Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

M/wayne Trump oo ka hadlay gantaalihii Iran ku tuurtay saldhigayada USA ee Ciraaq

$
0
0

USA: Trump muxuu kaga jawaabay gantaalihii iran ??..??

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in Iran ay u muuqato “inay dabceyso” kadib markii weerar gantaallo ay ku qaadday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Iraq, halkaasi oo wax khasaare nafeed ah aysan ka dhalan.

“Dhammaan ciidamadeena waa bad qabaan, islamarkaana waxyeelo yar ayaa gaartay saldhigyada. Ciidamadeenna weyn wax walba diyaar ayey u yihiin,” ayuu Trump ku yiri khudbad uu shacabka Mareykanka uga jeediyey Aqalka Cad.

“Iran waxay u muuqataa inay dabceyso, taasi oo ah wax u wanaagsan dhinacyada ay arrintan khuseyso iyo dunida oo dhan. Cid Mareykan ama Iraqi ah kuma dhiman weerarka,” ayuu yiri madaxweyne Trump.

Trump ayaa ku dhowaaqay in Mareykanka ay “cunaqabateyno dheeri ah oo darran” kusoo rogi doonaan Iran, hase yeeshee ma uusan sheegin wax aargudasho oo ka dhan ah weerarkii gantaallada – Taasi oo khubarada ay u arkeen jawaab miisaaman.

Madaxweyne Trump ayaa quwadaha adduunka oo ay ku jiraan Russia iyo China ugu baaqay inay ka baxaan heshiiskii Nukliyeerka Iran ee 2015, islamarkaana ay ka shaqeeyaan heshiis cusub.

“Dhammaanteen waa inaan ka shaqeynaa sidii aan Iran ula gaari lahayn heshiis dunida ka dhiga mid nabdoon oo ammaan ah.” Ayuu yiri.

Ilo-wareedyo Mareykanka iyo Yurub ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Iran ay si ku talo-gal ah uga fogaatay inay khasaare nafeed gaarsiiso militariga Mareykanka, si aysan xaaladda uga sii darin.

AFP + REUTERS

Xigasho VOA


Qiimaha cuntada oo Dunida sare u kacday

$
0
0

Qiimaha cunnada adduunka ayaa sare u kacay bishii saddexaad oo xiriir ah, islamarkaana bishii December gaaray heerkii ugu sarreeyey muddo saddex sano ah, waxaa sidaas maanta sheegay hay’adda cunnada ee QM.

Sare u kacan ayaa badankiisa waxaa ku tabarucay saliidda, sonkorta iyo caanaha oo aad u qaaliyoobay, sida ay sheegtay hay’adda FAO.

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee FAO ayaa sheegtay in saliidda, siiriyoolka, caanaha, iyo sonkorta ay bishii December sare u kaceen cel-celis ah 2.5%, taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey tan iyo sanaddii 2014.

Guud ahaan, sare u kaca qiimaha cunnada ee shanti sano ee tagay ayaa ah 1.8%.

Caanaha iyo Sonkorta ayaa noqday kuwa uu sare u kaca ugu xooggan ku yimid. Caanaha ayaa bishii December ee 2018 qiimahooda waxay kordheen 3.3%, halka Sonkorta ay sare u kacday 4.8%.

Hilibka oo ka mid ah cunnooyinka ay aadka u isticmaalaan dadka ayaan qiimahiisa waxba iska beddelin cel celis ahaan, waxaana ugu wacan hoos u dhac ku yimid hilibka lo’da oo tiray sare u kac ku yimid hilibyada kale sida idaha.

REUTERS 

Ethiotelecom ayaa sheegtay inay 100 Milyan oo birr khasaartay

$
0
0

Shirkada isgaarsiinta Teleefoonada itoobiya ee Ethio-telecom ayaa sheegtay in 6dii bilood ee lasoo dhaafay dhibaatooyinka dhanka horumarinta aas-aasiga uga yimid darteed ay shirkadu khasaartay 100 milyan oo birr.

Maareeyaha guud ee shirkada Ethio-telecom Marwo freehiwot Taamiru ayaa sheegtay in 547 Shay oo qalabka horumarinta aas-aasiga ah ee shirkada loo gaystay dhibaatooyin Xatooyo ah iyo kuwo ulakac ah.

Mareeyaha ayaa sheegtay in, inkastoo ay dhibaatooyinka aaladaha iyo Qalabka Shirkadu lakulmaan ay tuuganimo ama Xatooyo badan, Haddana ay jiraan dhibaatooyin dhanka wadashaqayn la’aan shaqaalaha shirkada ah.

