Maxkamadda Sare ee Britain ayaa maanta xukmisay inay sharci-darro tahay tallaabadii ra’iisul wasaare Boris Johnson uu baarlamanka ku kala diray muddo shan toddobaad ah.
Xukunkan ayaa dhabar-jab weyn ku ah awoodda Johnson, waxayna shaki cusub gelineysaa wacadka uu ku maray inuu Britain ka saarayo Midowga Yurub 31-ka October, xitaa haddii aan heshiis lala gaarin Brussels.
Afhayeenka Aqalka Wakiilada Britain, John Bercow, ayaa durba ku dhowaaqay in xildhibaannada ay dib u kulmi doonaan subaxnimada arbacada.
Hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka, oo iminka ku sugan magaalada New York, ayaa warbaahinta Britain u sheegay “Inuu si xoogan u diidan yahay” go’aanka balse uu xushmeyn doono.
Waxa uu ku dooday in hakinta shaqada baarlamanka ee illaa 14-ka October ay ahayd tallaabo iska caadi ah, oo dowladdiisa u ogolaaneysa waqti ay ku dejiso ajende sharciyeed cusub.
Hase yeeshee kuwa dhaliila ayaa ku eedeeyey inuu isku dayayo inuu aamusiyo xildhibaannada.
Iyada oo ku dhowaaqaysa go’aanka oo si aqlabiyad leh ay isugu raaceen 11-ka garsoore, ayaa madaxweynaha maxkamadda sare Brenda Hale waxay tiri “Go’aanka lagula taliyey boqorad Queen Elizabeth-da labaad inay shaqada baarlamanka joojiso wuxuu ahaa mid sharci-darro ah.”
Waxa ay tiri “Sababtu waxay tahay go’aanka wuxuu yeeshay saameyn la isgu dayayo ama lagu joojinayo awoodda baarlamanka ee ah inuu guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.”
Sidaa darteed hakinta waxay ahayd “mid aan waxba ka jirin, oo aan dhaqan-gal ahayn” ayey tiri Hale. “Shaqada baarlamanka lama hakin.”
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in laga fiirsado in Iran lagu eedeeyo weerarkii 14-kii bishan lagu qaaday goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla dalka Sacuudiga.
Inkasta oo weerarka ay sheegatay kooxda Iran ay taageerto ee Xuutiyiinta Yemen, ayaa Riyadh, Washington iyo dowlado kale oo Reer Galbeed ah waxay sheegeen in Iran ay mas’uul ka ahayd.
Tehran waa ay beenisay inay wax kaalin ah ku lahayd weerarka.
“Uma maleynayo inay tahay waxa saxda ah in la eedeeyo Iran” ayuu yiri Erdogan oo arbacadii wareysi siiyey taleefishinka Fox News ee Mareykanka, isaga oo ku sugan xarunta QM ee New York.
“Waxaan u baahannahay inaan garowsano xaqiiqda ah in weeraro la baaxd eg midkan ay ka yimaadeen qeybo ka mid ah Yemen” ayuu yiri Erdogan.
“Haddii culeeska oo dhan aan dusha isaga saarno Iran, ma ahan wax sax ah, sababtoo ah, caddeymaha la heli karo ma tilmaamayaan xaqiiqdaas,” ayuu Erdogan ku yiri wareysigiisa Fox News.
Erdogan ayaa sidoo kale cambaareeyey cunqabateenada Mareykanka ee Iran, isaga oo sheegay in tallaabooyinka noocan oo kale ah “aysan weligood xalin waxba”.
Waxa uu beeniyey eedeymaha ku saabsan in Turkey ay ka caawiyeen Iran inay hareer marto cunaqabateenadii hore, waxaana uu sheegay in eedeymaha noocaas ah ay wadaan dowlado mucaarad ah.
Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee JSL Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku taliyay in nabadda guud ee qaranka Somaliland la wada ilaashado oo aan la isku tuurtuuin.
Madaxweyne Rayaale ayaa hadal ka jeediyay munaasibad ay Jaamacadda ADMAS, faraceeda Borama u samaysay arday qalin jabisay, waxaanu Md. Rayalae hadalkiisa ku bilaabay sidan “Dalkana nabadiisa inaan wada ilaalino waa waajib, in nabadda la isku tuurtuuro oo laga dhigo sheeko la isku haysto looma baahna, nabadu waa waxa bini-aadamku ku noolyahay, haddii aanay nabadi jirin xataa salaada ma tukan karaysid cibaadadu xataa khalkhal bay ku jiraysaa.”
