Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

Qawmiyadaha Oramiya iyo Somalidu waa laba walaala ah oo aan kala maarmin, dhibtuse halkay daarran tahay?

$
0
0

Awdalpress – London – Sooyaalku waxa uu sheegayaa in labada qowmiyadood ee Somalida iyo Oromiya ay yihiin dad asal ahaan meel ka soo wada jeeda, waxana afafkooda la isku yidhaa KUSHITIG. Culimada taariikhda luqaduhuna waxa ay sheegaan in ay isku bah yihiin, halka aanu AXMAARIGU  la bah ahayn.

 

Muddooyinkii boqollaalka sano ahayd ee dalka Ethopia ay dawladahu ka jireenna, waxa ay labada qawmiyadood ka sinnaayeen, cadaadis, colaado iyo gumaysi arxan darro ah oo lagu hayey Oromiya iyo Somalida. 50kii sano ee ugu danbeeyeyna waa ay ugu sii darrayd, dhulka hoostiisa ayaana la geliyey.

 

Dagaalkii 77 ee xukuumaddii Siyaad Barre ku qaadday keli taliyihii Mingiste oo ahaa mid uu keenay dhibkii Ethopia ku haystay Somalida iyo Oromiya, ayaa ugu horreysey in ay qawmiyadahaasi madaxa la soo kacaan, laakiin si sidii hore ka naxariis daran ayaa xukuumaddii Mingiste ula dhaqantay. Ugu danbayntiina xukuumaddii Tigranya ayaa madaxa la isku sii geliyey, iyada oo u kala samaysay xuduudo iyo tuulooyin ay fidmo ka dhex abuuranto.

 

Nasiib wanaag waxa maanta dhammaaday dibin daabyadii iyo gumaysigii ay labadaa qawmiyadood muddada qarniyada ah ku hoos noolaayeen. Waxase ay ka dhaxleen dhibaatada hadda degaannadooda ka jirta oo iyana dhakhso u dhammaan doonta.

 

Xukuumadda cusub ee Dr. Abiy ee la timid fikirka cusub ee dhaliyey isbeddelka weyn ee geeska Afrika iyo Afrika oo dhan laga filayo, ayaa labadaa qawmiyadood iyo qawmiyadaha kale ee Ethopia ku dulmanba ugu iftiimaya waa-cusub, oo aan hore loo arag. Fursaddaasina waxa weli la dagaallamaya hadhaagii xukuumadihii dhiigya cabka ahaa ee Ethopia soo maray. Kuwaasi oo hurinaya isku dhacyada qawmiyadaha walaalaha ah.

 

 

Hadal iyo murti, waxa xilligan loo baahan yahay in la gudo galo sidii loo dhammayn lahaa amma shucuubka Ethopia guud ahaanba looga bogsiin lahaa, xanuunkii, xanaftii iyo dhibaatooyinkii ay ka dhaxleen maamulladii Dr.Abiy ka horreeyey.

 

Ahmedweli Goth


Guddoomiye Ku xigeenkii 1aad ee xisbiga mucaaridka Somaliland ee UCID Mudane Buuni iyo hoggaanka sare ee xisbigaa oo xurguf weyni dhex timid. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalrpess – London – Guddoomiye ku xigeenkii UCID Abdinaasir Buuni ayaa xisbigii UCID isaga baxay, kadib markii hoggaanka xisbiguna dhiniciisa sheegay in ay eryeen oo xasaanadda ka qaadeen, iyaga oo sabab uga dhigay in ay u adkaysan waayeen wax ay ku tilmaameen anshax xumo baal marsan sharciga xisbiga. Arrintan oo hadal hayn badan ka dhex dhalisay bulshada reer Somaliland.

Bal haddana nala daawada clip yadan:

 

Awdalpress

Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland oo weerar culus ku haysa xukuumadda Muse Bixi/ Abdirahman Zaylici iyo diimoonaanta saxaafadda dawladda.

$
0
0

Awdalpress – London – Xukuumadda Madaxweyne Muse Bixi iyo Abdirahman Zaylici ayaa ah mid xilligan ku waabariisatay mucaaridad aad u adag oo ay hoggaanka u hayaan saxaafadda iyo qaar ka mid ah hal abuurka reer Somaliland. Sida ka muuqata shaashadaha mareeragana, waxa aad meel walba ka arkaysaa iyada oo hadallo seefa ah iyo clipyo muuqaalla ah lagaga sheekaynayo qalloocyada ka muuqda xukuummadda Somaliland ee xilligan talada haysa.

 

 

Aniga oo aan Muse Bixi iyo Abdirahman Zayli iska ammaanayn, waxa aan aamminsanahay in ay yihiin shakhsiyaad si walba uga daacadsan madaxweynayaashii ka horreeyey, isla markaana doonaya in ay Somaliland u egaato dawlad la wada leeyahay, dawlad xafidi karta ammaanada ummadda iyo dawlad waxqabadkeedu gaadhi karo dalka Somaliland. Laakiin waxa hor yaalla catabado aanu si dhib yar uga gudbi karin, illaa uu sameeyo isbeddel muuqda oo soo jiita shacabka.

 

 

Marar ay shabakadda awdalpress u kuur gashay sababaha ay mucaaridadda intaa la’egi uga hor timiyaaddeen Muse iyo xukuumaddiisa, waxa noo soo if baxday arrimo badan oo aan eeddeeda saarayno xisbiyada mucaaridka, golaha wasiirrada iyo saxaafadda hoos timaadda xukuumadda oo xilkeedii bannaysay.

