As an amoud foundation horn of africa, it is our grate honor to receive higher officials of amoud foundation from the head office of United state of America led by the president HE Mohamoud F egal accompanied with Ibrahim guray secretary of the board
Visiting the regional offices of the horn to conduct an intensive review of all amoud foundation operations in the year ending 2019, supervision of previous interventions of all kind of projects including education, health, water wells, relief projects , orphanage centers, qurbani and dry food distributions of two million meals
On the other hand the delegates were putting in to action through Responding the previous need assessment results, were new school expansion at ayerdega primary school of jijiga city administration was laid the foundation stone with the presence of the mayor of jijiga city administration HE abdifatah ibrahim and head of the education office
we are also heading to lay the foundation stone of another school expansion at dharwanje primary and intermediate schools as well as one health facility.
Thanks to almighty Allah in all matter of supporting to the needy community across the Somali Region
Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo ninka la loolamaya ee Benny Gantz ayaa ku kala adkaan waayey doorashadii guud ee shalay dhacday, taasi oo sare u qaadeysa suurta-galnimada ah in la dhiso dowlad wadaag ah, ama xitaa uu soo geba-geboobo xukunkii muddada dheeraa ee Netanyahu.
Warbaahinta Israel ayaa werineysa in in xisbiga garabka-midig ee Netanyahu ee Likud iyo kan Gantz ee Blue and White uu mid walba helay 32 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka, ayada oo 90% la tiriyey codadka.
Warbixinadan ayaa soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan guddiga doorashada, hase yeeshee natiijada rasmiga ah weli laguma dhowaaqin.
Natiijadan ayaan wax waddo ah oo ay ku dhisaan dowlad siineyn labada xisbi, taasi oo qasab ka dhisey in lasoo dhiso dhowlad wadaag ah.
Haddii natiijada ay sidan sii ahaato, waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa Netanyahu, oo doonayey inuu dhiso dowlad isbaheysi ah oo dhanka midig jirta, lana mid ah tan hadda uu hoggaamiyo, xilli uu wajahayo eedeymo ku saabsan musuq-maasuq.
Netanyahu ayaa khudbad uu taageerayaashiisa u jeediyey ku sheegay inuu soo dhisi doono dowlad “xoogan oo sahnuuniyad ah.”
Dowladda Jabuuti ayaa wali wadda dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii dhawaan loollan ay taageerada midowga Afrika ku raadineysay ay Kenya uga guuleysatay.
Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti ayaa sheegay in Kenya aan lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha ammaanka, maadaama sida uu yiri uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Soomaaliya.
Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi.
“Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka.
Image captionWasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti ayaa kulan la yeeshay safiirrada ka socda waddamada Ajnabiga ah ee ku sugan dalkiisa
Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya.
“Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka.
“Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”.
Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Nairobi, oo ay arrintan uga jawaabeyso.
Image captionWasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma
Hase yeeshee, waxay Kenya ku naallooneysaa taageerada dalalka Midowga Afrika, si ay ugu tartanto kursiga ay damacsan tahay inay golaha amaanka ugu matasho qaaradda Afrika.
Cod-bixin ay bishii Agoosto sameeyeen dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ayey dowlada Kenya ka heshay 37 cod, halka Jabuuti ay heshay 13 cod oo kaliya.
Laakiin Jabuuti ayaa wali ku adkeysaneysa inay tartanka lasii waddo Kenya marka la isla tago golaha amniga, ayna isku daydo inay ka guuleysato.
Horay uma dhicin in waddan labo dal oo ku kala haray midowga Afrika ay wali loollan kusii sameeyaan kursigaas.
MAY AHEYN IN MAANTA SIYAASADA SOMALIA SHACBIGA IYO XISBIYADA SOMALILAND SAAMEYN KU YEELATO , IN AY SOMALILAND SAAMEYN KU YEELATO TA SOMALIA MOOYAANE !!!
Waxa aan qarsoonayn oo muuqata in dawlada federalka Somalia oo u taag la in ay amni ka dhaliso magaalada Muqdisho ay saameyn siyaasadeed Somaliland ku yeelato marka laga yimaado sharciyada qaanuuniga ah ee loogu aqoonsan yahay dawladii jamhuuriyada Somalia ee burburtay dawladnimadeedii , iyada oo la ogaa in dawladaasi ahayd laba dawladood oo isku tagey oo la kala Somaliland British Protectorate iyo Somaliland Italian colony oo maanta la kala noqday dawladnimadoodii iyo waxii ay isku darsadeen .
