayaasha iyo ku xigeennada golaha baarlamanka Puntland. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Wararka maanta waxa ka mid ah maamulka doorshooyinka Puntland oo guda galay habsami u socodkii doorashada Madaxweyne ee dhici doonta 8da Janawari ee sannadkan 2019ka, waxana maanta la billaabay dhismaha cusub ee uu yeelan doono golaha baarlamanka ee soo xuli doona shakhsiga madaxweynaha ka noqon doona dalkaasi.

 

 

Awdalapress

Wararkii maanta iyo arrimaha ugu xiisaha badan. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Maanta oo Axad ah waxa aan idiin soo gudbinaynaa wararkii ugu xiisaha badanaa, oo ay saaka BBC da laanta afka Somaligu sii daysay>

Awdalpress

Carqalad cusub oo xukuumadda Muqdisho ka soo wajahday dhinaca maamulka Puntland.

$
0
0

Awdalpress – London – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inay ku xayiran yihiin wafdi ka socday dowladda Federaalka Somalia, oo lagu waday in ay u anbabaxaan magaalada Garoowe. Si ay ka dawlad ahaan uga qayb galaan doorashada Madaxweyne ee ka dhici doonta Puntland

Waxaa socday dadaallo ay wadeen Isimmada Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan faroole oo lagu doonayay in loo oggolaado wafdiga dowladda Federaalka inay tagaan Garowe, hase ahaatee uu diiday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanayo C/weli Gaas.
Wafdiga la filayay in ay u socdaalaan magaalada Garoowe waxaa ka mid ahaa Wasiirro iyo xidhibaanno ka soo jeeda deegaannada Puntland, iyaga oo halkaa u tagaya ka qebgalka iyo korjoogteynta doorashada madaxwynaha e  la filayo in maalin kaddib halkaa ka qabsoonto.

Todobaadkii hore waxaa ka degay magaalada Garowe Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo laga soo doorto Puntland, kuwaasoo aanan ku jirin xubnaha Wasaaradda Amniga Puntland amarka ka soo saartay.

 

Horay musharixiinta iyo Isimada Puntland  ayaa uga hor yimid go’aanka Puntland ee mas’uuliyiinta dowladda looga mamnuucay Garoowe, hasse ahaateen maamulka ayaa mar kale ku celiyay go’aanka uu arintan ka qaatay.

 

Doorashada Puntland ayaa marka dul-ahaa laga eego la oran karaa waa mid xasaasi ah oo ay ku tartamayaan musharixiin dhowr ah oo dhinacyo kala duwan ku tiirsan, waxaana ka mid ah musahrixiinta madaxweynaha imika tallada haya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo dowladda federaalka u arka in ay dagaal siyaasadeed kula jirto.

Qaramada Midooday iyo shirkoodii ay kaga wada tashanayeen Somalia iyo ergeygoodii la caydhiyey ( Halkana ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London -Golaha ammaanka ee QM ayaa fadhi ay ka yeesheen shaqaaqadii ka soo kordhay Somalia, sidan uga hadlay. ( Warkan oo Live ah ka bogo ).

 

 

Awdalpress

Liiska Musharrixiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen ee Maamul goboleedka Puntland ayaa goor dhaweyd la shaaciyey

$
0
0
Awdalpress – London – War naga soo gaadhay Is-maamulka Puntland, ayaa sheegaya in guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ay goor dhoweyd shaaciyeen xubnaha ku tartamaya xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ee Puntland.
Diiwaangelinta musharrixiinta oo ku ekeyd shanta galabnimo ee Axadda maanta ( 6/01/2019 ) galabta, ayaa ugu dambeyn la shaaciyay xubnaha musharrixiinta noqon doona ee buuxiyey shuruudaha laga rabo musharraxa, isla markaana xilligan is diiwaangeliyey.
Tirada musharrixiinta xilka madaxweynaha u tartamaya ayaa gaadhaya 21, halka 11 musharrax ay u tartamayaan xilka madaxweyne ku-xigeenka.
Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa la qabanayaa maalinta Salaasada ee  bisha Jannaayo tahay 8da. Doorashada ka hor ayaa musharrixiintu baarlamaanka ka hor jeedin doonaan khudbad ama hadal ka tarjumaya sababta ay musharrax walba uu jagadan ugu tartamayo, waxana qudbadahaasi billaabmi doonaan maalinta barrita ah oo ku beegan Isniin.
Waa kuwama musharraxiintu?
Hoos ka akhri musharrixiinta la diiwaangaliyay ee guddiga uu shaaciyay;
Awdalpress

