Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

Tacsi ku socota ehehkii Marxuum Ahmed Sh. Omer Barkhad oo ku geeriyooday Abu Dhabi.

$
0
0

Related image

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Dhammaanba asxaabta hoos ku qorani waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Ahmed Sh. Omer Barkhad. Oo ku geeriyooday dalka Emaaraadka magaalada Abu Dhabi.

  1. Dr. Sacad Xaaji Hirsi
  2. Bashir Sh. Omer Goth
  3. Ahmedweli Sh. Omer Goth
  4. Harawe Sh. Omer Goth
  5. Xamse Sh. Omer Goth
  6. Haashim Sh. Omer Goth
  7. Rabia Sh. Omer Goth
  8. Abiibakar Sh. Omer Goth
  9. Omer-diin Sh. Omer Goth
  10. Dr. Mohamed Nuh Ali
  11. Abokor Nuh Ali
  12. Mohamed Abdillaahi Aden Wacays
  13. Abdirahman Abdillaahi Aden wacays
  14. Abdi Barkhad Ismail
  15. Hassan Muse Khalif
  16. Ibrahim Aw Ahmed Absiye
  17. Mohamed Aden Dheere
  18. Rashid Abdillahi Qalib
  19. Mustafe Daud Sh. Hassan
  20. Abdirahman Ali Kaahiye
  21. Mahamoud Aw Ducaale
  22. Omer Aden Liibaan
  23. Ismail Nuh Barkhadle
  24. Omer Ibrahim Kule
  25. Abdirashid Ibrahim Kule
  26. Abdisalaan Nur ( Ilburo )
  27. Mohamed Abdillaahi Mixile ( Sheekhaal )
  28. Mohamed Ali Jamac Abraar
  29. Ahmed Aw Abdillaahi Gudaal
  30. Mahamoud Daahir Bullaale
  31. Ali Yusuf
  32. Daahir Barkhad Ismail
  33. Ahmed Daud Geeddi
  34. Aden Daud Geeddi
  35. Abdilxamid Sh. Muhumed Farax
  36. Dayib Ibrahim Nur
  37. Muse Aw Hassan Looddoon
  38. Omer Ibrahim ( ILka dahable )
  39. DR Mahamoud Sh. Hassan Tani
  40. Dr. Omer Ibrahim ( Omer Fanax )
  41. Abdi Daud Geeddi
  42. Bashir Sh. Abdillaahi Diriye
  43. Abdi Dayib Sh. Muhumed
  44. Omer Ismail Sh. Muhumed
  45. Mohamed Xirsi Gudaal
  46. Ahmed Ibrahim Tani
  47. Ali Gaas Sugaal
  48. Ali Sh. Omer Sh. Muse
  49. Osman Sh. Omer Sh. Muse
  50. Farxaan Siciid Khalif
  51. Mohamed Abdillaahi Xaaji Obsiye
  52. Ahmed Muhumed Nur ( Coday )
  53. Abdirashid Ibrahim Aw Muhumed
  54. Barre Abdi
  55. Mohamed Ibrahim Aw Muhumed
  56. Sh. Cadduur Abdillaahi
  57. Sh. Mukhtaar Xuseen Miiggane
  58. Dr. Abdirahman Obsiye ( Geeljire )
  59. Bashir Xuseen Xirsi
  60. Abdirahman Abdillaahi Ammiin
  61. Ahmed Barkhad ( Mariye )
  62. Ahmed Aden ( Camash )

iyo inkale oo badan, oo aannaan halkan ku soo koobi karin.

 

Awdalpress

 


Somaliland: A Success Story Without the Billions and Bombs

$
0
0

They got rid of piracy and al-Shabaab at a fraction of the cost that we’ve spent in the region. How?

By MICHAEL HORTON • 

Somaliland is a success story in a part of the world where those are rare. For 27 years, the self-declared state—with little outside assistance—has defied the odds. In contrast with Somalia, from which it declared its independence in 1991, Somaliland has enjoyed years of relative stability and democratic governance.

The autonomous but unrecognized Republic of Somaliland has also eradicated piracy from its shores and thwarted the jihadist group al-Shabaab’s expansion within its borders. Somalia hasn’t managed any of this, despite the billions of dollars expended by the international community over nearly two decades.

Rather than spending money it has never had on advanced weaponry, drones, and a large unwieldy army, Somaliland has instead focused on the two things that always form the backbone of successful counter-terrorism and counter-insurgency: good governance and reliable human intelligence. The two are almost always linked.

Good governance guarantees buy-in and cooperation from communities whose members are on the frontlines of the war against extremists. The government of Somaliland recognized this early on when it developed its anti-piracy program.

Those anti-piracy efforts denied maritime gangs access to its shores and coastal waters at a time when pirates based in Somalia and Puntland, a semiautonomous region directly south of Somaliland, were attempting to hijack vessels on an almost daily basis (40 were successfully stolen in 2008). In Somalia and Puntland, pirate gangs had free rein in many areas and became mainstays of the local economies.

The overall cost of Somaliland’s anti-piracy program was less than $500,000 in 2010, when, during the same period, the U.S. and its international partners were sinking hundreds of millions off the coast of Somalia. These international efforts did reduce incidents of piracy but they did little to combat the problem on the ground in Somalia and Puntland, where many pirate gangs simply shifted from hijacking to kidnapping. Some pirates went on to join al-Shabaab.