Taasi oo ah marka aad u fiirsato aragtida Dadweynaha ee baraha bulshada waxa ay la kala safan yihiin mucaaradka Somalia iyo Muxaafidka Somalia , hadiiba aan sii qeexo taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxa ay la safan yihiin dawlada farmaajo halka taageerayaasha xisbiga Kulmiye ay la safan yihiin mucaaradka dawlada farmaajo.
May ahayn maanta in ay saameyn inagu yeelato dawlad iyaduba dalkeedii iyo magaalo madaxdii maamuli kari la oo liicliicaysaa ee waxa ay ahayd hadiiba cidi saameyn siyaasadeed yeelanayso in ay Somaliland saameyn ku yeelato sida dawladaha kale ee Kenya iyo Ethiopia ay ugu leeyihiin saameynta siyaasiga ah oo taageeradooda iyo danahooga ugala soo dhex baxaan Somalia.
Arimahani waxa ay tilmaamayaan in saameynta Somalia Somaliland ku yeelanaysaa ay keentay hoos u dhac ku yimid siyaasada Somaliland oo heerarkii ay taagnayd hoos uga soo dhacday iyo Somalia oo awoodaheegii dhaqaale iyo dublamaasiyadeed isugu geeyay cabudhinta iyo cadaadinta qaranka jamhuuriyada Somaliland.
Hadii ay sidani sii jirto oo ay Somalia Somaliland faragalinta siyaasadeed iyo cabudhin diblomaasiyadeed ugu hayso , waxa ay
sababaysaa in ay Somaliland ka abuurto xasilooni daro taasi oo khatar ku ah Geeska Africa iyo guud ahaan bariga Africa oo ay Somaliland ka mid tahay meelaha ugu nabadgalyada iyo dimuqaradiyada hogaanka u haya guud ahaan Africa , walow ay dib u dhacyo doorashooyin xagal daaciyeen nidaamkii dimuqaradiga ahaa ee dalka ka hanaqaaday.
Waxa iyaduna Somaliland qalad laga galay iyo eex ku ah in iyada Somalia aduunku u cadaalad sameyn waayo oo ay u janjeedhsamaan dhinaca Somalia , arinkaasi oo tacadi iyo meel ka dhac ku ah rabitaanka iyo dawladnimada dadka reer Somaliland , waxaana ay tilmaamaysa in aan xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta reer Somaliland aan aduunku ixtiraamin ee uu iska indha tirayo ilaa maanta iyada oo dadka reer Somaliland 28 sanadood ka hor dawladnimadoodii kala soo noqdeen Somalia.
caalamku dhexdhexaadiyo oo si siman loola macaamilo xataa muu suurto galin oo Somalia ayaa aduunku u janjeedhsamay xagooda taasina waxa ay gef ku tahay shacabka reer Somaliland iyo dawladooda .
Waxa hubaal ah in dadka reer Somaliland ka midaysan yihiin jiritaanka iyo waxwada lahaanshaha qaranimada Somaliland , laakiin xafiiltanka iyo xadhig jiidadka siyaasiyiinta ayaad moodaa in uu shacabka dhex keenay dood iyo in lala kala safto siyaasada Somalia , taasina maaha wax maanta dalkan iyo dadkan kumayaalka halyey u soo naf waayeen oo dhiigoogii u hureen anfacaysa iyo wax la filayey midnaba.
Fiirogaara: Somalia waa dal iyo dawlad soomaaliyeed oo inoola siman dawladaha jaarka ee Ethiopia iyo Djibouti laakiin aan qirsanayn in Somaliland iyo Somalia dawladnimadoodii la kala noqdeen oo wali ina tirsanaysa markaa in aynu ku
milano maaha oo hore ayey umadani go’aan uga qaadatay , laakiin way jiraan shaqsiyaad iyagu isaga shaqo tagey Somalia oo aan cidna matelin.
Iran ayaa madaxweynaha Mareykanka uga digtay in la geliyo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, waxayna sheegtay in weerar kasta oo lagu soo qaado ay ka bixin doonto jawaab ciqaab adag leh.
Mandatory Credit: Photo by Evan Vucci/AP/Shutterstock (10358411r)
President Donald Trump talks to reporters on the South Lawn of the White House, in Washington, as he prepares to leave Washington for his annual August holiday at his New Jersey golf club
Trump, Washington, USA – 09 Aug 2019
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in Trump, oo horey u amray cunqabateeno dheeri ah oo la saaro Iran, uu doonayo in xal nabadeed loo helo xasaradda.