Madaxweyne Muse Bixi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo xoghaya gaashaan-dhigga dalka Ingiriiska

$
0
0

Awdalpress – London – Xoghayaha gaashaan-dhigga dalka Ingiriiska mudane Gavin Williamson iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho gaaban ku yimid Somaliland, waxa ay kulammo yeesheen Madaxweyne Muse Bixi iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda. Waxa kale oo ay wafdigaasi kulmeen saraakiisha ciidammada.

 

Booqashadan xoghayaha gaashaan-dhigga dalka Ingiriiska ayaa daarran arrimo la xidhiidha ammaanka gobolka iyo sidii dalka Ingiriiska iyo Somaliland ay isaga kaashan lahayd sugidda amniga gobolka.

 

Bishii August ee sannadkii hore ayaa xoghayahani uu booqday Muqdisho iyo Kenya, waxana ay madaxda dalalkaasi ka wada hadleen, sidii loo dhisi lahaa ciidan sugi kara amniga. Sidoo kale waxa ay wasiirka gaashaan dhigga Somalia ka wada hadleen, arrimo ay ka mid yihiin AMISOM iyo tababarrada uu Ingiriisku siiyo ciidammada gaarka ah ee Somalia.

 

Awdalpress

 

 

 

 


Barnaamij Siyaasadeedka musharraxa Madaxweyne ee Puntland Dr. Ali Cise Abdi ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalapress – London – Waxa maalintii shalay uu musharrax Ali Cise Abdi oo u tartamaya jagada Madaxweynaha Puntland uu hadal siyaasadeedkiisii ka jeediyey gole ay isugu yimaaddeed inta badan isimmada wax dooranaya, waxana uu halkaa ka jeediyey barnaamij siyaasiyeedkiisii. Sidoo kale waxa iyaguna meeshaa aad uga hadlay taageerayaasha uu ku leeyahay golaha dhaqanka iyo xubno kale oo bulshada ka mid ah.

Dr. Ali ayaa ka mid ah musharrixiinta ugu cad cad, waxana la hadal hayaa in uu ku soo bixi karo doorashadan.

Awdalpress

WAR XIISA LEH: Toos u daawo qudbadaha musharrixiinta Madaxweyne ee Puntland

$
0
0

Awdalpress – London – Maalmahan waxa aad loo xiisaynayaa doorashada berri ka bilaabi doonta Garawe iyo tartanka adag ee ay ku loollamayaan musharrixiinta u tartamaysa jagooyinka Madaxweyne iyo M/xigeen ee maamul goboleedka Puntland.

Maantana waxa bilaabmaya qudbadihii musharrixiinta oo aad loogu kuur gelayo, himilada qof walba uu soo bandhigi doono iyo barnaamij siyaasadeedka musharrixiinta.

Awdalpress

DOORASHADII PUNTLAND: Halkan ka daawo doorashadii oo live ah.

$
0
0

Awdalpress – London – Habeenkii xalay ahayd waxa la soo sheegayey in musharrixiintu lacag ku kala iibsanayeen golaha baarlamanka ee dooranaya Madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soo socota hoggaamin doona maamul goboleedkaasi.

Laakiin Musharraxa Dr.Ali Isse Abdi ayaa mar uu la hadlay saxaafadda ka dhawaajiyey in aanu isagu hayn mid doorashada ku doonaya laaluush.

