Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

U.S. to appoint first envoy to Somalia in 20 years

$
0
0

 


Tuesday.June 3, 2014
By LARA JAKES

 

USA Embassy somalia

President Barack Obama drops by a meeting with President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia and DeputyNational                            Security Advisor Denis McDonough in the Roosevelt Room of the White House, Jan. 17, 2013. (Official White House                           Photo by Pete Souza)

WASHINGTON (AP) — For the first time in more than20 years, the U.S. will appoint an ambassador to Somalia in what a senior official on Tuesday described as show of faith for future stability in the war-ravaged African nation.

Even so, the U.S. has no immediate plans to re-open its embassy in the Somali capital Mogadishu, which has been beset by violence and deadly bombings spurred by the militant network al-Shabab. As recently as two weeks ago, a car bomb outside the national parliament building killed at least seven people, and a senior al-Shabab fighter threatened Americans in a radio broadcast in Somalia.

In a Tuesday speech, U.S. Undersecretary of State Wendy Sherman said the decision to name an ambassador to Somalia reflects what she called a sign of the deepening relations between Washington and Mogadishu and “the faith that better times are ahead.”

She challenged Somalis to eschew generations-old clan rivalries and focus on building a united national government.

“None of us can make that choice for Somalis,” Sherman told the U.S. Institute for Peace in Washington. “But Somalis should know, if they choose to continue to come together, they will have enthusiastic and substantial international support.”

Western diplomats began increasing ties with Mogadishu after Somali civil activist Hassan Sheikh Mohamud was elected president in September 2012. Washington formally recognized the new government four months later, and Great Britain opened an embassy in Mogadishu’s fortified airport compound last spring.

The U.S. has resisted re-opening its embassy in Mogadishu, which closed in 1991, when Somalia’s government collapsed after years of civil war. American troops were sent to Mogadishu the next year to help stave off the country’s famine on a peacekeeping mission that lasted until their 1994 withdrawal — about five months after the humiliating “Black Hawk Down” debacle in late 1993, when Somali militiamen shot down two U.S. helicopters; 18 servicemen were killed in the crash and subsequent rescue attempt.

In recent years, U.S. diplomats who focus on Somali issues have been based in neighboring Kenya, and travel to Mogadishu periodically to meet with government officials and civil society activists. Sherman estimated about a dozen U.S. diplomats are currently in the Kenyan capital Nairobi working on Somalia.

She did not say who would be nominated as the ambassador to Somalia, adding only that it would happen “soon.”

 

 


Wasiir ka soo jeeda beelaha Gadabuursi oo ka mid ahaa dawladda Ahmed Siilaanyo oo xilkii laga qaaday.

$
0
0

wasiir Awdalpress – Hargeysa – Madaxweyne Siilanyo ayaa wareegto uu soo saaray goor dhaweyd xilkii wasiirnimo ka qaadey Wasiirka Wasaarada xidhiidhka Golayaasha,cilmi-baadhista iyo Teknoololjiyada Adan Axmed warsame. Waxana  wareegtada lagu  caddeeyey sababta xilka lagaga qaaday.

Wasiirkani oo ka soo jeeda beelaha Samarroon ayaa loo malaynayaa in ay isku fikir noqon waayeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, sidaasi daraaddeedna looga eryey shaqadii. Baddalkiisiina waxa la filayaa in barri amma barri dambe lagu soo magacaabo nin beesha uu ka soo jeeda ah. Oo ay aad isugu dhaw dhaw yihiin Abdirahman Zaylici.

Qoraalkii wareegtada ku qornaana sidan ayuu u dhignaa:-

Ujeedo: Xil-ka Qaadis

 

Ku: Mudane, Aaden Axmed Warsame,

Mudane, Ka-dib dhibaatooyin iyo cabashooyin is daba jooga ah iyo hufnaan la’aanta shaqo ee aad ka muujisay xilka aan kuu magacaabay. Haddaba, xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Baasaboorka Somaliga oo ay dadka Khaliijka ku nooli dhib aad u weyn ku qabaan, iyaga oo shaqadooda iyo sharciga ay dalalkaa ku joogaan ku waaya marka uu ka dhaco.

$
0
0

baasaboorroAwdalpress – Muqdisho – Dhib aad u weyn ayey dadka khaliijka ku nooli ku qabaan cusboonaysiinta Baasaboorka Somaliga, waxana ay ku waayaan sharciga ay dalalkaa ku joogaan iyo shaqooyinka ay haystaan. Kaddib marka baasabooradooda loo diro Muqdisho si loogu soo cusboonaysiiyo. Arrintan ayaa la kowsatay kaddib markii ninka Janaral Gaafow la yidhaa uu qabsaday xafiiska Baasaboorada Muqdisho, ee uu Safaaradaha dibadda ku khasbay in Baasaboorada lagu jadiidiyo Muqdisho.

Janaral Gaafow ayaa u awood sheegtay shaqadii ay Safaaraduhu u qabanayeen shacabka qurba joogga ah, waxana uu ka hawshan baasaboor Jadiidinta ah ka sameeyaan lacag xad dhaaf ah, oo la sheegay in uu inta badan jeebkiisa ku shubto. Halka ay shaqaale badan iyo dadk badani ay ku waayaan shaqadooda iyo sharcigooda.

Haddaba dad badan oo la soo xidhiidhay shabakadda awdalprss.com ayaa u sheegay in cusboonaysiinta baasaboorradu ay dhib badan ku hayaan dadka ka shaqaysta amma degaanshaha ku haysta dalalka dibadda gaar ahaan waddammada Khaliijka, sida Saudi Arabia, Kuwait, UAE, Oman, Qadar, Bahrayn iyo meelo kale.

Madaxweynaha Somaliya iyo Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa iyana gooro badan la wargaliyey dhibtan ay dadka dibaddu kala kulmaan baasaboorrada, laakiin illaa immiga wax tallaabo ah oo ay ka qaadday ma jirto. Balse waxa ay maanta ka hadleen Baasaboorka Dublamaasiga oo dad badan oo aan xaq u lahayni ay qaateen, lagana soo celin doono.

