Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

ONLF ma qas wadayaal baa? Mise waa jabhad dad jahawareersani ku jiraan?.

$
0
0

Aniga oo ixtiraam badan u haya xubno ka tirsan hoggaanka Jabhadda ONLF, haddana waxan arkaa, in badan oo ka mid ah dadka fir fircoon amma ku jira hoggaanka sare ee jabhaddu inay ku mashquulsan yihiin siyaasado ay dadka iyo dawladda isaga hor keenayaan.

 

Madaxweynihii hore ee Abdi Mohamoud Omer iyo dawladdiisii way galbatay, waxana laga joogaa muddo sannad ku dhaw. Cid jeclayd iyo cid necbayda halkaa waa laga guuray. Isbeddelkii Dr. Abiy-na waxa uu fursad dahabiya siiyey, shakhsiyaad dibad joog ahaa, oo wajiyo badan ugu shaqaysan jiray xarakada ONLF. Sidoo kale waxa iyaguna soo galay dhammaanba dagaalyahannadii jabhaddaasi, oo ku kala sugnaa Somalia iyo Eritrea.

 

Dawladda Ethopia ee Dr. Ahmed Abiy madaxda ka yahayna il xun weli kumay eegin jabhaddaasi iyo ciidankeeda, si dadnimo iyo walaaltinnimo leh ayeyna u soo dhaweysey, ugana war haysaa. Laakiin waxa muuqata in aanay ONLF ka waantoobin jabhadnimadii, muluq muluqdii iyo ummadda oo ay iska hor keento.

 

Xubno ka mid ah jabhaddaasi waxa ay caga-juglayn iyo fara gelin xad dhaaf ah ku hayaan Xukuumadda Somali State ee uumadaxweynaha ka yahay Mustafe Cag-jar. Tusaalena waxa innoogu filan dabka ay kala dhex dhigeen Madaxweyne Cag-jar iyo wasiir Shide. Markii ay isfahmeenna, waxa qul qulatooyin laga maqlayaa Jig Jiga oo muddaba lagu naalloonayey nabad. Arrintaasina waa mid ay xukuumadda sare ee Addis Ababi isha ku hayso.

 

Dhaq dhaqaaqyada xad dhaafka ah ee ONLF ka waddo gobolka, waxa iyana ka mid ah shirarka beelaysan ee ay la gelayso beelaha Somaliyeed ee mandiqadda, sida kan ugu danbeeyey ee ay magaalada Wajaale kula kulmeen rag watay magaca beesha Garxajis. Ka horna waxa ay la kulmeen odayaal ka mid ah beelaha Gadabuursi iyo Ciise laakiin kulammadaasi waa la isku afgaran waayey.

 

Haddaba, ma la odhan karaa, waxa isa seeggan sida ay xukuumadda Ethopia ka rabto jabhadaha ay soo xero gelisay iyo sida ay ONLF oo kale u dhaqmayaan. Waxana ONLF laga filayey in ay marka hore meel iska dhigaan magaca qabiilka huwan, oo ay xisbi Somaliyi ku bahaysan tahay qayb ka noqdaan.

 

Midda kale beelasha Ogadeen waxa ay ka mid yihiin beelaha Somaliyeed ee degaanka ku ah Ethopia, balse maaha beesha kaliya ee xaqa u leh in ay 100% isa siiso degaanka Somalida Ethopia. Isbeddelka Dr. Abiy wadaana maaha mid oggolaanaya in qabiil isku arko majority, sida xukunka looga qayb galayaana ay tahay AYAA AQOON LEH IYO KARTI U LEH dawladnimada iyo mansabyada ka bannaanaada. Laakiin Qabiilaysi iyo wax la mid ahi kama shaqaynayo Ethopia. Xillig dhawna waxa la arki doonaa, iyada oo qabiilka laga dhuumanayo, qalinkana lagu tartamayo.

 

In nabad lagu wada noolaadaana waa khasab.

 

Marka aad maqaalkan akhrisataan, waxan idiinka fadhiyaa in aad ii soo dirtaan qalad iyo sax cidda ka wadda Jig Jiga, Diridhaba iyo guud ahaanba Ethopia. Qoraalkiinna oo English amma Somali ahna waxan iigu soo hagaajisaan e-mailka ah:

shueebi@hotmail.com

 

Ahmedweli Goth


Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo xilal magacaabay. Mas’uuliyiinta uu magacaabay ayey kala yihiin?

$
0
0

Awdalpress – London – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ah mid ay taageerayaashiisu mar walba ka sugayaan isbeddel dhinacyo badan leh.

 

Haddaba maanta waxa uu guddoomiye Cirro degriito ku magacaabay saddex xoghaye ( Minsiters shadaw ). Halkan ka daawo:

 

 

Awdalpress

Barnaamij cajiib ah oo laga sameeyey shirkadda Telesom halkan ka daawo.

$
0
0

 

 

 

 

 

 

 

Awdalpress – Lodnon – Shirkadda Telesom ee adeegga is-gaadhsiinta iyo lacagaha ayaa ka mid ah shirkadaha Somalida ee loo tiriyo kuwa guuleystey.

Haddaba shirkaddan oo ay xarunteedu tahay Hargeysa maxaad kala socotaa adeegyadeeda iyo waxa ay qabato.

 

Halkan aan ka wada daawanno….adaa yaabiye ku soo dhawow.