In contrast, Somaliland’s program dealt directly with the problem by preventing pirates from establishing ties to local communities. The government of Somaliland ensured that coastal areas played a leading role, becoming its eyes and ears. At the cost of a few cell phones, Somaliland established a highly effective early warning system that allowed communities to report suspicious activity and provide the very local and immediate intelligence that is critical to fighting piracy.

Somaliland’s government learned a great deal from its anti-piracy efforts and applied those lessons to its equally successful counter-terror operations. Just as with the fight against pirates, community engagement remains central to the battle against al-Shabaab. Somaliland does not rely on drones, military contractors, or any of the other expensive trappings of the counter-terror programs of its southern neighbors. Instead, the key element of its operations are the people it defends. The best intelligence, which is critical to fighting a group like al-Shabaab, is not produced as a result of coercion or payments. Instead, Somaliland pays for the information provided by its citizens by maintaining a government they can participate in and rely on—at least much of the time—to respond to threats to their communities.

By comparison, al-Shabaab remains a potent force in Somalia despite the billions of dollars spent trying to eradicate it. The U.S. government alone spends tens of millions annually on its counter-terrorism efforts in Somalia, where it relies on drones, Special Forces raids, dubious and poorly led militias, and military contractors to battle al-Shabaab.

In addition to American efforts and expenditures, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) has deployed thousands of soldiers supplied with heavy weaponry and air support to combat al-Shabaab. Yet despite their overwhelming numerical and technological superiority, al-Shabaab persists and remains a highly capable foe.

The reason for this is that the leadership of al-Shabaab understands what all successful insurgent groups understand: predictability, reliable governance, and community engagement are critical to maintaining support. The governance that al-Shabaab provides is brutal but at the same time it is predictable and rarely arbitrary. The government of Somalia is slowly building its capacity to govern but still fails to provide its citizens—especially those living in areas away from urban centers—with the level of consistent security that al-Shabaab does.

This is evidenced by the fact that many Somalis actually seek out courts run by al-Shabaab rather than those operated by the Somali government. This is because al-Shabaab’s courts issue verdicts quickly, offer arbitration that is often in line with local customs, and are more capable of enforcing verdicts and arbitration. Even in the Somali capital of Mogadishu, al-Shabaab-linked clerics and qadis run a parallel justice system that is favored by some residents.

Al-Shabaab understands exactly what the government of Somaliland understands: that consistent governance is fundamental to maintaining the support of communities. The support it’s gained as a result is exactly what an insurgent group needs to persist and even defeat a better-armed adversary. But in Somaliland’s case, that support has fallen behind the democratic government, which has allowed the authorities to consistently thwart and defeat terrorists. This is the only weapon that will work in the war on terror over the long term: good governance in which citizens can participate and take pride.

Michael Horton is a foreign policy analyst who has written for numerous publications, including Intelligence ReviewWest Point CTC SentinelThe EconomistThe National Interest, and The Christian Science Monitor.

Mdx Muse Bixi oo qudbad sannadeedkii caadiga ahaa u jeediyey labada gole ee Somaliland. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Qudbad dhinacyo badan ka hadlaysa ayaa Madaxweyne Muse Bixi ka hor jeediyey labada gole, oo ahayd qudbad sannadeedkii dastuuriga ahayd ee madaxweynaha Somaliland uu ka hor jeedin jiray labada gole ee xukuumadda Somaliland, ayaa sidan u dhignayd.

 

Awdalpress

Lagtida ragga miisaanka culus oo bishii hore la qabtay halkan ka daawo.

$
0
0

Ciyaarta lagdinta heer caalami ee ay ragga dunida ugu xoog waaweyni ku tartamaan oo afar usbuuc horteed la qabtay halkan ka daawo.

 

 

Awdalpress

Madaxweyne Muuse Biixi iyo safarkiisa Berbera

$
0
0

Berbera (Awdalpress)-14-09-2019-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray mashaariic horumarineed oo laga wado gudaha dekedda weyn ee magaalada Berbera, ceel biyo macaan leh oo laga hirgeliyey deegaanka Kal-gumarre ee duleedka Koonfureed ee magaalada Berbera, isaga oo dhagax-dhigay mashaariic isugu jira ceel-biyoodyo, dhismeyaal cusub oo loo dhisi doono Shaybaadhka qaranka iyo haamo cusub oo ay yeelan doonaan keydka haamaha shidaalka ee magaalada Berbera.

Madaxweynaha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera, islamarkaana ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaalada Berbera, ayaa ugu horrayn kormeeray dekedda weyn ee magaalada Berbera, waxana uu madaxweynuhu indho indheeyey mashaariic waaweyn oo ay shirkadda dekedda gacanta ku haysa ee DP World ka hirgelisay gudaha dekedda iyo agab casri ah oo ay keentay, waxana uu warbixin ka dhegaystay maareeyaha dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo ku dheeraaday horumarka ay dekeddu ku tallaabsatay.

Maareeyaha Haamaha keydka shidaalka Berbera, Mudane Xasan Axmed Embasi oo ka hadlay dhagax-dhig uu madaxweynuhu u sameeyey laba Haamood oo cusub oo kala ah Naafto iyo Baatrool, kuwaas oo midkiiba qaadayo 10,000 (toban kun oo mitir Kuyuubik), ayaa hoosta ka xarriiqay inay haamaha ka dhigeen kuwa isku filan, islamarkaan awood u leh inay buuxiyaan baahida shidaal ee qaar kamid ah dalalka deriska, xaddiga haamahana kor loo qaadayo.