Warka cusub ee Baasaboorada Dublamaasiga ku saabsan ee uu wasiirka arrimaha dibadda Somalia Dr. Beyle ka haldayna halkan hoose  ka akhriso.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay qaadayso tallaabooyin ay ku xadidayso qaadashada baasaboorka dublamaasiga, isla markaana dib looga soo celin doono dadka ay sheegtay inay si qaldan ku qaateen.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in baasaboorka dublamaasiga uu qaato qofkii dowladda ka tirsan ama oo siyaasi ah, balse aanu qaadan karin qof aan dowladda ka tirsanayn oo shacab ah.

“Baasaboorkan waa mid loogu talogalay inay qaataan siyaasiyiinta dowladda ku jira, balse ma ahan in qof walba uu iska qaato. Waxaadna arkaysaa in qof walba uu iska qaato,” ayuu hadalkiisa ku daray C/raxmaan Ducaale Bayle.

Sidoo kale, Bayle asyaa sheegay in baasaboorkan qaadashadiisu ay tahay in sharci loo maro, isagoo ku goodiyay inuu arrintan horgeyn doono golaha wasiirrada si wax looga qabto arrintan.

“Qof walba ayaa iska sita baasaboorka, waxaana naga go’an inaan ka hortagno in cid walba ay iska qaadato, kuwii horay loo siiyayna waa laga soo celin doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Arrintan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay xukuumaddu kaga hortagayso sidii aan la isaga qaadan lahayn baasaboorka, iyadoo baasaboorkan uu ka mid yahay qaybaha uu u kala baxo E-Passport-ka Soomaaliya.

 

Dad badan oo lagu laayay Nigeria

$
0
0

qaraxBBCda ayaa waxa ay ogaatay in dagaalyahanno ka tirsan kooxda Boko Xaraam, ay ku dileen tobaneeyo qof weerraro taxane ah oo ay ku qaadeen tuulooyin ku yaal meelo fogfog oo ka tirsan gobolka Borno.

Waxaa laga joogaa 50 maalmood tan iyo markii kooxda hubeysan ee Boko Xaraam ay ka afduubteen 200 oo gabdhood oo iskuuleey ah waqooyi bari ee dalka Nigeria, ilaa iyo haatanna ma ay cadda halka ay ku dambeeyeen gabdhahaasi.

Dadka degan tuulada Attagara ee ku taalla meel u dhaw xuduuda waddanka Cameron, ayaa sheegay in rag ku labisan dareeska militariga oo ku yimid gawaari ay dadka ugu yeereen inay isugu yimaadaan goob kaniisad ah oo halkaa ku taal.

Dadku waxa ay u malaynayeen in ay ka tirsan yihiin ciidammada Nigeria oo ay halkaa u yimaadeen in ay iyaga ilaaliyaan.

Waxa ay ogaadeen oo kaliya in ragaasi ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada kooxda Boko Xaraam, markii ay rasaas ku fureen dadkii halkaa isugu yimid.

Xildhibaanka laga soo doorto deegaankaasi, Peter Biye, ayaa BBCda u xaqiijiyay weerarka waxa uuna sheegay in dad halkaa lagu dilay guryo bandanna lagu gubay shan tuulo oo aaga ku yaal.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in dhowr janaraal oo ka tirsan militariga Nigeria ay maxkamadda xukunka degdeg ah ee militariga ay ku heshay dambi ah inay gacan siinayeen kooxda Boko Xaraam.

Afhayeenka wasiirka difaaca ayaa diiday in la maxkamadeeyay cid ka tirsan janaraalada militariga.

Hasayeeshee wasiirka arrimaha gudaha, Abba Moro, ayaa sheegay in ay war wanaagsan aheyd in madax sare oo militari ah ay aqoonsadeen askarta carqaladeynaysa dagaalka lagula jiro fallaagada.

Waxa uuna sheegay in tani ay farriin adag ay u dirayso ciidammada kale ee Nigeria.

Muuse Biixi oo arrimo ammaanka la xidhiidha u tegi doona Ethopia

$
0
0

Guddoomiye-BiixiAwdalpress – Muqdisho – Siro xasaasi  oo ku saabsan ammaanka mandiqadda geeska la xidhiidha ayaa soo gaadhay  shabakadda awdalpress.com, waxana ay sheegayaan in  guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi oo sheegay in dadkii isku qarxiyey Djabouti ay 20 casho joogeen Hargeysa iyo weliba isaga oo sheegay in qof walbaa uu haysto hub, isaga oo taasi ku difaacayey wasiir ku xigeenkii hore ee amniga ee xukuumadda Ahmed Siilaanyo xabsiga u taxaabtay.

Wararkaasi xasaasiga ah oo la xidhiidha argagixisada dareenna geliyey beesha caalamka . Ayaa la sheegayaa in Muuse Biixi u tegi doono magaalada Addis Ababa, si uu u caddeeyo lamana garanayo in uu warbixin siin doono safaaradda maraykanka ee Addis iyo dawladda Ethopia. Lamana soo sheegin wakhtiga ay noqon doonto in uu u baxo Ethopia.

Dawladda Maraykuna ayaaiyaduna  dhawaan digniin u dirtay dawladda Ethopia iyada oo hoosta ka xarriiqday in dadka nabad diidka ahi ay doonayaan in ay dalkooda isku qarxiyaan. Dawladda Ethopiana si ay arrintaa uga hor tagto, waxa aad loo adkeeyey ammaanka xuduudaha.

Wixii war ah ee ka soo kordha waan idinla socodsiin doonnaa

Awdalpress.com

 

Madaxweyne Xasan oo soo dhaweeyay Magacaabista Safiirka Mareykanka

$
0
0

madaxweynaha HassanAwdalpress – Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo safiirka madaxweynaha Mareykanka uu dhawaan u soo magacaabi doono Soomaaliya, kaddib labaatan sannadood oo colaado ah.