 

Awdalpress

Khilaafkii degaanka Somalida iyo Madaxweyne Cagjar oo wax ka bayaamiyey. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

 

Awdalpress – London – Madaxweynaha Somali State ayaa markii ugu horreysey ka hadlay khilaaf uu ku sheegay in ay saxaafadaha qaar buun buuniyeen, balse ku egaa kala aragti duwanaansho.

 

Awdalpress

Wasiir Ahmed Shide oo ah guddoomiyaha xisbiga degaanka Somalida oo soo gaadhay Jig Jiga iyo soo dhaweyn aan caadi ahayn oo lagala hor tegey. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Guddoomiyaha xisbiga degaanka Somalida isla markaana ah wasiirka maaliyadda dawladda Federaalka Ethopia Mudane Ahmed Shide ayaa waxa uu soo gaadhay magaalada Jig jiga.

 

 

Awdalpress

Qubanaha VOA oo xiiso badan halkan ka daawo.

Herei oo maanta dhex jooga Zambia. Bal aan eegno sheekada uu innoo soo tabinayo oo xiiso leh ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Skyline photo of Lusaka, Zambia

Awdalress – London – Zamiba waa dal ku yaalla Afrika, gaar ahaan badhtamaha K/Afrika, waxana uu xad la leeyahay illaa iyo siddeed waddan oo ku hareeraysan. Waa dal aan bad lahayn, laakiin waxa ku yaalla buxayrada weyn ee loo yaqaan Lake Kariba, oo dhacda badhtamaha dalkaasi. Sidoo kale waxa uu dalka Zambia leeyahay khayraad badan oo la dheefsado ayna ka mid yihiin dahabka.

 

Dhaqan ahaan waa dal ay dadkiisu qarniyo lahaayeen boqortooyo guun ah. Welina ay ka jirto is maamulkii dhaqan ee boqortooyo.

 

 

 

Awdalpress

Ra’isal wasaare Khayre oo ka hadlay arrimo badan iyo madasha uu ka hadlay. ( halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo casho sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda garsoorka dalka, ayaa sheegay in hagaajinta dhaqaalaha dalka, yaraynta musuq-maasuqa, horumarinta dawlad wanaagga, hir-gelinta siyaasad lagu wada qanacsanyahay iyo aaminaadda dunida ay ku xiranyihiin hir-gelinta Garsoor iyo cadaalad loo simanyahay oo dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan.

Casho Sharafta oo ay ka soo qayb galeen guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha qaranka, garsoorka gobalka Banaadir iyo dawlad gobaleedyada ayaa muhiimaddiisu ahayd dhiirri gelinta dardar-gelinta qorshaha hagaajinta garsoorka dalka.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madaxda garsoorka dalka ku ammaanay shir sannadeedka ay qabteen, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay joogteeyaan kulamada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka gasoorka dalka.

Himilooyinka tubta cadaaladda iyo amniga ayaa waxaa ku jira halbeegyo muhiim u ah horumarinta cadaaladda iyo garsoorka dalka si loo helo caddaalad loo simanyahay.

Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo xiray shir sannadeedkii ugu horreeyay ee burbrkii dalka kadib looga arrinsado garsoorka Soomaaliya.

Awdalpress


Madaxweyne Muse Bixi oo buugta ardaydu wax ka barato bilaash ka dhigay iyo qudbadan dhaxal gal ah oo uu arday uu u jeediyey. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Xukuumadda Madaxweyne Muse Bixi ayaa markii ugu horreysey keentay dugsiyada Somalilandkeentay buug madbacadaysan oo bilaash ah, buugtaasi oo ah kuwa ay ardaydu wax ka bartaan. Iyada oo markii hore ay ardaydu iibsan jireen buuta wax laga baranayo ee madbacadaysan.

 

Kadibna waxa uu Madaxweyne Bixi meel fagaara ah kala hadlay ardayda dugsi ka mid ah dugsiyada Hargeysa. Waxana uu madashaa ka jeediyey hadal miisaaman, oo qiimo badan….Halkan ka dhegeysta.

 

 

Awdalpress

Hereri iyo Zambia qaybtii 1aad ( Daawasho wanaagsan )

$
0
0

Awdalpress – London – Wariyaha caanka ah ee Abdisalaan Hereri oo jooga Zambia, ayaa dalkaasi innooga soo gudbiyey barnaamij xiiso leh oo uu kaga warramayo guud ahaanba xaaladka nololeed, dhaqan iyo Juqraafi ee lagaga nool yahay dalkaasi.

 

Haddaba barnaamijkaasi aan qaybtiisii 1aad idiin soo gudbinayo, isla markaana aad u xiiso badan, aan idiin kala baxo Hereri iyo Barnaamijkii

 

 

Awdalrpess

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Somalia oo sheegay in khayraadka dalka la soo saarayo

$
0
0

Awdalpress – London – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta  dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay  dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee  dalka. Laakiin ma sheegin xilliga khayraadkaasi la soo saari doono. Waxana uu hoosta ka xarriiqay in arrintaan loo marayo dariiqa sharci ee dalka Somalia u yaalla iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay mar ay uu magaalada London oo kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska. Waxana uu faah faahin buuxda ka siiyey shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu  soo gabagabeeyay magaalada London.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in  ahmiyadda shirkaasi uu ahaa in la isku waydaarsado macluumaadka baadhitaanadii laga sameeyey Soomaaliya ee ku aaddanaa Shidaalka. Isla markaana shirkadaha arrintaasi danaynayana loo bandhigo.