Dhanka kale Marwo freehiwot Taamiru Maareyaha EthioTelecom ayaa cadaysay in iyagana dhibaatooyin kala duwan loogaysto dadka Xarumaha horumarinta Aasaasiga ah iyo qalabka Shirkada ilaaliya.

Sidookale mareeyaha ayaa sheegtay in hadii aan Wada jir looga shaqayn kahortaga xatooyada Shirkada lagu hayo ay mustaqbalka caqabad wayn kutahay Tayada adeegbixinta Ethio-telecom.

Ugu dambayntiina,Maareeyaha guud ee shirkada isgaarsiinta Telefoonada itoobiya Marwo freehiwot Taamiru ayaa sheegtay in Maalmaha soo socda ay xarunta dalka ee addis ababa ay bahwaadta kaladuwan kula yeelanayaan kulan wada xaajood ah oo dhibaatooyinkan Xal waara loogu raadinayo.

SRTV

Hargaysa: M/wayne Biixi oo la kulmay Wakiilka Somalia ee Qaramada midoobay

$
0
0

Nuxurka Kulan Madaxweyne Muuse Biixi La Yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeysa-09-01-2020-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador James Swan.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa diirradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo qaramada midoobay u dhexeeya iyo dareenka ay Somaliland ka qabto kaalinta ay qaramada midoobay iyo beesha caalamkuba kaga jiraan horumarka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo markii kulanku soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa shaaciyey in madaxweynuhu wakiilka qaramada midoobay u guntay farriimo kala duwan oo la xidhiidha horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“waxyaabo badan baa kulanka lagaga wada hadlay, arrimo badan baa la isla soo qaaday oo ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen, arrimaha ugu muhiimsanna waxa kamid ah waxa ay Somaliland u gudbisay wakiilka inuu xoghayaha guud ka gaadhsiiyo farriimo ay kamid yihiin in muddo Soddon sanno ah ay Somaliland hanatay oo ka shaqaysay qaddiyaddeeda iyo madax-bannaanideeda oo ay danaheeda dhammaamtood iyadu gacanta ku hayso, haddii ay tahay dhulkeeda, baddeeda, hawadeeda iyo maamulkeedaba, mid walbana ay ku guulaysatay inay ka shaqayso nabaddiisa iyo xasiloonidiisa.”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata uu hoosta ka xarriiqay in xukuumadda Somaliland ay muujisay walaaca ay ka qabto kaalmada ay qaramada midoobay iyo dalalka kale ee caalamkuba bixiyaan iyo sida ay qaran ahaan u saluugsan tahay, “Waxa kale oo aanu wakiilka ka codsannay inuu farriin ahaan u gudbiyo xoghayaha qaramada midoobay in saluug weyni nagaga jiro waxtarka, dhaqaalaha iyo deeqaha laga helo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo dalalka kale ee caalamka ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ku jira, haddii ay tahay dhinaca dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo caawinta iyo arrimaha ay bulshadu u baahan tahay ee waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha uu mid walba saluug badani nagaga jiro waxtarka caalamka,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay inay ergayga u xaqiijiyeen inay Somaliland ka gudubtay dhammaanba wixii khilaaf ahaa, islamarkaana ay ka dhammaysatay wixii khilaaf ahaa ee dhexdeeda ka jirey, isaga oo madaxweynuhu u sheegay wakiillka inay Somaliland diyaar u tahay inay la garnaqsato Soomaaliya oo kala dooddo arrimaha masiiriga ah.

Dhinaciisa, wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ambassador James Swan oo isaguna kulanka kaddib warbaahinta la hadlay waxa uu caddeeyey inay qaramada midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan hawlaha shaqo iyo mashaariicda ay ka wadaan gudaha Somaliland, islamarkaana ay xukuumadda Somaliland uga mahadnaqayaan sida habsamida leh ee ay u wada shaqeeyaan.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta maaliyadda.

Wa-bilaahi Tawfiiq

source: Madaxtooyada SL

Iran oo qiratay inay soo riday diyaaradii rakaab ee Ukraine

$
0
0

Dowladda Iran ayaa qiratay in ciidamadeeda milatarigu ay sameeyeen qalad xooggan markii ay todobaadkan duleedka magaalada Tehran ay ku soo rideen diyaarad ah nooca loo yaqaano Jet, taasi oo ay ku dhinteen 176 qof oo diyaarada saarnaa.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri, “aad baan uga xumahay qaladkan argagaxa leh.”