“Waxaan ku faraxsanahay in tani ay ku timid guulihii aan ka gaarnay xaqiijinta ammaanka iyo horumarinta dalka. Magacaabidda danjiraha Maraykanka waa mid muujinaysa xiriirka iskaashiga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka oo aad u xoogeystay,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri qoraal uu soo saaray caawa.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan billownay safar aan Somalia ku gaarsiinayno nabadgalyo iyo barwaaqo. Waxaan rumeysanahay in jidkan dheer uu noosoo dhaweynayo saaxiibbadeen, iyadoo himiladeennu tahay inaan gaarno halka aan higsanayno.”

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweyne Barack Obama uu safiir rasmi ah u magacaabi doono Somalia, tan iyo wixii ka dambeeyay sannadkii 1991-kii oo Mareykanku uu joojiyay xiriirkii uu la lahaa Soomaaliya, xilligaas oo Soomaaliya ay ka billowdeen dagaallada sokeeye.

“Waxaan xaqiijinayaa in taageerada aan ka helayno saaxiibbadeen ay fududeysay inaan xaqiijinno himilooyinka aan dalkeenna dib ugu dhisayno iyo gaarista aan ku doonayno inaan sannadkan 2016-ka ay dalka doorasho ka dhacdo. Dowladeydu waxay ballan-qaadaysaa inay dhameystirto dastuurka qabyada ah iyo in dalka oo dhan lagu fidiyo federaalkiisimka, si loo gaaro in shacabku ay codkooda u dhiibtaan si xor ah,” ayuu Xasan Sheekh hadalkiisa ku daray.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri: “Dhammaan ujeeddooyinkaas waa kuwo aan ku doonayno inaan dalkeenna dib ugu dhisno; baarlamaankeennu sidoo kale wuxuu sameeyay horumar weyn, waxaana qorsheynaynaa inaan xoojinno hay’adaheenna dowliga ah, waxaana dadaal ugu jirnaa sidii aan u maareyn lahayn ka faa’iideysiga khayraadkeenna iyo inaan dalka gaarsiinno dowlad-wanaag.”

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku daraay inay taageerada Mareykanka si diirran u soo dhaweynayaan, taasoo uu sheegay inay ku wajahan tahay xoojinta xiriirka noo dhexeeya, waana ku faraxsannahay buu yiri magacaabidda safiirka cusub.

Dowladda Mareykanka ayaa sannadkii hore si rasmi ah u aqoonsatay dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii uu dalku ka baxay in ka badan toban sano oo uu kusoo jiray KMG-nimo.

HOL

Wax ma kala socotaa sida Dawladda Ingiriisku ula tacaalayso Gudniinka Fircawniga ah iyo khatarta uu gabdhaha u leeyahay. ( Halkan hoose ka daawo ceebna maaha in aad wax ka ogaato )

$
0
0

fircooni1Awdalpress – London – Wasaarada Arrimaha gudaha dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horeysey waxa ay biloowday olole iyo wacyi gelin balaadhan oo lagaga soo horjeedo islamarkaana lagula dagaallamayo gudniinka fircooniga ah. Ama gabdhaha yar yar ee aan odhan jirray waa la xalaalaynayaa. Iyada oo xubinta jidhkooda ee tartanka loo geysanayo dhaawac laxaad leh. Isla markaana la awdayo amma la qodbayo marinka kaadi mareenka.

Markii ugu horeysay ayaa dalka Ingiriiska waxaa la sheegay inay wasaarada Arrimaha gudaha ee dalkaasi ay biloowday olole baaxad weyn,  oo lagaga soo horjeedo gudniinka Fircooniga ah in lagu sameeyo gabdhaha, Ololahaan iyo wacyi galintaan oo dadka Soomaaliyeed loogu sharraxayey dhibaatooyinka uu leeyahay gudniinka fircoonig,  ayaa waxaa halkaas ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaas Ingiriiska Norman Baker oo ka hadlay dhibatada uu gudniinka fircoonigu uu u leeyahay gabdhaha.  Isaga oo sidoo kale sheegay in dhawaantaan lagu arki doono boodhadh iyo tabeelayaal dadka loogu soo bandhigayo dhibaatada uu gudniinka fircoonigu leeyahay. Boodhadhkaas oo lagu dhajin doono xaafadaha ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed iyo waddammada kale oo ay ka mid yihiin Nigeria  iyo Kenya kuwaas oo uu ka jiro wali gudniinka fircooniga.

Awdalpess.com

Dawladda Itobiya oo war-saxaafadeed ku sheegtay in ay qabteen nin Somaliyeed oo rabay in uu qaraxyo ka sameeyoo Addis Ababa.

$
0
0

Qarax_Miino_Buuhoodle_1Awdalpress – Addis AbabaDawladda Itobiya ayaa dhawaanahan walal ka qabta ammaan darri ka laga cabsi qabo in ay ku keenaan ururka Al Shabaab, waxana dhawaan la fashiliyey dad doonaya in ay meelo ka mid ah Addis isku qarxiyaan. Maanta waxa dawladda Itobiya warsaxaafadeed ku sheegtay in ay qabteen nin rabay in uu isku qarxiyo dalkeeda. Laaliin ninka la qabtay lama shaacin magaciisa iyo dhinaca uu ka soo galay.

Dhinaca ururka Alshabaab loo arrimahan loo tirinayo in  lug ku leeyihiin  ayaan weli ka hadlin, waxase ay dawladda Itoobiya adkaysay xuduudaha ay Somaliya la leedahay.

Awdalpress.com


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo dalka China kula kulmay dhiggiisa dawladdaasi.

$
0
0

Beyle iyo dhiggiisa ChinaAwdalplress – Muqdisho – Wasiirka arrimaha dibadda iyo Maal-gashiga Somalia Dr. Abdirahman Duale Beyle ayaa socdaalkiisa uu ku marayo dalka Shiinaha, waxa uu kula kulmay dhiggiisa dalkaasi Mudane Wang YI, waxanay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal iyo mashaariic ay fulinayaan China oo ay hore u ballan qaadeen.