Awdalpress

Siyaasadda ay xukuumadda Somalia ku faa’iiddaa waa mid noocee ah? ( Barnaamijkan daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Barnaamij laga sameeyey siyaasadda dhex dhexaadnimada ah ee ay xukuumadda Somalia ku faa’iiddo, ayaa sidan u eg. ( Bal nala daawada )

Awdalpress

Siyaasiyiinta Somaliland maxay ka yidhaahdeen doorashada Puntland. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu horreynba ka hadlay doorashada Puntland, waxana uu hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland mudane Danay iyo golaha baarlamanka ee doortay.

 

 

Awdalpress

Madaxweynaha loo doortay Puntland ma hagaajin doonaa xidhiidhka gobolkiisu la leeyahay xukuumadda Muqdisho.

$
0
0

Madaxweyne Siciid Abdillaahi Deni oo ah hoggaamiyaha cusub ee loo doortay Puntland ayaa dad badani is weydiinayaan nooca ay siyaasaddiisu noqon doonto iyo in uu gees iskaga tiirin doono khilaafkii u dhexeeyey dawladda Federaalka ah ee uu hoggaamiyaan Farmaajo iyo in kale.

 

Si kastaba siyaasaddu ha u socotee, waxa laga wada dharagsan yahay in xukuumadda Muqdisho ay u xusul duubayso, sidii ay wada shaqayn fiican ula yeelan lahayd maamul goboleedyada. Oo weliba ay maamul goboleedyadu ugu soo xidhmi lahaayeen dawladda dhexe, sida dalka Ethopia oo kale.

 

 

Farmaajo iyo hannaankiisa dawladnimo ee uu doonayo in uu Somalia ku maamulo muddada uu madaxweynaha ka yahay, ayaa waxa hore uga biyo diiday madaxdii maamul goboleedyada oo ay qaar hawada ka baxeen sida Sharif-kii Baydhaba iyo Abdiweli Gaas oo shalay galbaday, halka la filayo in Madoobaha Kismayana xukunka laga tuuro.

 

Maamulka Koonfur Galbeed waxa dhawaan loo doortay Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) sida laga warqabana waxa uu la socdaa Farmaajo iyo Khayre.  Shalayna waxa saaxadda siyaasadda Punland is keenay Deni oo taariikhdiisu ka geddisnayn Laftagareen.

 

Madaxda maamul goboleedyadu waxa ay quwad ku leeyihiin is bahaysi iyo mawqif mid ah, laakiin haddii mid gees u baxo, waxa iman doonta in cuno qabatay aanu qaadi karin uu kala kulmo xukuumadda Muqdisho. Sidaasi daraaddeed, waxa aan shaki ku jirin in Madaxweynaha cusub ee Puntland aanu ku deg degi doonin amma aanu halkii ka sii wadin khilaafkii u dhexeeyey Puntland iyo dawladda Federaalka ah. Taasi oo ay khasbayso danaha dawladnimo ee Puntland ay ka rabto Muqdisho amma baahiyaha dhaqaale ee dawladda Puntland ay xilligan qabto iyo siyaasadda gobolka oo aan maanta laga jeclayn khilaaf keena ammaan darri, fara isku taag taag iyo kala danbayn la’aan.

 

 

Laakiin dhinaca kale Madaxweyne Deni, waa shakhsi loo tiriyo in uu la socday xisbigii Damu Jadiid iyo mucaaridka ka soo horjeeda Farmaajo. Ka shakhsi ahaanna waxa uu hore ula tartamay madaxweyne Farmaajo. Doorashadii ka dibna, wax soo dhaweyn ah kama uu helin Farmaajo iyo Khayre toona. Balse maanta markii la doortay si weyn ayey madaxda dawladda Federaalku u hambalyeeyeen.

 

Isku soo wada duuboo, waxa natiijada ama jawaabta su’aashan la heli doonaa, marka lagu kala baxo doorashada Kismayo oo iyana dhawaan la qaban doono. Haddii uu Madoobaha Kismayo daaqadda ka baxana, waxa dhici doona in shir ballaadhan oo ay wada galaan maamul goboleedyada iyo dawladda Federaalku wada galaan, shirkaasi oo awoodda lagu saaro doono sidii gacmaha la isku qabsan lahaa, kala danbayntana loo soo celin lahaa.

