Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

Kenya oo doonaysa in ay khaladkeedii saxdo iyo dawladda Somalia oo si gabbasho la’aan ah qoraal uga soo saartay xidhiidhka Dublamaasiyadeed ee ay Kenya bur burisay.

$
0
0

Awdalpress – London -Xarunta warqabadka ee BBC London ayaa xaqiijisay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, kaasi oo lagaga hadlay khilaafka xarka goostay ee diblomaasiyadda Kenya iyo Soomaaliya.

 

Warqaddan oo loogu jawaabayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si toos ah u sharraxday Kenya waxyaabaha ay walaaca ka qabtay, ka dib markii 8-dii bishan Febraayo ay xukuumadda Nairobi warqad u dirtay dhiggeeda Muqdisho.

 

Dawladda Kenya ayaa dib u joogsatay markii maanta la joojiyey daroogadii qaadka ee Somalia lagu cuni jiray, Kenyana ay lacagta badani ka soo geli jirtay. Sidaasi daraaddeed, ayaa la sheegayaa in ay dawladda Kenya dib u sax ku samaynayso khaladkii ay ku jirtay xidhiidhka dublamaasiyadeed ee labada dal.

 

Nuqul ka mid ah warqadda maanta ka soo baxday xukuumadda Soomaaliya ee ku wajahneyd Kenya oo soo gaadhay BBC-da ayaa waxa ku xusan dhammaan jawaabaha la xidhiidha arrimaha ugu dambeeyay ee soo cusbooneysiiyay khilaafka diblomaasiyadeed ee labada waddan.

 

Qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ee jawaabta lagu siinayo Kenya ayaa lagu yidhi: “Wasaaraddu waxay si asluubeysan sharraxaad u siineysaa wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Kenya, waxayna uga jawaabeysaa warqad ku wakhtiyeysneyd 8-dii Febraayo, 2019-ka, taasoo Kenya ay uga dhiidhineysay khariidadda dhul badeedka ay Soomaaliya soo calaameysatay ee ay shidaalka ku jira ku suug geysay shirkii London ka dhacay 7-dii bishan Febraayo”.

“Waxaan ka war qabnaa in Kenya ay “sharci darro” u aqoonsatay meelaha ay Soomaaliya ka calaameysatay dhul biyoodka, ayna sheegtay in dhulkii lagu muransanaa saliiddiisa la beecinayo. Guud ahaan dhulka hadda shidaalkiisa la beec geeyay waa mid ka tirsan biyaha ay sida saxda ah u leedahay Soomaaliya, dowladduna waxay xaq u leedahay iney difaacdo madax bannaanideeda iyo dhulkeeda. Intaas waxaa sii dheer in dowladda Soomaaliya aysan marna iib geyneynin qorshahana ugu jirin dhul ka mid ah xadka lagu muransanyahay, ilaa inta ay go’aan cad kasoo saareyso maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, taasoo uu hor yaallo kiis ku saabsan arrinta”.

 

Dhanka kale qoraalkan ayaa looga hadlay dhawaaqii eedeynta ahaa ee kasoo yeeray Kenya iyo tallaabadii ay dowladda Kenya ku dalbatay inuu safiirkeeda Soomaaliya fadhiyay soo laabto, danjirihii Soomaaliya ee Nairobi ku sugnaana loo diro Muqdisho.

 

“Dowladda Soomaaliya waxay ka qoomameyneysaa hadalkii kasoo baxay dowladda Kenya ee ku saabsanaa eedeynta ah “in Soomaaliya ay iib geysay saliid ku jirta dhul ay Kenya leedahay”. Soomaaliya waxay sidoo kale ka qoomameyneysaa go’aankii ay Kenya ku dalbatay inuu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya, iyadoo aan wax wadatashi ah la yeelanin dowladda Soomaaliya”.

 

Gellinkii dambe ee shalay oo Sabti ahayd ayey Dowladda Kenya muujisay cadhadeeda ku aaddan Suuq geynta shidaalka ee dalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in saliidda la iib geynayo lagu daray mid ku jirta dhul ay Kenya leedahay, walow ay Soomaaliya hadda eedeyntaas gaashaanka u daruurtay.

Awdalpress


Haween weynaha magaalada Leicester UK ee ka soo jeeda gobollada galbeedka Somaliland, Harawe iyo Djabouti oo xaflad taageero isugu yimid. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Habeenkaasi Sabti waxa laga dhargey ciyaar dhaqameed, heeso, haasaawe, kaftan iyo is xog warsi. Sidoo kale waxa ay haweenku si kalgacalo leh ku wadaageen WALIIMO amma cunto xafladeed aad iyo aad u macaanayd. Xafladdani ayaa isna waxa ay haweenka Leicester ku casuumeen Ahmedweli Sh. Omer Goth oo ay wada tashi wada yeesheen isla markaasina madashaasi quruxda badan hadal ka jeediyey. Ujeeddada xafladduna waxa ay khaas u ahayd taageerada midnimda Ugaas Abdirashid ku dhawaaqay iyo hoggaankooda ul diirkeed noqday. Qaban qaabiyayaasha xaftadana waxa ka mid ahaa Casha Aw Saleebaan iyo Safiya Cali Kiriir oo si weyn u daadihinayey hawsha xafladda. 

 

Midnimadu waxa ay la xoog tahay BUURTA SAW ee idiin muuqata ( Waa halku-dhagga xafladda )

 

 

Xafladdiina sidan ayey u dhacday ee ku soo dhawaada:

 

 

 

Magaalada Leicester ee ku taalla dalka Ingiriiska waxa habeennimadii Sabtidii ka qabsoontay xaflad aad u qurux badan oo si farshaxamaysan loo soo agaasimay, isla markaana ay ku dhammaayeen inta ugu miisaan culus haween weynaha gobolkaasi amma magaaladaasi iyo marti kale oo uga timid gobolka Bedfordshire.

 

Habeenkaasi Sabti waxa laga dhargey ciyaar, haasaawe, kaftan iyo is xog warsi. Sidoo kale waxa ay haweenku is jacayl ku wadaageen WALIIMO amma cunto xafladeed aad iyo aad u macaanayd.

 

Xafladdaasi oo la isku weydaarsaday is warsi ku saabsan halka ay marayso siyaasadda mandiqadda geeska Afrika iyo saamaynta ay ku leedahay degaannada gobollada galbeedka Somaliland, degaanka Somalida ee Ethopia iyo Djabouti ayaa waxa ka soo baxay is faham iyo taageero ay marka hore u fidinayaan hoggaanka guud ee qawmiyaddu ay ka soo jeedaan ee Gadabuursi, oo uu ugu sarreeyo Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi.

 

Gaba gabadiina, waxa kulankaasi taageerada ah ay haweenkii isku dhaafsadeen qudbado iyo farriimo ay u gudbinayaan shacabkooda ku nool daafaha dunida.