Rouhani ayaa intaa ku daray in waaxda barista gudaha ee ciidamada dalkaasi ay xaqiijiyeen in gantaal loo riday qalad dhacay uu sababay dhicista diyaaradda laga lahaa dalka Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Iran Mohammad Javad Zarif ayaa dhankiisa ku qoray boggiisa Twitter-ka in warbixinno hordhac ah oo baarista laga sameeyey ay tibaaxayaan in qalad dhacay darteed ay musiibadaasi ku dhacday.

“Aad ayaan uga xunnahay, raalligelin iyo tacsi ayaan u direynaa dadkeenna, qoysaska dadka dhibanayaasha ah, iyo dalalka kale ee ay dhacdadani saameysay, ayuu yiri.

Soo dhicitaanka diyaaradan oo laga lahaa dalka Ukraine islmarkaana ahayd Boeing 737 ayaa dhacday saacado uun kadib markii ay Iran gantaalaha Ballistic-ga loo yaqaano ay ku garaacday saldhigyo milatari oo Maraykanku uu ku leeyahay dalka Ciraaq.

VOA

Somalia iyo Ertaria oo ka wada hadlay iskaashiga labada wadan

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa booqasho laba maalmood ah ku jooga dalka Eritrea, halkaasi oo uu wadahadal kula qaatay dhiggiisa Eritrea, Issais Afwerki.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo iskaashiga labada dhinac.

Labada Madaxweyne ayaa sheegay iney iyaga oo ku qanacsan ay isla qireen koboca ballaaran ee ku yimid iskaashiga labada dal laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018.

War muriyeedka ayaa lagu lagu sheegay in labada hoggaamiye ay boggaadiyeen heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee bishii September 2018-kii dhexmaray Ethiopia, Somalia iyo Eritrea.

VOA

Boqor Qaaboos kii Cumaan oo geeriyooday yaase bedeli doona

$
0
0

Wasiirka Dhaqanka ee dalka Oman Haitham bin Taariq ayaa loo dhaariyey hogaamiyaha Saldanada Oman ka dib markii uu geeriyooday Sultan Qaaboos oo ay ilmo adeer ahaayeen.

Qaaboos ayaa geeriyooday Jimcadii wuxuuna ahaa 79 jir. Waxa uu noqday hogaamiyaha ugu xukunka dheer ee dunida carabta isaga oo talada yimid sanadkii 1970-kii xilligaas oo uu afgenbiyey aabihiis.

Sultan Qaboos ayaa lagu waramay inuu muddo xanuunsanaa uuna la il-darnaa xanuunka kansarka.

Sultaanka ayaan guursan mana laheyn wax caruur ah ama walaalo xilka ka dhaxla, taasaana keentay in qofka isaga bedelaya laga soo xusho fadhi ay yeesheen qoyska boqortooyada.

Dastuurka Oman ayaa qaba in qoyska reer boqor ay haystaan saddex cisho oo ay ku qaataan go’aanka qofka hogaamin doona Saldanadda Oman, haddii ay ku guuldareystaanna waxa ay furi doonaan warqad xiran oo uu qoray Sultan Qaaboos uuna ku qoray magaca qofka isaga bedelaya.

Khubarada ayaa saadaalineysay in uu xukunka la wareegi doonno Asad Bin Taariq oo ay isna ilma adeer ahaayeen Sultan Qaboos, kaasi oo 2017-kii loo magacaabay ra’iisulwasaara ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha debedda iyo xiriirka caalamiga ah ee dalkaasi.

Xigasho: AFP

Ethiopia oo doorashada qabanaysa bilaha May iyo Jun ee 2020

$
0
0
Itoobiya waxa ay May ama June qaban doontaa doorasho baarlamaan, inkasta oo ay jiraan walaacyo amni iyo kuwa farsamo, waxaa sidaas sheegay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed intii lagu guda jiray booqasho uu Axadii ku tagay dalka Koonfur Afrika.
Doorashada ayaa noqon doonta tii ugu horreysay tan iyo markii Abiy Ahmed uu xafiiska la wareegay bishii April 2018, islamarkaana uu billaabay isbeddelo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.
Qorshihiisa isbeddel ayaa sidoo kale huriyey rabshado islamarkaana muuujiyey kala qeybsanaanta  qowmiyad ee dalka Itoobiya, oo ay ku nool yihiin 105 milyan oo qof.
Guddiga doorashada ayaa bishii June 2019 sheegay in xaaladda amni ay dib u dhigi karto doorashada 2020.
Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay si wadajir ah magaalada Pretoria ugu qabteen madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa Abiy waxa uu sheegay in Itoobiya iyo dadkeedaba ay u wanaagsan tahay in doorashada ay u dhacdo sidii loo qorsheeyey.
Itoobiya ayaa si joogto ah doorasho u qabaneysay tan iyo 1995-kii, hase yeeshee marka laga reebo 2005, ma jirin doorasho lagu loolamay.
Abiy Ahmed ayaa dhinaca kale weydiistay madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa inuu soo faro-geliyo muranka muddada taagan ee kala dhaxeeya Masar, kuna saabsan biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile.
Xiriirka Itoobiya iyo Masar ayaa xumaa tan iyo markii dalka ku yaalla Bariga Afrika uu billaabay dhismaha biyo-xireenka Grand Renaissance 2011—kii.