Waxa uu hadlayey kadib wada-hadallo uu hogaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraadka kala yeeshay weerarkii lagu qaaday xarumaha salidda Sacuudiga, kaasi oo Washington iyo Riyadh ay ku eedeeyeen Tehran.
Iran waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarka, oo Pompeo uu ku qeexay dagaal lagu qaaday boqortooyada.
Pompeo ayaa u muuqda inuu hadalkiisa dabciyey kadib wada-hadalladii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Abu Dhabi, oo ah ninka ay ka go’ado talada Imaaraadka Carabta, oo ah isbaheysiga Carbeed ee ugu weyn ee Sacuudiga.
“Waxaan halkan u joognaa inaan dhiso xulufo looga gol leeyahay inay ku guuleysato xal nabadeed. Taasi waa howsheeda, taasi waa waxa madaxweyne Trump uu doonayo inaan ka shaqeeyo, oo aan ku guuleysto, waxaan rajeynayaa in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay sidaas u aragto” ayuu yiri Pompeo.
Pompeo ayaa xulufada uu dhisayo ku qeexay “ficil diblomaasiyadeed”, halka wasiirka arrimaha dibedda Iran Mohammed Javad Zarif uu CNN u sheegay in Iran aysan gam’i doonin, haddii ay noqoto inay iska difaacdo weerarka Mareykanka ama Sacuudiga, oo uu sheegay inuu hoggaamin doono “dagaal buuxa”
Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa maanta uga digay Sacuudi Carabiya inay ku khamaarto dagaal ay la gasho Iran, sababtoo waxa uu “burburin doonaa boqortooyada”
Hoggaamiyaha Xizbullah Sayid Xasan Nasrallah ayaa sheegay in hab cusub oo difaaca gantaalaha hawada ah uusan Sacuudiga ka difaaci karin nooca diyaaradihii drone-ka ee loo adeegsaday weerarkii 14-kii September lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacuudiga.
“Ha ku khamaarina dagaal aad la gashaan Iran, sababtoo ah way idin burburin doontaa” ayuu Nasrallah ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka.
Isaga oo xusaya in weerarkii September 14 uu hakiyey ilaa bar wax soo saarkii saliidda Sacuudiga, ayaa Nasrallah waxa uu intaas ku daray “Gurigiina waxa uu ka sameysan yahay muraayad, dhaqaalihiinana wuxuu ka sameysan yahay muraayad, si la mid dabaqyadaha muraayadaha ah ee Imaaraadka Carabta.”
Nasrallah ayaa sheegay in weerarkii xarumaha shidaalka shirkadda Aramco uu muujiyey awoodda xulufada Iran ay taageerto.
Waxa uu sidoo kale ka digay in hab difaac cusub oo hawada ah uusan bad-baadin karin Sacuudiga, sababtoo ah baaxadda dalkaas oo ka dhiegysa in diyaaradaha drone-ka ay beegsan karaan goobo badan.
Hargeysa(Geeska)-Madaxda dhaqanka ee beelaha bariga Burco ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay shirkii la qoondeeyay inuu u furmo beelaha Habar jeclo iyo Garxajis.
Salaadiintan ayaan mudayn wakhti cusub oo uu shirku furmi doono waxase ay sheegeen inaanu shirkaas baaqan. Suldaan Maxamuud Guuleed oo ugu horayn shirkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa jiray shir loo balansanaa oo gogoshiisa beelaha habar jeclo ay dhigeen oo mar hore baaqday sababtuu u baaqdayna ahayd saddex arrin oo kala ahaa xilligii xajka oo uu ku soo beegmay, shaqaaqadii ka dhacday banka iyo arrintii jabhadda caare oo qolada garxajis oo ah beesha aanu gogosha u dhignay oo iyaguna hawshaas caare u baxay.”
Suldaan Maxamuud wuxuu intaas raaciyay “Waxay noqotay dhibaatadii way sii badatay waxa lama huraan noqotay maadaama dhibaatadii markii horeba shirku u baaqday taagantahay in shirkii dib loo dhigo, waxaanu halkan ka soo jeedinaynaa in shirkaas dib loo dhigayo oo loo baxayo sidii gobalkaas Sanaag nabad loogu soo dabaali laha.”
Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen ayaa isna yidhi “Dib u dhacaas ayaa jira oo hawlahaas inagu soo kordhay ee shaqaaqooyinka ah ayaa jira marka ugu horaysa ee hawlahaas aynu cagaha u dhigno ayuun buu shirkiina ku xigi doonaa oo loogu diyaar garoobayaa shir la laalay iyo shir oodmay midna ma jiro, xukuumadda waxaynu leenahay hawlo badan ayaa yaala qaababkii looga bixi lahaa ee la iskaga iman lahaa ee idinkuna awalba waa loo horayee ugu huri lahaydeen wixii la idiinka baahnaa u diyaar garooba.”
Salaadiinta ayaa waxa kale oo ay baaqyo nabadeed u direen bulshada deegaanada Ceel-afweyn.
Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa dekedda Berbera ku tilmaamay mid muhiim u ah inta badan dalalka Afrika.
Wakaalada wararka ee Euro News, ayaa warbixin muuqaal iyo qoraal ah toddobaadkan ka diyaarisay dekedda Berbera, iyadoo uu saxafi ka socday wakaladaadani la kulmay Madaxeyne Biixi, Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo madaxa DP world.
Warbixinta oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa waxay u dhignayd sidan “Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka madax-banaan tahay Somaliya 28 sanadood ka hor, Somaliland waxay la halgantay maaligelin la’aan, faqri iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo liita.
Balse marshuuc lagu balaadhinayo dekedda Berbera ayaa ka dhigi kara jamhuuriyadda shacabkeedu yahay 4 milyan xarun caalami ah oo maraakiibtu iskugu timaado islamarkaana iridaha u furi karta awoodda baaxadda ah ee ay leedahay.
Berbera waxaay dhacda xeebta koonfureed ee Gacanka Cadan. Waxaay kaga taal Geeska Afrika goob istiraaji ah, islamarkaan waxaay dhacdaa marin mashquul badan oo ay maraan maraakiibta ku socda iyo kuwa ka yimaadda Bariga Dhexe iyo bariga Afrika.
Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, wuxuu ku tilmaamay Berbera “albaabka ku xidha dalal badan oo Afrika ah dunida.” ““Berbera waxay muhiim u tahay Somaliland, Geeska Afrika iyo inta badan ee dalalka badhtamaha Afrika.
“Dhinaca bari, ilaa Eeshiya, qaarad yaraha Hindiya, ilaa Shiinaha. Dhinaca kale Kanaalka Suwiiska marka la sii dhex maro, waxaay isku xidhaa dalal badan oo Afrikaan ah Bariga Dhexe, Yurub, ilaa Woqooyiga Ameerika.”
Sanadkii 1991 ayay Somaliland ka goosatay Somaliya, ilaa xiligaasna si madax banaan ayay u shaqaynaysay. Waxaay leedahay baarlamaankeeda u gaarka ah, doorashooyin, lacag u gaar ah, baasaboor, calan, ciidan militari, iyo xududoodo.
Balse looma aqoosana dal, taas oo meesha ka saaraysa inay ka hesho caawimo ama dayn toos ah inta badan hay’adaha caaamiga ah.
May 2016 kii, DP World waxaay saxeexday heshiis qiimihiisu yahay 400 milyan Euro si ay u maamusho ganacsi heer gobol oo ay ka abuurto Berbera.
Tan iyo xiligaas, awoodda dekedda Berbera waxaay kor ugu gacday 50%. Maanta waxaay maamushaa 13, 000 oo kontiinar bishii.
Supachai Wattanaveerachai, oo ah madaxa fulinta ee dekedda, ayaa yidhi “hadafkayagu waa inaanu ka dhigno Berbera xarun badeed oo heer gobol ah iyo albaab u furan Itoobiya, iyo sidoo kale inaanu u furno dadka Somaliland suuqyo cusub.”
Waxa qayb ka ah heshiiska in la dhiso wadooyin si dekedda loogu xidho dhul waynaha.
Taasi waxaay ku xidhaysaa Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo shacabkiisu ka badan yahay 100 Milyan islamarkaana ah dal si degdeg ah u yeelanaya wershado.
Iyada oo ay yar tahay maalgashiga shisheeye, dawladda Somaliland iyo ururo kale ayaa isku dayaya inay abuuraan shaqooyin cusub.
Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland, wuxuu sheegay in rajadu tahay in marshuuca dekeddu uu u keeno faa’iidooyin badan guud ahaan dhaqaalaha.
“Waxaannu qabaa in mustaqbalku soo ifayo. Maalgelinta dekedda lagu sameeyey waxaay furfuraysaa wax badan oo Somaliland ka dhacaya kuwaas oo ay xaqiiq tahay inay abuurayaan shaqooyin, ayna gelinayaan rajo dhalinyaro faro badan.”