 

Qaban qaabiyayaasha xaftadana waxa ka mid ahaayeen Casha Aw Saleebaan iyo Safiya Cali Kiriir oo si weyn u daadihinayey hawsha xafladda.

 

Xafladdani ayaa isna waxa ay haweenka Leicester ku casuumeen Ahmedweli Sh. Omer Goth oo ay wada tashi iyo in uu ka hadloba ugu marti qaadeen.

 

 

 

Awdalpress

Toddoba xildhibaan oo xisbiga shaqaalaha ah ayaa is casilay markii ay ku qanci waayeen hoggaaminta Jeremy Corby

$
0
0

Toddoba xildhibaan ayaa ka ruqsaystay xisbiga Shaqaalaha ( Labour Party ) ee Ingiriiska. Sababtana waxa ay ku sheegeen hoggaamiyahooda Jeremy Corbyn oo qaabka ka bixitaanta Yurub ee loo yaqaan Brexit ku wajahay si Yahuud nacayb ah amma anti-Semtism loo yaqaanno.

 

Xildhibaannada oodda jabiyey ayaa kala ah:  Chuka Umunna, Luciana Berger, Chris Leslie, Angela Smith, Mike Gapes, Gavin Shuker and Ann Coffey.

 

Ms Berger ayaa tibaaxday in xisbiga shaqaaluhu uu noqday mid sharcigiisgu noqday Yuhuud nacayb waxana ay ku taasi ku tilmaaantay ” Arrin ceeb oo laga xishoodo ).

 

 

Mudane Corbyn ayaa isna yidhi, ” Waa niyad jab ” in xildhaanno  dareemaan in aanay sii socon karin siyaasadda ” Malaayiin ay taageereen ” doorashadii sannadkii 2017.

 

 

Dawladda u dhisan xisbigaasi odayga u qaabbilsan Chncellorka ee  la yidhaa John McDonnell ayaa aragtidiisa ku wajahan is casilaadda xildhibaanna, waxana uu yidhi, ” Sharaf ayey u tahay ficilka ay sameeyeen ” ee ay isku caslieen xildhibaannadu, waxana la filayaa in ay baarlamanka ku noqon doonaan haddii la  doorto uun.

 

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Xisbiga shaqaalaha ( Labour ) ku tilmaamay ” Qoys “,  waxana uu sii raaciyey ” ” Waa in aynaan sidan u sii kala goo go’in ”

 

” Waxa fiican in aan doodno oo aan wada joogno. ”

 

 

Xildhibaannada raadinaya in dib loo sameeyo doorasho kale oo EU ah, ayaan billaabin xisbi cusub – laakiin waxa ay doonayaan in koox koox u kala fadhiistaan golaha baarlamanka ”

 

Awdalpress

 

Michael Rubin oo dhawaan booqday Somaliland kana mid ah aqoon yahannada machadka AEI ayaa maqaalkan xasaasiga ah ka qoray Somalia iyo Somaliland

$
0
0

Michael Rubin oo ka mid ah aqoon yahannada fara ku tiriska ah ee ka hawl gala machadanka loo yaqaan American Enterprise Institute, oo dhawaan booqasho ku tegey Somaliland, isla markaana kulammo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, mas’uuliyiin kale, aqoon yahanno, waxgarad kale, sidoo kalena booqday Jaamcadda Amoud, Jaamacadaha Hargeysa iyo dugsiga sare ee Sh. Omer Goth ee Dilla, casharna ka jeediyey jaamacad ku taalla Hargeysa. Ayaa markii uu dalkiisa ku soo guryo hoyday, waxa uu qoraal dheer oo uu ka sameeyey, siyaasadaha is hirdiyaya ee Somalia iyo Somaliland ku soo qoray majallada la yidhaa THE HILL, ee ka soo baxda carriga Maraykan.

 

USA and Somaliland

Aqoon-yahankan iyo kuwo badan oo kale oo ay isku shaqo yihiin, qaarna ay siyaasiyiin yihiin, ayey si weyn isugu xidhan yihiin Amb. Bashir Goth oo ah wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka.  Waxa uu  madal Jaamicad Hargeysa ah oo uu ka hadlay ( Qudbaddaasi mar kale ayaan idiin soo gudbin doonnaa ) ka sheegay heerka ay Somaliland marayso, isaga oo aammaanay Wakiilka Somaliland u fadhiya US iyo qiimaha weyn ee uu ugu fadhiyo Somaliland.

 

The State Department and USAID will invest more than $500 million in Somalia this year. That comes in addition to more than $1 billion in United Nations assistance. Each may hope such funds will restore prosperity and stability to Somalia, but they are wrong. Rather than ensure stability, the State Department’s Somalia strategy wastes taxpayer money and promises an Al Qaeda renaissance in the strategically important Horn of Africa.

The basic problem is centralization. By deciding to channel all funds through Mogadishu, Washington and the UN are replicating the Iraq program mistakes that culminated in the UN’s oil-for-food program which to this day remains the largest corruption scandal in UN history. That program started with good intentions: To ensure Iraq used its oil revenue to the benefit of its people. But for both bureaucratic and diplomatic reasons, the UN channeled all money first through Iraqi President Saddam Hussein’s government. The rest is history: The General Accounting Office estimated that Saddam Hussein’s’ regime derived more than $10 billion in illegal revenues, and an independent investigation commissioned by UN Secretary-General Kofi Annan largely affirmed the findings.

The program’s origins may have been relief, but Saddam weaponized it. When I first visited Iraqi Kurdistan in 2000, Kurds complained that they lived under double sanctions: First, the international community against Iraq and, second, the Iraqi regime’s against them. Both the UN and US effectively allowed Saddam to feed his allies and starve his opponents. Corruption thrived and, in 2003, war returned.

 

The parallels between Iraq and Somalia are eerie. Both Saddam Hussein and Mohamed Siad Barre seized power in the late 1960s and consolidated iron grips over their countries. Both amassed huge fortunes, and both invaded their neighbors. And, as with Saddam Hussein, Siad Barre’s ambitions drove his country to genocide. While Saddam bombarded Iraq’s northern Kurds. Siad Barre turned MiG fighters against the Isaaqs in the Somaliland region. In 1991, both the Kurds and the Isaaq emerged from their respective killing fields with de factoautonomy and nascent democracy.

 

But even as Kurds and Somalilanders began running their own affairs, UN and US sanctions remained. Symbolic unity required treating Kurds as no different than Saddam’s regime. Today, the same dynamic continues in Somaliland. Visiting diplomats and NGO workers acknowledge that the difference between the Somaliland region and Somalia proper are night and day. Somalia is among the world’s most dangerous countries; Somaliland is among the safest in Africa. Somalia’s president controls a few neighborhoods in Mogadishu and relies on foreign troops to defend even that. Somaliland has managed to secure an area the size of Missouri without foreign aid. In Somalia, an appointed parliament itself elects a president. Somaliland’s last presidential elections were the world’s first secured by biometric iris scans.