Muqdisho: Wefti ka socda WHO oo booqanaya

$
0
0

Booqashada Wafdi Heer Sare ah oo Ka Socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay Ku Yimaadeen Soomaaliya (12 – 17 Januray 2020) iyo war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada caafimaadka
WAR SAXAAFADEED
Muqdisho – Soomaaliya
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxay manta so dhawaysay Wafdi heer sare ah oo ka socda xafiisyada u sareeya Hay’adda Caafimaad ka Aduunka (WHO) si loo sii ambaqaado ajendaha iyo hirgelinta qorshe- hawleedka lagu wajahayo Daryeelka Caafimaad Loodhanyahay ee Soomaliya.
Wafdigaan ayaa daba socda wafdigii hore ee uu hogaaminayey Agaasime-goboleedka ee Xafiiska Gobolka Bariga iyo Mediterranean (EMRO); Dr. Ahmed Almandhari, oo marti ku ahaa xafladda daahfurka Qorshe-hawleedka lagu wajahayo daryeelka caafimaad loodhanyahay ee Soomaaliya.
Booqashadan waxay waxbadan ka tari doontaa:
I. xoojina iskaashiga Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada iyo Hay’adda
Caafimaadka Addunka ee ku aadan fulinta qorshe-hawleedka Wasaaradda u
samaysay bixinta Daryeelka Caafimaad Loodhanyahay ee Soomaliya.
II. Kor u qaadida iyo soo jiidashada taageerada caalamiga ee ku wajahan taageeridda Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada fulinta qorshe-hawleedka bixinta
Daryeelka Caafimaad Loodhanyahay ee dalka.
Ujeeddooyinka Booqadashada Wafdiga:
I. U kuur galid xaaladda iyo fursadaha fulinta caafimaadka loodhanyahay ee dalka laga hirgalinayo. Wasaaraddu iyo Wafdiga waxay si wadajir ah u booqan doonaan gooba adeeg bixinta caafimaadka oo ku kala yaallo magaalooyin kala duwan oo dalka ah.

II. Waxay sidoo kale kala qayb qaadan doonaan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada kulanka wasaaradaha kale iyo laamaha sharci dajinta iyo kuwa fulinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay ugu ololeeyaan dadaalka joogtada ah ee siyaasadeed iyo wax qabad ka dhinacyada badan ee ku wajahan gaarista guud ahaan caafimaadka loodhan yahay dalka.
III. In ay Wasaarada ka caawiyaan samaynta istiraatiijiyado isla markaana ay abaabulaan ilo dhaqaale oo lagu hirgalinayo qorshe-hawleedka tubta caafimaadka loodhan yahay.
Hawlaha Booqadashada Wafdiga:
1- Munaasabada soo dhoweynta iyo kala warqaadashada kadib, Waxaa xigi doono booqashada qaar kamid ah goobaha bixinta adeegyada caafimaadka iyada oo lala kaashanayo Wasaaradaha Caafimaadka ee xubnaha ka ah Dowaladda Federaalka.
2- La kulanka laamaha sharci dejinta, fulinta iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada si ay uyeeshaan dood iyo wadahadallo siyaasadeed oo la xariiro adeeg bixinta caafimaadka, iyo joogteynta ballanqaad siyaasadeed ee ku aaddan hirgelinta qorshaha caafimaadka loodhan yahay.
3- Kulamo falanqayn oo si qoto dheer leh wasaaraduu ugala hadli doonto Wafdiga WHO hirgalinta iyo abaabulidda dhaqaale loogu talagalay qorshe-hawleedka caafimaadka loodhan yahay.
Wixii faaffaahin dheeraad ah, waxaad kala xiriirtaa:
Mudane: Mohamed Abdulkadir Hersi
Madaxa Xiriirinta iyo Warbaahinta
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: communication@moh.gov.so
Tel: +252 61 393 0000
Follow us on: Website: www.moh.gov.so Facebook: Ministry of Health- Somalia Twitter: MoH_Somalia

Madaxweynaha Ku Xigeenka Somaliland Oo Daahfuray Adeega E-Shilling Oo Shaqaalaha Dawladdu Ku Qaadan Doonaan Mushaharooyinkooda

$
0
0

Madaxweynaha Ku Xigeenka Somaliland Oo Daahfuray Adeega E-Shilling Oo Shaqaalaha Dawladdu Ku Qaadan Doonaan Mushaharooyinkooda

Hargeysa-13/01/2020-()-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay adeega E-shilling, kaasoo sahlaya in shaqaalaha dawladdu mushaharooyinkooda ku qaataan qaab Electronic ah ama Online ah.