“Shacabkayagu waa mid aad u da’ yar. Ilaa 70% waxaay ka yar yihiin 30 jir. Waxaannu aaminsanahay in marka la isku daro dekedda iyo wadada Berbera ee isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya, iyo aagga xorta ah oo lagu sii daro gegida diyaaradaha ee caalamiga ah, kaabayaashaas dhaqaalaha oo dhan markaad isku gayso waxa abuurmaya awoodda loo baahan yahay si loo daboolo baahida loojistik ee gobolku qabo.”
Shamis Adan Cawaale waxaay dhar ka soo dhoofisaa Bariga Dhexe iyo Shiinaha, waxaayna rajaynaysaa inay ka faa’iido.
Waxaay u sheegtay Connecting Africa: “dib u dhacyo ayaanu kala kulanaa dekedda. Marka alaabtu timaado waa inaad mudo sugtaa sababta oo ah dekeddau way yar tahay mana haysato qalab casri ah. Waxaannu maqalnay in marka la balaadhiyo in dib u dhacyadaasi ay gebi ahaanba meesha ka baxayaan”
Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka dhowr magaalo oo ku yaala dalka Masar, wax lagu tilmaamay kacdoon looga soo horjeedo madaxweynaha xukumadda Milatariga, Cabdulfitaax Al-Sisi.
Qaar ka mid ah dadkaas oo gelinkii dambe ee Jimcihii isugu soo baxay fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira ayaa ku qeylinayey hal ku dhegyo ay ku dalbanayeen in Siisi uu xukunka ka dego, hal ku dhegyadaas oo la mid ah kuwii ka shanqarayay isla fagaarahaas muddo sideed sanadood ka badan haatan laga joogo, marki dibadbaxyo xukunka looga tuuray madaxweynihii mudada dheer soo xukumayay Masar Xusni Mubaarak.
Boorama (Geeska)- Prof Qaasim Ibraahin Tubeec guddoomiye xigeenka 1-aad ee xisbiga UCID ayaa daboolka ka qaaday in degmada Dila ee gobolka Awdal ay jabhadi ka jirto sida oo kalena ay soo noqonayso jabhaddii Suldaan Wabar.
Waxa uu sheegay in jabhadaha meelo kala duwan oo dalka ah ka abuurmay ay sababtay wax uu ku tilmaamay hoggaan xumada madaxweyne Muuse Biixi waxaanu ka digay ciidamo uu sheegay in la geeyay meelo ka mid ah gobolka Awdal, waxaanu Prof. Qaasim oo u waramay HCTV, yidhi “Waa Nasiib-darro anuu marnaba uma malaynaynin in Somalilaland gaar ahaan awdal jabhado ka soo hor jeeda Somaliland inay abuurmayaan.Horta, maamul xumada Muuse waxay keentay in dadkii ku fikiraan Jabhado. Dila Jabhadi way ka jirta, tii Wabar-na way soo noolaanaysaa oo hadda way soo socotaa, waxaas oo dhammi waa maamul xumada Muuse. Reer Awdal waxaa shaqo kuma lahayn ee maamul xumada Muuse ayaa ku keentay. Dhallinyartii intaanay bixin gobolkan intaas oo goor ayay kala xaajoodeen dhibaatadooda way sheegeen waxa la yidhi hargeysa ayaanu ka soo jawaabi, mar labaad bay noqdeen mar saddexdaad bay noqdeen. Markaa imika waxaabay ka aamin baxeen oo aanay aaminaynin odayaashoodii hor joogay iyo salaadiintoodii oo ay beentaasi sii fogaysay ”
Waxa uu madaxweyne muuse isaga oo la hadlaya uu yidhi, “Muuse biixi madaxweyne ma foga hawshani adaana wax ka qaban kara, adaa diiday inaad dadka la hadasho. Dee dadkuna waa bini’aadam oo haday cadhoodaan markaa yaan la odhan maxaa loo cadhooday “
Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in ay xirtay dhowr qof oo ay sheegtay in ay ka tirsanyihiin ururada Al Shabab iyo Daacish, kuwaas oo lala xiriirinayo in ay wadeen qorshayaal ay ku weerari rabeen meelo ka duwan oo ku yaalla Itoobiya.