Isagoo Md. Rayaale hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyay “Nabadu waa furaha nolosha, jaamacado ma jireen, waxba ma jireen, Awdal iyo somaliland guud ahaanba meel fiican bay maraysaa, laakiin inta la socdo taariikhda turaanturo lama waayo, dhacdooyinkuna waa wax caadiya oo bini-aadamka la socda mar kastaba waxbaa dhacaya, waxa dhacaaya sida xal loogu raadinayo ayuun baa meesha yaala ee wax kale oo yaalaa ma jiro, inay hagaagaan nin kastaa wuu jecelyahay. Waxa la yidhaahdaa ninka adhigiisa bahal ku jiro ayaan darane mooyee orod darane lama yidhaahdo, waxaan aaminsanahay in loo dedaalayo dadkas oo boqol ergo loo diro oo Somaliland isugu tagto, Alle waxaan ka baryayaa inuu nabad ku soo dabaalo, caqligana Alle u soo celiyo, dadkaas walaalaheen ah ee bariga ee uu dagaalku ka dhaxeeyo waa dad walalao ah oo wada dega abti iyo ilmaabti isu ah, fitnadu way bilaabantaa laakiin fitnadu markay bilaabanto siday ku dhammato way adagtahay.”
Isagoo ka hadlaya wakhtigii uu madaxweyne-xigeenka u ahaa Marxum Cigaal oo uu dhawr bilood nabadaynta u soo fadhiyay Burco iyo Ceerigaabo, wuxuu yidhi “Waan xasuustaa oo markaan madaxweyne-xigeenka ahaa Burco 3 ilood ayaan joogay, Cerigaabana 3 b ilood iyadoo la isku laynayo.
Waxa nasiib wanaag ii suurtogashay inaan dadskaas heshiisiiyo oo ay nabad noqdaan maamul dawladeedna laga dhiso, haddana waa taas dhibaatadaasi ka dhacday, Alle waxaan ka baryayaa inuu nabad ku soo dabaalo oo nabad noqdaan, dalkeenuna runtii waa inagu filanyahay, horumarkuna maalinba in baa soconaysa, waana la gaadhi doonaa horumarka haddii Alle yidhaahdo, waxaanan dhallinyaradiinaa idinkula talinayaa inaad dalkiina u fikirtaan, halkanaad leedihiin meel kale oo aad leedihiin ma jirto, shalay markii xamar laga soo qaxay nin kastaaba gurigiisii ayuu yimid.”
Isagoo la hadlaya reer Awdal wuxuu yidhi “Reer Awdal waxyaabo badan oo wanaagsan oo ay sameeyeen oo ay marmarka qaarkood iska dafiraan ayaa jirta, idinkaa jaamacadda bilaabay, idinkaa nabadii bilaabay, dawladnimada idinkaa dhisay la idiinkama sheegan karo oo marti kama tihidin si fiican wixiina u raadsada, taasaan idinkula talinayaa.”
Ugu dambayn wuxuu bogaadiyay ardayda shalay ka qalin jabisay jaamacadda ADMAS, faraceeda Borama.
Dubai (Dawan): – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar ku jooga dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la kulmay madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka, ahna maamulaha Dubai, Sheekh Juma Bin Ahmed Al-Makhtoum.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici,ayaa kulanka uu la qaatay Madaxweyne ku xigeenka dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Juma Bin Ahmed Al-Makhtoum,waxay kaga wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sida ay Somaliland u tahay dal dihin oo ku habboon in la maalgashado waxaanu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu ku marti qaaday dhiggiisa dalka Imaaraadka Caranta in uu booqasho ku yimaaddo Somaliland.
Qoraal kooban oo Madaxweyne ku-xigeenku ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka, ahna maamulaha Dubai uu la yeeshay kulan Midho-dhal ah, muddadii ay wada joogeena ay ka wada-hadleen Fursadaha Maalgeshi ee Imaaraadka Carabta uga banaan, sida Tamarta, Beeraha iyo Kalluumaysiga.
Mudane Saylici waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay inuu dhiggiisa Imaaraadka ku marti-qaaday Somaliland, si uu Mustaqalka dhow u soo booqdo, si kor loogu qaado xidhiidhka labada Dal.