Bangiga dhexe ee Somaliland oo isagu hindisay mashruucan ayaa sheegay in barnaamijkani wax badan ka qaban karro adeega islaxisaabtanka iyo hufnaanta, isalamrkaana ay fursad u tahay shaqaalaha dawladda ee jooga goboladda dalka oo hal mar ay wada gaadhi doonto mushaharkoodu.

Sudan: dagaal ku dhexmaray ciidamo caasimada

$
0
0

Shan qof, oo ay ku jiraan laba askari, ayaa la dilay kadib markii ciidamada Sudan ay Maanta weerareen wakiilo ka tirsan sirdoonka laga baqo ee dalkaas oo gadooday.

Talaadadii, rasaas culus ayaa laga maqlay qaar ka mid ah saldhigyada hay’adda sirdoonka NISS ee Khartoum, kadib markii wakiilada hay’addaas ay diideen qorshe howlgab oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta cusub ee dalkaas.

Xubnaha NISS ayaa hormuud u ahaa weerarkii lagu qaaday dibad-baxayaasha intii uu socday kacdoonkii lagu riday madaxweyne Omar al-Bashir, bishii April 2019.

Goor dambe oo Talaadadii ahayd ciidamada militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee RSF ayaa ku xoomay xarumaha sirdoonka kadib markii rasaasta laga maqlay.

“Waxaan go’aansanay inaan weerarno xarumaha si loo soo geba-gebeeyo kacdoonkan…waxaana hadda la wareegnay saldhigyada,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay madaxa shaqaalaha madaxtooyada Sudan General Osman Mohamed al-Hassan.

“Waxaa naga dhintay laba askari, waxaana naga dhaawacmay afar kale oo ay ku jiraan laba sarkaal.” Ayuu yiri.

Dhinaca kale, dhaqaatiir ayaa sheegay in saddex qof oo shacab ah – oo dhammaantood isku qoys ahaa – ay sidoo kale ku dhinteen rasaas la isku weydaarsaday meel ku dhow saldhigga NISS ee Koonfurta Khartoum. Wiil dhallinyaro ah ayaa sidoo kale la dhaawacay.

Afhayeenka dowladda Faisal Mohamed Saleh ayaa sheegay in wakiilada NISS ay gadoodeen kadib markii ay diideen lacagta loogu qondeeyey inay howlgab uga noqdaan shaqada.

AFP

Afgooye: shaqaale Turkey ah oo Qarax lala eegtay

$
0
0

Ugu yaraan saddex qof ayaa geeriyooday 20 kale oo ay ku jiraan muwaadiniin Turkey ahna waa ku dhaawacmeen ka dib markii weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga buuxiyay uu ka dhacay degmada Afgooye. 

Qaraxa ayaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen shaqaale Turkey ah oo ka shaqeynayay dhismaha wadada Afgooye. 

Wasaaradda caafimaadka ee Turkiga ayaa sheegtay in lix muwaadin oo Turkey ah ay weerarkaasi ku dhaawacmeen oo laba ka mid ahna uu dhaawacooda aad u daran yahay.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi ayaa u sheegay idaacadda VOA in qaraxan oo ahaa mid ismiidaamin ah lala beegsaday qandaraasleyaal Turkiga u dhashay iyo askar ilaalo u ahayd.

“4 injineer oo Turki ah, 2 boolis ah iyo 2 qof oo shacab ah ayaa qaraxa lagu dhaawacay,” ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka Shabeellaha Hoose.

Wakaaladda wararka Turkiga ayaa sidoo kale xaqiijisay in shaqaale Turki ah oo ka shaqeynayay dhismaha lagu dhaawacay weerarkan.

Goobojoogeyaal ku sugan Afgooye ayaa sheegay iney maqleen qarax culus iyo rasaas xigtay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ka dhacay degmada Afgooye. 

Laba injineer oo Turkiga u dhashay ayaa ka mid ahaa 80 qof oo lagu dilay weerarkii Ex-control Afgooye ee dhacay bishii December ee sanadkii hore.