 

Alas, the State Department’s antiquated Africa policy and lax Congressional oversight may now enable a perfect storm.

 

Secretary of State Pompeo and USAID administrator Mark Green have doubled down on their predecessors’ policy to channel all money through Mogadishu. While the State Department tells itself it is alleviating suffering and stabilizing the Somali state, it is in reality fueling corruption, enabling Al Qaeda’s expansion, facilitating the ambitions of U.S. adversaries, and undercutting democracy.

 

To channel all aid through Mogadishu, the State Department and USAID apparently believe, both strengthens Somalia’s recovery and reinforces the sanctity of Africa’s borders. The border issue is a red herring. Somaliland’s borders are set by map and treaty.

 

The bigger problem is corruption. Transparency International now ranks Somalia as the world’s most corrupt country: worse than Afghanistan, Iraq, and Venezuela. Rather than build Somalia, flooding Mogadishu with cash fuels corruption that undermines its recovery. Dumping cash on Somalia will no more fuel progress than dumping billions in Iraq and Afghanistan did.

 

Congress should instead demand the US government calibrate assistance to capacity: give aid to functioning systems; deny it to dysfunctional ones. There is greater danger: As Mogadishu hoards aid, regional inequity emboldens Al-Shabaab, al Qaeda’s regional chapter.

 

Somaliland has transparent systems in place. Society is increasingly cashless, as even illiterate shoppers use mobile apps to pay for almost everything. Each transfer generates a receipt and ensures the kind of accountability that the bags of cash in Mogadishu do not.

 

While Al-Shabaab thrives amongst Somali corruption and lawlessness, Somaliland has eradicated the threat. How counterproductive it is then to withdraw assistance from the only region in the Horn of Africa that works. That Somalia pockets US aid but embraces China while Somaliland seeks closer US ties is the icing on the cake.

 

Winston Churchill supposedly said “Americans always do the right thing; they just try everything else first.” That may eventually become true in the Horn of Africa too, but unless Congress starts asking some hard questions about how US money is spent Somalia, taxpayers will be bilked and national security imperiled.

 

Michael Rubin is a resident scholar at the American Enterprise Institute. A former Pentagon official, he teaches classes on terrorism for the FBI and on security, politics, religion and history for U.S. and NATO military units. He has a Ph.D. in history from Yale University.

Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin ugu baxaya dalka Ethopia iyo Md. Farmaajo oo isna la filayo inay kulmaan. ( War xasaasi ah )

$
0
0

Awdalpress – London – Madaxweyne Muse Bixi iyo qaar ka mid ah xukuumaddiisa oo kala ah; Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Fartoon, Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad, Wasiirka Ganacsiga Saajin, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mohamed Kaahin iyo Jananka Ciidammada Nuux Tani, ayaa maanta u ambaxaya dalka Ethopia oo ay ka heleen marti qaad aan hore loo sii shaacin.

 

 

Arrimaha socdaalkooda ayaa la xidhiidha xoojinta wada shaqaynta labada dal iyo sidii ay xidhiidh intaa ka sii dhaw u wada yeelan lahaayeen. Laakiin weli lama oga ujeeddada socdaakooda ee intaasi dhaafsan.

 

 

Dhinaca kale waxa isna la hadal hayaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muse Bixi isku arki doonaan Addis Ababa. Balse weli ma hayno warar caddaynaya.

 

Dr. Ahmed Abiy oo ay siyaasaddiisa gobolku ku salaysan tahay wada noolaasho dhab ah iyo isku soo dhawaansho ayaa isna aan la garanayn sababta ay dhici karto in uu kulmiyo labada Madaxweyne ee Farmaajo iyo Muse oo in dhaweydba aanu xidhiidhkoodu fiicnayn. Inkasta oo beesha caalamku qorshayneysey in ay kulan ku yeeshaan.

 

Waxa iyana cusub siyaasadda isir nacayb ka ku dhisan ee madaxweynaha Kenya uu la soo baxay. Taasi oo ka cadhaysiisay dhammaanba dadka Somalida ah meel kasta oo ay joogaan.

 

Si kastaba arrini  ha ahaatee, waxa aan ka dhur sugnaa waa sida ay suurta gal u noqoto kulan ay Farmaajo iyo Muse ku wada yeeshaan Addis iyo natiijada ay kala soo noqdaan.

 

 

Awdalpress

Tacis ku socota eheladii Dr. Mohamed-rashid Sh. Hassan oo ku geeriyooday Hargeysa.

$
0
0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

 

Halkan waxa tacsi tiiraanyo leh ka diraya dhammaanba qoyska reer Sh. Omer Goth meel kasta oo ay joogaan, waxana ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Dr. Mohamed-rashid Sh. Hassan oo maanta fiidkii xaqii ku yimid. Waxana ay Eebbe uga rajaynayaan in uu marxuumka Jannadii ka waraabiyo….Aammiin.

 

Dr. Mohamed-rashid waxa uu ahaa haldoorka fara ku tiriska ah ee soo maray ummadda Somaliyeed, gaar ahaan reer Somaliland. Degellada Somalidu degtana waxa maanta looga barooranayaa Mohamed-rashid oo xaqii ku yimid.

 

Intii uu marxuumku noolaa, waxa lagu xasuustaa in uu ahaa shakhsi akhaaq badan, af gaaban, aqoontiisa ugu adeega ummadda. Aqoontiisu may ahayn mid keliya waxase uu isku darsaday isaga oo ahaa qoraa, suxufi, hanuuniye iyo shakhsi maamul wanaagga ku suntan.

 

Wakhtigii xukuumadihii Somalida waxa uu soo maray mas’uuliyado waaweyn sida guddoome Bank, hawl wadeen xisbi, wariye iyo kuwo kale, kadibna waxa uu waxbarasho sare u tegey dalka Ingiriiska, oo uu waxbarashadii Jamacadeed ku dhammaystay illaa iyo PhD. Jaamacadaha uu wax ku soo bartayna waxa ka mid ah Norwich University iyo London University. Muddadii uu joogay boqortooyada Ingiriiska waxa uu shaqaale iyo madax ka noqday laanta afka Somaliga ee BBC London.

 

Dr. Mohamed-rashid, waxa uu dalkiisii hooyo ku gurya hoyday dabayaaqadii sagaashaadkii kadibna waxa uu si rasmi ah ugu soo guuray badhtamihii 2000, waxana uu qayb weyn ka qaatay nabadayntii iyo geeddi socodkii Somaliland, dhismihii maamulladii is daba taxnaa ee soo maray Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka soo qabtay hawlo lagu xasuusto oo waaweyn, oo uu ugu danbayntii ka noqday Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadda.

 

Allaha u naxariisto marxuum Mohamed-rashid waxa uu wax ku bartay kuna barbaaray degaanka Somalida Ethopia iyo Borama. Maantana waxa uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu muddadii ugu danbeysey ku noolaa.