Maareeyaha wakaaladda Biyaha Berbera, Mudane Saleebaan Cabdiraxmaan Xuseen iyo wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka hadlay kormeerka uu madaxweynuhu ku tegay Ceel-biyood biyo macaan leh oo laga hirgeliyey deegaanka Kal-gumarre, ayaa si waafi ah uga warbixiyey dedaallada ay ugu jiraan sidii ay magaalada Berbera u heli lahayd biyo ku filan.

Madaxweynuhu waxa uu dhagax-dhigay mashruuc cusub oo Ceel-biyood loogu hirgelinayo dadka ku dhaqan dhinaca barri ee magaalada Berbera, isaga oo masuuliyiinta qaranka u qaabilsan biyaha ku adkeeyey inay xil weyn iska saaraan sidii shacabka ku dhaqan Berbera ay biyaha uga haqab beeli lahaayeen, maadaama oo jawiga magaaladu yahay mid kulul.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maamulka degmada Berbera iyo odayaasha reer Berbera-ba ku bogaadiyey sida ay xilka iskaga saaraan ilaalinta nabadda iyo joogtaynta horumarka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Horumarku waxa uu ku yimaaddaa nabadda, intaynnu nabadda xoojinno ee khilaafaadka yaraynno ayuu horumarkeennuna kordhayaa, meel la isku khilaafsan yahayna horumar laguma gaadho, maamulka Berbera iyo odayaashiisaba waxan ku bogaadinayaa inay nabadda aad u xoojiyeen beryahan dambe, waana tusaale wanaagsan.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

Madaarka Berbera waxaan ka dhigay garoon shacab.. Muuse Biixi

$
0
0

Berbera(Awdalpress) 14 sep.2019– “Garoonkii Berbera ee in badan laga murmaayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta…..” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi

Awdalpress

Aduun yada’tan dheeligu galoo dhinac u liicaysa,By maxamed jeex

$
0
0

Maanta waxaan rabaa inaan qoraal yar oo kooban kaga hadlo sida aan u fahansanahay cadaalada & wakhtigan dhibaatada,qaylada,sarwaxanka ka taagan dalkeene,hadaba waa maxay sobobta wax looga qaban laayahay cadaalada darada ka qaylisineysa umada badan oo maanta kunool wadankeena.

Diinta islaamka Cadaaladda waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah. Waa mowduuc aad u weyn oo xiriir la yeelanaya dhaqaalaha, bulshada, hogaanka iwm, waxaana lagu xusay Quraanka iyo Axaadiista marar badan, sidoo kale waxaa jira aayado iyo xadiisyo badan oo kusoo arooray in cadaaladu tahay wax laf-dhabar u ah dhismaha/jiritaanka shaqsiyadeed, qoyseed iyo midka qowmiyaheedba. Fikradda cadaaladda waxa ay la xiriirtaa sinaanta xaqqa iyo runta iyadoo aan la isku kala saareynin andacooyin la xiriiro midab, dhalasho ama mararka qaar diin. Cadaaladdu makala laha sarreyn, nasab, hanti ama sharaf, waana mid ay tahay in loo wada sinnaado, dadka dhanna ay u qabato si isku mid ah.

Cadaalad in la bixiyo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u taagnaan karto dowlad islaam ah hadiise la waayo waxaa la waayi madaxda iyo dowladaa sidii loo waayay rag badan oo aduunyada magac weyn ku lahaa sida Qadaafi iyo Xusni Mubarak iwm. Mararka qaar waxaa dhacda dunida in cadaalada aanan la helin in badan sidoo kalana in cadaalada aysan helin dadkii mudnaa tusaale ahaan inaan si saxan bulshada xoolaheedi ama xaqeedi loogu maamulin.

1) In qofka xurnimo dhameystiran u lahaado dareenkiisa/keeda.

2) In aadanahu u sinnaado nolosha.

3) Isku xirnaanta bulshada taasoo micnaheedu yahay kasoo bixidda masuuliyadda bulshadeed micnaheeduna ma aha dareen ahaan ee waa qaadidda tallaabooyin dhab ah sida bixinta zakada, hadiise ay jirto in ay baahida bulshada ku filnaan weydo waa in lacag dheeri ah laga qaadaa dadka wax heysta.

Waxaa muhiim ah cadaalada la kaashado si nabad, degenaan & midnimo lagu gaaro. Cadaaladuna waxa ay keentaa dhamaan intaas hadii ay ahaan laheyd horumar, nabad, karti iyo sinaan in wax lagu wadaago iwm.