 

 

Haddaba waa maxay isbeddelka ay Muse iyo Zaylici ku hanan karaan shacabkooda?

 

 

  1. Muse iyo Zaylici waxa ay u baahan yihiin in ay  la tashadaan shakhsiyaal aqoon, karti iyo isku kalsooni leh, oo runta u sheegi kara, halka ay danta dalka iyo ummaddu ku jirtana u tilmaama, oo ka duwan kuwa ay maanta la tashadaan ee duddada u fadhiya, ee aan waaya aragnimo iyo aqoon midna lagu ogeyn.
  2. Muse Bixi Iyo Abdirahman Zaylici waa in ay sameeyaan isbeddel ballaadhan oo golaha fulinta ah, sida Wasiirrada, Agaasimayaasha, Guddoomiyayaasha gobollada iyo madaxda hay’adaha xasaasiga ah. Isla markaasina uu keenaa mas’uuliyiin aqoon, waaya aragnimo, isku kalsooni iyo karti u leh in ay ummadda ugu adeegaan.
  3. Madaxweyne Muse iyo Zaylici waxa looga fadhiyaa in ay daba gal ku sameeyaan hantidii ummadda ee la boobay, sida dhismaashii dawladda, dhulkii ummadda u dhaxaysey iyo hantiyihii kale ee xukuumadihii ka horreeyey ay bililiqaysateen.

 

Haddii uu saddexdaa qodob ay Muse iyo Zaylici si ka fiirsi leh u fuliyaan, waxa aan shaki ku jirin in xukuumadda maanta Somaliland ka talisaa ay hanan doonto quluubta shacabka.

 

Isku soo wada duuboo, Muse iyo Zaylici waa mas’uuliyiin ku-dhac leh, awoodi kara in ay sameeyaan isbeddel ka xoog badan ka maanta ka socda Ethopia, laakiin waxa weli hareeraha ka yaalla kutub faalsa ah, oo ay ku qoran yihiin dastuur dawladeed oo qaldan, shaxda dawladeed ee ku qoranina ay tahay mid qabiil….taasi oo ragaadisay maamulladii hore iyo kani Muse Bixi intaba.

 

Laakiin Muse iyo Zaylici illaa immiga waxa ay ku dadaalayaan ilaalinta hantida ummadda ee sida waallida ah loo boobayey, sida lacagihii loo doonan jiray madaxtooyada, laaluushkii iyo musuq maasuqii. Kuwa immiga ka daba qaylyayaana waa kuwii hore ugu walfay boobkaasi.

 

Horaa loo soconayaa.

 

Awdalpress

 

 

 

 

Baarlamanka Somaliya oo fasaxay qoondada miisaaniyadda ciidanka.

$
0
0

Awdalpress – London – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegey in la fasaxay qoondada uu ciidanka ku leeyahay miisaaniyadda dowladda xili wali xildhibaanada ay ka doodayaan miisaaniyadda guud ee sannadkan oo ay soo gudbisey wasaaradda maaliyadda.

 

 

Mahad ayaa sheegey in go’aankani ay gaareen guddiga joogtada ee baarlamaanka oo ka kooban guddoomiyeyaasha iyo ku xigeenada 15-ka guddi ee baarlamaanka leeyahay iyo guddoonka baarlamaanka. Waxa uu intaasi ku daray in go’aanka loo gaaray si buu yiri aysan u hakanin xuquuqda ciidamada.

 

 

Miisaaniyadda uu soo gudbiyey wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa muran badan ka dhex dhalisey baarlamaanka, iyada oo wasiirka la weeydiiyey su’aalo badan oo la xiriira sababta qoondada maamul goboleedyada ay u kala badantahay.

 

Maalinta sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 5ta bisha Agoosto 2019ka, ayaa dib loo furayaa ka doodista miisaaniyadda oo sidoo kale hore u soo martay dhagaysi dadweyne markii ugu horeysey.

 

Dhagaysiga dadweynaha ayaa waxaa xitaa kasoo qeybgalay dadka naafada ah, iyo waliba dadka ka shaqeeya adeegyada caafimaadka oo iyagu sheegey in dumar badan ay u dhintaan umul raac la’aanta adeegyada caafimaadka awgood.

 

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa geli doona fasax kooban marka la gaaro 15-ka bisha Agoosto, kaasi oo la xiriira gudashada waajibaadka xajka, intaasi waxa ka horeeyana waxaa la doonayaa in la ansixiyo miisaaniyadda.

 

 

Miisaaniyadda ay soo gudbisey wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa markii ugu horeysey ka muuqda qoondo loogu talogalay maamul goboleedyada lixda ah ee dalka ka jira ee kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo maamulka gobolka Banaadir.

 

xuquuqda warkan waxa iska leh BBC Somali

 

Awdalpress

Pictured: The moment lone hero SAS trooper stormed into Kenyan hotel and exchanged fire with Islamist terrorists who slaughtered 21 – then helped free terrified survivors

$
0
0

This is the moment a lone hero British SAS trooper stormed into a luxury Kenyan hotel and exchanged fire with Islamist terrorists who slaughtered 21 people.

The off-duty Special Forces warrior, wearing combat gear over casual jeans and a purple shirt, was captured on camera entering the complex in Nairobi and then emerging with terrified survivors.