 

Awdalpress iyo shaqaalaheeduna waxa ay leeyihiin INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

 

Awdalpress

Madaxtooyada Somaliland oo sheegtay in arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah

$
0
0

Awdalpress – London – Warar hoose oo ka imanaya ilo xog ogaal ah ayaa tibaaxaya in martiqaadkii Madaxweynaha Somaliland iyo wafdiga uu hoggaaminayaa ay wax badan isla qaateen, kaddib kulankii ay wada qaateen ra’iisal wasaaraha Ethopia Dr. Ahmed Abiy.

 

Sida haddaba wararku sheegayaan, waxa uu Dr. Ahmed Abiy u soo jeediyey wafdiga Somaliland in ay kulan la qaataan Madaxweyne Farmaajaha Somalia, oo la filayey in uu yimaaddo Addis Ababa. Balse waxa ka gaws qabsaday Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi oo yidhi, ” umaannaan soo diyaar garoobin immiga, waxanse diyaar u nahay in aan fagaare caalami ah ku kulanno”.

 

Dr. Ahmed Abiy ayaa dhankiisa u sheegay in aanu war ku seegganayn rabitaanka shacabka iyo xukuumadda Somaliland. Hase yeeshee, loo baahan yahay in Somaliland ay xidhiidh fiican iyo wada shaqayn la yeelato  dawladda Somalia. Waxa kale oo uu si cad uga warramay isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay Ethopia bilowday iyo in ay rabto gobol nabad ah, dadkiisuna ay si wanaagsan u wada noolaadaan, iyada oo aan cidna la faquuqin, taasina buu yidhi kuma imanayso, in la sii kala qoqobnaado amma aan la wada shaqayn.

 

Taariikhihii la soo maray ayey labada dhinac ka wada sheekaysteen, dhibihii iyo khaladaadkii ay xukuumadihii hore ee Somalia iyo Ethopia ay soo mareen ayaa iyagana la gacan togleeyey. Laakiin waxa ay isla waafaqeen in bog cusub oo aan cadaawad iyo cunuf lahayn ay u furaan ummadaha hoos yimaadda maamulkooda iyo kuwa ay dariska yihiin.

 

Soo dhaweynta loo sameeyey wafdiga uu hoggaaminayey Muse Bixii ayaa ahayd mid maqaamkiidu sarreeyey, labada calan oo is garab babbanaya ayaana ka muuqday madal kasta oo ay labada dawladood u kulmayeen.

 

Awdalpress

Ma run baa in Somaliland laga dhisayo waddo Tareen oo isku xidha Berbera iyo Addis Ababa ( Warkaasi oo faah faahsan halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Warar naga soo gaadhaya Addis Ababa ayaa sheegaya in dhawaan la billaabi doono dhismaha waddo Train oo iksu xidhi doonta Somaliland iyo Ethopia.

Marka laga hadlayo dhaqaale kobcin iyo is dhex gal dhab ah, waxa saldhig amma tiir u ah in la horumariyo kaabayaasha ama afka Ingisiisiga loogu yeedho ( infrastructure ). Sidaasi daraaddeed, isbeddelka ka curtay Ethopia maaha uun mid ku salaysan siyaasad fur furan iyo maamul caddaali ah. Laakiin waxa ku jira sidii loo horumarin lahaa wada noolaashaha ummadda geeska, ee isku xidhnaantooda iyo gacma is dhaafsigoodu u noqon lahaa mid kobciya dhaqaalaha iyo ammaanka mandiqadda.

 

Haddaba socdaalkii uu Madaxweynaha Somaliland  usbuucan ku tegey dalka Ethopia ayaa lagu soo qaaday sidii loo xoojin lahaa is dhex galka dhaqan dhaqaale iyo sidii loo horumin lahaa dhinacayda kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka, dekedaha iyo tamarta.

 

 

 

Awdalpress


Dugsi hoose dhexe oo loo magac daray Sh. Hassan Taani oo laga dhisay degaanka Qabari-Dhaaweed ee duleedka Dilla

$
0
0

Awdalpress – London – Qoyska reer Sh. Hassan Tani oo uu hormood u yahay Xaaji Mohamed Sh. Hassan Tani ayaa dugsi casri ah ka dhisay Qabri-Dhaaweed oo ku taalla duleedka magaalada Dilla. Qoyska reer Sh. Hassan Taani waxa wehelinayey oo si maamuus leh xadhiga uga jaray wasiirka Waxbarashada Somaliland iyo raxan isugu jirta wasiirro, maareeyayaal iyo mas’uuliyiin kale.

Dugsigan oo ka kooban afar class iyo xafiikii maamulka, isla markaana lagu wareejiyey dayr aad u weyn ayaa maalintii shalay loo sameeyey xafladdii furitaanka dugsigaasi, oo loogu magac daray Sheekh Hassan Tani.

Dugsigan Sh. Hassan Tani ahaa ayaa waxa xilligan ku jira arday ka badan 100 arday. Sannaddada soo socdana waxa la filayaa in ay ardayda dugsigu gaadhi doonto illaa iyo 400 oo arday.

 

 

Degaanka Qabri-Dhaaweed iyo degaannada ku xeeran ayaa ah goobo ay dadku is dul tuulan yihiin, da’yarta wax ka baran doontaana ay fursad weyn ka heli doonaan. Halkii ay awal hore carruurtu aanay awoodi kari jirin in ay subaxdii u lugeeyaan dugsiyada kale ee agagaarkooda ah sida, dugsiyada ku yaalla Dilla, Duudweyne, Waxara-waalislay iyo Muse Xasan. Oo dhammaantoodba ka tirsan degmada Dilla.

Awdalrpess

SHIISHKA MAANTU HALKA UU SAARAN YAHAY: Socdaalka Madaxweyne Muse Bihi ee Borama iyo shirka Kulmiye ee isla magaaladaa ka socda.

$
0
0

Madaxweyne Muse Bixi iyo Md/ Xigeenkiisa Zaylici maanta iyo shalayba waxa ay ku sugan yihiin Borama, waxana shacabka reer Awdal ku qaabileen soo dhaweyn kal iyo laab ah. Ujeeddada socdaalkooduna waa ka qayb galka shirka guud ee xisbiga Kulmiye oo la goglay magaalada Borama.

 

 

Usbuucii hore waxa hadal haynta ugu badani ay ahayd martiqaadkii uu RW Dr. Ahmed Abiy uu u fidayey Mdx Muse Bihi iyo wafdi uu hoggaamiyey ee socdaalka ku tegey Addis Ababa. Kulammadii ay wada qaateen madaxda Ethopia iyo Madaxda Somaliland, ayaa ahaa kuwo intooda badan aan saxaafadda lagaga hadal. Balse dadka siyaasadda faalleeyaa u falanqeeyeen siyaabo kala geddisan.