 

Waxa iyaduna xusid mudan in dhaqankii dawladda Ethopia ee ahayd in madaxda gobollada iyo kuwa Federaalku isku dhaaf dhaafi jireen Addis Ababa uu meesha ka baxay, taasina ay wiiqday awooddii madaxda maamul goboleedyada. Isla markaana ay qasbayso in ay Muqdisho ku xidhmaan.

 

Ugu dambayna, marka maamul goboleedyada Somalia soo kala baxaan, waxa is wajihi doona Farmaajo iyo Muse Bixi oo arrimo badani isaga xidhan yihiin, beesha caalamkuna ay danaynayso sidii ay labada hoggaamiye u yeelan lahaayeen cod mid iyo mawqif mid ah oo ku wajahan siyaasadda mandiqadda amma ay ku wada shaqeeyaan, illaa iyo inta ay labada dal kala baxayaan amma la imanayaan heshiis wada shaqayneed oo ku meel gaadh ah.

 

Ahmedweli Goth

XOGTA SIYAASIGA: Booqashada xoghayaha difaaca ee Ingiriiska uu ku tegey Somaliland iyo xogta ku duugan.

$
0
0

Awdalpress – London – Wararka ugu xiiso badan ee usbuucan, ayaa waxa ka mid ah booqashada aan hore loo sii shaacin ee Xoghayaha Difaaca ee Ingiriisku mudane Gavin Williamson uu ku tegey Hargeysa. Socdaalkaasi oo ujeedkiisa wax badan la iska weydiinayo.

 

Ugu horreyn, booqashda Xoghaye Gavin Williamson ee Somaliland waa arrin culayskeeda leh, hase yeeshee maaha mid ay Somaliland ku casuuntay dalkeeda amma laga soo shaqeeyey. Waxase aan shaki ku jirin in ay sharaf u tahay xukuumadda Somaliland. Maaddaama baryahan danbe loo arkayey in xidhiidhkii caalami ee Somaliland uu hoos u dhacay.

 

 

Dhinaca Somalia oo dad badani fahamsan yihiin in Ingiriisku aanu waxba ka weydiin xukuumadda Farmaajo amma aan lala socodsiin socdaalka Xoghayaha difaaca Britain uu ku tegey Somaliland, ayaa iyana ah mid cid kasta oo u baahataa ay si fudud ku heli karto, balse xukuummadda Muqdisho ayaan illaa iyo immiga ka hadlin. Lagamana yaabo in ay ka hadasho, waayo dawladda Britain waa dawlad lagu yaqaan in aanay sharciga caalamiga ah si fudud uga gudbin, isla markaana ku suntan in ay tahay dawladda koowaad ee ilaalisa nidaamka caalamku heshiiska ku yahay.

 

 

Si kastaba aha ahaatee, waxa iyana aan daah saarnayn, in boqortooyada Ingiriiska oo la daalaa dhacaysa sidii ay uga bixi lahayd ISKU TAGGA YURUB, ay xilligan dawladdeedu ka fekerayso sidii ay saaxiibbo cusub u samaysan lahayd amma saldhigyo uga heli lahayd BAABUL MANDAB iyo badaha geeska. Sidaasi awgeed ayaa xoghayaha difaaca Ingiriisku uu u booqday Somalia bishii August ee sannadkii hore ama Somaliland oo uu booqday usbuucan.

 

 

Xogta runta ah ee booqashadan ayaa inta Somaliland khusaysa loo gudbiyey Madaxweyne Muse Bixi. Wararka kale ee UAE amma Rushka ee lagu lifaaqayo socdaalka Ingiriiskuna waa fikir uu qof qoray, ee maaha mid xaqiiq ah. Inkasta oo quwadaha waaweyni ay u tartamayaan sidii ay saldhigyo uga heli lahaayeen goobaha Statijiga ah ee dunida saddexaad.

 

Gaba gabadii, arrinta caalamku isha ku hayaa waa isbeddelka geeska Afrika ee ka bilowday Ethopia, oo beesha caalamku ay u daba fadhido ra’iisal Wasaare Dr. Ahmed Abiy iyo xukuumaddiisa. Somalia iyo Somalilandna waxa ay qayb ka yihiin sida isbeddelkaasi u saamayn doono geeska. Taasi ayaa ah arrinta ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in la isla fahmo.