His face largely concealed by a balaclava, the unnamed soldier used a modified colt Canada rifle and carried a Glock 9mm side weapon as well as a knife for hand-to-hand combat.

He is understood to have been out shopping in the city when he heard about the attack and kitted up with equipment in the back of his car before heading to the scene to ‘organise the entire operation’. Insiders say there is ‘no doubt’ his actions saved lives and he was hailed for his bravery last night.

Tuesday’s terror attack saw five gunmen kill 21 people, including British charity executive Luke Potter and 41-year-old U.S. businessman Jason Spindler, after detonating car bombs outside.

More than 700 people were evacuated from the complex during the 20-hour siege, however some 50 people believed to have been in the building at the time of the attack are still unaccounted for, according to the Kenya Red Cross.

 

 

 

 

AWdalpress

Dhibaato aad u xooggan oo la filayo in ay soo wajahdo Somalida ku dhaqan Kenya

$
0
0

Awdalpress – London – Kabid weerarkii axmaqnimada ahaa ee kooxda Al Shabaab ay ku qaadday Hotel five Star ah oo ku yaalla magaalada Nairobi, ayaa waxa laga cabsi qabaa in shacabka Somalida ah ee dalka Kenya ku nool ay dhibaatooyin ka soo gaadhaan.

 

Weerarkan oo ay dad badani ku dhinteen, ayaa waxa cadho aan xad lahayn ka qaaday xukuummadda iyo hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya. Waxana ay durba billaabeen in ay suuqyada ka ururiyaan dad aan danbi lahay.

 

Dhaqanka iyo falalka aarsiga ah ee ay xukuumadaha Afrikaanka ahi kula dhaqmaan shacabka, gaar ahaan xilliyada ay argagixisadu wax yaallo geystaan amma laga hor yimaaddo xukunkooda ayaa ah fafal ka baxsan bani’aadamnimada. Tallaabooyinka aarsiga ah ayaana sababa in xaaladaha qaar ay ka sii xumaadaan.

 

Sidaasi daraaddeed, waxa shacabka Somalida ah ee Kenya looga baahan yahay in ay si midaysan oo taxaddir leh uga foojignaadaan dhibaatooyin kaga yimaadda dhinaca hay’adaha amniga.

 

Awalpress

Operative of Turkey’s spy agency M?T sent $600,000 to al-Shabab in Somalia

$
0
0

 

Turkey’s National Intelligence Organization (M?T), led by a pro-Iranian Islamist figure, delivered hundreds of thousands of dollars to the al-Shabab terrorist organization in Somalia through a former Gitmo detainee.

 

 

The transfer of the funds was picked up by the US government, which alerted Turkish authorities and asked for an investigation into the network that enabled the funding of al-Shabab. Yet the Islamist government of President Recep Tayyip Erdo?an hushed up the probe that was launched after the notification from the office of the Under Secretary for Terrorism and Financial Intelligence, which was led by David S. Cohen at the time.

 

 

According to information incorporated in the indictment file in the case of Russian Ambassador Andrei Karlov, who was gunned down on Dec. 19, 2016 by Turkish al-Qaeda-linked police officer Mevlüt Mert Alt?nta? in the Turkish capital of Ankara, the government claimed it found no evidence of such a transfer. The indictment, submitted to the court on Nov. 23, 2018, stated that Cohen’s office conveyed information showing that 37-year-old Turkish national ?brahim ?en was involved in the transfer of $600,000 to al-Shabab in September and December 2012. The Erdo?an government claimed the Financial Crimes Investigation Board (MASAK), a government agency operating under the Ministry of Finance and Treasury, which is led by Erdo?an’s son-in-law Berat Albayrak, found no evidence to support this transfer.

 

 

It is clear that the Erdo?an government wanted to hush up the probe into ?en, who was employed by the Turkish intelligence agency to move jihadists back and forth into Syria, according to the investigation file that was made public in January 2014. ?en, a convicted al-Qaeda terrorist, was detained in Pakistan over al-Qaeda links and transferred to Guantanamo, where he was kept until 2005, before US officials decided to turn him over to Turkey. According to the investigation file in Turkey, he had been working with Turkey’s M?T since the Syrian crisis erupted in 2011. Apparently due to his political cover from the government and a secret contract with M?T, ?en was saved from legal troubles. He was arrested in January 2014 and indicted in October 2014 but let go at the first hearing of the trial in October 2014. He was again arrested in 2018.

 

 

The government dropped the 2014 investigation and sacked police chiefs, prosecutors and judges who were involved in the investigation, prosecution and trial of ?en and his associates. Wiretaps obtained by prosecutors under court order exposed ?en’s links to the Turkish intelligence agency. Investigators believed that ?en used several front NGOs including the Foundation for Human Rights and Freedoms and Humanitarian Relief (?nsan Hak ve Hürriyetleri ve ?nsani Yard?m Vakf?, or IHH) to conceal illegal shipments to jihadists in Syria. Three people identified by the police as partners of ?en in smuggling goods to Syria are Ömer Faruk Aksebzeci (who works out of the IHH Kayseri branch), Recep Çamdal? (a member of the IHH in the Kayseri branch) and ?brahim Halil ?lgi (who works out of the Kilis IHH branch). The transcripts of wiretaps between ?en and these operatives showed how they planned to use ambulances to transport goods to jihadists when the governor prohibited pick-up trucks from crossing into Syria.