 

Dadka inta badan u xusul duuba taageerada Somaliland ee qayral caadiga ah, ayaa iyagu markiiba suuqyada siyaasadda soo dhigay in socdaalkaa Mdx Muse Bihi iyo wafdiga uu hoggaaminayey uu ku tegey Ethopia ay ahayd mid togan ( Positive ), isla markaana dhabar jab ku ah maamulka Federaalka Somalia oo loo arkayey mid iyagu albaabada u laabay xidhiidhkii siyaasadda Arrimaha Dibadda ee maamul goboleedyada Somalia iyo xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Mdx Muse.

 

 

Laakiin dhinaca kale waxa socdaalkaasi madaxda Somaliland ay ku tegeen Addis Ababa walaac ka muujiyey kooxaha naqdiya xukuumadda Somaliland iyo suxufiyiinta muraayadaha waaweyn u gashata sidii ay xog intaa ka badan oo rasmi ah u heli lahaayeen. Waxana ay markiiba toosh ku iftiimiyeen meelo lagu qoray MAAMULKA SOMALILAND oo ay u arkeen in maqaamkii Jamhuuriyadda Somaliland ay mudnayd in loogu yeedhaa ay meesha ka baxday. Sidoo kale waxa suuqa la soo geliyey in Mdx. Muse Bihi la oggoleysiiyey in uu la shaqeeyo Mdx Farmaajo xukuumaddiisa.

 

Isku soo wada duuboo, markii uu wafdigii Muse Bixi soo guryo noqday, waxa warbixin kooban saxaafadda siiyey wasiirkiisa gudaha mudane Kaahin. Mdx Bihi-na kama hadal oo waxba saxaafadda uma soo bandhigin. Taasina waxa ay qolyooyinka mucaaridka siisay fursad ay markrafoonkooda ka sheegaan, in mar haddii Mdx Muse ka hadli waayey socdaalkiisii ay macnuhu tahay NIYAD JAB lagala soo guryo noqday Addis Ababa.

 

Laakiin waxa sheekadii runta ahayd oo qayb ahi bannaanka timid markii uu Mdx. Muse sida waafiga uu uga warramay safarkaa ay Addis Ababa ku tegeen, mar uu ka hadlay fagaarahii weynaa ee reer Borame ku soo dhaweeyeen.

 

Warkaasi muhiimka ah ee uu Mdx. Muse ka sheegi waayey Hargeysa ee uu la sugay inta uu Borama tegeyo ayaa dadka reer Borama dareensiisay culayska siyaasadeed ee Borama ku leedahay Somaliland.

 

 

 

Hadalka uu Suldaan Saleebaan ka jeediyey madashii soo dhaweynta ayaa dad badani farta ku fiiqayaan.

 

 

 

Shirka Kulmiye ee Borama

 

Sida dadka xog ogaalka ahi ka soo warinayaan magaalada Borame ee gobolka Awdal, waxa immiga socda shirkii 6aad ee xisbiga Kulmiye qabsado. Waxana madasha shirka ka muuqda rag iyo dumar isaga kala yimid gobollada dalka, oo dhammaantooda ka mid ah xubnaha golaha dhexe iyo hawl wadeennada xisbiga Kulmiye. Sidoo kale waxa ku dhan siyaasiyiin hankoodu yahay in ay u tartamaan hoggaanka xisbiga oo in badani ay hore ula soo shaqeeyaan xukuumadihii hore ee Somaliland. Inkasta oo oo ay jiraan in hal door kale oo hore xisbiga ula soo halgamay oo maqan madashan.

 

Dhicnaca beesha caalamka waxa iyagana lagu casuumay dulmaasiyiin uu ka mid yahay Safiirka Ethopia u fadhiya Hargeysa ee lagu magacaabo Dr. Shamsu-diin.

 

 

 

 

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa goglan madal qurux badan, oo si fiican looga soo shaqeeyey. Dhinaca kale waxa magaalada Borame iyo guud ahaanba gobolka Awdal laga dareemayaa in ay wax weyni iska beddeleen shaxdii amma taageeradii hore uga muuqatay shacabka magaalada. Inkasta oo aan waxba laga beddelin awoodaha iyo mansabyada amma tirada golaha dhexe ee ka matilaya degaannada gobolka Awdal.

 

Suldaan Dhawal oo ka hadlay shirka Borama lagu qabtay oo salaadiinta reer barigu ka biyo diidday muxuu ka yidhi?

 

 

 

Ahmedweli Goth

Awdalpress

 

 

 

 

 

Ciidammada Maraykanka Africa oo 35 Al-shaab ah ku dilay duqayn ay diyaaradahoodu geysteen goobo cayiman.

$
0
0

Awdalpress – London – Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay in 24-kii bishan ay duqeyn ka geysteen goob 23 mile u jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay 35 ka mid ah maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, iyada oo aanay wax khasaare ahi ka soo gaadhin shacabka.

 

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan lala helay koox mintidiin ah oo Shabaab ka tirsan xilli ay isaga gudbiyeen laba deegaan oo ku yaalla baadiyaha gobolka Hiiraan.

 

“Weerarkaas waxa uu ka hor-tagay halis ku wajahneyd saaxiibadeenna  shacabka Soomaaliyeed. Ka hor inta aanay Al-Shabaab awood u yeelan inay is abaabusho” ” Sidaa waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Maj. Gen. Gregg Olson oo ah agaasimaha howlgallada AFRICOM.

Janaraalka ayaa hadalkiisa isaga oo sii wata raaciyey, “Waxan sii wadi doonnaa inaan taageerno saaxiibadeenna Soomaaliiya, gaar ahaan marka ay na siiyana fursad aan dagaalka ku qaadno Al-Shabaab, taasi oo qeyb ka ah hawlaha aan rabno in aan gudanno”

VOA

Wararka shirka xisbiga Kulmiye ee ka socda Borama iyo wariyaha VOA Hashim Goth oo ka warramaya. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Wariye Hashim Sh. Omer Goth oo VOA da uga soo warrama Somaliland kuna sugan magaalada Borama ayaa VOA da uga warramay shirka xisbiga Kulmiye uga socda magaalada Borama ee gobolka Awdal.

 

Shirkan oo la filayo in maanta la soo af-meero ayaa socday illaa iyo shalay, waxana ka soo qayb galay Madaxweynaha J Somaliland mudane Muse Bixi Abdi oo ah guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.

 

 

Awdalpress

Magaalada ugu mudan in caasimad loogu yeedho degellada Somaliyeed waa tee?

$
0
0

Image result for borama

Awdalpress – London – Magaalo ama caasimad marka qiimayn lagu sameeynayo, waxa ay noqotaa laba mid:

 

  1. Magaalo cabsi leh, oo ammaan xumo, dhaqan xumo, nolol xumo iyo caafimaad darri lagu tiriyo, isla markaana loogala cararo da’yarta soo koraysa.
  2. Iyo magaalo lagu tilmaansado wanaag badan oo ay ugu horreyso ammaan, dhaqan fiican, dad fiican iyo hawo caafimaad badan.