 

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ee Beijing ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo ganacsiga labada dal u dhexeeya.

Ducaale ayaa uga sheekeeyay dhiggiisa Shiinaha, horumarrada amni ee ka hana-qaaday Soomaaliya iyo rajada laga qabo in awoodda dowladda iyo sharciga lagu baahiyo guud ahaan gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

Sidoo kale, C/raxmaan Ducaale ayaa xusay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya u fidinayso taageero ballaaran oo waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana horseedi karta in fursado shaqo loo abuuro dhalinyarada iyo sacabka kale ee Soomaaliyeed, si xal dhameystiran oo nabdoon loogu helo qalalaasaha ay wadaan kooxaha argagaxisada ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha, Wang Yi ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaalka  xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigeyso nabadda iyo xasilloonida, isagoo sheegay in Shiinaha xiriir dhow oo saaxiibtinimo ah ay la leedahay Somalia.

Waxaa xusid mudan, in Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay xukuumadda iyo shacabka Shiinaha oo soo taxanaa muddo hadda laga joogo 600-sano, iyadoo culumada iyo ganacsatada Shiinaha ay booqdeen deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan sannadkii 1420-kii si is-dhaafsi ganacsi, dhaqan iyo dhaqaale ula wadaagaan dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Shiinaha ayaa  aqoonsatay qarannimada iyo gobonimada jamhuuriyadda Soomaaliya 14 –kii bishii December sannadkii 1960 –kii,  taa badalkeeda dowladda Soomaaliya waxay hormuud u ahayd , olole hoggaamineed u noqotay dowladihii u codeeyay in dowladda Shiinaha ay xubin buuxa oo joogta ah ka noqoto golaha ammaanka, taasoo u suura-gelisay xukuumadda Beijing inay yeelato awoodda codka qayaxan ee diidmada.

Awdalpress.com

Prof. Ahmed I Samatar oo wariyayaashii da’da yaraa ee noo hees la hoos carari jiray ku diiday maanta. ( halkan ka daawo )

$
0
0

Ahmed-Ismail-SamatarProf. Ahmed Samatar oo ka mid ah aqoonyahannada waaweyn ee Somaliyeed aadna uga hadla arrimaha geeska gaar ahaan siyaasadda Somalida oo marar badan waraysiyo siiyey TVyada Somalida iyo shabkadaha ay Somalidu daawato. Ayaa waxa caado u ahayd in marka waraysiga la soo gaba gabeeyo, lala soo garab fadhiisan jiray kaman, isna uu xi qiira leh u heesi jiray.
Ahmed waa nin isku kalsoon oo jecel suugaanta iyo fanka, isla markaana aan ka gabban in uu ka heeso fagaarayaasha amma shaashadaha hortooda. Laakiin waxa aan shaki ku jirin in ay dad badani ay arrintaa ku dhalliilaan Ahmed.

Si kastaba ha ahaatee, waxa waraysigiisan u dambeeyey uu wiilka warsanayaa ka codsaday Prof. Ahmed in uu hees ugu luuqeeyo, laakiin wariyuhu ma soo kaxaysan nin kamanka u tuma. Ahmedna waxa uu codsigii kaga jawaabay sidan:

Awdalpress.com

Hambalyo Meher oo loo diyarayo Mohamed Abdirashid Aw Ciise iyo Nafiisa Abdilqaadir Jibril

$
0
0

hanbalyo-aroosHawlwadeennada shabakadda Awdalpress.com iyo dadweynaha faraha badan ee ku xidhan oo si qaar noola soo xidhiidhay ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya Meherka Mohamed Abdirashid Aw Ciise iyo Nafiisa Abdilqadir Jibril oo uu meherkoodu ka dhacay Borama.

Si gaar ah waxa iyaguna u soo hambalyeynaya asxaabtiisa gaarka ah, waxanay u soo qoreen;

WAXAN HALKAN HAMBALYO IYO BOGAADIN AAN LASOO KOOBI KARIN HAWADA UMARINAYNAA LAMAANAHA IS DOORTAY BOQORKA IYO BOQORADA OO KALA AH BOQOR MAHAMED ABDIRASHID AW CISE IYO BOQARADA NAFIISA ABDIQADIR JIBRIL OO MEHER DHACAY MAGALADA BORAMA GAAR AHAAN HUTEL RAYS WAXAN UGU DUCAYNANAA DUCADII RASUULKA SCW BARAKALAAHU LAKUM WABAARAKA CAYLAYKUM WAJAMACA BAYNAKUM FILKHAYR AYEEYO MAYARN AW MAGAN CALI AABO ABDI QADIR JIBRIL BUUX A AABO ABDIRASHID AW CISE IBRAHIN HOYO SHAMIS AW CISE IBRAHIM HOYO XAWA ABDILAHI YOUSUF ADEERO MAHAMOUD AW CISE IBRAHIM MAHAMED ABDI QADIR IBRAHIM IYO XAAASASKIIS A IYO CARUURTIISA FAYSA ABDIQADIR IBRAHIM IYO ODAYGEEDA IYO CARUURTEEDA HODAN ABDIQADIR IBRAHIM IYO ODAYGEEDA IYO CARUURTEEDA AYAAN ABDIQADIR JIBRIL IYO ODAYGEEDA IYO CARUURTEEDA IFRAH ABDIQADIR IYO ODAYGEEDA IYO CARUURDEEDA MAHAMED ABDIQAD!
IR JIBRIL XAMADA ABDIQADIR JIBRIL IYO ODAYGEEDA IYO CARUURTEEDA ASMA ABDIQADIR JIBRIL IBRAHIN ABDIRASHAID AW CISE CIISE ABDIRASHID AW CISE ABTIYO CUMAR CABDILAHI YOUSUF ABTIYO ABDI ABDILAHI YOUSUF HABO LUUL ABDILAHI YOUSUF MAHAMED MAHAMUUD AW CISE IBRAHIN MAHAMOUD AW CISE NICAAMA ABDIRASHID AW CISE YAXYE ABDIRASHID AW CISE ADEERO CAATEEYEE NOUR IBRAHIM ABDIWAHAB X NOUH XIBRAHIM HASHAN SULDAN NOUR AHMED JIBRIL ADEERO X NOUH X IBRAHIM THANI EEDO HODAN X CILMI ROBLE XABSA MAHAMED X IBRAHIM ENG MOWLID X NOUH X IBRAHIM MAHAMED X NOUH X IBRAHIN IYO XAASKIISA IYO CARUURTIISA