Waxaa akle oo Madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland casuumad soo dhawayn ah shalay u sameeyay Tijaarta dalka Imaaraadka Carabta oo ugu sameeyay Magaalada Dubai.
Madaxweyne ku xigeenka,ayaa casuumad sharafeedda ay u sameeyeen Tijaarta Dubai waxaa uu uga xog warramay Somaliland iyo siday u tahay dal nabdoon oo dimuquraadi ah isla markaana ku habboon in la maalgashado isagoo tijaarta u faah faahiyay fursadaha maalgashi ee Somaliland ka bannaan iyo sida ay u tahay dal sharciga ku dhaqma oo qaanuunka caalamiga ah iyo dastuurka dalkeeduba uu dammaanad qaadayo maalgashiyada caalamiga ah.
Kulanka waxa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Md. Muniir Abu Site.
Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Boorama oo dhawaan la xidhay, waxaanu sheegay inay Xildhibaanadaasi hadda yihiin xor, oo dib loogu soo celiyey xoriyadoodii.
Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Xildhibaanadii la xidh-xidhay, dib ayey xoriyadoodii u heleen, oo waa la soo daayey, haddana waa xor, dadaal dheerad ah oo aanu sameeynay dartood waa la soo daayey, imikana wax dhib ahi ma jirto, waxaana ku baaqayaa in laga fogaado wax kasta oo dhib, khilaaf iyo muran keenaya, waxaan ku baaqayaa in qaranimada Somaliland la ilaaliyo, oo laga dheerado wax kasta oo lid ku ah qarannimada”.
Awdalpress(Hargaysa)Ciidamada Booliska Somaliland ayaa galabta xiray xoghayihii Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Maxamud Cali Hayste (RAMAAX).
Masuuliinta Xisbiga UCID oo ay VOA-du la xiriirtay ayaa xaqiijiyey Xadhiga Ramaax, iyadoo ay intaasi ku dareen in Xoghayihii guud ee Xisbiga UCID oo ugu taggay xarunta C. I. D ee Hargeysa oo uu ku xidhan yahay Ramaax loo diiday inay arkaan.
Masuulinyiinta booliska oo aan isku daynay in aan la xiriirno ayaanay noo suurto galin.
Dhinaca kale, waxaa maanta kulankii labaad ku yeeshay xarunta madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa Madaxweynaha Somaliland iyo Gudoomiyeyaasha labada Xisbi mucarid, iyagoo kaga wada hadlay sidii loo fulin lahaa heshiiskii laga gaadhay khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland.
Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in baarlamanka dalkiisa uu bisha Janaayo u codeyn doono mooshin ciidamo loogu dirayo dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda QM ay taageerto ee Tripoli.
“Waxaan mooshin ciidamo loogu dirayo Libya horgeyn doonnaa baarlamanka, marka ugu horreysa ee kalfadhigga uu dib u billaabo 7-da Janaayo” ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyey Ankara.
“Insha Allah, mooshinka waa lagu ansixin doonaa baarlamanka, 8-da ama 9-ka Janaayo, si aan uga jawaabno codsi nooga yimid dowladda fadhigeedu yahay Tripoli” ayuu yiri.
Hadallada Erdogan ayaa yimid kadib markii baarlamanka Turkiga uu sabtidii meel-mariyey heshiis wada-shaqeyn militari iyo mid amni ah oo ay gaareen Ankara iyo xukuumadda Libya ee ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj.
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa khamiistii ballan-qaaday inuu xoojin doono wada-shaqeynta kala dhaxeysa Itoobiya, isaga oo ku guda jiray maalintii ugu dambeysay booqasho laba maalmood ah, oo loo arkay inay timid xilli hanaankii nabadda labada dal uu gaabiyey.
Afwerki ayaa arbacadii Addis-Ababa ku tagay booqashadii ugu horreysay tan iyo markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize ku helay billaabidda heshiiska labada dal.
Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa dhex-maray dagaal xuduudda ka dhacay, 1998-2000, kaasi oo ay ku geeriyoodeen qiyaastii 80,000 oo qof.
Afwerki ayaa ka mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee la siiyey isaga iyo wafdigiisa.
Waxa uu ballan-qaaday inuu u shaqeyn doono “si xooggan si dib loogu helo fursadihii ka lumay saddex jiil oo labada dal ah, loona xoojiyo bogga cusub ee wada-shaqeynta labada dal” sida uu qoraal uu twitter-ka soo dhigay ku sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel.