Ugu danbeyntii,Wasiirka ayaa xusay in shirkan laga faafiyey macluumaad dacaayad ah, oo aan sax ahayn, balse xaqiiqadu ay tahay in dawladdu doonayso inay si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo loo maro geeddi socodka shidaal baarista iyo soo saaristiisaba.

Awdalpress

Liiska golaha wasiirrada Puntland oo lagu dhawaaqay iyo Dhulbahante oo wasiirro culus laga siiyey ( Halkan kaga bogo )

$
0
0

Awdalpress – London – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa xalay soo saaray Liiska gollihiisa wasiirada Puntland ee sharciga ah. Waxanay isugu jiraan wasiiro, wasiir Ku-xigeeno iyo wasiiru dowlayaal.

 

Liiskan Wasiirrada ayaa ah midka soo jiitay indhaha dad badan, waxana aad uga dhex muuqda beesha Dhulbahante oo ka heshay wasaarado miisaan leh, oo weliba qaar isugu jiraan saddex saddex wasaaradood.

 

Agaasimaha Telefishanka dowladda Puntland Jamaal Carab Yuusuf ayaa akhriyay liiska Gollaha . ( Halkan daawo amma ka akhriso )

  1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Sheikh Xaamud
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Mohamed Abdirahman Dhabancad
  3. Wasiirka Amniga iyo DDRTa Cabdisamad maxamed Gallan
  4. Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal
  5. Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange
  6. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xassan
  7. Wasiirka Caafimaadka Dr, Jaamac Faarax Xassan ( Dhulbahante )
  8. Wasiirka Howlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Axmed Bashiir Muuse
  9. Wasiirka Dekeddaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majaajiyo.
  10. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xusseen Cismaan Lugatoor (Dhulbahante )
  11. Wasiirka Haweenka & Horumarinta Qoyska Aamina cisman Xaaji Jaamac
  12. Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska Cali Xassan Axmed Sabareey ( Dhulbahante )
  13. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aden
  14. Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Waraabka Ismaaciil Diiriye Gacmadiid ( Dhulbahante )
  15. Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashuga Cabdullaahi Cabdi Xirsi
  16. Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash
  17. Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Jaamac Faarax Muuse ( Dhulbahante )
  18. Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran)

Wasiir kuxigeeno dowladda Puntland.

  1. Wasiir kuxigeenka Cadaaladda & Arrimaha Diinta Maxamed Cali Faarax
  2. Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Cabdiweli Mire Xirsi iyo Maxamed Musadaq Maxamed
  3. Wasiir kuxigeenka Amniga & DDRTA Yuusuf Maxamed Ismaaciil.
  4. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cumar Xassan Fiqi iyo Yaasiin Ibraahin Ciise.
  5. Wasiir kuxigeenka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga caalamiga Yaasiin Mire Maxamuud.
  6. Wasiir kuxigeenka Waxbarashada & Tacliinta Sare Mukhtaar Maxamuud Xassan Jayte
  7. Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi
  8. Wasiir kuxigeenka Howlaha guud & Guryeynta Maxamed Xuseen Xaashi
  9. Wasiir kuxigeenka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda Yaasiin Cartan Maxamed
  10. Wasiir kuxigeenka Duulista Hawada iyo Garoomada Sucaad Saalax Nuur
  11. Wasiir kuxigeenka Horumarinta Qoyska & Haweenka Sahro Cabdi Xirsi
  12. Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax
  13. Wasiir kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Cabdiweli Seed Cali
  14. Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xassan Ciise iyo Faaisa Cali ismaaciil.
  15. Wasiir kuxigeenka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Mustafa Daahir Aden
  16. Wasiir kuxigeenka Kalluumeysiga & Kheyraadka badda Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud
  17. Wasiir kuxigeenka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Axmed Cabdiraxmaan Xirsi
  18. Wasiir kuxigeenka Tamarta, Macdanta & Biyaha Maxamed Bashiir Cabdullaahi

Wasiiru Dowlayaasha

  1. Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac
  2. Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Maxamed Axmed Kunle
  3. Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir Cismaan
  4. Wasiiru dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalah iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim
  5. Wasiiru dowlaha Waxbarashada & Tacliinta Sare Cabdullaahi Xassan Roobke.
  6. Wasiiru dowlaha Caafimaadka Sayid Cumar Guuleed
  7. Wasiiru dowlaha Duulista Hawada & Garoomada Maxamed Xassan Kiili.
  8. Wasiiru dowlaha Deegaanka, Beeraha & Waraabka Cabdirashiid Cali Geelle.
  9. Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Cabdiqani Geelle Max’ed.

Wax ma garadatada iyo carruurta aragtidooda siyaasadeed gaaban tahay ee baraha bulshada ku soo bandhiga dacaayadaha amma saxaafadda ( sideed u aragtaa? )

$
0
0

Afeef

 

 

Ma jecli in aragtidayda loo tarjimo in aan kaga hadlo daka ku nool amma ka soo jeeda gobollada Somaliland qaarkood iyo dhaqanka dad badani caadaysteen ee u eg sawirka uu maqaalkani bixinayo.

 

 

Miyaad ila qabtaa fikirkan?