Waxanan leenahay noqda kuwii isku badhaadha, ee ubab khayr qaba kala hela. Aaammiin

Deeq ay Gabdhaha Jaaliyadda reer Nuur ee dalka Jarmalku ay u soo direen guddiga horumarka Degaanka Dilla.

$
0
0

CivicAwdalpress – Dilla – Guddiga horumarinta degaanka Dilla ayaa maalintii shalay la guddoonsiiyey lacag deeq ah oo ay u soo direen gabdho ka tirsan degaankaasi oo deggen dalka Jarmalka, waxana ay deeqdaa ugu talo galeen guriga talada iyo martida ee dhismihiisu ka socdo magaalada Dilla. Warkaasi oo muuqaal ahna halkan ka daawo.

Awdalpress.com

War Xasaasi ah: Midnimo iyo horumar is garab socda oo u bilaabantay beelaha Samarroon.

$
0
0

Breaking_news-620x3301Awdalpress – London – Taariikhda xaddaaradda dadka ku dhaqan degaannada boqortooyadii la odhan jiray Adal ayaa intii boqol sano ahaydba iska ahayd uun xasuus iyo in laga sheekeeyo. Balse waxa shantii sano ee ugu danbeysey isa soo taraya soo noolaansho ka muuqda xaddaaraddaasi faca weyn. Tallaabooyinka ugu muhiimsan ee muddooyinkan ku soo kordhayna waxa ka mid ah dib u soo noqoshadii Ugaaska, oo si rasmi ah uga hawl galay degaankaasi oo teedsan min Somaliland, Ethopia illaa Djabouti. Xidhiidhka wanaagsan ee dhib la’aanta ah, isla markaana ku dhisan is fahamka ee ka dhexeeya beelaha Gadabuursi iwm.

Haddaba shalay oo ugu dambeysey waxa magaalada Borama soo gaadhay Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble oo ka soo kicitimay dalka Ethopia. Wafdiga Ugaaska oo ay weheliyeen oday dhaqameedyo ayaa waxa la socday Engineerro sida la sheegay ka qayb qaadanaya dhismaha dekedda Lughaya ee faraha lagu hayo. Si weyn ayaana loogu soo dhaweeyey magaalada Borama.

Dhawaanna waxa magaalooyin ka tirsan caalamka ka qabsoomi doona ama ka qabsoomay kulanno lagaga tashan doono dhismaha dekedda iyo nidaamkii uu reerku yeelan lahaa xeer ahaan. Sidoo kale waxa iyana ay oday dhaqmeedka gobollada Awdal, Gebilay iyo Salal ay qorshaynayaan in shirweyne aad u ballaadhan la isugu yimaaddo tuulada Gab ee ka tirsan degmada Lughaya. Dadweynaha beelaha Samarroon qaarkood ayaa ka dhex arka shirkaa in lagaga hadli doono arrimaha siyaasadda Somaliland oo lagu soo bandhigi doono arrimo u qarsoon oday dhaqameedyada qaar. Balse la arki doone sida uu u qabsoomo.

Dhinaca siyaasadda degmooyinka ay beelaha Samarroon ka degaan geeska Afrika ayaa iyana waxa ka jira dhaq dhaqaaqyo horumarineed iyo maamul daadajin. Waxana dhinaca is-maamulka Somalida Ethopia laga sugayaa in dawladda dhexe ee Ethopia ay Degmada Aw Barre oo xukunta dhul iyo shacab baaxad leh u magacawdo gobol iyo degmooyin. Dhinaca beelaha Ciise ee Djabouti amma dawladda Djaboutina waxa ay leeyihiin xidhiidh walaaltinnimo oo guun ah. Laakiin waxa ay wax badani ka qaldan yihiin maamulka hoose ee Djabouti oo ay u baahan yihiin in ay ka hawl galaan.

Somaliland oo ay siyaasaddeeda qayb ka yihiinna, waxa la filayaa in dhawaan doorashooyin ay ka dhici doonaan, waxana ay beelahaasi isaga raalli yihiin in ay si xor ah oo xalaal ah ay wiilal iyo gabdhaba ugu tartamaan mansabyada ay u arkaan in ay gaadhi karaan. Mana jiro shakhsi kaliya oo ay isku waafaqsan yihiin in ay is wada daba taagaan. Balse qofkii ku soo baxa tartanka waxa ka go’an in ay la shaqeeyaan.

Awdalpress.com

XAFLADII SOO DHAWEYENTA WAFDIGII SOMALILAND EE UU HOGAAMINAYEY XILDHIBAAN AHMED YASIN .SH.CALI AYAANLE IYO KA SOO QEYBGALKII MARKII UGU HOREYSAY QAAR KA MID AH XUBNAHA IYO TAAGEERAYAASHA MAAMULKA AWDALSTAT.EE LONDON.(u.k)

$
0
0

articleSidaan qoraalayadii hore ku sheegnay,Xildhibaan Ahmed Yasin waxa uu hormuud ka ahaa wakiiladii reer Awdal ee sida fiican xubnaha sare ee maamulka awdalstate ugu soo dhaweeyey Somaliland, ka dib markii uu maamulka Awdalstate wada hadalo la galey dawlada Somaliland Bishii Dec 2013.