 

Ahmedweli Goth


OGEYSIIS MUHIIM AH: Shir ay qabsanayaan Jaaliyadda gobollada Awdal, Salal iyo Gebilay ee deggen dalka Ingiriiska.

$
0
0

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Awdalpress – London – OGEYSIIS hadda soo gaadhay shabakadda wararka ee awdalpress.com ayaa sidan u dhigan:

 

 

 

 

 

 

OGYSIIS KU SOCDA JAALIYADDA GOBOLLADA AWDAL, SALAL IYO GEBILAY EE UK

 

ACWW

Waxa si xushmad leh loo wargelinayaa Jaaliyadda Awdal, Salal iyo Gebilay ee ku dhaqan UK, in ay ka soo qayb galaan shir lagu falanqayn doono isbeddellada siyaasadeed ee ka socda geeska Afrika iyo saamaynta uu ku yeelanayo guud ahaan geyiga Somaliyeed, gaar ahaanna shacabka ka soo jeeda gobollada Awdal, Salal iyo Gebilay. Sidoo kale waxa aad loo lafa guri doonaa, danaha ummadda deegaannadaasi ay wadaagaan iyo sidii ay iyaga oo midaysan u wajihi lahaayeen xaalaadka siyaasadeed iyo mujtamac ee ku gadaaman.

 

 

Shirkaasi waxa uu qabsoomi doonaa taariikhdu marka ay tahay 25/01/2019, oo ku beegan maalin Jimce ah, saacadda uu shirku bilaabmi doonaana waa 18:00 amma lixda galabnimo illaa iyo 22:00 ama tobanka fiidnimo ee saacadda UK.

 

 

Goobta shirku waa:

Capital City Academy

Doly Garden, Willesden

London NW10 3ST

UK

 

Wixii faah-faahin ah ee shirkaa ku saabsan waxa aad kala xidhiidhi doontaan telefoonnada hoos ku qoran

 

  1. 07916420217
  2. 07450364239
  3. 07882207074

 

Awdalpress

Somali Ecological Society Annual Conference draws warmth, energy and commitment to environmental issues in Somalia

$
0
0

Last Saturday, despite chilly weather that differs sharply to those facing the climate in Somalia, the Somali Ecological Society (SES) Annual Conference, at Willesden Central Library, drew warmth, energy and informed commitment from representatives across the Somali community.

 

 

Chair, Mr. Mohamoud Ibrahim warmly welcomed participantsand gave a brief progress report, welcoming feedback throughout the day and encouraging new membership to support its work. The honorary President, Harry Leefe, then gave a brief presentation about the vision of SES and its planned activities in the short and medium termKeynote speeches followed by:

 

 

Ms. Sadiye Musse Ahmed of PENHA(Pastoral and Environmental Network of the Horn of Africa )gave a valued, informed and interesting account of key environmental problems and issues facing the peoplesof the Horn of Africa. Dr Mohamed Abdiraham (Former Director General of Ministry of Livestock) gave report based on his recent visits and Dr Abdirahman highlighted the challenges facing pastoralist and the threats of envinmental degradations.

 

 

Dr. Yusuf Omar Ali, (former Director of Science at Somali Academy of Science and Arts) gave an in-depth presentation on Somalia’s Marine and Coastal Environment, stating that the marine and coastal environment is the least studied part of the Somali environment. He explained the Somali maritime zone is one of the largest in the western Indian Ocean and has one of the most important marine ecosystems

 

 

Mr. Mohamed Ighe, former Wildlife Conservation Officer of the National Range Agency, Somalia,stated thatthe majority of big game (elephants, giraffes, rhinos and zebras) have all unfortunately disappeared. The war forced much of the remaining wildlife of the southern regions to flee to Kenya and Ethiopia. However, their gradual return in recent years indicates a less bleak future for wildlife of Somalia. Unfortunately, Mr. Ighe noted the illegal trade in wildlife became more active with the outbreak of war. Mr.Ighe stated that, through SES, he is trying to contact former wildlife conservation officers inSomalia to set up monitoring posts.