Isaias iyo Abiy ayaa sidoo kale khamiistii dhagax dhigay dhismaha cusub ee safaaradda Eritrea ee Addis-Ababa.
Kadib markii labada hoggaamiye ay markii ugu horeysay ku kulmeen Asmara sanadii tagtay, ayaa waxay dib u fureen safaaradahooda, duulimaadyadii labada dal ayaa dib loo billaabay, waxaana xigay kulamo kale oo dhowr ah.
Hase yeeshee, niyad wanaagii ka dhashay ficilladaas ayaa kadib gaabiyey, waxaana muwaadiniinta labada dal ay ka ashtakoodeen inay weli sugayaan is-beddel macno leh.
Intii ay socotay xafaladdii uu Abiy ku guddoomay billada Nobel Peace, guddoomiyaha guddigaas Berit Reiss-Andersen ayaa sheegtay in hannaankii nabadda labada dal “uu u muuqdo mid hakaday” ayada oo weli xuduudda ay xiran tahay, horumar yarna laga sameeyey dadaallada dib loogu calaamadeynayo.
Booqashadii ugu dambeysay ee Afwerki ayaa loo arkaa mid dib usoo nooleyn doonta dadaallada nabadeed ee labada dal. Afwerki ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Asmara.
Muqdisho(Awdalpress) 28 Dec. 2019–In ka badan 76 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen qarax aad u culus oo maanta oo Sabti ah ka dhacay isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Goob-joogayaal ayaa VOA u sheegay in gaari kuwa xamuulka ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu mar qura ku qaxray isgoyska Ex-control Afgooye, xilli ay safaf ku jireen islamarkaana ay is-dhaafayeen baabuur tiro badan oo ah kuwa rakaabka ee daabula dadweynaha.
Warar kale ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday xarunta canshuurta lagu qaado ee ku taalla isgoyskaasi.
Goob-jooge tagay halka qaraxu ka dhacay ayaa VOA u sheegay in isgoysku uu noqday “goob wada dhiig ah oo ay dhan walba ku firirsanaayeen hilbaha dadkii ku dhintay qaraxa.”
Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan rayid.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish oo goobta qaraxu ka dhacay booqday ayaa u sheegay wariyeyaasha in aysan hayn tirada rasmiga ah ee ku dhintay qaraxa hase ahaatee ilaa 90 qof ay dhaawacmeen.
“Inta badan dadka qaraxa ku waxyeeloobay waa dad aan waxba galabsan oo u badan arday jaamacadaha dhigata iyo rayyid kale,” ayuu Gudoomiye Cumar Filish u sheegay suxufiyiinta.
Saraakiisha dowladda iyo kuwa gargaarka deg degga ah ayaa sheegay in tobaneeyo qof ay ku nafwaayeen qaraxa, balse dhimashadu ay mar walba sii siyaadi karto.
Qaraxan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, hase yeeshee qaraxyada noocaani oo kale ah ayaa waxaa looga bartay kooxda Al Shabaab.
NEW YORK, United States of America, December 30, 2019/APO Group/ —
The members of the Security Council condemned in the strongest possible terms the terrorist attack of 28 December 2019 at the Ex-control Afgoye Junction in Mogadishu, which killed and injured innocent people.
The members of the Security Council expressed their deepest sympathy and condolences to the families of the victims, as well as to the people and Government of Somalia. The members of the Security Council wished a speedy recovery to those injured.
The members of the Security Council wished a speedy recovery to those injured
The members of the Security Council reaffirmed that terrorism in all its forms and manifestations constitutes one of the most serious threats to international peace and security.
The members of the Security Council underlined the need to bring perpetrators, organizers, financiers and sponsors of these reprehensible acts of terrorism to justice and urged all States, in accordance with their obligations under international law and relevant Security Council resolutions, to cooperate actively with the Government of Somalia and all other relevant authorities in this regard.
The members of the Security Council reiterated that any acts of terrorism are criminal and unjustifiable, regardless of their motivation, wherever, whenever and by whomsoever committed.
The members of the Security Council reaffirmed the need for all States to combat by all means, in accordance with the Charter of the United Nations and other obligations under international law, including international human rights law, international refugee law and international humanitarian law, threats to international peace and security caused by terrorist attacks.
The members of the Security Council paid tribute to all Somali and international actors working to bring peace and stability in Somalia. The members of the Security Council reiterated their determination to support peace, stability and development in Somalia. They underlined that neither this nor any other terrorist attack would weaken that determination.