 

Xildhibaan Ahmed iyo wafdigiisa Sharmaarke ka mid yahay, waxa ay nasiib u heleen ku soo dhawynta xafladan London oo markii ugu horeysay muddo dheer ka dib,maamulka iyo taageerayaashii reer awdalstate ay si weyn uga soo qeybgaleen, sidii looga daawaday televishanada iyo shaashadaha.

 

Waxa jiray madax badan oo reer awdal ah oo 18ka May sanad walba u iman jiray dalkan Ingiriiska, laakiin aan soo dhaweyn badan ka heli jirin bulshada reer awdal, waayo dadka badankoodu waxa ay markii hore taageersanaayeen Awdalstate.oon badanaaba ka dhexmuuqan jirin kulanada wufuuda ka timaada Somaliland. Laakiin xafladii sanadkan oo ahayd mid aad uga duwan kuwii hore ka dib (1) markii taageerayaasha maamulka awdalstate intooda badani fikirkoodii isbedalay, taasina ay keentay in xaflada aad loo soo camiro. iyo (2) xildhibaanka iyo wafdigiisu Sharmaarke ka mid yahay oo ah dhalinyaro ilaahay hibo u siiyey xaga hadalka, codkarnimo, miisaan siyaasadeedna ku leh guud ahaan bulshada Somaliland gaar ahaana bulshada reer awdal.

Hadaladii  iyo qudbadihii ay madasha ka soo jeediyeen oo xaqiiqda taabanayey ayaa ahaa kuwo dadka dareenkooda aad u soo jiitay.

 

Waxa xusid mudan hambalyadii iyo salaantii uu xildhibaanku u soo gudbiyey madaxdii iyo taageerayaashoodii awdalstae ee dhawaan wadahadalada la galay dawlada Somaliland. Xildhibaanka oo hambalyada ka dib sheegay sida uu ugu faraxsanaa go’aankii dhaxalgalka ahaa ee maamulka awdalstate ay ku yimaadeen Somaliland dhulkiina soo arkay,gaar ahaana gobolkii awdal una kuur galay, xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshaba ee dadka reer awdal, ku suganyihiin ka dibna kulano badan la yeeshay ururadii bulshada.

.

Ugu dambayntii waxa uu xildhibaanku ugu baaqay qurba jooga reer awdal in ay ku daydaan fikirkaa maamulka Awdalstate u qaatay oo ay wadanka yimaadaa si ay u arkaan xaaladaha nololeed ee dalkooda iyo dadkooda ku suganyihiin, sida looga daawaday wareysiyadii xildhibaanka ee ka baxay, telefishanada iyo websaadyada Soomaalida. Gunaanadkiina, waxa dadkii madasha xaflada ka soo qeybgaley oo dhami halkaa ka muujiyeen sida hagarl’aanta ah ay u taageersanyihiin xildhibaanka iyo wafdigiisa ee uu Sharmaarke ka mid yahay..

 

Dhanka kale kulan gaaban oo xildhibaanku la yeeshay maamulka iyo qaar ka mid ah taageerayaasha awdalstate ee London (U.K) ayaa ku dhamaaday guul iyo isafgarad. Qodobada lagu soo qaadayna waxa ka mid ahaa:

 

  1. In si wada jir ah looga wada shaqeeyo midnimada iyo wadanoolaanshaha dhamaan bulshada Somaliland, dibad iyo gudaba.Si dhaqsa ahna wax looga qabto, habka Saami-qeybsiga oo wali reer awdal meelo badan kaga dulmanyihiin.
  2. In dawlada somaliland si dhaqsa ah u bilowdo una dardar geliso wajigii 3aad ee wadahadalada taas oo u dan ah midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland.
  3. In la sameeyo xiriir joogta ah oo u dhexeeya Dawlada iyo maamulka awdalstate dibada iyo gudahaba.Iyadoo wixii awdalstate khuseeya uu xildhibaanku sheegay in isaga lagala xiriiri doono mustaqbalka insha allah.
  4. Waxa kulankaa laysla gartay in danta reer awdal ay ku jirto danta Somaliland, danta Somalilandna ay ku jirto danta reer Awdal.

 

 

Xildhibaanku dhankiisa waxa uu balanqaaday in uu si weyn uga hawl gali doono sidii dawladu u dardargelin lahayd wadahadalada wajigiisii 3aad.

 

Gabagabadii, waxa maamulka awdalstate ugu baaqayaa dhamaan taageerayaashiisa iyo jaaliyada reer Awdal meel kasta ha joogeen in qofkii raba ama danaynaya in uu ka qeybgalo ama goob jog ka noqdo wajiga 3aad ee wadahadalada dawlada Somaliland iyo maamulka awdalstate ay u furantahay, diinwaangelintuna ay si dhaqsa ah u bilaabmi doonto.

Wixii faahfaahin ah fadlan kala soo xiriir emailka awaleh@aol.com.

 

Wasaarada Arrimaha Dibada ee maamulka awdalstate.

Muuse Awale Faahiye

London (U.K)

 

 

 

 

 

 

 

Furitaankii xafladda bandhig faneedka loogu dabbaal degayo saaxiibtinnada labada magaalo ee Henley ( UK ) iyo Borama ( Somaliland ) iyo wacdaraha barrito.

$
0
0

henleyAwdalpress – London – Maalintii shalay ahayd waxa magaalada Henley ee ku taalla dalka Ingiriiska laga furay xaflad dhaqan oo Jaaliyadda reer Borama ku dhaqani ay ugu xafladaynayaan xuska xidhiidhka labada magaalo ee mataanaha ah HENLEY IYO BORAMA. Waxana bandhig faneedkani uu socon doonaa shan casho.

Sida uu noo sheegay Yusuf Jamac Faarax oo ka mid ah madaxda hawshan agaasinkeeda lahaa, waxa maalinta Sabtida ah dhici doona bandhig faneedka ugu weyn oo halkaa lagu soo bandhigi doono heeso, cayaaro iyo alaabada hiddaha iyo dhaqanka.