 

Ms. Josephine Mahony (PhD student from Oxford University) presented climate model results illustrating climate and ocean patterns of the Horn of Africa,and potential risk scenariosassociated with climate change. She engagingly summarised global climate and ocean systems that impactthe Somali region with visual animationsShe emphasised some of thelimitations of predictive climate models for the region and then focussed on the potential impact of temperature rise and changing rainfall patterns. She highlighted not so much the extremity of change,but rather the increased potential impact on life in an already semi-arid environment. She noted how little Somalia had contributed to global carbon emissions and stressed its eligibility for international funds for climate mitigation, adaption and resilience.

In conclusion Mr. Harry Leefe presented a proposal submitted to the Princes Trust to carry out a feasibility study on waste disposal in Mogadishu.Mr. Desmond Mahony then facilitated an informed discussion of participant views and priorities, many of whom had held responsible posts in the environment sector, whilst others brought their commitment and passion for a neglected issue that urgently needs addressing in the Horn of Africa to the discussion.

The take home message was that the environment in Somalia urgently needs support and the Somali diaspora has skills and energy to achieve that. 

If you would like to learn more about the work of the Somali Ecological Society please contact Mr. Mohamoud Ibrahim (Chairman), 238 High Rd, Willesden to join the society. Email: somecosoc@gmail.com

 

Suuqa Bakaaraha Muqdisho oo xalay dab qabsaday.

$
0
0

Awdalpress – London – Habeenkii xalay ahayd ayaa dab qabsaday suuqa ku yaalla magaalada Muqdisho. Waxana dabkaasi ku bas beelay dukaanno bacadlayaal ah iyo goobo kale.

 

Suuqan Barkaaraha ee dabku ka qarxay ayaa ah kan ugu weyn magaalada Muqdisho amma ka  mid ah suuqyada ugu waaweyn ee Afrika. Dabka maanta holciyeyna waa kii ugu weynaa ee soo mara.

 

Shacabkii ka ag dhawaa goobaha uu dabku ka dhacay ayaa saxaafadda u sheegay in uu dabku ka billowday goobaha lagu iibiyo dharka loo yaqaan  Who died? ama second hand ka… suuqa Furshaanta. Waxa kale oo ay sheegeen in kooxaha dab damisku ay meelo badan isaga yimaaddeen, ugu danbaystiina ku guuleysteen in ay dabka demiyaan.

 

Awdalpress

 

 

Madaxweynaha dalka Djabouti ayaa maanta qasrigiisa ku qaabbilay wafdi ay hoggaaminaysey wasiirka difaaca dalka Ethopia.

$
0
0

Awdalpress – London – Madaxweynaha Djabouti mudane Ismail Omer Geelle ayaa maanta qasrigiisa ku qaabilay wafdi ballaadhan oo ay hoggaaminaysey wasiirka gaashaan-dhigga Ethopia Marwo Asha Mohamed oo asal ahaan u dhalatay qowmiyadda Afarta ee Ethopia.

 

Wafdigan ballaadhan ee Wasiirka gaashaan-dhigga Ethopia ku yimid Djabuti, ayaa ah kii noociisa ah ee ugu horreyey illaa iyo intii uu Dr. Abiy hogganka u qabtay xukuumadda Ethopia. Waxana labada dawladood ka wada hadli doonaan, arrimaha ammaan ee daarran geeska iyo xidhiidhka dheer ee labada dal.

 

Muddaba waxa gudaha dalka Ethopia ka jiray shaqaaqo keenay gacan ka hadal, oo ay isaga hor imanayeen qowmiyadaha Oromada iyo Somalida ee wada degan Diridhaba, Mooyaale iyo dhul daaqsimeeyada degaannadaasi. Sidoo kale waxa gacan ka hadal dhiig ku daatay ka dhex dhacay qabiilooyin Canfar ah iyo qabiilka Ciisaha ee wada dega degaannada ay wada degaan.