 

Waxa aan shaki ku jirin in siyaasiga, qoraaga iyo odayga ummadda u hadlaaba uu xilliba si u hadlo ammaba uu arrimo la xiiseeyo afka ka xidho. Laakiin taasi micnaheedu maaha in is beddel ku dhacay mabdi’iisii amma laaluush uu qaatay amma uu xilkiisa u baqay. Waxana nasiib darro ah in marar badan  da’yarta inta yari u muuqataa ay markiiba ka didaan, qoraal, hadal amma ficil ujeeddo leh oo siyaasi amma oday dhaqameed madal ka yidhi…..markiibana qalinka kula boodaan iyaga oo aflagaadaynaya shakhsiyaad iyaga u dagaallamaya ama hadh iyo habeen dantooda u habeen dhaxaya. Marka ay dhallintii sidaa yeelaan ayey wax ma garad kalena ay markiiba shaashadaha ka soo caytamaan, iyaga oo ay ujeeddadiidu tahay HALLAGU HADAL HAYO AMA DHALLIN YARADA SUMCAD KU DHEX YEELO iyo wax la mid ah.

 

 

Waa arrin ay saxaafaddu caadaysatay in ay sida badan iib geyso wararka xasaasiga ah, dadkuna ay mar walba raadiyaan wararka taban. Halka aan laba xiisayn wararka barwaaqada sheega. Tusaale ahaan haddii mashruuc meel laga fulanayo, oo mashruucaasi uu ka yimid dawladda, waxa dadka qaar soo bandhigaan dhinaca dhalliisha ah oo 20% ah, laakiin 80% wanaagga ah waxba lagama sheego.

 

 

Dhinaca kale waxa run ah in Somaliland ay ka jirto dhalliilo caddaaladeed, musqmaasuq iyo qaraabokiil, balse waxan arkaa in marba marka ka danbaysa ay ka soo raynayso. Tusaale ahaan shalay waxa aan ogayn in dawladdii Siilaanyo caan ku ahayd boobka xoolaha ummadda amma hantida ummadda oo aan la xafidin. Halka maanta Muse Bixi uu ku tallaabsaday in uu xakameeyo musuq maasuqii amma uu khasnadihii iyo hantidii la boobayey uu qufulo. Tallaabada noocaasi ah oo noqon doonta mid taariikhda u gasha oo lagu xasuusan doono. Waa haddii uu sidaa ku wado.

 

 

Akhirtow miyaanad yax yixin marka la caayayo aqoon yahankii, qoraagii, siyaasigii amma odaygii beesha oo dhammaantoodba u eedaysnaa dantaada amma wakhtigoodiiba ku seegay dantaada. Xataa mararka qaar dadka da’da yar amma wax-ma garatadu dib uma eegaan culayska shakhsigooda mudanka ahi leeyahay, hadal maalin uu si ula jeeday ayeyna HARAGGA KAGA SIIBAAN.

 

 

Dhaqanka noocaasi ahi waxa uu ku badan yahay dadka dega gobollada Somaliland qaarkood, oo tabasho badan qaba, hormoodkoodiina usha dabka u geliyey. Tusaale ahaan aniga oo aan shakhi gaar u tilmaamayn, waxa aad google ka ugu tegeysaa iyada oo haldoorka maanta nool aan waxba loola hadhayn. Kuwa sidaasi yeelayaana waa da’ yar iyo wax-ma-garad aan arrinkoodu meel gaadhayn, hadh iyo habeenna af-lagaado iyo cay ka afuufa social media-ha ama shabakadaha qaar ay ku shaqaystaan.

 

 

Ka saxaafad ahaan ( Awdalpress ), waxa noo sharci ah in aan ka taxaddirro amma aannaan plateform siinnin kuwa caytama ee isku daya in ay af-lagaadeeyaan aqoon yahan, siyaasi amma hoggaan dhaqameed, iyaga oo sumcaddiisa dhulka dhigaya. Sidaasi daraaddeed, waxa aan saxaafadaha kale ee xumaanta iyo kala fogeynta ummadda caadaystay kula talinaynaa in ay iyaguna arrimaha noocaasi ah ka fogaadaan.

 

 

Haddaba waa yaabe, marka hal door kasta oo ummadda u hadla amma u hadli lahaa uu la kulmo taageero la’aan amma la xag xagto ee uu isna niyad jabo, ayaa ummaddii u hadli, oo golayaasha Somaliland kaaga dhex raadin dantaada?  Miyeyna dadka aan la hadlayaa ka xishoonayn in ay caayaan amma xumaan suuqa u mariyaan…… AQOON YAHANKII DADKIISA WAX TARAY, DOKTOORKII DANTIISA KA DOORBIDAY DANTA UMMADDIISA, SIYAASIGA SHAWLADDA UGU JIRA UMMADDIISA IYO ODAYGA DANTA GUUD UUN U XAYDAN.

 

Gaba gabo

 

Wiil carab ahaa oo adhi jiri jiray ayaa maalin walba been sheegi jiray oo odhan jiray WAA WAREEY…XOOLIHII WARAABAA CUNAYA….marka la soo gurmado ayuu ku yidhaa waa been…..caado ayey u noqotay in uu marar badan sidaa sameeyo. Kadib maalin ayey run noqotay oo waraabihii xoolihii soo weeraray. Laakiin ayaa ka qoraya? Sidaasi oo kale waxa wada da’yar badan oo qayladii ka dhammaatay, balse immiga xaalkoodu gabaabsi yahay, oo marka la maqlo isaga amma iyada oo leh WAA WAREEY….Lagu qoslo

 

Ahmedweli Goth

There Is a Taboo Against Criticizing AIPAC — and Ilhan Omar Just Destroyed It

$
0
0

Mehdi Hasan
Tuesday February 12, 2019

 

In 2005, Steven Rosen, then a senior official with the American Israel Public Affairs Committee, or AIPAC, sat down for dinner with journalist Jeffrey Goldberg, then of the New Yorker. “You see this napkin?” Rosen asked Goldberg. “In twenty-four hours, [AIPAC] could have the signatures of seventy senators on this napkin.”