Waxaan soo qaadanayaa gabay somaliyeed: Raggaan dheesha tumayoo aduun idinka dheereeye,Idhagaysta talo dhiiran baan idin dhahaayaaye,Naftu maalintay kaa dhacdoo dhinac ilaah joogto,waa lagaa dhaqaaqino qabraa lagu dhigaaayaaye,dhaqaa lahaad lahayd oo dhanbaan dhibic ku raacayne,Dhalaan kaad dhashiyo waalid waa kala dhumaysaane,Dhex yartaad jeclayd baa nin kale dhaxal sugaayaaye,Dhalasha kuwii kuu xigaa xiran dharkaagiiye,Adiguna dhakh’saad helin dhambaal aan dhayal ahayne,Camalkii aad dhigataa qabriga kuugu soo dhicine,Dhalan’teed hadii uu ahaa waa ku dhibayaaye,Asagaa dhim bilihiyo ka daran dhuub lagaa jaraye,Ninkaan’diinta dhigan waa dhadhamin dhamacdi naareede,Dhagta fura dhambaal’kaani waa dheef ninkii 

 

Hadaba xaalada maanta dalka somaliland ay mareyso may tahay tii sxda ahayd ee isku wada keeneysay bulshada kuwada nool wadanka? Ta labaad gobolada Awdal,Salal,galbeedka gabiley,sool , buuhoodle & sanaag bari waxaa maanta ka taagani cid kasta oo joogta somaliland wey ogtahay,sidaasi darteed cadaalad daradaa ay tirsanayaan bulshada intaas leegi ma waxaan odhankarnaa waa been???

Gobolada beesha dhexe laftoodu aad ayay u badan tahay iyaga laftoodu ma waxaan odhan karnaa cabashadaa waxba kama jiraan???

Waxaan kusoo gabo gabeynayaa labo qodob oo muhiim ah in la fahmo mudana in lagana hergeliyo dalka cadaalad ahaan kuwaa oo keeni kara guulo waaweyn.

 

 

By Maxamed jeex

Maxamed-1970@hotmail.com

JSL Borama 

Sucuudiga: Wershado saliidda sifeeya oo la weeraray

$
0
0

Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warantay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka la yidhaa ay weerareen oo dab qabad siiyey laba wershadood oo kuwa shidaalka ah oo ay leedahay shirkadda dawladda ee Aramco.

Muuqaallo goobahaa laga soo duubay ayaa muujinaya olol iyo qiiq ka kacaya Abqiiq oo ah wershadda ugu weyn dunida ee saliidda sifaysa.

Weerar labaad oo ay qaaday diyaarad aan duuliye lahayn ayaa isna lagu ekeeyey wershadda shidaalka ee Khurays ee dhanka galbeed ee Sucuudiga. Dabkii ka kacay labada wershadood ba haatan waa xakameeyey ayey ku waramaysaa warbaahinta dawladdu.

Degaalyahanada Xuutiyiinta Yemen ee Iran ayaa weerarro kuwan oo kale ah hore loogu eedeeyey.

Hase yeeshee warbaahinta Sucuudigu ilaa haatan may sheegin cidda weeraradan haatan dhacay ka dambaysa.

“Abaaro 7 subaxnimo ayaa waaxdada badbaadada ee Aramco bilowday in ay dab ka kacay laba wershadood oo ku kala yaal Abqiiq iyo Khurays bakhtiiso, waxaana dabkaasi huriyey weerarro diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen goobahaas” ayey tidhi wakaaladda wararka ee Sucuudigu.

“Dabkii labada goobood ka kacayna haatan waa la xakameeyey” ayey intaa ku dartay wakaaladdu.

Abqiiq waxay 60 km dhanka koonfur galbeed ka xigtaa magaalada Dahraan ee xarunta u ah gobolka bari ee Sucuudiga, Khurays na waxay ka sii shishaysaa 200 km, waxaana ku taal warshadda saliidda ee labaad ee dalka ugu weyn.

Weerarkan yaa qaaday?

Dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa hore loogu eedeeyey weerarro ay bishii hore diyaarado aan duuliye lahayni ku qaadeen warshadda gaaska dabiiciga ah soo saarta ee Shaybah iyo goobo kale oo shidaalka laga qodo oo bishii May iyagana weerarro lagu qaaday.

Dhaqdhaqaaqaa fallaagada ah ee Iran gacan saarka la leh ayaa dagaal kula jira xukuumadda Yemen iyo isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo.

Tan iyo markii 2015-kii Madaxweyne Cabdrabbuh Mansuur Haadi uga qaxay magaalo madaxda Sanca Xuutiyiinta, dagaal baa Yemen ka socday.

Sucuudigu wuxu taageerayaa Madaxweyne Haadi waxaana xulufo uu hormuud u yahay oo ka kooban dalalka gobolku dagaal kula jirtaa fallaagada.

Xulufadu ku dhawaad maalin kasta weerarro cirka ah ayey ku qaaddaa, Xuutiyiin-tuna had iyo goor waxay gantaalo ku ridaan gudaha Sucuudiga.

Sidoo kale waxa gobolka ka taagan xiisad ka dhalatay loolanka dhex yaal Sucuudiga iyo Iran.

Sucuudiga iyo Maraykanka labaduba waxay ku eedeeyeen Iran weerarro lagu qaaday laba markab oo kuwa saliidda qaada ah bililii Juun iyo Juulaay, hase yeeshee eedahaas Tehran way beenisay.

Bishii May ayaa afar markab oo kuwa saliida qaada ah oo laba ka mid ku maaxayeen calanka Sucuudiga waxa khasaare ka soo gaadhay miino badeed kaga qaraxday badda Imaraadka ee dhinaca Gacanka Cumaan.

Sucuudiga iyo la taliyihii waagaa ee arimaha nabadgelyada qaranka ee Madaxweyne Trump, John Bolton, ayaa labaduba ku eedeeyeen Tehran weeraradaas, hase ahaatee Iran ayaa ku tilmaantay eedahaaa “wax lagu qoslo”

Bbc


Trump oo xaqiijiyay dilka wiil uu dhalay Bin Ladin

$
0
0

Mandatory Credit: Photo by Evan Vucci/AP/Shutterstock (10358411r)
President Donald Trump talks to reporters on the South Lawn of the White House, in Washington, as he prepares to leave Washington for his annual August holiday at his New Jersey golf club
Trump, Washington, USA – 09 Aug 2019

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta xaqiijiyay dilka Hamza Bin Laden oo ahaa wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al Qacida, Osama bin Laden.