Distributed by APO Group on behalf of United Nations – Office of the Spokesperson for the Secretary-General.
Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in dal shisheeye “uu lahaa qorshaha” qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex-Kontorool Afgooye ee duleedka Muqdisho.
“Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye. “ ayaa lagu yiri qoraal ay NISA ku baahisay twitter-ka.
Qoraalka laguma xusan magaca dalka la tuhunsan yahay, balse hay’addu waxay sheegtay in weli baaritaanka uu socdo.
“Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka caalamka qaarkiis.” Ayey tiri NISA.
Illaa iyo hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ugu yaraan 81 qof la xaqiijiyey inay ku naf waayeen qaraxaas, islamarkaana ay suurta-gal tahay in tirada ay intaas ka badato.
Haddaba eedda ay soo jeedisay NISA ee ku saabsan in qaraxa uu ku lug lahaa dal shisheeye ayaa Sahra Cabdi Axmed ay wax ka weydiisay Cabdirashidi Khaliif Xaashi Agaaismaha Machadka Heritage ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada ammaanka ee safaaradda Mareykanka ee Baghdad ayaa maanta u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa inay kala eryaan dibad-baxayaal Iran taageersan oo xalay oo dhan ku sugnaa irdaha safaaradda.
Kumanaan banaan-baxayaal ah oo taageersan maleeshiyooyinka hubeysan ee Iraq, ayaa ku xoomay safaaradda, ayaga oo ka carreysan duqeymo Mareykanka uu fuliyey oo lagu dilay 25 ka mid ah dagaal-yahanada taageersan Iran.
Dibad-baxayaasha ayaa ka gudbay barta laga kontoroolo safaaradda oo ku dhex-taalla Aagga Cagaaran ee amnigiisa aadka loo ilaaliyo, si ay u gaaraan safaaradda.
Dibad-baxayaasha ayaa dibadda safaaradda ka dhistay qiyaastii 50 teendho iyo musqulo guura, waxayna ku dhowaaqeen inay ku sugnaan doonaan halkaas illaa ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Iraq.
Dibad-baxayaasha ayaa maanta ku dhowaaday darbiga kaliya ee u dhaxeeya ayaga iyo dhismaha weyn ee safaaradda, waxaana ay gubeen calanka Mareykanka.
Ayaga oo u jawaabaya, ayaa ciidamada amniga waxay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa, waxaana lagu soo warramayaa inay dhowr qof ku dhaawacmeen.
Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Iran inay mas’uul ka tahay dibad-baxayaasha weerarka ku ah safaaradda, waxayna ku cadaadisay dowladda Iraq inay sare u qaaddo ciidamada sugaya amniga safaaradda.
Iran ayaa ku hanjabtay “aargudasho darran”, waxaana ay sheegtay in Mareykanka uu qaadi doono mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha dilka mid ka mid ahaa taliyayaasheedii sare, Jeneral Qasem Soleimani.
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa xaqiijiyey in Soleimani oo hogaaminayey ciidamada xulka ah ee Quds, lagu dilay duqeyn Mareykanka ay ka fuliyeen agagaarka garoonka diyaaradaha Baghdad, Khamiistii.
“Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee waxay ku dhowaaqayaan in Qasem Soleimani uu ku shahiiday duqeyn ay Mareykanka fuliyeen” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen.
Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku hanjabay “aargudasho darran”, oo ka dhan ah “dambiilayaasha gacmahooda dhiigga la galay,” isaga oo wacad ku maray in “shaqadiisa iyo waddadii uu hayey aan la joojin doonin.”
Dhinaca kale, hoggaamiyaha kooxda Tehran ay taageerto ee dalka Lubnaan ee Xizbullah ayaa maanta ku baaqay in loo aargudo dilka Qasem Soleimani.
“In la fuliyo ciqaabta ku habbon dambiilayaashan wax khaarijiyey, waxay noqon doontaa mas’uuliyadda dhammaan dagaal-yahanada wax iska caabinta ee caalamka.” Ayuu bayaan uu soo saaray ku yiri Hassan Nasrallah.
Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Jeneral Qassem Soleimani lagu dilay weerar dhacay goor dambe oo khamiistii ah kadib amar kasoo baxay madaxweyne Donald Trump.?