Hey’adda Sirdoonka Itoobiya ee loo soo gaabiyo NISS ayaa Sabtidi shalay sheegtay, in gacanta lagu dhigay tiro dad ah oo aanan cadadkooda la shaacin, kuwaas oo qaarkood ku jiray howlo basaasnimo ah sida in ay sawirro ka qaateen bartilmaameedyo ay suurtagal tahay in ay weerari rabeen.
Bayaanka kasoo baxay Sirdoonka Itoobiya ayaa lagu sheegay in kooxda la qabtay ay diyaarnayeen in la weeraro hoteello, xafladaha iyo isu soo baxyada diimeen, meelaha ay dadweynaha isugu yimaadaan ee magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.
Warka ayaa intaasi ku daraya in dhabarjirinta kooxdani weerarka qaadi laheyd ay iska kaashadeen sirdoonka Itoobiya iyo kan Jabuti, waxaana dadka la xiray ku jira hogaamiyihii kooxda weerarka qaadi laheyd oo magaciisa lagu sheegay Muhammed Abdulahi.
Meelaha laga soo kala qabtay ayaa waxaa kamida ah Addis Ababa, iyo deegaannada ismaamulka Oromada iyo Soomaalida.
Hargeysa(Geeska)-Dawladda Kenya ayaa toddobaadkii hore waxay magaalada Hargeysa u soo dirtay wefti Kenyan ah oo diblomaasiyiin ah.
Ma jiro wax war ah oo ay Kenya iyo Somaliland ka soo saareen weftigan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in ujeedada socdaalka diblomaasiyiintani ahaa sidii ay Kenya qunsuliyad uga furan lahayd magaalada Hargeysa, iyagoo indho-indheeyay deegaanka u haboon ee ay ka dhigan karaan qunsuliyad. Waxa magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.
Diblomaasiyiintan oo ka koobnaa saddex xubnood ayaa Jimcihii ka dhoofay magaalada Hargeysa. Xukuumadda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo ujeedada weftigan, ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho, laakiin xubnahan ayaa wada hadal la yeeshay madaxda wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.
Dawladda Kenya ayaa dhawr goor oo hore sheegtay inay qunsuliyad ka furanayso magaalada Hargeysa, laakiin waa markii u horaysay ee ay Hargeysa u soo dirto wefti u socda indho-indhaynta iyo diyaarinta qunsuliyada Kenya ee Hargeysa.
Dalal kala duwan ayaa qunsuliyado iyo wakiilo ku leh caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Djibouti, Turkiga iyo Ingiriiska.
Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka joojisay Sheekh qurbe joog ah oo caasimadda Hargeysa ku qaban lahaa kulan lacag lagu gelayay.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa xaqiijiyey in dawlad ahaan ay joojiyeen tababbar ciwaankiisu ahaa ‘Farxadda Lamaanaha’ is-qaba, kaas oo Sheekh Maxamed Idiris doonayey inuu ku qabto Magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, waxaa uu caddeeyay in xukuumaddu aanay joojin muxaadaro diini ah oo Sheekhu qabanayay laakiin ay joojiyeen tababr lacag lagu gelayay oo aan wax fasax ah ka haysan dawladda.
Waxaanu intaa raaciyay in Somaliland markii ugu horraysay ay tahay in qof yidhaahdo tababr ayaan qabanayaa oo lacag ayaa lagu gelaya.
Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex oo arrintaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Ma Jirto wax Muxaadaro ah oo aanu joojinay, laakiin wax loogu yeedhay tababbar ayaan joojinay, kaas oo la soo dhigey baraha bulshadu ku xidhiidho ee Faceboog-yada. tababaro aanay dawladdu ogeyna in laga furo magaalada ma habboona, qofka doonaya inuu cid tababar u furaana waa in uu soo maraa laamaha dawladda, tababar lacag lagu gelayo, muxaadarooyinkana masaajidada ayaa laga jeediyaa laamaha amaankana may soo marin, wax ogolaanshiyo ah oo ay dawladda ka heystaana ma jirto, qof yidhaaha tababar ayaan dad siinaya tigidhana waa loo soo goosanayaa, wadankeena hore ugamey dhicin”
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay. “Wadaadkuna waa mid ka mid ah culimadda afka Soomaaliga ku hadasha, hadduu Masaajidada Muxaadarada ka jeedinayo cid u diideysaa ma jirto”
Waxaanu caddeeyay guddoomiyaha gobolka Maroodijeex in aanay suuragal ahayn in Somaliland ay kulamo ku qabtaan cid kasta oo ka soo horjeedda qadiyadda madaxbannaanida qaranka Somaliland meelkasta ha ka yimaadaane, waxaanu yidhi. “Cid kasta oo qadiyadda Somaliland ka soo horjeeda ma aqbaleyno inay halkan tababarro ka furaan, iyo inay kulammo ku qabtaan” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi.