 

 

?en’s brother Abdulkadir was also listed as a suspect in the al-Qaeda case but was freed as well. He is known to be the author of books that led many young people in Turkey to radicalize. The Karlov indictment shows Abdulkadir met the Russian ambassador’s killer in person and that the gunman bought his books. Yet Turkish prosecutor Adem Ak?nc? brushed aside the connection of the Turkish al-Qaeda network to the assassin and discounted significant evidence in the case file about how al-Qaeda operatives helped steer the assassin into killing the Russian envoy in order to exact revenge for an intensified Russian aerial campaign against jihadist groups in Syria at the time.

 

 

The Karlov indictment file also revealed that security officials who worked in the British and French embassies in Turkey asked their Turkish counterparts in 2014 to share information about the ?en brothers, saying that their governments would apply to the United Nations 1267 Sanctions Committee based on the intelligence that jihadists who might be returning to their home countries were involved with the ?en brothers. The Turkish government claimed that MASDAK did not find any trace of the $600,000 to al-Shabab, as if  MIT and al-Qaeda would use the banking system to transfer funds to a terrorist organization. This excuse is an insult to our intelligence given the fact that even development aid provided to the Somali government by the Erdo?an government was transported in bags of cash on Turkish Airlines.

 

 

Erdo?an has shown a great interest in Somalia since 2011 and ordered the construction of Turkey’s largest embassy compound in Mogadishu while building a military training center and military school. His associates secured the operating rights of both the airport and port facilities. He had appointed Cemalettin Kani Torun, a staunchly Islamist doctor, as a non-career ambassador to Mogadishu in 2011. According to Turkish government insider Fuat Avni, Kani funneled millions of dollars to Erdo?an’s business associates while he was there, until 2014. He also secretly met with al-Shabab terrorist leaders and sold them arms. Kani was rewarded for his services by Erdo?an, who appointed him chief advisor in 2014 and made him a deputy in parliament a year later.

 

The source of this news belongs to Nordic monitor.

 

Awdalpress

Qatar oo gaadiid dagaal ugu deeqday dowladda Soomaaliya

$
0
0

Awdalpress – London – Dowladda Qatar ayaa ku wareejisay Wasaarradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya tiradii ugu badneyd gaadiidka dagaalka.

Ilaa 68 gaadiidka gaashaaman ah ayeey dowladda Qatar ku wareejisay dowladda Soomaaliya waxaa ay gaadiidkan ugu talagashay in ciidamada militariga dowladda Soomaaliya isticmaalaan xiliyada ay jiraan dagaallada.

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa gaadiidkaan waxaa lagu  wareejiyay taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Indhoqorshe,  waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa Wasiirka difaaca Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka socday dowladda Qatar ayaa sheegay in Gaadiidkan  loogu tala galay in Ciidanka xoogga ay kula dagaallamaan dagaalyahanada  Al-Shabaab, waana nooca ay adeegsaddaan Ciidanka AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jirta dagaalyahannada Ururka Al-shabaab waxaana muuqata in ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa militariga u baahnaayeen in ay helaan gaadiidkan oo kale oo ka caawin doona dagaalka ay kula jiraan  xoogagga Al-shabaab.

Xuquuqda warkan waxa iska leh HOL

Awdalpress


Wararka maana naga soo gaadhay Mudisho illaa Kismayo. ( halkan ka akhriso )

$
0
0

Gaadhi walxaha qarxay siday oo Kismayo lagu qabtay iyo dagaallo jiiddaasi ka dhacay.

 

Al Shabaab ayaa saakay weerar xoogan oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana deegaankaasi ka dhacay dagaal aad u xoogan.

 

Weerarka Al Shabaab ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay xero ay ciidanka dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland ka degnaayeen deegaanka Baar Sanguuni.

 

Dagaal xoogan oo saacado socday ayaa dhex maray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al Shabaab , waxaana labada dhinac lasoo sheegayaa in khasaaro xoogan uu kasoo gaaray dagaalka.

 

Sargaal katirsan ciidanka dowlada oo ku sugan Baar Sanguuni ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa uuna sheegay sargaalkan in Al Shabaab weerarkaasi ku fashilmeen khasaaro xoogana uu kasoo gaaray.

 

Dhinaca kale ciidamada Jubbaland iyo kuwa Milatariga ayaa deegaanka Baar Sanguuni ku qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu qarxiyo buundada dhax marta deegaankaasi.

Al Shabaab ayaa saakay weerar xoogan oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana deegaankaasi ka dhacay dagaal aad u xoogan.

Weerarka Al Shabaab ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay xero ay ciidanka dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland ka degnaayeen deegaanka Baar Sanguuni.

Dagaal xoogan oo saacado socday ayaa dhax maray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al Shabaab , waxaana labada dhinac lasoo sheegayaa in khasaaro xoogan uu kasoo gaaray dagaalka.

Sargaal katirsan ciidanka dowlada oo ku sugan Baar Sanguuni ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa uuna sheegay sargaalkan in Al Shabaab weerarkaasi ku fashilmeen khasaaro xoogana uu kasoo gaaray.

Dhinaca kale ciidamada Jubbaland iyo kuwa Milatariga ayaa deegaanka Baar Sanguuni ku qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu qarxiyo buundada dhax marta deegaankaasi.