 

Nasiib darro Muqdisho waxa ay ahay wakhtiyo ahayd mid ay shacabka Somaliyeed ku hammiyaan in ay degaan amma jeclaystaan in a sidii xajka mar uun booqdaan. Shuruudaha caasimadeed ee wanaagga badanna way lahayn. Laakiin maanta waxa ay noqotay hoyga argaggaxa. cabsida, daroogada iyo caafimaad darrida.

 

Image result for Muqdisho

 

Hargeysi ka ay laalaadin, waxase cidhiidhi ku noqday biyihii oo ah tiirka ugu weyn ee nolosha, waxa quruxdeedii wax yeello ka soo gaadhay qashin, nidaam xumo iyo daroogada oo ku badan. Sidaasi awgeed waxa ay noqotay magaalo looga qaxo meelo kale.

 

Image result for hargeysa

Burco iyada qabyaalad iyo waji xumo badawnimo oo ay u muujiyaan ama takoor lagu hayo dadka yimaadda magaalada ayey caan ku noqotay, waxana qabyaaladda markhaati ka ah, sida ay magaaladu u qaybsan tahay ( Bari iyo Galbeed ). Dhinca kale magaaladu waxa ay ku taallaa dhul aad mooddo bacaad, oo gabadha subaxdii iyada oo qurux badan suuqa u soo baxadaa, waxa ay guriga ku noqotaa iyada oo siigo miidhan ah, oo illaa kubka boodh ku leh.

 

Related image

 

 

Boosaaso oo ah magaalo xeebeen taariikh facweyn leh ayaa iyaduna ka mid ah magaalooyinka burburkii dhulka Somaliyeed ka dib, sida weyn u dhisantay, waxana u dhan dhammaanba adeegyada bulshada. Inkasta oo ay biyo yaraan badani ka jidho. Ganacsi aan caadi ahaynina waa uu ka socdaa. Laakiin waa magaalo ay isku mid yihiin Hargeysa, oo qashinka iyo nadaafad xumidu ay hoy u noqotay. Basle guryo qurxooni ka dhisan yihiin. Sidaasi daraaddeed dad badani ay caafimaadkooda darteed uga cararaan.

 

Image result for boosaaso

Haddaba mar aan samaynay xog raadis ku saabsan magaalada ku habboon in ay noqon karto caasimadda degaannada Somalida, ayaa la isku raacay in magaalada Borama ee gobolka Awdal in ay ku habboon tahay caasimadda Somaliyeed ee sannadadan danbe. Iyada oo buuxisday shuruudaha caasimadnimo haddii ay tahay qurxda meesha ay ku taallo, iyada oo ku taallada degaanka ugu biyo badan Somaliland, ilbaxnimada dadkeedu ay leeyihiin iyo hawada caafimaadka badan ee ay leedahay.

 

Image result for borama

 

Qoraal arrintaa ku saabsanaa oo ay dad badani xiiseeyeen oo lagu qoray barta Facebook uu ku leeyahay Ahmedweli Goth, ayaa sidan u qorraa:

 

Borame waa caasimadda 1aad ee Somaliland ammaba Somalida. Sabab?

 

Borame waxa ay ku taallaa dhul biyo badan ( biyuhu waa tiirka 1aad ee nolosha ), hawa fiican leh, dooxooyin waaweyn iyo beera leh, xoola-dhaqato-beeraley ahi ay ku hareeraysan yihiin. Buurana ay ku gadaaman yihiin. Oo caanaheeda, hilibkeeda, masagadeeda, garawgeeda, qamadageeda, faasuuliyaheeda iyo digirteeda aanad afka ka qaadayn.

 

Waa magaalo hawadeedu caafimaad badan tahay, oo sida culimada Science-ku sheegeen ay Oxygen tu ku badan tahay. Sidaasi daraaddeedna dadka wadna xanuunka qaba iyo dadka dhiig-karta qabaa ay caafimaad badan ka helaan, marka ay hawada Borame soo galaan.

 

Sidoo kalena waxa ay caan ku tahay hurdada oo aan lagaba kicin. Dadka hurda la’aanta ka cawdaa marka ay hawada Borama soo galaan sariirtaba kama kacaan…
Waa yaab!, Waxa kale oo Borame ka mid tahay magaalooyinka dadka ku nooli ay ugu cimriga dheer yihiin.

 

Shacabka ku nooli waa dad ilbax ah, oo soo dhaweyn fiican, aan dadka qariibka ah takoorin, oggol in lala noolaado. Wax walbana NABADGEYADA ka jecel. Isla markaasina aad u neceb qabyaaladda iyo wax kasta oo dadka kala fogeeya. Sidaasi daraaddeed ayaad magaalada kula kulmaysaa Somali kala gobollo ah oo buux dhaafisay suuqyada.

Dhinaca akhlaaqda, waa magaalo aan laga jeclayn QAADKA iyo DAROOGOOYINKA kale ( dilaaga ugu weyn ee qofku waa kuwaasi ). Tusaale ahaan waxa maalintii soo gala Borame QAAD uu sido hal gaadhi oo yar iyo wax la mid ah, halka BURCO ama HARGEYSA ay soo galaan in ka badan 70 Gaadhi. Oo sida QAAD, KHAMRI, XASHIISHAD IWM. Borame ma laha DISKOOTEEK ay dhallinyarada ragga iyo dumarku ku caweeyaan, kamana caaggana in ay heesaha dhegeystaan. Hobby gooduna waa aqoonta oo ay ku tartamaan.

Borama waa meel aqooneed, hadday noqon lahayd dhinaca diinta ama tarbiyadda Islaamka iyo dugsiyada kaleba ( da’yartu marka ay dugsiyada ka yimaaddaan waxad arkaysaa iyaga oo galbihii kutub u sii sita Masaajidda iyo machadyada Diinta lagu barto, taasina waxa ay kor u sii qaadday aqoontooda luqadeed, diineed iyo akhlaaqdooda qofnimo ).

Magaalada waxa aad ka heleysaa dugsiyo tayadoodu aad u sarrayso oo illaa heer Jaamacadeed ah oo public iyo gaarka loo leeyahayba leh. Sidaasi awgeed ayaa da’yar aad u tiro badan oo Somaliyeed uga yimaaddaan degaannada Somalidu degto iyo daafaha dunida, gaar ahaan dalalka Maraykan, Canada, Ingiriis iyo Yurubta kale.

Dhinaca dhaqaalaha waa magaalada ugu maceeshad raqiisan dhulka Somalida oo dhan. Cunnada oo la isticmaalo oo u badan ta dhulka ka baxda ayaana malaha ugu wacan.