I couldn’t help but be reminded of this anecdote after Rep. Ilhan Omar, of Minnesota’s 5th congressional district, was slammed by Democrats and Republicans alike over her suggestion, in a pair of tweets, that U.S. politicians back the state of Israel because of financial pressure from AIPAC (“It’s all about the Benjamins baby,” she declaimed). Was the flippant way in which she phrased her tweets a problem? Did it offend a significant chunk of liberal U.S. Jewish opinion? Did it perhaps unwittingly play into anti-Semitic tropes about rich Jews controlling the world? Yes, yes, and yes — as she herself has since admitted and “unequivocally” apologized for. But was she wrong to note the power of the pro-Israel lobby, to point a finger at AIPAC, to highlight — in her apology — “the problematic role of lobbyists in our politics, whether it be AIPAC, the NRA or the fossil fuel industry”?

No, no, and no.

Rosen, after all, wasn’t the first AIPAC official to boast about the the raw power that “America’s bipartisan pro-Israel lobby” exercises in Washington D.C. Go back earlier, to 1992, when then AIPAC President David Steiner was caught on tape bragging that he had “cut a deal” with the George H. W. Bush White House to provide $3 billion in U.S. aid to Israel. Steiner also claimed to be “negotiating” with the incoming Clinton administration over the appointment of pro-Israeli cabinet members. AIPAC, he said, has “a dozen people in [the Clinton] campaign, in the headquarters… and they’re all going to get big jobs.”

Go back further, to 1984, when Senator Charles Percy, a moderate Republican from Illinois, was defeated in his re-election campaign after he “incurred AIPAC”s wrath” by declining to sign onto an AIPAC-sponsored letter, and daring to refer to PLO leader Yasser Arafat as more “moderate” than other Palestinian resistance figures. AIPAC contributors raised more than a million dollars to help defeat Percy. As Tom Dine, then executive director of AIPAC, gloated in a speech shortly after the GOP senator’s defeat, “all the Jews, from coast to coast, gathered to oust Percy. And the American politicians— those who hold public positions now, and those who aspire — got the message.”

NEARLY FOUR decades later, as members of the U.S. political and media classes pile onto Omar, are the rest of us supposed to pretend that AIPAC officials never said or did any of this? And are we also expected to forget that Tom Friedman of the New York Times, a long-standing advocate for Israel in the American media, once described the standing ovations received by Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu, from members of Congress, as having been “bought and paid for by the Israel lobby”? Or that Goldberg, now editor-in-chief of The Atlantic and dubbed “the most influential journalist/blogger on matters related to Israel,” called AIPAC a “leviathan among lobbies, as influential in its sphere as the National Rifle Association and the American Association of Retired Persons are in theirs”? Or that J.J. Goldberg, former editor of the Jewish weekly newspaper, The Forward, said in 2002, in reference to AIPAC, “There is this image in Congress that you don’t cross these people or they take you down”?

Are we supposed to dismiss Uri Avnery, the late Israeli peace activist and one-time member of the Zionist paramilitary, the Irgun, who once remarked that if AIPAC “were to table a resolution abolishing the Ten Commandments, 80 senators and 300 congressmen would sign it at once,” as a Jew-hater? Or label Jane Harman, the ex-congresswoman and devoted defender of Israel, who told CNN in 2013 that her former colleagues on Capitol Hill had struggled to back Barack Obama’s Iran nuclear diplomacy due to “big parts of the pro-Israel lobby in the United States being against it, the country of Israel being against it. That’s a stiff hill to climb,” an anti-Semite?

To be clear: AIPAC is not a political action committee (PAC) and does not provide donations directly to candidates. However, it does act as a “force multiplier,” to quote the Jewish Telegraph Agency’s Andrew Silow-Carroll, and “its rhetorical support for a candidate is a signal to Jewish PACs and individual donors across the country to back his or her campaign.” As Tom Friedman explained to me in an interview in 2013: “Mehdi, if you and I were running from the same district, and I have AIPAC’s stamp of approval and you don’t, I will maybe have to make three phone calls… I’m exaggerating but I don’t have to make many phone calls to get all the money I need to run against you. You will have to make 50,000 phone calls.” (Is Friedman an anti-Semite too? Asking for a friend.)

WHAT MAKES this whole row over Omar’s remarks so utterly bizarre is that so many leading Democrats loudly and rightly decry the pernicious and undeniable impact of special interests, lobbyists and donations on a whole host of issues — from the role of Big Pharma and Big Finance, to influence-peddling by Saudi Arabia, to the “grip” that the NRA has on the debate over gun control, to quote Democratic senator Richard Blumenthal. But any mention of AIPAC and lobbying in favor of Israel? “Anti-Semitism!”

Do they have no shame? Take Donna Shalala, new member of Congress from Florida’s 27th district (and a former cabinet member under Bill Clinton).