Gaarigan la qabtay oo nuuciisi ahaa Prado Landcruiser ayaa miyaaradaha ,lugaha iyo qeybta motoorka looga soo xiray jaqafyo la sheegay in ay ahaayeen buruuf si aysan xabado hadii lagu soo rido u karin.

Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka jirta deegaanka Baar Sanguuni oo saakay dagaal xoogan ka dhacay, Al Shabaab ayaana dhankooda guulo ka sheegtay weerarka ay saakay ku qaadeen deegaanka Baar Sanguuni.

 

Mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Howl-wadaag iyo Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay Muqdisho

 

Rag hubeysan ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dilay magaalada Muqdisho mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Howl-wadaag iyo Nin dhalinyaro ah oo la socday

Axmed Maxamed Nuur Abiikar (Axmadey Shiiqaal)  oo ah marxuumka la dilay ayaa ahaa guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Howl-wadaag waxaa toogasho dilay dhalinyaro hubeysan oo sidoo kalana toogasho ku dilay Nin dhalinyarro ah oo sida la sheegay la socday guddoomiye waaxeedka.

Dableyda dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, waxaana goobta uu dilka ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka oo halkaasi ka bilaabay baaritaano ay ku baadi goobayaan dableyda dilka geystay oo Biskoolado ku hubeysnaa.

Dilkan ayaa imaneya xili sidoo kale kooxo hubeysan toogasho ku dishay guddoomiyihii ururka dhalinyarrada degmada Hodan oo lagu magacaabi jiray Sakariye Hadaafoow.

Faah faahin ku saabsan Toogasho lagu dilay Guddoomiyihii dhalinyaradda degmada Hodan

Duhurnimadii shalay ayeey aheyd markii koox hubeysan rasaas ku fureen guddoomiyihiii dhalinyaradda degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jiray Sakariye Hadaafoow, waxaana rasaasta lagu furay ka soo gaaray dhaawac culus.

Hasse ahaatee markii danbe ayuu marxuumku dhaawacii soo gaaray ugu geeriyooday mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho oo la dhigay si loogu dabiibo.

Kooxda weerarka ku qaaday ee toogashada ka danbeysay ayaa la sheegay in ay markii ay rasaasta ku fureenba goobta isaga baxsadeen.

Inkastoo ciidamada dowladda Soomaaliya bilaabeen baaritaanno islamarkaana hadda ilaa ioy hadda lama sheegin cid loo qabtay dilka Guddoomiyihii Dhalinyarada degmada Hodan iyo cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilka, hasse ahaatee ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale loo beegsado hoggaaanka dhalinyarada qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir oo toogasho lagu dilay.

Awdalpress

 

Prof. Abdi Ismail oo Jaamacadda Jig Jiga ka jeediyey hadal aad u qiimo badan

$
0
0

Awdalpress – London – Prof. Abdi Ismail Samatar oo markii ugu horreysey noloshiisa booqasho noocan oo kale ah ku tegey degaanka Somalida ee Ethopia. Madaxda iyo waxgaradka degaankuna si fiican ugu soo dhaweeyeen magaalada Jig Jiga, ayaa ugu horreyn hadal aan caadi ahayn ka jeediyey Jaamacadda Jig Jiga, isaga oo qudbaddiisa ku jeedinayey luqadda Ingiriisida.

 

Hadalkan oo ahaa mid cashar u noqday ardayda iyo waxgaradkii goobta ku sugnaa, ayaa ahaa mid si qoto dheer, oo aqoon xeeladaysani ku jirto uu sidan uga jeediyey fagaaraha Jaamacadda Jig Jiga.

 

 

 

 

Awdalpress

Prof. Abdi Samatar oo booqday jeelkii la baxay Jeel-ogaadeen iyo ku aragtay ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Booqashan Prof. Samatar uu ku joogo killilka 5aad, ayaa sida la sheegay qaadan doonta usbuuc, waxana uu saaka booqday jeelkii caanka ahaa, ee xukuumaddii hore dadka ku ciqaabi jirtay.

 

 

Awdalpress

OGEYSIIS KU SOCDA JAALIYADDA UK EE KA SOO JEEDDA GOBOLLADA AWDAL, SALAL, GEBILAY IYO DEGAANNADA WADDAMMADA KU XEERAN.

$
0
0

OGYSIIS KU SOCDA JAALIYADDA KA SOO JEEDDA GOBOLLADA AWDAL, SALAL, GEBILAY IYO DEGAANNADA WADDAMMADA KU XEERAN EE KU DHAQAN UK.

 

ACWW

Waxa si xushmad leh loo wargelinayaa Jaaliyadda Awdal, Salal, Gebilay iyo degaannada waddammada ku xeeran ee ku dhaqan UK, in ay ka soo qayb galaan shir lagu falanqayn doono dahana iyo midnimada ummadda ka soo jeedda deegaannada Awdal, Salal, Gebilay iyo degaannada kale ee waddammada ku xeeran.

 

 

Shirkaasi waxa uu qabsoomi doonaa taariikhdu marka ay tahay 25/01/2019, oo ku beegan maalin Jimce ah, saacadda uu shirku bilaabmi doonaana waa 18:00 amma lixda galabnimo illaa iyo 22:00 ama tobanka fiidnimo ee saacadda UK.