Borame waa magaalada ugu cunto macaan degellada Somalida. Dhaqanka wax wada cunkana caan ayey ku tahay, oo waxad arkaysaa guryo badan oo maalin kasta dad aad u badani ay u qado tegayaan. Cuntada lagu karinayana aad mooddo in casuumad loogu tala galay.

Isku soo wada duuboo, akhristow maxaa qoraalkan kaaga baxay……..?

Ahmedweli Goth

 

U.S. Africa Policy Cannot Afford to Ignore Somaliland

$
0
0

Here’s the problem: Somaliland’s ability to stand up to radicals and Al Qaeda-affiliated terrorists may not be endless.

by Michael Rubin

 

Image result for the national interest

 

HARGEISSA, SOMALILAND—“Great nations do not fight endless wars,” President Donald Trump declared in his State of the Union address, even as he redoubled his commitment to “focus on counterterrorism.” While many commentators describe Afghanistan—the war against which Trump railed—as America’s longest war, the battle against terrorists and warlords in Somalia has now run even longer .

Alas, even as Trump talks about scaling back the U.S. military footprint abroad, his willingness to follow the State Department’s lead in Somalia threatens to embolden radicalism and revive piracy in the Horn of Africa. At issue is Somalia, where the State Department’s embrace of false unities and antipathy toward change has led it to double down on its support for Somalia’s symbolic government in Mogadishu.

At first glance, Trump’s cynicism looks warranted. After years of civil war, Somalia has a provisional constitution and a government. Elders have appointed a parliament, which in turn has elected a president. But the federal government’s control is largely illusionary. Most diplomats and non-governmental organizations are sequestered inside the international airport, which makes Baghdad’s old Green Zone look permissive. The African Union Mission in Somalia (AMISOM), encompassing troops from five African countries and police from an additional three, provides basic security. The president holds little sway outside his palace and a few square blocks around his palace, while Al-Shabaab, a terrorist group affiliated with Al Qaeda, continues to strike in the city and across the country.

Fictions are expensive. The United Nations and aid organizations are seeking upwards of $1 billion in aid this year just to provide immediate relief, and that figure is even greater when the price tag for AMISOM is factored in. Much of the aid, however, never reaches Somalis; Transparency International now ranks Somalia as the world’s most corrupt country. Rather than help Somalis, donations to Mogadishu often fuel factional fighting and drive Somalis into the arms of radicals and yet, despite his promise to turn Washington’s old ways on their head, the Trump administration policy in effect remains to throw good money after bad. In effect, Somalia has joined Pakistan and Egypt in an extortion racket whereby it demands endless aid to fight radicalism, but never defeats it for fear of losing an annual windfall which elites siphon for personal interests.

Not all of Somalia, however, embraces this cycle. As Somalia descended into civil war in 1991, Somaliland, ground zero for Somali dictator Siad Barre’s reign of terror, declared itself independent. Its claim was solid: during the colonial era, it was a British protectorate, distinct from the rest of Somalia, with internationally-recognized borders. All five UN Security Council members recognized its 1960 independence. To Somalilanders, its subsequent union with Somalia was voluntary, as was its exit against the backdrop of Somalia’s descent into chaos. Residents of the region also point out that the State Department’s traditional antipathy toward border changes rings hollow given Washington’s, the African Union’s and the broader international community’s recognition of South Sudan and Eritrea. True, neither of these countries is a success, but Somaliland already promises to be. Today, Somaliland includes twenty-eight percent of Somalia’s area and one-third of its population. Unlike Somalia proper, Somaliland has denied Al-Shabaab access to its territory. Hargeisa, its capital, is among the safest cities in Africa. Somaliland has contested elections , secured via biometric iris scans , and has had five peaceful transfers of power amongst rival parties. While Somaliland has its own currency, its economy is increasingly cashless : organic innovation and permeation of cell phones has allowed even its rural citizens simply to trade digital money by cell phone. Americans might still think “Black Hawk Down” when they think of Somalia, but Somaliland has become more like Sweden and Estonia in its e-practices.

In effect, Somaliland does everything right. So why does the United States ignore it? In the era of budget cutbacks, the State Department refuses to even put an office in Hargeisa akin to what it has in Iraqi Kurdistan or Taiwan. The Pentagon, for its part, has no regular liaison with their Somalilander counterparts, even though both counterterrorism missions and the war in Yemen enhance Somaliland’s strategic importance.

Here’s the problem: Somaliland’s ability to stand up to radicals and Al Qaeda-affiliated terrorists may not be endless. Somaliland spends one-third its budget on security, but Somalia refuses to provide it with any international funds channeled through Mogadishu. The situation is now so dire that Somaliland’s army and coast guard recruits must purchase their own guns in order to conduct the patrols which stabilize its 460-mile coastline, prevent weapons smuggling from Yemen, and deny Al-Shabaab access to its vast rural areas. While the UN has eased its arms embargo on Somalia in order to allow AMISOM to operate and to supply Somali government forces (who more often than not sell their weapons to the radicals for some quick cash), it continues to enforce an arms embargo on Somaliland that is an artifact of the situation in Somalia three decades ago.

Trump and National Security Advisor John Bolton are right to question foreign aid. Sponsoring parades in Bulgaria or art workshops in Central America have limited utility. But, every million dollars invested in Somaliland’s security could offset defense needs with a price tag several orders of magnitude higher. Somaliland seeks not tanks and modern fighter jets, but simply small arms and more patrol boats. The region’s willingness to invest more than fifteen-times proportionately what America’s NATO allies do in defense shows it is serious and not simply seeking subsidy for what it could otherwise achieve on its own. Somalia’s government might complain, but Washington need not kneel to Mogadishu. If Trump truly wants to end endless wars and American engagements abroad, perhaps it is time to embrace rather than ignore allies, bolster democracies and recognize that even at the height of its greatness, America has never truly gone it alone.

Michael Rubin is a resident scholar at the American Enterprise Institute.

 

 

 

Qarixii shalay ka dhacay Muqdisho iyo warkii ugu danbeeyey. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Dowladda Soomaaliya ayaa weli wax war ah aan ka soo saarin howlgal xalay ay ciidammada dawladdu billaabeen, oo illaa waqtigan ka soconaya waddada Maka Al-Mukarama oo xalay ay Ururka Al Shabaab ka geysteen weerar qaraxyo ku bilawday, weerarkaasi oo lagu qaaday Hotel ku yaalla jidkaasi.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa galay Guri ay dad rayid ah degan yihiin oo u dhow Hotelka Maka Al-Mukarama,kuwaas oo saacado badan ka dagaalamayay,waxaana jira dadaalo ay ciidamada dowladda ku doonayaan inay kusoo afjaraan weerarkaas.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, siyaasiyiin iyo xildhibaanno ayaa cambaareeyay weerarka kuwaa oo baaq u diray Ururka Al-shabaab.