Magaalada Henley oo ka mid ah magaalooyinka ugu dhaqaalaha fiican dalka Ingiriiska isla markaana dadkeedu ay taariikh ku leeyihiin siyaasadda dalka Ingiriiska ayaa waxa ay aad u soo dhaweynayaan xafladdan dhaqanka ah ee magaaladooda lagu dhigayo.

Sida aad Videoga hoose ka daawan doontaan, waxa maalintii shalay ahayd oo la furay xafladdan lagu waraystay dad aad u badan oo ka mid ah dadka magaalada deggen. Nin oday ah oo dadka la waraystay ku jiray, ayaa sheegay in uu toddobaatan sano ka hor uu tagay magaalada Borama, kaddibna uu xilligii Siyaad Bare ku noqday, isaga oo weliba sii maray Siyaad Barre laftiisa. Sida uu sheegayna waxa uu Siyaad Barre ku yidhi magaaladaa Borama uun ha ku egaanne koonfurtana magaalo kale ku soo xidha. Waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay in aanay dadka reer Borama jeclayn xukunkii Siyaad Barre iyo hadallo kale. HALKAN KA DAAWADA WAR ARRINTAA KU SAABAN

Awadalpress.com


Prof.Ahmed Ismail Samatar oo waraysi siiyey wariye aan aqoon iyo khibrad midna lahayn, waraysiguna waxa uu u dhacay si aan milgihiisa waafaqsanayn.

$
0
0

not goodWaraysigan hoos aan ka daawan doonno oo lagu sheegay mid hor dhac ah, waxa qaadday gabadh lagu sheegay in ay wariye tahay, waxana ay Profisanka u waraysatay si aan sharaf ahayn, oo ka baxsan milgaha saxaafadda.
Dad badanina waxa ay leeyihiin Ahmedow yaanay dadka noocan ahi dib kuu waraysan.

Bal hadda halkan nagala daawo:

Awdalpress

Jaaliyadda reer Borame ee UK oo xaflad saaxiibtinno oo sannadle ah ka dhigtay magaalada Henley ee dalka England.

$
0
0

Henley AweliAwdalpress – Henley – Gellinkii hore ee maanta oo Sabti ah ( 07/06/14 ), waxa ay xaflad weyn oo si fiican loo soo agaasimay ay ka bilaabantay magaalada Henley oo ku taalla galbeedka England.

Xafladdan oo loogu dabbaal degayey saaxiibtinnimada labada magaalo ee Henley iyo Borama ayaa waxa ka soo qayb galay dad aad iyo aad u badan oo isugu jira rag waayeel ah, dumar, gabdho, wiilal iyo carruur.

Faras magaalaha Henley ayey ahayd meesha ay xafladdu ka dhacaysey. Waxana dadkii magaalada degganaa ay mar kaliya ku ambabareen dadka raxan raxanta u socda ee durmaanka iyo cayaarta ku qabsaday xarunta looga taliyo magaalada ee ka soo horjeedda faras-magaalaha. Waxa cajab geliyey dadkan labiska gaar wata ee la yaabka leh.

Yusuf

 

Intii aanay ka soo qayb galayaasha xafladdu isugu soo ururin barxadda cayaaraha ayaa waxa ay ku horreeyeen in ay booqdaan guriga lagu daawanayo alaabta hiddaha iyo dhaqanka reer Awdal, oo si qurux badan loo goglay gurigaasi.

Henley Jiir

Dumar badan oo qurux iyo shacni ka muuqdo ayaa waxa ay wateen durmaanno codkoodu dananayo, si layaab lehna ay u garaacayaan, oo jaantooda iyo jiibtoodu u wada socoto si ay dhaguhu ku raaxaystaan. Mar kaliya ayeyna  bilaabeen ciyaartii ay dadkaasi caanka ku yihiin ee Zayliciga…..BISMILLAAHI SALLALAA CAY HOOYAALEE…..BISMILLAAHI…. Sawaxanka, mashxaradda, wada qosolka iyo durmaanka ayaa mar kaliya suuqii qabsaday. Dadkii suuqa ayaa madashii ku soo xoomay, oo ay qaar ka qayb galeen qoob ka cayaarkii iyo ciyaarihii.

Magaaladu ma weyna sida magaalooyinka kale ee England, laakiin waxa  ay ka mid tahay magaalooyinka ugu quruxbadan, hareeraheedana waxa ku xeeran beero aad u waaweyn.

 

Intii ay cayaaruhu socdeen ayaan magaalada aad u dhex lugeeyey, kolley aniga ahaan igumay cusbayn oo 14 sano horteed ayaan sahan u tegey si aan u dego, wakhtigaa oo ku beegnaa markii aan ka soo guuray Holland oo aan in badan deggenaa,  dadka magaalada deggenna kumaan arag ajnabi sida magaalooyinka kale ee dalka, oo 14 sano horteed waxba iskama beddelin sidii aan ku arkay. Xataa ganacsiga magaalada kuma arag dad ajaanib ah. Reer Borama-ha magaalada ku xafladaynayaana waxa ay magaalada u arkayeen magaalo caddaan. Oo dadka intiisa badani mabay arkin.

Henley qalab

Saacaddu markay ahayd kowdii duhurnimo, sida qorshuhu ahaa waxa yimid duqa magaalada, oo silsiladihiisii xidhan, waxana la socotay haweenaydiisii oo kaliya. Sida caadada madaxda Ingiriiskana waxa uu aad u salaamay dadkii, waanu soo dhex galay. Laakiin reer Awdal maaha dad  hor bood boodka madaxda ku fiican, oo caado uma laha in ay isku dhedhejiyaan madaxda, si yar oo aan bood bood lahayn ayeyna u salaamayeen, hoostana uga eegayeen. Anigu iyo saaxiibbo badan oo ay ka mid ahaaneen Nur Hussein iyo Yusuf Jamac waxan ka mid ahaa kuwa u sharxaya dhaqanka ay dadkan reer Awdal soo bandhigayaan.