Bayaan uu Sabtida maanta ah kasoo saaray xafiiskiisa Aqalka Cad ayuu Trump ku sheegay, in Hamza Bin Laden lagu dilay howlgal ka dhan aha argagixisada oo laga fuliyay xadka u dhaxeeya Afghanistan iyo Pakistan.

Wuxuu sheegay in dhimashada Hamza aysan kaliyah dhaawac dhanka hogaanka ah ku aheyn Al Qacida, balse ay wiiqi doonto howlgallada iyo dhaqdhaqaaqyada muhiimka ah ee kooxda.

Warbaahinta Mareykanka ayaa horraantii bishi August sheegtay, in ay ilo wareedyo xaga mukhaabaraadka ah u sheegeen dilka ina Bin Laden. Xiligaas waxay warbaahintu sheegtay in ay ogaadeen in Xamza la dilay inti lagu guda jiray labadi sano ee lasoo dhaafay, laguna khaarijiyay howlgal uu Mareykanka ku lug lahaa.

Xamza ayaa ahaa canuga 15-aad ee 20-ka carruur ee uu ka tagay Osama Bin Laden. Waxaa dhashay xaaska saddexaad ee Osama, waxana sida la sheegay uu ku jiray da’da soddomeeyada. Waxaana lagu tirinayay inuu ahaa hogaamiye soo baxay oo yeelatay Al Qaacida.

Inta uusan dhiman waxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, madaxiisa saartay hal milyan oo dollar cidii soo sheegta goobta uu ku suganyahay.
VOA

Mugabe M/waynihii Hore ee Zimbabwe oo maanta la Aasayo

$
0
0

Madaxweynihi hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Harare ee caasimadda dalkaasi.

Tobneeyo madaxweyne oo African ah iyo kuwo horay xilal uga soo qabtay Africa ayaa hadda ku sugan garoonka kubadda cagta ee caasimadda Harare, halkaas oo ay ka socoto munaasabadda tacsida Mugabe.

Madaxdda tagtay Harare ayaa waxaa ka mida ha madaxweynaha South Africa Cyril Ramaphosa, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, hogaamiyaha Equatorial Guinea Theodore Obiang Nguema iyo madax kale.

Mugabe, oo todobaadki hore ku geeriyooday dalka Singapore isaga oo da’diisuna aheyd 95 sano ayay dadka reer Zimbabwe ku xasuusan doonaan halgankiisii gobanimada doonka iyo soo afjaradii taliskii cadaanka tirada yaraa ee Zimbabwe.

Waxaa kale oo ay ku xasuusan doonaan qaabki ay dowladihiisa u soo maamushay dhaqaalaha liitay ee Zimbabwe muddadi 37-di sano ee uu dalkaasi soo maamulay.

Milatariga ayaa xakunka xoog uga qaaday sanadki 2017-ki, kaddib marki ay isku dhaceen madaxweyne ku xigeenkiisii Mnangagwa, kaasoo hadda ah madaxweynaha Zimbabwe.
VOA

Nation-building is viewed as a distinct By Hori

$
0
0

Nation-building is viewed as a distinct process to sociologists; nonetheless, they are closely linked to state-building. Nation-building in this sense is one of the most common processes of collective identity creation. The goal is to legitimize a constructed state authority within a given territory. There is value in connectedness and uniting together for the within a community. The nation is defined as a community of individuals who share common values, language, and/or customs and may become aware of the need for political sovereignty.

From this perspective, the two key elements of nation-building include a unifying ideology and an integration of society. Unifying ideology refers to the existence of some variation of “nationalism,” the function of which is to legitimize policies of nation-building as well as to mobilize socially for its end. Integration of society entails the incorporation of different groups into common society. Close communication among the groups is essential for a successful outcome of nation-building. The key pillars of the integration process involve the development of national communication, media, and education in order to establish a national political and cultural dialogue. 

However, after defining nation building above, I believe all Somaliland citizen have a huge responsibility to build our nation in order to reach our national goals. For the last thirty years, Somaliland is at peace and we know peace is the sign of development and prosperity. Peace is the mother of civilization and war is the demon of destruction. Civilization and development cannot progress if there is no peace in the country. Somaliland people are great people; we are naturally very traditional and take pride in our country. Although nowadays, there are many issues in Somaliland including Sanag Region, which include high unemployment rates, many of its youth leave to seek other opportunities and some of them died during their journey. As Somaliland citizens, we need to take our part regarding building our nation. Somaliland’s election is approaching us very soon, for three political parties agreed to hold an election at the end of this year. 