 

 

Goobta shirku waa:

Capital City Academy

Doly Garden, Willesden

London NW10 3ST

UK

 

Wixii faah-faahin ah ee shirkaa ku saabsan waxa aad kala xidhiidhi doontaan telefoonnada hoos ku qoran

  1. 07882207074
  2. 07506901159
  3. 07940021114
  4. 07916420217
  5. 07450364239

 

Awdalpress

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiillada Somaliland Mudane Ahmedyaasiin Sh. Ali oo waraysi xasaasiya bixiyey ( halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiillada Somaliland mudane Ahmedyaasiin Sh. Ali Ayaanle ayaa waraysi xasaasiya siiyey HCTV. Waraysigsan oo dhinacyo badan taabanayey, ayaa uu kaga hadlay saami qaybisiga golaha wakiillada oo ay dad badani u arkaan in aan si caddaalad ah, aan loo qaybsan.

 

 

Awdalpress

Golaha guurtida Somaliland oo muddo kordhin kooban u samaysay golaha baaralamka, dhinaca kalena muddaysay wakhtiga doorashada golahaasi. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Golaha guurtida Somaliland oo isugu yimid kalfadhi aan caadi ahay, ayaa muddo kordhintii shanaad u sameeyey golaha shacabka Somaliland. Sidoo kale waxa ay muddeeyeen, xilliga doorashada baaralamaanka Somaliland ay dhici doonto oo ah bisha December ee sannadka 2019.

Awdalpress

WAR DEG DEG AH: Shirweyne ay isugu yimaaddeen Jaaliyadda Awdal ee UK.

$
0
0

Awdalpress – London – Caawa waxa galbeedka magaalada London ka dhacay shir ay isugu yimaaddeen haldoorka Jaaliyadda Adal ee UK deggen. Shirkaasi oo la isaga kala yimid magaalooyinka gobollada iyo magaalooyinka dalka Ingiriiska, ayaa ku qabsoomay jawi farxad leh, kuna dhammaaday natiijo aad u wanaagsan.

 

Ujeeddada shirka:

 

  • Xoojinta iyo noolaynta midnimada ummaddeenna
  • Taageerada shirka maanta ka dhacay Aw Barre ee uu Ugaas Abdirashid hoggaaminayey.
  • Taageerada talada oday dhaqameedka iyo waxgaradka reer Awdal ay ku baadi goobayaan sidii ay dadka reer Awdal awood qaybsi sax ah uga heli lahaayeen Somaliland.
  • Xog ogaal u noqoshada siyaasadda mandiqadda geeska ka aloosan.

 

Waxgaradkii rag iyo dumar lahaa ee madashaa shirka ka hadashay, ayaa dhammaantood hoosta ka xarriiqay sida ay shacabkoodu ugu harraaddan yihiin midnimo iyo in ay xooggooda mideeyeen. Qodobbada ujeeddada shirku ku qotomaanna aad ayey mid mid uga hadleen.

 

Qaabka shirku u dhacay ayaa ahaa mid casri ah, oo si fiican loo hagayey. Waxana hoggaanka u hayey suxufiyiin iyo odayaal miisaan leh. Intii uu shirku socdayna, waxa qof wal oo goob joog ahaa ilaalinayey nidaamka, si asluub iyo ixtiraam uu ka muuqdana waxa u socday qudbadaha iyo warbixinaha madasha shirka laga soo jeedinayey.

 

Arrimaha aadka looga hadlay waxa ka mid ahaa siyaasadda oo runtii loo malaynayey in aad loogu kala geddisan yahay, balse dood dheer ka dib, la meel fiican la isugu yimid. Waxana aad loogu daalay siyaasadaha iyo maamullada ay shucuubka reer Adal kaga nool yihiin geeska Afrika iyo isbeddellada xilligan ka socda mandiqaddaasi.

 

Hadalladii madasha laga yidhina, haddii aan soo koobno, waxa ka mid ahaa:

 

Maanta waxa muuqda ifafa-faalo iyo dareen ka dhashay wakhtiga lagu jiro iyo sida qawmiyaddani reer Adal ugu baahan tahay midnimo ay ku wajahaan waayaha nololeed, siyaaso iyo mujtamac ee ku xeeran amma ay la nool yihiin.

 

Shacabka reer Adal kuma sii jiri karaan sidii hore ee ay kaga noolaayeen dalalka gobolka oo ay ku dulman yihiin. Waxana ay maanta nasiib u heleen in ay ka mid yihiin amma la shaqayn doonaan, isbeddel kasta oo ummadaha wada nooli si siman oo caddaalad ah ugu wada noolaan karaan geyiga geeska Afrika.

 

Sida aan ka warqabnana isbeddelka siyaasadeed ee maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaya, ee u sinqaya dhinaca toosan, isla markaana caalamku aadka u taageersan yihiin, natiijadiisana ay isha ku hayaan. Laakiin dhinaca Somalida ay innooga muuqato siyaasadda qabiilka ku dhisan ee yoo yootanka badan ku gadaaman yahay.

 

Innagu ka qawmiyad ahaan qayb kama nihin yoo yootankaa iyo murannada siyaasadeed ee awood qaybsiga lagu loollamayo. Laakiin waxan nahay isbeddel doon wax la leh maamullada Somaliland, Djabouti iyo Ismaamulka Somalida ee Ethopia. Sidoo kale dalalkaasi waxan ka nahay cudud muuqata oo dhismaha dawladnimana qayb ka ah.