 

 

Awdalrpess

THE REFORMIST SELECTED FOR THE TOP JOB OF SOMALI REGIONAL STATE; MUSTAFA M. OMER: PERSONAL IMPRESSION PART I

$
0
0

It was on Wednesday late August 2018 after we perform Assar prayer when a man whom we prayed together in a small mosque around the Ethiopian Custom Authority of Jigjiga branch area as well as close to my office I used to work, throw some words from his mouth like; Mustafe Cagjer Ayaa loo doortay madaxwaynihii deegaanka. I went back to my office and throw the words like a Reformist is selected for the top job of the region is on the air. Then started to confirm and learnt more about the news. I used the reformist word because, it was the only shoos that was ready to wear in the capacity and what the job required at that time.

 

 

After browsing, listening and calling insiders who were very close in the venue where the news coming intermittently and finaly confirmed the news for good. Mr. President, I am very proud that you have been Selected from millions of able-bodied men and women to correct the slip-ups committed in the past by other leaders, to develop a region that is stunted. I have every courage that you rescued and repaired many things which even was beyond repair like simple Undo point you click. Community waited to receive you in the airport of success that you have landed to congratulate face to face and I was one of that but stacked in the main gate of the Garaad Will Waal Airport at that time. The thoughts and prayers of the community are still with you and wishing you best to continue discharge this big top job that you are selected.

 

 

Before the news of rescue mission came in to air, from the all kinds of the community waiting that day were singing hope songs in Somali music, like ‘’ SIDA BOOGA DHAYIHII WAAN KUGU BOGSOON LAHAA HAD IYO JEER BARIIDADA KAALA MAANAN BAYDHEEN”. Which is very good message who would have fill this capacity. So, that you are healing their wounds and expecting from you that you do nothing that can make the

community to turn around for you their ‘’Bariido’’ in to your Administration you will assemble.

 

 

CELEBRATIONS AT THAT DAY

 

 

“LAMA HELO WADAADAW WAXAAN CIDI KU HAWSHOONE ‘’ was one of the words of the notorious Somali poems narrated by Abdilahi Sulthan(Timacade).

If one wanted a very soft melody should come to his/her ears that day; should have listen the one that, you and the community stacked in the venue skyrocketed by human rights abuses, filled with distress and live in a region that lags were exchanging and the song was like this; Community: WAXAAD IILA BILICTAHY BEERAHA WAJAALOO INTUU ROOB BARQADII DA’AY BALIYADA XAREEDIYO TOGAGII BURQANAYAA. BANJOOGTIIYO UGAADHII BILICDOODU YAABKANA BANDHIGAY SAMEEYEEN TAHAY SANNAD…. BARWAAQA AH, HABURBIRIN WACADKOO HA KABAQAN DHANKAYGEE BUR IGALA CULISIDE HABAYLIHIN KALGACALKEE. Meaning that community were figuring out how they were courageous your arrival will be fill by peace and prosperity in the Region.

 

 

If I guess your answer to the community was like this; BAADIDA QOF BAA JIRA KULA BAAFINAAYOO; IN ILAAH KUU BIXIYANA KAAGALA BAKHAYLEE; HA UMALAYN BAXAAN BAXA BAR-BARKAYGA CAASHAGA INAAN BOOD FURAAYOO ADAAN KULA BALAMAYAA INAAN LABA BOGLEEYIYO…HA UMALAYN BAXAANBAXA BARBARKAYGA CAASHAQA INAAN BOODFURAAYOO ADAAN KULA BALLAMAYAA. Meaning you approved that, how you were not reserved to locate the missed (Baadida) in the first place and safeguarding it no to go out of the yard in bold language and will remain the Mustafe whom they knew in the battle field and equipped with his very sharp pen during that time and not changing when he gets the steering wheel.

 

 

To cut a whole brief about my view how the air looked like that day, I will focus the rest of this letter to my personal impression about the Reformist selected for the top job of the Somali region; Mustafa M. Omer that I intended to share to the audience of this article, no doubt that many of the elite shares with me the same impression and they will measure their sooner or later. It is almost approaching six months since the Reformist came to office and I need to highlight my personal impression during his time in office so far.