Yet here is the same Shalala boasting last month that she didn’t allow the NRA to “buy me during the campaign.”

Got that? It’s “offensive and wrong” to suggest the pro-Israel lobby tries to buy off politicians. But it’s totally fine to suggest the pro-gun lobby does. (The irony is that AIPAC’s leading lights haven’t been shy about making their own analogy with the NRA. “I’m sure there are people out there who are for gun control, but because of the NRA don’t say anything,” Morris Amitay, former AIPAC executive director, once admitted. “If you’re a weak candidate to begin with,” he continued, and your record is “anti-Israel and you have a credible opponent, your opponent will be helped.”

Today, the Palestinians continue to be bombed, besieged and dispossessedby their Israeli occupiers — with the full military and financial support of the United States government. There are a variety of credible explanations for this support: Israel’s role as a “strategic asset” and “mighty aircraft carrier”; U.S. Christian evangelicals’ obsession with Israel and the end-times prophecy; the impact of arms sales and the U.S. military-industrial complex; not to mention the long-standing cultural and social ties between American Jews and Israeli Jews. But to pretend money doesn’t play a role — or that AIPAC doesn’t have a big impact on members of Congress and their staffers — is deeply disingenuous.

And so we should thank Omar, the freshman lawmaker, for having the guts to raise this contentious issue and break a long-standing taboo in the process — even if she maybe did so in a clumsy and problematic fashion.

But you don’t have to take her word for it. “When people ask me how they can help Israel,” former Israeli Prime Minister and uber-hawk Ariel Sharon once told an audience in the United States, “I tell them — help AIPAC.”

 

 

Donald Trump oo Ilhaan Omar ugu baaqay in ay is casisho

$
0
0

Awdalpress – London – Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa si toos ah ugu baaqay in ay is casisho Ilhaan Omar oo ka mid ah xubnaha Congress –ka kaddib qoraalkeedii loo arkay Yahuud naceybka oo ay soo dhigtay boggeeda Twitter –ka.

Wuxuu sheegay madaxweyne Trump in Yahuud naceybku marnaba boos ku laheyn Congress –ka gudihiisa, sidaa daraadeed waxaa uu ugu baaqay Ilhaan in ay is casisho xubinnimada Congress ka  ama guddiga arrimaha dibedda oo ay ka tirsan tahay.

Ilhaan Omar oo ah gabar asalkeedu Soomaali yahay kana tirsan Xisbiga Dumuqraadiga ayaa dhaleeceen adag kala kulantay qoraalka ay soo dhigtay boggeeda oo ay ku sheegtay in ururka Aipac oo ah guddi u qaabilsan arrimaha Yuhuuda Maraykanka uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil, laakiin raaligalin ayeey markii danbe ka bixisay.

Madaxweyne Trump ayaa raaligalinta Ilhaan ku sheegay mid aysan daacad ka aheyn, isaga oo intaa ku darray in erayada ay isticmaasha yihiin kuwo gunta hoose ee qalbigeeda uga yaala.

Waa markii ugu horeysay ee madaxweynaha dalka Mareykanku si toos ah u weerarro Ilhaan Omar dhawaan ku biirtay Congress –ka Mareykanka.

HOL


Xoghayaha Arrimaha dibadda u qaabilsan UCID marwo Faadumo Siciid iyo dhalliilo ay ku hurguftay safaarahada qaar. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

awdalpress – London – Faadumo Siciid oo ah xoghaya arrimaha dibadda xisbiga UCID ayaa mar ay saxaafadda la hadashay ka warbixisay siyaasadda dibadda ee Somaliland iyo maanta halka ay marayso. Waxana ay hoosta ka xarriiqday in ay jiraan safaarado dhaqaale badani ku baxaan balse aan nafci badan lahayn.

 

Dhinaca kale ma ay sheegin xalka ay ka xisbi ahaan u hayaan dhalliilaha ay sheegtay. Waxana mar labaadka laga sugayaa in aanay warbixinaheeda ku koobin uun dhalliil, balse ay xalkana raaciso.

Awdalpress

Maxaa kala qabsaday Ilhan Omer iyo ergeyga Donal Trump u magacaabay Venezuela Elliot Abraham + Video kale ( Labada Video ba nala daawada

$
0
0

Awdalpress – London – Gabadha Ilhan Omer ee dhawaan ku guuleystay in ay xubin ka noqoto aqalka sare ee Maraykanka ayaa waxa ay ku socotaa xawli aad ah, oo ay soo jiidatay shacabka Maraykan iyo kuwa caalamka. Ilahan ayaa dhawaan hadallo u eg cambaarayn ku qortay social mediaha, iyada oo cambaarayntaa la dul ku kortay hay’ad u dhaq dhaqaaqda dadka Jews ka ah, laakiin markii danbe waxa ay ka bixisay raalli gelin deg deg ah.

Ilahaan oo xubin ka ah guddiga arrimaha debedda ee aqalka sare ee Maraykanka ayaa su’aalo xoog leh iyo dhalliil la dul fuushay ergeyga Donal Trump u qaabilsan Venezuela Elliot Abraham.

Bal hadda nala daawada.

Dooddii BBC da ee Jimcaha oo lagu faaqiday heerka Somaliland ay ka marayso xaquuqda aadanaha, saxaafadda iyo xadhiyo lala beegsado dad aan danbiilayaal ahayn. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London -Dooddan oo maalintii shalay si toos ah looga dhageysanayey caalamka ayaa waxa ka qayb galay Ahmedweli Sh.Omer Goth iyo saddex mas’uul oo kaga qayb galay dhinaca telefoonka.