 

Intaanu dadka la hadlin, waxa uu soo maray gurigii uu shalay xafladda ku daah furay, kaddibna dadkii ayuu soo dhex galay, oo uu sawirro iskala qaaday, isla markaana la sheekaystay.

Anigu dadkii magaalada u dhashay ayaan dhinac ka raacay, oo la sheekaystay, waxanan dareemayey in ay ka heleen alaabta dhaqanka iyo ciyaaraha ay reer Borama cayaarayaan. Gabadh da’ dhexaad ah oo in badan dadka ku dhex jirtay ayaa I weydiisay qolama ayaad tihiin? Anna in aan si fiican uga warbixiyo dadkayga oo aan taariikhdooda u sharraxo kalama gabban.

20140607_153717

Waxa dhinacayga iyaguna socday oo doonayey in ay dadka magaalada la sheekaystaan, da’yar ku dhalatay dalka iyo kuwo yaraan ku yimid oo u hamuun qabay in ay asalkooda iyo dhaqankooda uga sheekeeyaan.

 

 

 

Khilaafkii KULMIYE ee ka dhaxeeyey Madaxweynaha iyo Muuse Biixi muxuu ku dhammaaday?

$
0
0

M BiixiAHMED-SIILAANYOAwdalpress – Hargeysa – Golihii guurtida ee u tafa xaytay xallinta khilaafka xisbiga Kulmiye ayaa guul laga gaadhay, kaddib markii uu Muuse Biixi samayeeyey tanaasul aanay dadkii la socday ka filayn.

Kulanka la isku soo hor fadhiisiyey labada dhinac ayaa waxa si libaaxnimo leh u furay Madaxweynaha Somaliland, kaddibna waxa uu ku wareejay guddooomiyaha golaha guurtida mudane Saleebaan. Warkii oo dhammaystiranina waxa uu u dhacay sidan:

Awdalpress

Kenya iyo Somalia ka wada hadlay khayraadka xeebaha u dhexeeya labada dal

$
0
0

KhayraadkaAwdalpress – Muqdisho – Dowladda Kenya ayaa rajo ka qabta inay Soomaaliya kula heshiiso sahaminta khayraadka ku xeeran goobaha ay horay labada dal isugu khilaafleen ee badweyne Hindiya iyo deegaanno ku dhow xuduudda labada dal.

Xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay ugu gudbiyay Qaramada Midoobay qoraallo ay ku dalbanayaan in la caddeeyo xuduudaha badda ee labada dala, taasoo ay ku murmeen.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa sannadkii 2009 kala saxiixday heshiis is-faham ah oo ku saabsan soohdinta xeebaha, inkastoo baarlamaanka Somalia uu heshiiskaas ku gacan-sayray.

DowladdaSoomaaliya ayaa sannadkii 2012-ka waxay ku eedeysay Kenya inay wado qorshayaal ay shidaal kaga baarayso xeebaha Soomaaliya, iyadoo Kenya ay si cad u beenisay eedeymahaas iyadoo sheegaysa in xeebahaas ay yihiin kuwo iyada ay leedahay.

Qaramada Midoobay ayaa laga soo xigtay in dhammaan labada dal xaduudka badda loo ogol yahay inay isticmaalaan 200 mayl kuwaasoo leh ujeeddooyin dhaqaale isla markaana aanu dalna fargelin ku sameyn xeebaha dalka kale.

Labada waddan ayaa mid walba wuxuu doonayaa inuu ka faa’iideysto khayraadka badda ee dhinaca saliidda ah, iyadoo Kenya ay sidoo kale muran dhinaca xuduudda badaha ah kula jirtaa dalka Tanzania.

Qodobbada caalamka u dagsan ee dhinaca badaha ayaa ah 200 oo mayl, iyadoo uu dal walba khayraadka kasoo saaran karo xeebaha dalkiisa, isagoo aan wax xad-gudub ah ku sameynayn xeebaha dalalka ay dariska yihiin.

Tansaaniya ayaa uga digtay Kenya sannadkii 2012 inay soo farageliso xeebaheeda gaarka ah ee badweynta Hindiya, iyadoo Kenya aysan taas ka hadlin, waxaase ay u muuqataa Kenya inay culeys weyn saarayso muranka xeebaha Soomaaliya ay ku sheeganayso.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Soomaaliya iyo Kenya ay ku murnaan xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo heshiiskan la filayo inay labada dal ka gaaraan xadeynta badaha ay noqonayso tii labaad.

Awdalpress

Qurba joogta reer Edminton ee ka soo jeedda degaannada Goraya-cawl, Idhan iyo Aw Barre ayaa deeq agab waxbarasho gaadhsiiyey Dugsiyo ku yaalla Goraya-cawl iyo Aw Barre.

$
0
0

keep-calm-use-development-mattersAwdalpress – Gorayacawl -Jaaliyadaha qurbaha ee ka soo jeeda degaannada bariga Awdal ayaa waxa ay intii muddo ahba bilaabeen in ay ka qayb qaataan horuminta degaannadaasi. Waxana ay mucaawinooyin is daba joog ah u fidiyaan mashaariicda horumarineed ee ka jira degmooyinkaasi, sida waxbarashada, caafimaadka iyo jidadka.

Deeqdan ka timid qurba joogta ka soo jeedda degaannadaasi aan kor ku soo sheegnay ayaa deeq agab waxbarasho u soo dirtay degmooyinka Aw Barre iyo Idhan, halka qurba joogta ka soo jeedda deegaammada  Dilla iyo Bakina ay ka hirgeliyeen magaalada Dilla mashaariic ay ka mid yihiin ceel biyood immiga lagu talo jiro in biyiisa la geliyo magaalada Dilla iyo  dhisme xarun weyn oo saldhig u ah talada degaanka.

Warkan u dambeeyey ee deeqda agabta la soo gaadhsiiyey Goraya-cawl ka waayo halkan:

Awdalpress.com

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live


Latest Images