 

 

FORMING YOUR CABINET

 

For any government that is assembling its Cabinet members, this stage is the first heavy task that profiled your time in the office and become the main gate of all stockholders to your administration. I know It was at this stage where everyone concerned to the government you assembled envisaged from who you picked as cabinet to surround you in your administration and the useful tool you used as an instrumental ‘’EDUCATION’’ of the defeating backward-looking ideas with better ones and become the real time that we learn more about Mustafe Omer.

 

 

Mr. President, today the harvesting of the Sorghum of what a lot of people expecting so many days, months and even years, that they will cook some day in their already cooking pot and eat with very fresh milk is harvested. In meantime, people expected like this big change, are gathered now in the dining room to eat from the ‘’Xeedho’’ (dish) waited them in a very good-looking traditional Somali House (Laba daryaale) which you have installed its Dhig and Udub meaning the one of the construction material of Somali traditional house, protected from ‘’Xarka and Aboorka’’ meaning the insect that demolishes woods, Cawsalool ( construction material) l and which the sun cannot make out of use and protect the leakage of the water during rainy season and the very beautiful ‘’kabad’’ one of decorations materials in Somali traditional house.

 

 

There is an economic term which says let all other things remain unchanged. Let the equation of power share formula remain unchanged, but I am indebted that you built an administration filled by human intel from elite pool of different clans in the region and create an atmosphere of peace and prosperity without leaving one behind or distrustfully. Moreover; President Mustafa nominated of group of elites for his advisors of different sectors of the government from Humanitarian advisor to Social Affairs to Security and Social and the like. This Advisors he nominated shows that how and the president is far from the ill-fated things of clannish politics and I do agree in these things.

 

 

HEALING THE WOUNDS OF THE COMMUNITY AND TAKING THE REGION FORWARD

 

 

There was a serious human abuse that was shadowed in the air they breathe every day. No doubts that you came to power to heal the wounds of the community who were seeking help to those who added their wounds a salt, not to mention their position of receiving the community as their patient in the first place. The community decided to heal their wounds by themselves and cried like this; RUUX AAN II BEERNAXAYN INTAAN U BAROORAN LAHAA; NAFYAHAY BOGSO OO LADNAW ADIGU BOOGAHAAGA DHAYO the very beautiful lyrics of Ifrah Hargeisa Song. Meaning ‘’ instead you cry in front of day hard cruel atmosphere to heal your wound; you my soul recover and heal your self too.

 

 

Meaning of the above cry, you were one of the community who cried like that and the time that all the souls of the Region waited has come. You Opposed those who remained defiant by the call of their patient. Hope fully you are in the days you supposed to heal the wounds of the Community damaged by the previous regimes. The community are celebrating these days, and seeing sprit of an administration preserved by full of human rights, developed region, engaged citizens and well-equipped hospital to heal their wounds and forwarded the big atmosphere filled by security, peace and prosperity.

 

 

FREEDOM OF SPEECH AND DEMOCRACY IN THE REGION

 

 

Like the women who was sitting in Tahreer Square for almost 18 days and talked to the press (Aljazeera) when Husni Mubarak resigned from top job of Egypt because, of the cause that many young man and women paid their price up to the death and Mursi came to power; said ‘’ Today it is like that I can breathe fresh air for the first time’’ the same applied to all who paid their price in all means that justified ends of their cause that day. And not only the ordinary people

When it comes to Democracy race that started the from the epicenter of the resignation of Former prime minster Haile Mariam from the top job of the Ethiopian Country and started running when when his successor of Prime Minister Abyi Ahmed gets the wheel and matured in the Somali Region when president Mustafa. Like any other time, Jigjig’s

talking point nowadays is Forming political parties, supporting other existing parts and political and civil service reform and this is coming under leadership of President Mustafe as he declared political reform as one of his pledges during his time in the office.

Stay tuned for the next part.

 

Very Best,

Abdiaziz Ali is an Educationalist, Campaigner and Child Right Advocate. Mr. Ali lives Jigjiga, Ethiopia and can be reached thru Abdiaziz172@gmail.com

 

The rights of this article belongs to author

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live