Marka laga soo tago khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu geystay qaraxaas ayaa hadana waxaa jira burbur hantiyadeed,sida goobo ganacsi oo ku yaalla halka qaraxa uu ka dhacay iyo gaadiid farabadan oo goobta yaallay.

Saraakiisha hay’addaha Amaanka ayaa sheegay in tiro ka badan 25 ruux oo rayid ah ku dhinteen qaraxyadii iyo weerarradii xalay ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama, waxana goobaha caafimaadka la geeyay ku dhawaad 60 ruux.

Hotelka Maka Al-Mukarama ee xalay la weeraray ayaa waxaa degan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waana mid ka mid ah hoteellada sida weyn amaankooda loo ilaaliyo.

Awdalpress


Dilkii wariyihii Jamal Khashoggi oo la is weydiinayo…. Maydkiisii?

$
0
0

Awdalpress – London – Qisada la yaabka lihi, waa film-ka ay Ajazeera soo bandhigtay ee ku saabsan khashoggi, ee ay mawduuca uga dhigtay AAWAY MAYDKII ?

 

Waxa la leeyahay oo ay shabakaddani soo bandhigaysaa wariyaha oo la gubay iyo halkii lagu gubay, waxa kale oo ay tafaasiil aad ah ka bixinaysaa qaabkii ay jariimaddaasi u dhacday.

 

 

Awdalpress

Siyaasi Mohamed Ali Aw Cabdi oo hadal adag ku weeraray xukuumadda Mdx Muse Bihi Abdi. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Musharrixii Madaxweyne/X ee xisbiga Waddani mudane Mohamed Ali Aw Abdi ayaa markii ugu horreysey s adag uga hadlay halka ay marayso siyaasadda iyo hoggaanka Somaliland, intii Madaxweyne Muse Bihi hoggaanka u qabtay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Awdalpress

Maalinta Hooyooyinka ee 8da March waxan ku soo qaadanayeynaa sheekadan ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Inta  video-gan aan hoos soo dhignay aynaan daawan. Aan marka hore u hambayeyno dhammaanba hooyooyinka Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

 

 

 

Waxan wada ognahay in ay hooyada Somaliyeed tahay hoyga nolosha ee dhinac kasta. Sidoo kale waxa ay ku suntan yihiin, kuwa XALKA iyo BILICDA bulshada qayb ka ah. Inkasta oo ay jiraan in yar oo fara ku tiris ah, oo qayb ka ah FADQALALLADA bulshada dhexdeeda iyo BUR BURKA QOYSKA. Kuwaasi oo aan eeddu gooni ku ahayn, ee ka shiidaal qaata ragga laga hoogay ee isaga dhiga daacadda.

 

Mar walba KAALINTA hooyadu ugu jirto bulshadu waa mid qiimo badan, markasta oo ay aqoon iyo waayo aragnimo korodhsadaanna, waa mid ay sii weynaato amma bulshada ka dhex iftiinto wanaagga ay u qabtaan bulshada Somaliyeed.

 

 

 

Awdalpress

Tiro koobka Ethopia ee 10 kii sanaba mar la qabto iyo khiyaamo lala maaggan yahay gobolka Hawara.

$
0
0

Qorshaha tira koobka shacabka Ethopia ayaa la qabtaa 10 kii sanaba hal mar. Qaabka loo tiro koobo shacabka magaalooyinka iyo baadiyaha ama reer-guuraagana laba ayaa loo kala saaraa. Muddada ka horreysa tiro koobkana waxa hay’adda samaysa tira koobkoobku degaannada ku sameeyaan sahan iyo qiyaaso cilmiyeysan. Si loo helo tiro koob sax ah oo lagu saleeyo qorshayaasha adeegga bulshada iyo doorashooyinka.

 

Haddaba, sannadkii 2007 ka oo ugu danbeysey tiro koob laga samaayo Ethopia . Ayaa degmada Aw Barre iyo degaannadii ay xukumaysey noqdeen 340 000, halka dhawr gobolka Dhaxbuur, Fiiq, Wardheer iyo kuwo kale oo ku yaallaa badhtamaha Ogaadeeniya oo tiro koobkii u danbeeyey noqday in ka yar 200 000.

 

Natiijadii sidaasi noqotay ayaa waxa ay ka cadhaysiisay xukuumaddii Abdi Ilay oo u dhashay gobolladaasi. In gobollo dhawr ah ay degma Aw Barre ka dad badato ayaa noqotay mid la qaadan waayo.  Waxana ay xukuumaddii Abdi Ilay qaadday tallaabo ay kaga hor tageyso in aanu gobolka Harawe mar danbe uga dad badan degaannada Ogaadeeniya, sidaasi daraaddeed hoos dhigo tiro koobka soo socda. Si ay taasi u suurta geliyaanna, waxa qorshihii sahanka oo hor dhac u ah tiro koobaka la  qorsheeyey in degmada Aw Barre iyo degaannada ay xukunto ama degmada Shinniile la yareeyo qaybaha magaalooyinka amma dhulka degaannada ah, halka magaalooyin iyo tuulooyin badan, oo tiro koobkii hore aan reer – guuraa lagu tirin, lagu daray qaybta reer-guuraaga. Kadibna, la yareeyo dadka ka hawl galaya tira koobka degaannada Aw Barre.

 

Arrinta noocaasi ahi markii ay soo if baxday, waxa guud ahaan gobolka Harawe oo dhan laga dhigay dibad bax iyo kacdoon lagaga soo hor jeedo mashruucan sida qaldan loo majaro habaabiyey. Kadibna odayada iyo wax garadka gobolka Harawe oo uu hoggaaminayo Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi, ayaa dacwad ka gudbiyey khaladka lagu samaynayo tira koobka dhinaca gobolka Harawe. Dawladda Ethopia na waxa ay garawsatay in ay khaladkaasi saxdo, 12 bilood ayaana tira koobkii dib loo dhigay.

 

La soco arrimaha gobollada Somali State in Ethopia, gaar ahaan gobolka Harawe.

Siyaasi culus oo ka baxay xisbiga Waddani kuna soo biiray UCID loona wado guddoomiye ku xigeenka Faysal. Waa kuma?

$
0
0

Awdalpress – London – Siyaasi ka soo jeeda gobolka Awdal isla markaana ah ruug caddaa aqoon sare leh, kama mid ahaa madaxda xisbiga Waddani, ayaa u soo diga rogtay xisbiga UCID ee mucaaridka ah.

 

Prof. Qaasim Sh. Ibrahim Tubeed oo dhawaan loo caleemo saari doono guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID. Ayaa maalintii shalay ahayd mar keliya laga arkay shaashadaha saxaafadda. Waxana uu ka dhawaajiyey in uu si cad u sheegi doono, sababta uu uga soo baxay xisbiga Waddani. Dhinaca kalena waxa uu Madaxweyne Bixi ugu baaqay in uu doorashada xilligeedii ku qabto.

 

 

Awdalpress

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live