 

Jamhuuriyadda Djabouti waxa xilligan ka muuqda in isbeddelkaasi Ethopia ka curtay uu culays badan ku hayo, waxana dhibi imanaysaa haddii ay Djabouti iyo dawladda cusub ee Ethopia isla saan qaadi waayaan. Innagana waxa ay innagu yeelan doontaa saamayn togan. Awood qaybsiga Djaboutina qayb kama nihin, haddana marka ay cudud noqoto waa la innoo baahan yahay. Sida taariikhda ku qoran amma socotana Djabouti waxba iskuma nihin.

 

Gaba gabadii shirka waxa uu ku dhammaaday is afgarad iyo farxad, waxana loo ballamay kulammo kale, oo laga soo qayb gelin doono xubno waaweyn oo dawladda Ingiriiska ka tirsan iyo hay’adaha daneeya Somalida.

 

Awdalpress

 

 

 

 

 

 

 


Halkan ka daawo wararkii ugu danbeeyey ee BBC Somali ay soo dayso oo muuqaal ah.

$
0
0

Awdalpress – Lodnon – Wararkii ugu danbeeyey ee BBC Somali oo muuqaal ah. Waa caawa iyo caalamk.

 

 

Awdalpress

Shirweynaha beelaha Gadabuursi oo si rasmi ah uga furmay magaalada Aw Barre ee Somali State.

$
0
0

Awdalpress – London – Muuqaallo hor dhac ah ayaa soo gaadhaya shabakadda wararka ee awdalpress.com, waxana wararku sheegayaan in uu shirkii shalay baaqday maanta uu furmay, waxana shirka hoggaaminaya oday dhaqameedyada iyo waxgarka beelaha oo uu hormood u yahay Ugaaska guud ee beelaha Gadabuursi Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi.

 

Ujeeddada shirka loo qabtay oo ah danaha guud, midnimada iyo siyaasadda shacabkaasi. Ayaa diirradda lagu saarayaa sidii wax loola qaybsan lahaa maamullada ay qaybta ka yihiin. Shirkan ayaa waxa dhawaan iclaamiyey Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble oo fadhigiisu yahay Magaalada Jig Jiga.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, people walking, beard and outdoor

Image may contain: one or more people and people standing

 

Wixii warar ah ee ka soo kordha waxad kaga bogan doontaan shabakadda awdalpress.com

 

 

Awdalpress

 

Xafladdii caleema saarka Madaxweynaha Puntland oo la isku arkay iyo dareennada ku gadaannaa.

$
0
0

Awdalpress – London – Xaflad si weyn loo soo agaasimay, isla markaana kulmiysay madaxda Somalida iyo waxgarad Somaliyeed isaga kala yimid gudaha degaannada Somalida iyo dibadda, ayaa maalintii shalay ka dhacay magaalada Garawe, haddaba halkan ka daawo sida xafladdii u dhacday:

 

 

Awdalpress

Shirweynaha beelaha Gadabuursi uga socda Aw Barre maxaa laga filayaa in uu ka soo baxo?

$
0
0

Awdalpress – London – Shirkani ka socda magaalada Aw Barre ee degaanka Somali State, ee uu hoggaaminayo Ugaaska Beelaha Gadabuursi Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi, isla markaana ay ku dhan yihiin oday dhaqameedka beelahaasi, oo isaga kala yimid degaannada ku yaalla dalalka Somaliland, Djabouti iyo Ethopia ayaa ah shir uu noociisu degaannadaa ku cusub yahay, oo ka madax bannaan fara gelin dawladeed iyo waxa la hal maala.

 

Saddexda casho ee shirkani socday ayaa si habsami leh loo lafa gurayey ujeeddada shirka oo ah in shacabka degaannaasi isku tashadaan, u midoobaan wax wada qabsi ay ku wajahaan baahiyahooda siyaasadeed iyo mujtamac. Intii uu shirku socdayna waxa ay gees isaga tiiriyeen siyaasadaha wajiyada badan ka aloosan degaannada ay deggen yihiin, waxana ay cuddudda saareen danaha iyo wada jirka dhexdooda sidii ay ugu horreyn meel u dhigi lahaayeen. Kadibna ay mawqif mid ah uga qaadan lahaayeen, loollanka siyaasadeed iyo is riix riixa mujtamacyada wada deggen mandiqadda geeska.

 

Ergooyinkii ka kala socday degaannada kala geddisan ee ay beelahani kala degaan, ayaa hadalka u goo-goosanayey si miisaan leh, oo ay ka reebban tahay caaddifad, ujeeddo gaar iyo nacayb umadeed amma mucaaridad ku wajahan maamul amma beelo kale.

 

Hab socodka shirka oo ay hoggaaminayaan aqoon yahanno xeer-dheerayaal ku ah sida mujtamac loo dhiso, waxgarad iyo hoggaanka dhaqanka oo uu hormood u yahay Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi, ayaa laga filayaa in ay qodobbadani ka soo baxaan:

 

  •  Shirkan waxa lagu iclaamin doonaa wakhtiga rasmiga ah ee la qaban doono shirweynaha xagaaga la qorsheeyey in uu mar kale ka qabsoomo degaanka Somali State.

 

  • Shirkan Aw Barre ka socda waxa lagu magaaci doonaa guddi ku meel gaadh ah oo u xil saaran qaban qaabada shirweynaha xagaaga iyo ujeeddooyinkiisa oo meel la isla sii dhigo.