I listened to Mr.Ahmed Yasin speech yesterday at the City of Borama. Mr. Ayanle is very patriotic and a hero to us all. He is wise beyond his years and is always attuned to the realities on the ground in Somaliland. His speech yesterday pointed mainly at important issues in the western regions of Somaliland and the whole nation. Ayanle’s speech is historic for our community and for Somaliland. The significance of Ayanle’s speech can be compared to that of Winston Churchill’s “unity of nation” speech.  Mr. Ayaale’sspeech touched on our current reality and our history. He has shown great love for his people and has acquired a lot of potential leadership capabilities because he talked about reality and no one ignores his speech. I hope our president will solve this issue before the election because it’s good for our country.`

Finally, nation-building is key for development for every nation. I defined nation buildings and other key terms in my previous articles and the unity of our nation. Therefore any one of us we will take our part in orders to build our nation and solve our national issues including the Sanagregion and solve any other issues including parliament sits, unemployment, and more. I believe together we can solve easily. 

Ali Abdi Hori, M.Ed,

San Diego, California

Alihori1@gmail.com

Iphone 11: maxay tahay sababta ay dadka qaar uga helin telefoonkan cusub?

$
0
0

Waxaan ka hadleynaa nakhshadda teleefanka cusub ee iphone 11 oo ay shirkadda Apple Talaadadi shaacisay, kaasi oo ay dad badan aad aad u hadal hayaan cabsida Trypophobia loo yaqaanno oo ay kala kulmaan seddexda kaameera uu taleefanku leeyahay.

Trypophobia waa Cabsiyada daloolada, wuxuuna qofku ka baqaa in meel kasta oo daloosha wax ku jiraan ama ka soo galayaan.

Apple ayaa caan ku ah soo saarista telefoonnada casriga ah, iyadoo mid walbana waxyaabaha cusub lagu soo kordhiyo. Noocan cusub ee iPhone 11 ayaa ah nooc casri ah balse dadka qaar lama aysan dhicin sadexda kaamera ee gadaal kaga yaal.

Cilmi baarayaasha kala ah Professor Arnold Wilkins iyo Dr Geoff Cole oo wax ka dhiga jaamacadda Essex, ayaa aaminsan in dadka qaar cabsi ay dareemayaan markay telefoonka arkaan sababtoo ah waxaa calaamadahaasi leh cayayaanka sida caarada, dabaqallooca ama hangarlaha iyo maska.

Dadka qaar ayaan ka helin muuqaallada noocan ah oo cabsi dareema
Image captionDadka qaar ayaan ka helin muuqaallada noocan ah oo cabsi dareema

Waa bandhigii ugu weynaa oo ay qabato shirkadda Apple maadaamaa labada nooc ee telefoonnada kala ah iPhone 11 Pro iyo iPhone 11 Pro Max ay yihiin kuwa hal waqti lagu duubi karo dhowr muuqal.

Noocan cusub ee telefoonka waxaa kaloo la sheegayaa inuu leeyahay kaamerad balaaran oo xittaa qofka u ogolaaneysa inuu muuqaal ka duubo goob mugdi ah.

Shirkadda Apple oo soo bandhigtay taleefanka cusub ee iphone 11
Image caption’Waxaa aad dadka u soo jiita sawirrada lagu qaado taleefankan cusub’ sida ay shirkada Apple sheegtay

Dadka qaar ayaa cabsidooda u sababeeyay sababta aysan u iibsaneyn noocan cusub ee iPhone-ka, iyagoo siyaabo kala duwan ugu hadlay baraha bulshada.

“telefoonka waa wada kaamera,” ayay tiri gabar boggeeda twiitarka aragtideeda ku soo qortay marki ay aragtay sawirrada taleefanka. 

“Shirkadda kama aysan fakarin dadka qaba xanuunka cabsiyada daloolada markii ay kaamera badan u yeeleen telefoonka” ayuu yiri mid kamid ah dadka qaba xanuunkan.

Dadka qaba cudurka cabsida daloollada ayaa sida oo kale ka cabsada sawirrada noocaan ah

Muuse Biixi oo mar kale ka hadlay madaarka Berbera isaga oo jooga Burco

$
0
0

“Garoon aan isleeyahay waa ka Afrika ugu weyn ayaa la dhisay, adduunkoo dhanna ciidamada iyo shicibku way wada isticmaalaan garoomada, markaa laga maarmi maayo in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan, markaa lagama maarmaan ayey noqotay in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan iyo diyaaradaha madaniga ah oo uu noqdo garoon caalamiya (International airport), heshiiskii aynu la galnay ee 25-ka sanno ahaana waa sidiisii, wax iskama bedelin ee sidiisii ayuu u yaalaa” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

M/wayne Muuse Biixi oo ka qaybgalay qalinjabinta difcada 9aad ee Jaamacada Burco

$
0
0

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qayb-galay Foolaydan Loo Sameeyey Dufcaddii 9-aad ee Ka Qalin-jebisa Jaamacadda Burco

Burco-1509-2019-()-Madaxweyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu fooladeeyey 242 Arday oo ka qalin-jebisay Jaamacadda Burco.

Munaasibad lagu karaamaynayo ardayda ka qalin-jebisay Jaamacadda Burco oo ah dufcaddii sagaalaad ee ka qalin-jebisa jaamacaddaas oo lagu qabtay hoolka jaamacadda, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, maamulka iyo macallimiinta jaamacadda, Ardayda qalin-jebinaysay iyo waalidiintooda, maamulka magaalada Burco iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bodaainayo dhallinyarada wax baratay, laguna dardaarayo inay sii xoojiyaan tacliintooda.