Hadaba arrinta tababarkan ayaa aheyd mid lagu baahiyay baraha bulshadu ku xidhiidho waxaaney u dhigenyd sidan ‘Tababar cilmiyeedkan guurka ku saabsan waxaad ku qaadan doontaa, sidaad u dooran laheyd lamaanahaaga nolosha, maxay tahay astaamaha lamaanaha aan la ilaawi karin, sideed u xalin laheyd khilaafaadka dhexdiina yimaada’.
Tababarkan ayaa ahaa mid lagu qabanlahaa Huteel Damal ee magaalada Hargeysa, isaga oo lagu galayay qadar lacageed oo dhan toban dollar, waxaanay ahayd markii ugu horraysay ee Sheekh yidhaahdo tababar aqooneed lacag lagu gelayo ayaan qabanayaa iyadoo culimada looga baran in ay qabtaan kulamo lacag lagu gelayo isla markaana wixii dadka nasteexadiisa ay kaga hadlayaan ee muxaadarooyin ah ay ku qabtaan Masaajiida magaalada isla markaana aanay hore dalka uga dhicin kulan aqoomeed diini ah oo tigidh lacag ah loo goosto.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dhalleeceeyey dawladda Soomaaliya kadib markii shalay laga hor-istaagay in diyaaraddii uu raaci lahaa ay u safarto magaalada Kismaayo.
Shariifka ayaa doonayey inuu ka qayb-galo caleemo-saarka hoggaamiyaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Shir jaraa’iid oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, ayuu ku sheegay in go’aanka lagu xayiray uu ka hor-imanayo xadgudubna ku yahay xoriyadda socdaalka ee muwaadinka.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in xukuumadda talada haysa ay waddo qaldan ku waddo dalka, loona baahan yahay in laga bad-baadiyo.
Dhinaca kale, tiro xildhibaano ah ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku taageerey tallaabadii Sheekh Shariif iyo xubno ka mid ah xisbigiisa Himilo Qaran looga joojiyey inuu tago magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Ku Xigeen Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxda Ururka Dhaqaalaha Cagaaran Ee Dunida (World Green Economy Organization) Oo Kuna Marti-qaaday Shir Muhiima.
Dubai-24-09-2019-( )-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa maanta la kulmay madaxda ururka Dhaqaalaha cagaaran ee Dunida (World Green Economy Organization).
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ku guda jira safarkiisi shaqo ayaa shalay soo gaadhay magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, ka dib markii ay ka soo duuleen dalka Kuwait oo uu madaxweyne ku xigeenku u joogay maalmahan hawlo shaqo.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo uu wehelinaayo wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb. Muniir Cabdillaahi Abusite ayaa maanta kulan muhiima la qaatay Mr. Musaad Al-Salah oo ah maamulka ururka dhaqaalaha cagaaran ee Dunida iyo Mr. Edem Bakhshish oo ah agaasimaha guud ee caalamka u qaabilsan ururkaasi, waxaana madaxweyne ku xigeenka iyo labada wasiir ee wasaaraddaha deegaanka iyo horumarinta miyiga iyo macdanta iyo tamarta ku casuumeen shir caalamiya oo lagaga hadlayo isbedelka cimilada adduunka oo lagu qaban doono Dubai kaasoo socon doona laba maalmood 20-21- October-2019-ka.
Waxaana kulankaasi lagu go’aamiyey in Jamhuuriyadda Somaliland xubin rasmiya ka noqoto shirarka caalamiga ah ee ururkaasi ku qabanayo dunida oo ah mid ay ku kulmaan madaxweyneyaal badan oo ka socda caalamka iyo madax kala duwan oo magac iyo maamuus ku leh dunida, iyadoo shirkana uu furidoono madaxweyne ku xigeenka, ahna ra’iisal wasaaraha iyo amiirka Imaaraadka Carabta Mohammed bin Rashid Al Maktoum.
Safarkan madaxweyne ku xigeenku ku jooga wadamada khaliijka ayaa ah mid shaqo oo uu madaxweyne ku xigeenku ugu kuur-gelayo arrimo la xidhiidha horumarka iyo maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, sidii loo sii xoojin lahaa.