 

  • Muddaynta kulammo is daba joog ah oo ay oday dhaqameedyada iyo guddiga ku meel gaadhka ahi ay yeeshaan muddada ka horreysa shirweynaha xagaaga.

 

  • Shirka waxa lagu sheegi doonaa ballan adag oo ay Ugaaska iyo oday dhaqameedyadu wada guddoon sadeen, si ay uga midho dhaliyaan ujeeddada fog iyo ta dhaw ee ay ummaddooda ku hoggaaminayaan.

 

  • In degaannada ay shacabkani degaan laga dhiso ururro Haween oo noqda ka ugu miisaan badan dadka Somalida.

 

  • Garabka dhallinyarada ee heer degmo, heer gobol iyo heer caalami oo lagu wargelin doono, sidii ay ugu soo xidhmi lahaayeen isbeddel doonka, cududdoodana ula garab joogsan lahaayeen geeddiga cusub amma halganka bilowga ah, ee masiirka ummadda degta gobolladaasi Awdal, Salal, Gebilay, Degaanka Somalida Ethopia iyo Djabouti.

 

  • Muddada shirweynaha xagaaga ka horreysa wixii arrimo siyaasadeed ah amma arrimo kale ah, waxa taladeeda yeelan doona goddiga ku meel gaadhka ah ee isugu jira hoggaanka dhaqanka iyo aqoon yahanka.

 

 

Awdalpress

Ogaden National Liberation Front (ONLF): From Unilateral Ceasefire to the Vantage Point of the Somali Region

$
0
0

 

ONLF has been in jungle for the last decades with the aim to creating an independent state in Ethiopia’s southeastern Ogaden territory, which is inhabited by almost 7 million ethnic Somalis. This play did not bring any fruit back home and they wanted to change the tune and introduced new play for the next decades.

 

 

The ONLF “declared Unilateral ceasefire on August 12, 2018, that and will later ceased all military and security operations directed against the Ethiopian Security Apparatus in the Somali territory (Ogaden), until a negotiated comprehensive ending of hostilities is reached with the Ethiopian government,” said the rebel group.

 

 

Some elites that look the politics in this region named this an expected move of Unilateral ceasefire for almost decades of jungle, is based on taking the advantage of the region’s political vacuum at that time when things fall apart in August 4, 2018. Whilst, some beliefs like the ONLF declared a unilateral ceasefire pointing to the call for peace by the Prime Minister Abiy Ahmed. I wish to do the same, If I have been out of the region for a while and wanted to take the vantage point by any means, this time would have been my opportunity any other time too.

 

 

In late October 2018 when two sides of Ethiopian Government led by Workneh Gebeyehu and Ogaden National Liberation Front (ONLF) led by Admiral Mohamed Omer Osman met in the Eritrean Capital, Asmara for meaning full business for the People of the Somali Region. According a statement from ONLF at that time, said ‘’the two sides have reached historical agreement regarding the political rights of the people from Somali Regional State and genuinely addressing the root causes of the conflict between ONLF and the Ethiopian government’’.

 

 

With the derivative of the above, early January, the General Secretary of ONLF Abdirahman Sheikh Ak Maaday, held a press conference in Jigjiga, the Somali Regions’ Capital City, that ONLF will find its Solution of the Region through peaceful means. Meaning we will search our ambition through election after Decades of jungle. Parallel to this press again, in another interview that Maaday gave the Ethiopian Media in Addis Ababa, said, if Ethiopia Government cares the Constitutional rights of Somali People, the question of the Separation will not be in an option and I am fan of this narration, not because I am happy with their point but the very norm of a family, where the husband cares the divorce will not be an option and points of working together for future development bases here.

 

What can we learn from these historic events that came one after one and other? The answer is very simple.

 

 

In this different call from Ogaden National Liberation Front(ONLF) from the community to the rebel parties and the incumbent party Of ESDP will make a meaning from all these different stallholders.

 

 

First, this progress will be seen a perfect for the other army parties who have recently returned to the country like; their sister party of Oromo Liberation Front (OLF) and Ginbot Seven. Second, the ONLF message will be awake up call if not a head ache for the ruling ESDP party who have been enjoying the vantagepoint of the region for more than two decades. It is on the record that, ONLF won the last election it has Democratically participated. In addition to that, ESDP is aware also about the news of the prominent Dulmidiid youth that is transitioned in to political part and together these parts are bringing new plays in to the region may dislodge the ESDP from the Vantage point, if not necessary precaution is done.

 

 

The last third one, this will give the Citizens of the Somali Regions to shift their old model of selection to casting their votes in to election model of multiple choosing from different parties in the play for the first time and will enjoy a ballot without any man deployed in that room before. I wish the community are very ready for the change and the region is differ today to what it was last elections.

 

 

I am not a member or a fan of the mentioned parties now. But, if it necessary to appeal my membership any of them, I will need to see their details and join one of them for good. But if I need to cast my vote for one of them, I will wait their manifestation in 2020 election and will not hesitate to give my vote the one who cares Umusha meaning Delivered woman. Like the Somali saying ‘’ Wixii Umusha Uroon Uunbaa ilmaha Udana’’ meaning what is good for the Delivered women is good for the baby too. So that, what is good for the people I represent my pen is good for me too.

 

Abdiaziz Ali

Abdiaziz Ali is an Educationist, Humanitarian, Campaigner and Child Right Advocate. Mr. Ali lives Jigjiga, Ethiopia and can be reached thru Abdiaziz172@gmail.com.

 

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live