Qodobbada lagaga hadlay waxa ugu xasaasisanaa dhallinyar dhawaan lagu xidhay magaalada Borama oo loo xidhay xus ay u sameeyeen dadkii ku dhintay dagaalkii ay SNM ku soo gashay Dilla iyo Borama. Sidoo kale waxa lagaga hadlay xadhiyada loo geysto saxafiyiinta iyo arrimaha u sababta ah.

Awdalpress

Lixdan ka dib laanta afka Somaliga ee BBC London ayaa shaqadeedii loo wareejiyey Nairobi.

$
0
0

Awdalpress – London – Waxa mid nasiib darro ah in muddo lixdan sano ka badan markii u horraysay barnaamijyada laanta af Soomaaliga ee Idaacadda BBC  gabi loo wareejiyo dalka Kenya. Marka laga billaabo maalinta Isniinta ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 18 Feebaraayo sannadkan 2019ka. Tallaabadaasi oo taariikh madaw ku ah dadka Somaliyeed ee afkooda la hoos geeyey Kenya. Dhagaystayaasha ku xidhan wararka looga soo tabiyo BBC-da ayaa arrintaa u arka bahdil lagu sameeyey xuquuqdii ay dadka Somaliyeed u lahaayeen in meel ka mid ah magaalooyinka Somalida loo beddelo, halka lala doontay dal Kenya…. magaalada Nairobi.

 

Haddaba maxay arrintaa ka yidhaahdeen shaqaalaha BBC London:

 

Annaga oo xusayna taariikhdii BBC laanta Afka Somaliga ayaan toddobaadka oo dhan soo gudbin doonnaa barnaamijyo khaas ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • Waraysiyo aan la yeelan doono hogaamiyeyaasha miisaanka leh ee gobolka.
  • Nooc dacarta ka mid ah oo laga helay Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo loo bixiyay Dacaar Soomaali, taas oo ay saynisyahanno heleen.
  • Iyo dib u milicsashada magacyada ay Soomaalidii hore u yaqaanneen maalmaha iyo bilaha.

 

Cabdullaahi Cabdi oo ah tifaaftiraha laanta af Soomaaliga ee BBC ayaa yiri:

 

“Farxad iiga wayni may jirin in aan hoggaamiyo saxafiyiin caan ah oo aad u gacan qabtay jiilka cusub. Soo wareejintanna waxay noo soo dhawaynaysaa dhagaysteyaashannada Geeska Afrika ku nool, sidoo kalena waxay noo hirgalin doontaa in aan soo tabinno wararka dadka noloshooda taabanaya, kuwa dhiirigalinta leh iyo waxyaabaha ay hiigsanayaan. Waxaan doonaynaa in aan wararka ku saabsan nolosha Soomaalida la wadaagno Afrika iyo dunida inteeda kale.”

laanta af Soomaaliga ee BBC waxaa la billaabay sannadkii 1957 waxayna wararka soo tabinaysay in kabdan 60 sano toddobaad kastana waxay la hadashaa 3.6 milyan oo ruux oo ku nool Bariga Africa, Geeska Africa iyo dunida dacalladeeda, waxay leedahay Idaacadonline iyo TV iyo baraha bulshada oo kala ah Twitter,Facebook iyo Instagram.

 

Idaacadda BBC News Somali waa idaacadda loogu dhagaysi badan yahay Soomaaliya, waxayna leedahay mid ka mid ah bogagga aadka loogu taxan yahay ee Facebook, iyadoo ay ku taxan yihiin in kabadan 1.1 milyan oo ruux.

 

 

Qaar ka mid ah saxafiyiinta laanta af Soomaaliga ee BBC:

 

 

Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq oo ka mid ah saxafiyiinta laanta af Soomaaliga ee BBC oo labaatankii sano ee la soo dhaafay shaqaynayay ayaa yiri “Markii aan billaabaynay dhammaadkii 80yadii iyo billawgii sagaashameeyadii dad badan ayaa shaki ka qabay in aan u caan bixi doonno sidii kuwii naga horreeyay ee waddada noo banaynayay. Maantana waxaa naloo arkaa in aan aasaas u nahay laanta af Soomaaliga ee BBC. Sidaa daraadeed waxaan ku kalsoonahay in jiilka cusub ay noqon doonaan xidigaha BBC iyo saxafiyiinta dadka Soomaalida ah”.

Fartuun Ismaaciil oo reer Muqdisho ah oo ku cusub laanta af Soomaaliga ee BBC:

“Waligay waxaan ku riyoon jiray in aan ku biiro BBC, “waxaana si lama filaan ah iigu soo baxday fursad aan ku badali karo dad Cabdinuur Sheekh Maxamed oo kale ah, kaas oo dadkoo dhan ay yaqaannaan, waxaan ku kalsoonahay in aan soo gudbin doono warar iyo barnaamijyo ay ku qancaan dhammaan dhagaysteyaashanadu, diiraddana aan saari doono dumarka iyo dhallinyarada.”

 

 

Awdalpress

Khilfaaka Somalia iyo Kenya halkuu salka ku hayaa?