Weerarka maanta ayaa yimid saacado uun ka dib markii ciidamada dowaddu ay sheegeen iney iska caabiyeen weerarro ay xalay ku soo qaadeen dagaallameyaal Al-Shabaab ah magaalooyinka Qoryooley iyo Afgooye.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay 4 askari oo ka tirsan AMISOM ku dishay weerar ay xalay ku qaadday Afgooye ayna la wareegtay saldhiggooda, hase ahaatee saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in hal askari oo Soomaali ah lagu dilay weerarkaasi.

VOA

Erdogan: waxa la nagu casuumay shiidaal sahaminta Somalia

$
0
0

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniinta sheegay in Soomaaliya ay Turkey ku casuumtay inay shidaal ka sahmiso baddeeda, kadib markii Ankara ay heshiis dhanka badda ah la gaartay Libya sanadkii tagay, waxaa sidaas weriyey taleefishinka NTV ee Turkey.

Isaga oo weriyayaasha la hadlayey xilli uu kasoo laabanayey shir madaxeedka arrimaha Libya ee ka dhacay Berlin, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in Turkey ay qaadi doonto tallaabooyin waafaqsan casuumadda Soomaaliya, hase yeeshee ma bixin faah-faahin dheeraad ah.

“Waxaa jira codsi ka yimid Soomaaliya. Waxay leeyihiin: ‘Shidaal ayaa ku jira baddeena. Waxaad howl-galladan ka fulineysaan Libya, balse waxaad sidoo kale ka sameyn kartaan halkan.’ Tani aad ayey muhiim noogu tahay,” Erdogan ayaa waxaa sidaas kasoo taleefishinka NTV.

 “Sidaas darteed, waxaa jiri doona tallaabooyin aan qaadi doonno oo ku saabsan howl-galladeena halkaas.”

Turkey ayaa il gargaar oo weyn u ahayd Soomaaliya, wixii ka dambeeyey macluushii dhacday 2011, ayada oo Ankara ay raadineyso inay sare u qaaddo saameynta ay ku leedahay Geeska Afrika, si ay uga hortagto dalalka Khaliijka ee ay xifaaltamaan ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, Injineero Turkihs ah ayaa gacan ka gaysanaya dhismaha waddooyinka Soomaaliya, halka sarakaiisha Turkish-ka ay tababarayaan askarta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallo dib loogu dhisayo ciidamada dalka.

Turkey ayaa saldhigga ugu weyn ee ay ku leedaha dibedda waxay sanaddii 2017 ka furtay caasimadda Soomaaliya, ayada oo xoojineysa xiriirka ay la leedahay dalka Soomaaliya oo ah mid qalalaase ay ka jiraan balse muhiim ah.

Bishii November, Turkey ayaa heshiis dhanka badda ah la saxiixatay dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay, tallaabadaas oo ka carreysiiyey Qubrus iyo Greece. Athens ayaa waxay madaxa iskula jireen Ankara sababo la xiriira kheyraadka ku jira xeebta jasiiradda kala qeybsan ee Qubrus.

Reuters

Hargaysa: M/wayne Biixi oo magacaabay Agaasimayaal

$
0
0

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 20/01/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-443/012020 iyo JSL/XM/WM/222-444/012020, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegtooyin Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Amaal Cabdi Xasan
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada

Ku: Maxamed Aadan Xirsi,
Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka.

MAGACAABID:-

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

  1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.
  2. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska.
  3. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  4. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.
  5. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
  6. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada.
  7. Axmed Cabdirisaaq Diiriye Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka.
  8. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda.
  9. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

Iraq: Dibadbax lagu dalbanayo in ciidamada Maraykanku baxaan

$
0
0

Kumanaan qof oo ah taageerayaasha wadaadka Iraq ee Moqtada Sadr ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Baghdad, ayaga oo ka qeyb galaya dibad-bax lagu dalbanayo in ciidamada Mareykanka laga eryo dalkaas.

“Naga baxa kuwa soo duulay, waxaan rabnaa madax-banaani” ayey ku qeylinayeen dibad-baxayaasha, oo isugu jiray rag, dhallinyaro, caruur, iyo haween.

Wakiil ka socda Moqtada Sadr oo ka hadlay dibad-baxa, ayaa aqriyey bayaan kasoo baxay wadaadkan saameynta badan ku leh Iraq.

Bayaanka ayaa ku baaqay in dhammaan ciidamada shisheeya ay ka baxaan Iraq, in laga laabto heshiiska amni ee Iraq ay kula jirto Mareykanka, in hawada Mareykanka laga xiro militariga Mareykanka, iyo in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uusan “kibir” muujin, marka uu ka hadlayo saraakiisha Iraq.