Gaashamo(SRTV) barqadii maanta ayaa mar 3aad Gorgor weerary Hana Xasan Daahir oo ku nool tuulada Galka oo ka tirsan degmada Gaashaamo ee gobolka Jerer, gorgorka ayaa Hana dhaawac culus ka gaadhsiiyay dhagta, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin heer deegaan ah oo kormeer ku maraya qaybo ka mida gobolka Jerer. waxay intaas ku dareen in ay dadka deegaanka oo ay dhacdadan iyo kuwii ka horeeyayba cabsi wayn galisay ay baacsi iyo baadi goob ku bilaaben kuna guuleesteen in ay Gorgorkaas dilaan. Hase ahaate ma kala cada in Gorgorkani yahay kii 2 maalmood ka hor wiil ku dilay isla deegaankaas iyo in kale.
Yugandha(Dawan):- Wefti heer Baarlamaan ah oo ka socda Somaliland ayaa gaadhay caasimadda dalka Yugandha ee Kambala.
Weftiga ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiiladda Somaliland Xildhibaan Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ay ka mid yihiin xoghayaha guud ee golaha wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle iyo xubno ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay caasimadda dalka Yugandha ee Kambala.
Weftiga Somaliland ka socda ayaa kulamo la qaatay shir guddoonka baarlamaanka Yugandha,waxaana loo qaabilay si heer sare ah oo mid ah sida loo qaabilay weftiyada Baarlamaan ee dalkaa gaadhay ee a qayb gelaya shirka Baarlamaanada Afrika.
Kumanaan shaqaale ah oo ku sugan dalka Qatar ayaan mushahar ka helin dadka ay u shaqeeyaan, waxaana lagu qasbaaa inay ku noolaadaan xaalado aad u liita, sida ay ku warrantay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.
Inkasta oo ay sanaddii 2018 ballan-qaaday inay is-beddelo ku sameynayso sharciyada muhaajiriinta, ayaa Amnesty waxay sheegtay in dowladda Qatar ay ku guul-darreysatay inay fuliso siyaasadaheeda ku aadan mushaharaadka aan la bixin.
Amnesty waxa kale oo ay sheegtay in nidaamka shaqaaleynta ee Kafala uu shirkadaha dalkaas siiyo awood ballaaran oo ka dhan ah shaqaalaha muhaajiriinta ah.
Ayada oo Qatar lagu wado inay marti-geliso koobka kubadda cagta adduunka ee 2022, ayaa kooxdan xuquuqda aadanaha waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay dalkan ku yaalla khaliijka ku cadaadiyaan inuu horumariyo xaaladda qiyaastii labada milyan ee qof ee ah muhaajiriinta shaqaalaha ah.
Guusha Qatar ay ku heshay marti-gelinta Koobka Adduunka ayaa dareenka dunida kusoo jeediyey silaca muhaajiriinta shaqaalaha ah, oo badankood iminka ku lug leh dhismayaasha garoomada kubadda cagta iyo kaabayaasha.
Kadib cambaareyn caalami ah, Qatar ayaa ogolaatay dhismaha guddi xaliya muranada shaqada, iyo sanduuq caymis oo taageera shaqaalaha sharciga la tiigsanaya kuwa ay u shaqeeyaan.
“Wax walba aad ayay ugu qurxoonaayeen warqadda. Hase yeeshee xaqiiqda dhulka ka jirta ayaa ah, marka shaqaalaha aan mushaharkooda la siin, oo ay kiiskooda geeyaan maxkamad ay wajahayaan dagaal sharci oo aad u waqti fog, oo weli qaadanaya saddex illaa sideed bil, si ay maxkamadda go’aan uga gaarto.” Waxaa sidaas tiri May Romanos oo ah baaraha Amnesty u qaabilsan muhaajiriinta shaqaalaha ah ee Khaliijka.
“Ayada oo sidaas ay tahay, haddana weli ma hubna in lacagtooda ay helayaan, kuwa badan oo ka mid ah ayaa iska rajo dhiga oo dalalkooda ku laabta ayagoo gacan maran, ama sii jooga Qatar ayaga oo ku nool xaald aad u liidata, qabana rajo ah in lacagtooda u iman doonto.” Ayey tiri.
Dowladda Qatar waxay ku adkaysatay inay sameysay is-beddelo macno leh, ayna faro-gelisay oo ay muhaajiriin badan gacan ku siisay in go’aan laga gaaro kiisaska ka-dhaxeeya ayaga iyo kuwa ay u shaqeeyaan.