Guddoomiyaha Boodhka jaamacadda Burco, Mudane Maxamuud Aadan Dheri iyo guddoomiyaha jaamacadda Burco, Prof. Saleebaan Dirir Cabdi oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, waxana ay bogaadiyeen dedaalka ay sameeyeen Ardayda maanta qalin-jebisay iyo sida ay ugu soo samreen duruufihii wajahay waqtigii ay geeddiga waxbarashada ku jireen.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna Ardayda qalinjebisay bogaadiyey, waxana uu ku adkeeyey inay waxbarashada sii wataan, kana dheeraadaan wax kasta oo korodhsiga aqoon raadintooda ka hor iman kara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad miisaan leh u jeediyey Ardayda qalinjebisay, ayaa ugu horrayn ku bogaadiyey yoolkooda waxbarashada ee ay ka midho dhaliyeen, waxana uu ku tilmaamay guul qaran oo soo saartay midho lagu dhaadan karo, waxana uu yidhi, “Ardayda qalin-jebinaysa, waalidkooda, macallimiintooda, odayaashii Aas-aasay iyo kuwii gacanta ka geystay jaamaadda dhismaheeda, dhammaantooda maanta waxa u farxad ah in tacabkii ay soo tabceen midhihiisii maanta ay go’ayaan oo 242 jaamici oo qaranka wax u soo bartay oo meelo badan wax ka tari doonaa inay maanta jaamacaddii ka baxayaan waa guul aynnu wada gaadhnay dhammaanteen qaran ahaan, Ardayda waannu soo dhaweynaynaa, waannu hambalyeynaynaa, waannu ku dhaadanaynaa, waana ku rejo weynahay inay mustaqbalka wax ka tari doonaan.”

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay inay hoggaamiye ahaan ka go’an tahay tayeynta iyo horumarinta goobaha waxbarashada ee dawladdu gacanta ku haysaa, isaga oo sharraxay sababta deeqaha waxbarasho ee dibadda laga helo loogu xidhay ardayda ka baxda jaamacadaha dawladda, “Sannadkan waxannu gaadhnay in wixii deeq waxbarasho dibadda laga keenayo in la siiyo jaamacadaha dawladdu ay maamusho, waayo jaamacadda gaarka loo leeyahay lacag badanna dadka way ka qaataa, waana isku filan tahay, dadka jaamacadaha ka bixinaya lacagta intaas le’egina carruurtooda waxbarasho way u diri karaan, waxana aannu masuuliyaddeeda hor marinaynayaa kaas aanay cidina u maqnayn,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey Ardaydii ugu sarraysay kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Burco maanta ka qalinjebisay, kuwaas oo farxad iyo rayn rayn ka muujiyey sida uu madaxweynuhu waqtigiisa ugu huray inuu kala qaybgalo maalmahooda farxadda.

Wararka warbaahinta SL

Trump oo tusmeeyay qorshaha weerar ka dhan ah Iran

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay qoryahooda cabeysteen una diyaar yihiin inay ka jawaabaan weerarkii lagu qaaday mid ka mid ah goobaha ugu weyn shidaalka dalka Sacuudiga.

“Waxaa jirta sabab aan ku aaminno inaan naqaan cidda weerarka fulisay” ayuu Trump ku yiri qoraal uu barta twitter-ka soo dhigay Axaddii.

Mandatory Credit: Photo by Evan Vucci/AP/Shutterstock (10358411r) President Donald Trump talks to reporters on the South Lawn of the White House, in Washington, as he prepares to leave Washington for his annual August holiday at his New Jersey golf club Trump, Washington, USA – 09 Aug 2019

Trump ayaa sheegay inuu Sacuudiga ka sugayo inuu ka maqlo cidda ay rumeysan yihiin inay ka dambeyso weerarka iyo nooca tallaabada ay ku xijin doonaan.

Goor sii horreysay, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa twitter-ka soo dhigay “Iran waxay iminka weerar aan caadi ahayn ku qaadday halka tamarta looga qeybinayo dunida”, isaga oo diiday sheegashada kooxda Xuutiyiinta ee weerarka.

Iran ayaa eedeymaha ku saabsan inay weerarka ka dambeyso ugu yeertay “been midda ugu weyn.”

Goobaha ay suurta-galka tahay in Sacuudiga iyo Mareykanka ay beegsadaan ee Iran “ayaa noqon kara xarumaha muhiimka ah ee shidaalka dalkaas lagu sifeeyo” waxaa sidaas VOA u sheegay Ali Shihabi oo ah aas-aasaha hay’adda Arabia Foundation.

VOA


Pakistan: Rabshado la xidhiidha eedo ku saabsan diinta

$
0
0

Shacab careysan ayaa ku xoomay iskuul iyo macbad ay leeyihiin Hindu-ga kadib markii maamulaha iskuulka oo Hindu ah lagu eedeeyey aflagaado diineed, sida ay sheegeen booliska.

Rabshadaha ayaa ka dillaacay gobolka Koonfureed ee Sindh kadib markii arday uu maamulaha iskuulka oo Hindu ah ku eedeeyey inuu aflagaadeeyey Nebiga, nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Dadweyne carreysan ayaa kadib ku xoomay iskuulka, sidoo kalena burbur u gaystaan macbad hindu-ga ku leeyihiin halkaas sida laga soo xigtay booliska.

Maamulaha Iskuulka ayaa waxaa xabisay booliiska si loo bad-baadiyo, waxana booliska ay sheegeen inay baarayaan hadalka lagu eedeeyey iyo rabshadihii ka dambeeyey.