“Haddii dhammaan arrimahan la fuliyo, waxaan Mareykanka ula macaamileynaa sida dal aan soo duulin – haddii kale waxaa loo arki doonaa dal cadow ku ah Iraq,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ayaa arrin xasaasi ah ka ahayd Iraq tan iyo markii diyaarad drone ay ku dileen Jeneralkii reer Iran ee Qasem Soleimani, iyo hoggaamiye ku-xigeenka kooxda Al-Shaxd Al-Shacab ee Shiicada Iraq.

AFP


Hal Askari Oo lagu Dilay Galbeedka Boorame Oo Maayarka Boorama Uu Ka Hadlay Sida Ay Wax U Dhaceen

$
0
0

Boorama(Geeska)-Waxaa duleedka magaalada Boorama shalay waabarigii lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Booliiska gobolka Awdal, kaasoo ilaalo ka ahaa goob laga dhisayay kaydka biyaha Borama oo ku taala dagaanka Abuqays oo wax aan ka badnayn 10km dhinaca galbeed kaga beegan Boorama.

Wararku waxa ay sheegayaan in goobta dilku ka dhacay ee la soo weeraray ay ku sugnaayeen 2 askari, oo mid yahay marxuunka dhintay, halka uu askariga kale ka badbaaday dhacdadan.

Ciidamada Booliiska Awdal oo goobta dilku ka dhacay gaadhay ayaa la sheegay inay soo xidh-xidheen dad badan oo ka mid ah dadka degaanka uu falku ka dhacay, mana jiro war ka soo baxay saraakiishiisha booliska, marka laga reebo maayarka boorama Saleebaan Xasan Xadi oo dhacdadan u xambaariyay dadka deegaanka, kuna tilmaamay kooxda uu farta ku fiiqay inay yihiin kuwo hormarka cadaw ku ah, ama ka soo horjeeda, wxaanu isaga oo maayarku Boorama warbaahinta kula hadlaayay uu yidhi “ Askarigaasi waxa uu ilaalinaayay  kanbaniga biyo galinta  galbeedka magaalada Boorama shaqo qaran ayuu fulinaayay, dawladuna waa ay ku daba jirtaa  go’aanka aanu qaadanayna waxa weeyaan in  meelkasta oo uu galo cidii ku lug lahayd aan laga daba hadhin, in badan ayaa dadka la dhawray shacbiga  lana damcay in laga dhex shaandheeyo inta xun hadaanay  shacbigu tilmaami karayn kuwa xun ee ku dhex jira  xukuumadu waxay goaan qaadatay inay ka dhex saarto talaabana waan ka qadaynaa, waana cid ka soo hor jeeda horumarka oo biya galintaas oo sodon sano loo qaylinaayay ay kow ka tahay oo wadadii ay bilaabmayso.”

Si kastaba ha ahaatee ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilkan ka dhacay deegaanka Abuqays oo u dhow xadka u dhaxeeya Somaliland & Ethiopia, waxaana maydka askariga uu ilaayo hada yaala isbitaalka guud ee magaalada Borama, lama oga waqtiga la aasi doono marxuumkasi.

Geeska

Hargaysa: Wasiirka Arimaha gudaha ee dalka Djibouti oo soo Gaadhay

$
0
0

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Djibouti Muumin Axmed Sheekh, ayaa shalay socdaal ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka gaashaandhiga Cabdiqani Caateeye. Ma jiro wax war ah oo uu wasiirka reer Djibouti siiyay saxaafadda oo la xidhiidha socdaalkiisa, laakiin wasiirka isgaadhsiinta Djibouti Ridwaan Cabdillaahi ayaa BBC-da u sheegay in wasiirku u sucdo arrimo kale oo ka baxsan xadhiga DARE ee ay dareemadu ka dhasheen.

Dawladda Djibouti ayaa doonaysa inay hoos u dhigto dareenka cadhada leh ee ay shacabka reer Somaliland kaga jawaabeen xadhiga DARE oo ay Djibouti hore u sheegtay inuu soo marayo Berber, balse ay hadda sheegtay inaanu soo marayn biyaha Somaliland.