$
0
0

Awdalpress – London – Khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareeray, kadib markii ay dawladda Kenya maalitii shalay oo Sabti ahayd u yeedhay danjiraheeda u fadhiya Soomaaliya, iyada oo sidoo kale safiirka Soomaaliya ee Kenya ku amartay inuu dalkeeda ka baxo. Sababta falkaasina u sibir saartay muranka lahaanshaha meelo ka mid ah xadka dhinaca badda ee u dhaxeeya labada waddan. Dacwad ayaana labada dhinac isla hor tegeen maxkamadda caalamka ee The Hage. 

 

 

Haddaba dowladda Kenya ayaa shalay oo Sabti ahayd u yeedhay danjiraheeda u fadhiya Soomaaliya, iyada oo sidoo kale safiirka Soomaaliya ee Kenya ku amartay inuu dalkeeda ka baxo.

 

Sababta ay tallaabadan u cuskatay ayaa ah eedayn ay  Soomaaliya ugu jeedisay inay gadayso saliidda ku jirta dhul ay Kenya ku leedahay badaha ay Somalia ku baayacayso London.

 

Murankan xuduudda badda ah ee ay Kenya sannadahan bilowday ayaa u eg mid ay kaga faa’iidaysanayso bur burka dawladeed iyo dal ee ay 30 sano-ba Somalia la daalaa dhacayso. Iyada oo aan weligeed hore u sheegan in aanay Somalia dhul badeed ka qaadan Kenya. Laakiin dawladdii Xasan Sheekh ayaa bilowday in ay difaac ka gasho damaca Kenya ee badda Somalia. Xukuumadda Farmaajo iyo Khayrena waxa ay si cad ugu sheegeen mas’uuliyiinta Kenya in aanay dhulkoodu gor-gortan iyo muran geli karin.

Waddammo reer galbeed ah ayaa ka biyo diiday khilaafka ay Kenya ka hurinayso mandiqadda, waxana si cad ay ugu digeen in ay joojiso oo ay faraha kala baxdo muranka badda ah ee kiiskiisu hor yaallo Maxkamadda ICJ.

Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, oo magaceeda loo soo gaabiyo ICJ ayuu kiiskani arrintaa ku saabsani hor yaallaa, taasoo la filayo iney go’aan kama dambeys ah kasoo saarto cidda sida saxda ah u leh dhul biyood kaas.

 

Laakiin dadka u dhuun daloola xaaladdani ayaa marar badan sheegay in aanay Kenya rajo sidaas u sii weyn ka qabin iney guul ka soo hoyso kiiskaas, iyadoo taas baddalkeedana u xusul duubeysa sidii wada xaajood hoose ay labada dowladood si xaal mas-tuur ah ugu dhammaysan lahaayeen, sidii awal horeba dhacday in ay mas’uuliyiin Somali matalaysey ay u sexeexeen.

 

Go’aankii ay garsooreyaasha maxkamadda ICJ ku aqbaleen dacwadda Soomaaliya

Kiiska maxkamadda ICJ ka hor, Kenya waxay ku doodeysay in dhul badeedkaas ay Somaliya heshiis kala saxiixatay hannaanka xallinta muranka badda.

Balse Soomaaliya oo arrintaas ka biya diidday ayaa go’aansatay in ay xaajada hor geyso maxkamadda ICJ ee Qaramada Midoobay.

Kenya ayaa dhankeeda maxkamadda u gudbisay kiis ay uga soo horjeeddo in ICJ ay furto dhageysiga dacwadda.

Hase yeeshee, bishii Febraayo ee sannadkii 2017-kii ayey Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Maxkamadda oo la safatay Soomaaliya waxay meesha ka saartay doodda Kenya ee ah in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen.

Maxaa sababay carada Kenya?

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay Muqdisho, ka dib markii ay dowladda Kenya amar ku siisay inuu xafiiskiisa albaabada u laabo isla markaana faarujiyo Kenya.

waxaa lagu soo warramayaa in shirar ku saabsan arrintan ay maanta oo Axad ah ka socdaan madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa BBC-da u sheegay in go’aankan kahor, Kenya ay dowladda Soomaaliya u dirtay warqad ay uga dalbanaeyso in raaligelin ay ka bixiso arrinkaasi beecinta shidaalka ah, dibna ug laabato.

Hase yeeshee, dowladda Soomaaliya ay ka gaabsatay inay ka jawaabto walaaca Kenya ay qabto.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau ayaa sheegay in aanay Kenya marnaba iska indha tiri doonin arrinkan.

 

“Xadgudubkan aan wax loo dhiga lahayn ee sida sharci darrada lagu xoogayo hantida dadka reer Kenya, maaha mid laga aammusi karo, wuxuuna u dhigmaa fal cadawtinimo oo ka dhan ah dadka reer Kenya iyo hantidooda”.

 

Kamau ayaa sidoo kale hadalkiisa raaciyey in loo baahan yahay in arrintan si wadajir ah looga hortago.

 

“Xaraashkan gardarrada ahi waxa uu u qalmaa in laga hortago, dadka reer Kenya si wada jir ah ayay uga hor-imaan doonaan, waxa sidaas si la mid ah uga hor-imaan doono dadka samaha jecel oo dhan ee aaminsan ilaalinta sharciyada caalamiga ah, iyo in si nabadgelyo ah oo xeerarka waafaqsan lagu xalliyo murannadaa,”. Sidaa waxaa war qoraal ah ku sheegay xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Kamau.

 

 

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live