“Waxay u muuqataa in maamulaha uusan hadalka u dhihin si ula kac ah” Furrukh Ali oo ah madaxa booliska deegaanka ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka Reuters.

Aflagaadeynta Nebiga, Nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, ayaa waxaa lagu muteystay xukun dil oo qasab ah, dalka Pakistan oo 95% dadkiisa ay muslimiin yihiin, islamarkaana qaba mid ka mid ah sharciyada ugu adag ee ka dhanka ah aflgaadeenta diinta.

Pakistan weli lagama fulin xukun dil, hase yeeshee dad carreysan ayaa mararka qaar dila dadka lagu eedeeyo.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheega in sharciga ka dhanka ah aflagaadeynta diinta ay inta badan ka faa’iideystaan kooxaha mayalka adag ee diinta, iyo sidoo kale shacab doonaya inay wax iska barbareeyaan.

Reuters

Lascanood: Askari ku dilay Askari kale oo baxsaday

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in hal askari alay lagu dilay xalay magaaladaas.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in dilka askarigan uu geystay askari kale, ka dib markii uu muran dhexmaray.

Askariga la dilay ayaa ka tirsanaa ciidanka asluubta ee Somaliland. Askarigii dilka geystay ayaa la sheegay inuu baxsaday iyadoo ay ku daba joogaan ciidamada ammaanku sida la sheeagay.

saraakiisha ciidamada asluubta Somaliland oo VOA la xidhiidhay ayaa ku gaabsaday inay socoto baadhis lagu hayo dhacdadan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhacdadan uu dhaawac ka soo gaadhay hal qof oo kale oo rayid ah.

VOA

Ciidamada Burundi oo 12 Askari lagaga dilay Somalia todobaadkan

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in hal askari alay lagu dilay xalay magaaladaas.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in dilka askarigan uu geystay askari kale, ka dib markii uu muran dhexmaray.

Askariga la dilay ayaa ka tirsanaa ciidanka asluubta ee Somaliland. Askarigii dilka geystay ayaa la sheegay inuu baxsaday iyadoo ay ku daba joogaan ciidamada ammaanku sida la sheeagay.

saraakiisha ciidamada asluubta Somaliland oo VOA la xidhiidhay ayaa ku gaabsaday inay socoto baadhis lagu hayo dhacdadan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhacdadan uu dhaawac ka soo gaadhay hal qof oo kale oo rayid ah.

VOA

Trump oo caawinaya xulafadiisa sucuudiga

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa diyaarineysa inay jawaab ka bixiso weerarka “aan caadiga ahayn” ee lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacuudiga, ayada oo madaxweyne Trump uu sheegay in ay u badan tahay in Iran ay mas’uul ka tahay.

Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu caawiyo Sacuudiga oo xulufo muhiim la ah, kadib weerarkii loo adeegsaday diyaardaha drone-ka, oo si aan horey loo arag sare ugu qaaday qiimaha saliidda caalamka.

Si kastaba, Trump waxa uu sheegay inuu sugayo go’aan “qayaxan” oo ku saabsan cidda mas’uulka ka ah weerarka.

“Waxaa noo furan waddooyin badan” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha, isaga oo intaas ku daray inuusan deg degi doonin, oo uu marka hore la hadli doono dalalka xulufada la ah Mareykanka.

“Ma doonayo inaan dagaal cusub ku lug yeelano, balse mararka qaar waad ku qasban tahay” ayuu yiri. “Kani waxa uu ahaa weerar aad u weyn, balse waxaa looga jawaabi karaa weeraar dhowr mar kasii weyn.”

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay in militariga Mareykanka ay saaxiibadooda kala shaqeynayaan sidii “wax looga qaban lahaa weerarkan aan caadiga ahayn, loona difaaci lahaa kala-dambeynta ku dhisan xeerarka caalamiga ah ee Iran ay arbushtay.”

Trump ayaa sheegay in xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu mar u safri doono Sacuudi Carabiya, balse ma uusan bixin wax faah-faahin ah.

VOA

M/waynaha Afghanistan oo qarax ka badbaaday

$
0
0

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku geeriyootay qarax uu qof is-miidaamiyey la beegsaday isu soo bax olole doorasho ah, oo uu madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ku qabtay gobolka Parwan.

Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa waxayna ka digtay rabshado dheeri ah, ka hor doorashooyinka ka dhacaya dalkaas.

Saacad kadib qaraxa ayaa sidoo kale qarax kale waxa uu ruxay bartamaha magaalada Kabul, meel u dhow safaaradda Mareykanka, inkasta oo weli aysan caddeyn khasaaraha ka dhashay

Qaraxyada ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si deg deg ah u joojiyey wada-hadallo lala lahaa Taliban, oo lagu raadinayey heshiis ay ciidamada Mareykanka uga baxaan Afghanistan.

Qofka isku qarxiyey isu soo baxa gobolka Parwan – oo hal saac u jira waqooyiga Kabul – ayaa watay mooto, wuxuuna isku qarxiyey bar dadka lagu baaro oo laga galo goobta uu madaxweyne Ghani kula hadlayey daweynaha, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Nasrat Rahimi.

Agaasimaha isbitalka Parwan, Abdul Qasim Sangin ayaa AFP u sheegay in haween iyo caruur ay ka mid yihiin 24-ka qof ee dhintay, halka 32 qof oo kale ay dhaawac yihiin.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa la sheegay inaanay wax dhibaato ah gaarin.

VOA

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live