Geeska

Safiirka Denmark Oo Sheegtay In Madaxweyne Biixi U Muujiyay In Doorashadu Ay Dhacayso 2020

$
0
0
Hargeysa(Geeska)-Safiirka Denmark danjire Mette Knudsen oo iyadoo hoggaaminaysa xubno kale socdaal ku timid Hargeysa, ayaa rajo wanaagsan ka muujinay inay doorashooyinka Somaliland ee muddo dhaafay qabsoomaan sanadkan 2020.
Qoraal ay twitterka ku baahisay, waxay ku sheegtay inay Madaxweyne Biixi iyo dhinacyo kale oo ay la kulantay ka aragtay natiijo wanaagsan oo qabsoomida doorashooyinka ah, waxaanay tidhi “Qodobka kullanada aan maalmahan ku lahaa Somaliland waxa uu ahaa doorashooyinka. Madaxwayne Muuse Biixi iyo dadkii kale ee aan la kulmay waxa ay si cad u cabireen inay doonayaan inay arkaan In doorashooyinku dhacaan sanadka 2020. Sidoo kale waxa cad inay shacabka, gaar ahaan dhalinyaradu ay sidoo kale rabitaan wayn u qabaan!” sidaas ayay ku tidhi qoraalkeeda danjire Metter Knudsen.

Shaakir: Ahlu-sunna Waxay Dooneysaa Jagooyinka Sare ee Galmudug

$
0
0

Ururka Ahlu-sunna ayaa mar kale dhaliilay habka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso hannaanka dhismaha maamulka Galmudug.
Qoraal uu soo saaray Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayuu ka digay in haddii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay isbaddal la iman weydo ay iyaguna bilaabi doonaan howlo ay ku soo dhisi doonaan maamul kale.
Sheekh Shaakir ayaa VOA u sheegay in ururka Ahlu-Sunno uu doonayo in Galmudug uu ka qabto jagooyin sare-sare oo la mid ah kuwii uu ururuku horey uga hayay maamulka Galmudug.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo qaar ka mid ah musharrixiinta madaxtinimada Galmudug ay diideen in ay ka qeybgalaan doorashada, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu isna magaalada Gaalkacyo ka wado howlo u gaar ah oo uu maamul ku soo dhisayo.
VOA

Tirada Dhimashada Dhulgariirkii Turkey oo Korodhay

$
0
0
Mas’uuliyiinta Turkey ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii fiidnimadii Jimcaha ku dhuftay dalkaasi ay gaartay ilaa 31 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 1,600 oo kale.
Kooxaha gurmadka ayaa maanta oo Axad ah soo badbaadiyay dad ku hoos jiray burburka dhismayaasha, laba cisho ka dib markii dhul gariir cabbirkiisu ahaa 6.8 magnitude uu ku dhuftay gobolka bariga dalkaasi ku yaalla.
Telefeshinnada Turkey-ga ayaa soo bandhigayay muuqaalka Ayse Yildiz oo ah 35 jir iyo gabadheeda Yusra oo laba jir ah kuwaasi oo laga soo bixinayo burburka dhisme dabaq ah magaalada Elazing. Waxa ay burburka dhismaha hoostiisa ku xayirnaayeen muddo 28 saacadood ah.
45 qof oo nool ayaa ilaa iyo hadda laga soo bixiyey burburka dhismayaasha dumay, waxaana sidaasi warbaahinta maanta u sheegay madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan oo ku sugan Istanbul.
Iyadoo uu heerkulka xilliga habeenkii ah hoos u dhacay uuna gaaray -5 ee darajada heerkulka ee Celsius, ayaa kooxaha gurmadku waxay sameeyeen in ka badan 9,500 oo teendhooyin ah kuwaasi oo loogu talogalay dadka ka soo barakacay guryahooda.
Kooxaha gurmadka ayaa xoogga ku saaray dadaalkooda xaafadda Mustafa Pasa iyo magaalada u dhow ee Sivrice oo ah goobaha ugu dhow ee xudunta dhulgariirkii Jimcaha.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in la sameeyay dadaal lagu doonayo in dhibaatada lagula tacaalo isaga oo ballan qaaday in hoy la siin doono dhibanayaasha.
“Turkey waxay bilowday iney uga soo kabato dhaawaca ay musiibadan weyn keentay si wadajir ah,” ayuu yiri.
Erdogan ayaa Sabtidii booqday goobaha musiibadu ka dhacday si uu u soo qiimeeyo howlaha gurmadka, wuxuuna isbitaalka ku booqday dad ku dhaawacmay dhul gariirka isaga oo sidoo kale ka qeyb galay aas loo sameeyey hooyo iyo wiilkeeda oo ka mid ah dadka ku dhintay dhulgariirka.
Sanadkii 1999-kii ayaa ahaa markii uu dalka Turkey ku dhuftay dhul-gariirkii ugu darnaa kaasi oo ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 18 kun oo qof.

VOA
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live