Dowladda Mareykanka ayaa fulisay weerar dhaawac xooggan gaarsiiyey Iran, ayada hoggaamiyihii ciidamada xulka ah ee Qudus ee dalkaas ku dushay duqeyn ka dhacday dalka Iraq.
Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Jeneral Qassem Soleimani lagu dilay weerar dhacay goor dambe oo Khamiistii ah kadib amar kasoo baxay madaxweyne Donald Trump.
Waxay weerarka ku qeexday “tallaabo lagu difaacayey danaha Mareykanka ee dibedda.”
“Jeneral Soleimani wuxuu waday qorshe lagu weerarayo diblomaasiyiinta iyo ciidamada Mareykanka ee Iraq iyo gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Pentagon-ka.
Qoraalka ayaa intaas ku daray “Duqeyntan waxaa looga dan lahaa in lagu joojiyo weerarka Iran ay qorsheyneysay. Dowladda Mareykanka waxay sii wadi doontaa inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka muhiimka ah oo ay ku ilaalineyso dadkeeda iyo danaheeda.”
Wasaaradda difaaca Mareykanka ma aysan bixin faah-faahin ku saabsan duqeynta, hase yeeshee saraakiisha Iraq ayaa sheegay in gantaal lagu weeraray kolonyo baabuur ah oo ku safrayey agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baghdad.
Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay Abu Mahdi al-Muhandis oo ahaa taliye ku-xigeenka maleeshiyada Iran ay taageerto ee al-Xashd al-Shacbi ee dalka Iraq.
Addis Abeba, January 04/2020 – Three national political parties competing in Ethiopia’s upcoming general elections in 2020 have agreed to form a regional coalition called “Coalition for Democratic Federalism.”
On January 03, leaders of the three parties: Prof. Merera Gudina of Oromo Federalist Congress (OFC), Dawud Ibssa of Oromo Liberation Front (OLF), and Brig. Gen. Kemal Gelchu of Oromo National Party (ONP), have signed the agreement for the regional coalition. ***The agreement will enable the three parties to jointly field candidates for Caaffee Oromia (Oromia regional State council) and to form a national coalition with other parties that share similar programs and operate in different regional states.
The document, ***viewed by Addis Standard, contains three chapters stating the areas in which the three parties would work together under the new coalition.
Accordingly, the first chapter in the document signed by the three parties stated the name of the coalition as “Coalition for Democratic Federalism” (in Afaan Oromoo, “Gamtaa Dimokiraatawaa Federaalistii” (GAMTAA in short), and in Amharic “???? ????????? ??????.”
Chapter two of the document contains the major objectives of the Coalition and has seven points outlined. They are: A/ Based on election results of the three parties in the 2020 general elections, to form a regional coalition government. B/ To work together to make sure the election is free and democratic. C/ To jointly coordinate material and financial resources during election campaigns. D/ To mobilize efforts to work together with other parties at national level that share political programs closer to their own programs . E/ To contribute their shares and work together to solve conflicts arising in different parts of the country and work with other stakeholders to materialize national consensus. F/ To work together to avoid election related violence and misunderstanding. And G/ To mobilize efforts to democratize Ethiopia’s multi-national federalism.
Chapter three of the document contains details on the various bylaws of the Coalition and has six points outlined. They are: A/ Mentions the Coalition will have a bylaw containing the official name of the Coalition, working language, seat of the headquarters, and the structure of the Coalition. B/ Mentions the structure of the Coalition containing the a council, executive committee, secretariat, audit and legal commissions. C/ Mentions incorporation of political programs of each of the individual parties that make up the coalition with each party as independent entity. D/ Mentions the Coalition is subject to amendments, to transform into a front or merger, or be dissolved all based on consensus between the parties. E/ Mentions the three parties have signed on the document. And F/ Mentions the Coalition will have a legal entity in accordance with proclamation No. 1162/2011 Article 94, and as of the date the National Electoral Board of Ethiopia issued a certificate of registration recognizing the Coalition.
The three parties have already submitted a letter requesting the National Electoral Board of Ethiopia (NEBE) a legal recognition and registration of the Coalition. According to this morning’s edition of Addis Maleda NP, NEBE has confirmed recipient of the letter.
The negotiations have been ongoing in the last few months. In an exclusive interview he held with Addis Standard, Jawar Mohammed, who recently joined OFC, hinted that “there will be coalitions at regional levels, not only in Oromia.” He further said that “the way it is going to work is, in the region there are different parties and they have to form a coalition in their own region and at the federal level. Negotiation is underway right now for these coalitions at both levels. And soon within weeks we expect something to come out of these negotiations.” AS
Editor’s note: *** This news was edited to accommodate a missing explainer & change the word “reviewed” to “viewed”.
Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa beeniyey in ciidamada Mareykanka ay kasoo baxayaan Iraq, kadib markii sidaas lagu sheegay warqad loo diray militariga Iraq.
Sidoo kale sarkaalka ugu sarreeya militariga Mareykanka ayaa sheegay in warqadda oo kasoo baxday sarkaal militari oo ku sugan Iraq ay ahayd mid si qaldan loo qoray.
“Ma jiro wax go’aan ah, wuxuu doono ha ahaadee oo Iraq looga soo tagayo” ayuu yiri Esper. “Ma jiro wax go’aan ah oo aan kusoo baxeyno, mana aynan soo saarin wax qorshooyin ah oo aan uga soo tageyno.”
Warqadda oo Isniintii aad u wareegeysay twitter-ka, ayaa waxaa dowladda Iraq u diray sarkaal Mareykan ah ah oo dalkaas ku sugan.
Taliyaha ayaa warqadda ku yiri “dowladda Mareykanka waxay xushmeyneysaa go’aanka ay ku amartay ciidameena inay baxaan”, wuxuuna intaas ku daray in maalmaha iyo toddobaadyada soo socda ay isku qaabeyn doonaan inay dhaqaaqaan.
Jeneral Mark Milley oo ah taliyaha sare ee ciidamada Mareykanka ayaa weriyayaasha u sheegay in warqadda ay ahayd qabyo qoraal, aan loogu talo-gelin in la baahiyo.
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, 15 kalena way ku dhaawacmeen qarax baabuur oo maanta ka dhacay bar kontorol oo ku dhow xarunta baarlamanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale sheegay inay arkayeen dhowr baabuur oo dab uu qabsaday.
“Walxo qarxa ayaa laga soo buuxiyey baabuur isku dayey inuu ka gudbo barta kontorol, balse markii ciidamada ay ogaadeen oo uu sidaas sameyn waayey, ayaa qofkii waday uu is-qaxriyey.” Waxaa sidaas yiri Aadan Cabdullaahi oo ah sarkaal boolis oo la hadlay VOA.
Adeegga Amin Ambulance ee gurmadka deg degga ah ayaa VOA u xaqiijiyey in 15 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa.
Cabdiraxmaan Maxamed oo markii uu qaraxu dhacay ku sugnaa dukaan goobta ka agdhow ayaa sheegay inuu arkay meydadka dhowr qof.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, ayada oo intaas ku dartay inay la beegsatay “xubno ka tirsan” Villa Somalia iyo baarlamanka.
Weerarka ayaa yimid 10 maalmood un kadib markii qarax ay Al-Shabaab ka fulisay Ex-Control Afgooye ee Muqdisho ay ku dishay 81 qof oo u badnaa shacab, 28-kii December.
Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay Iran ay in ka badan 10 madfac xalay ku garaacday laba saldhig oo uu millatariga Mareykanka ku leeyahay dalka Ciraaq.
Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon-ka, ayaa sheegay in gantaallada baalistiga lagu garaacay saldhigyada al-Assad iyo Irbil ee ciidamada cirka Mareykanka. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in saldhig saddexaad oo lagu magacaabo Camp Taji oo 27 km u jira magaalada Baghdad isna la duqeeyay.
Bayaan kasoo baxay Ciidamada Ilaalada kacaanka Iran ayaa lagu sheegay in uu si guul ah ku dhamaaday weerar ay sheegeen in ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraq. Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay in duqeyntaasi loogu aargudayay jeneraal Qassem Soleimani oo ay todobaadki hore Mareykanka ku dileen duqeyn cirka ah xilli uu marayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Baghdad.
Wali ma jirto wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeynta ay Iran u geysatay saldhigyada Mareykanka ee Ciraq, hase yeeshee Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidi ay usoo ururin laheyd xogta ku saabsan khasaaraha weerarkaasi.
Dhanka kalana, hadal qoraal ah oo uu bartiisa twitter-ka soo dhigay, ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in wax walba ay hagaagsanyihiin ilaa iyo hadda isla markaana ay qiimeynayaan khasaaraha ka dhashay gantaallo ay Iran ku soo tuurtay laba saldhig oo uu Mareykanka ku leeyahay Ciraq.