Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

Ugu danbayntii UK waa laga mamnuucay Daroogada Khad ( Jaad )

$
0
0

JaadAwdalpress – London – Dooddii iyo xallintii arrinta daroogada Jaadku way soo af-jarantay. 24ka Jun sannadka 2014 ayaa dalka Britain dawladdeedu ay go’aamisay in Jaadka ( Khad ) ama Qaadku uu ka mid yahay daroogada darajada C ee sharci darrada ah. Laga bilaabo wakhtigaa qofkii lagu qabto isaga oo dhoofinaya, ama shakhsiga isticmaalaya ama iibiya waxa uu noqonayaa dabiile la maxkamadeedyo. Daroogada darajada C ee uu qaadku ka mid noqday sharciga u dhigani waxa weeyi 14 sano oo xadhig ah ama ganaax ama labada oo la iskugu daray qofka lagu helo.

Wasaaradda arrimaha guduhu bayaan cad waxa ay ku sheegtay, digniin, taasi oo odhanaysa, qofkii dad u wada Jaadka, xataa yaanu cuninba’e, waxa loo tixgelinayaa in uu iibiyo, sharciga iibinta ayaana qabanaysa. Kuwa iyagu cuna laakiin aan iibin, waxa la ganaaxayaa lacag dhan £60.00, iyada oo loogu darayo digniin haysasho daroogo, haddii saddex jeer lagu qabtana waa la xidhayaa.

Nin u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa ka jawaabay su’aalo la xidhiidha sharciga laga soo saaray Jaadka, waxanu yidhi, ‘ Dragga oo si xun loo isticmaalaa waxa ku hallaaba mujtamaca, Jaadka la mamnuucayna waxa uu caawinayaa dadka uu qayrkood ka reebay ee qabatimay cunistiisa’. Isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu ku daray, ‘ dalkan Ingiriiskuna waxa uu ka nabad gelayaa in uu gobolka u noqdo hoy danbiilayaashu kaga macaashaan. Sida waddammo kale oo Yurub ku yaallaa ay hore uga mamnuuceen daragadan Jaadka. Baarlamankayaga ayaana ansixiyey in Jaadka oo lagu daray daroogada C in la mamnuuco, waxana uu sharcigaasi bilaabmayaa 24/06/14’.

Somali badan oo dalkan Ingiriiska deggen ayaa soo dhaweysey joojinta Jaadka, laakiin waxa ay ka war warsan yihiin sidii loo caawin lahaa dadka uu dhiiggooda galay ama kuwa ka shaqaysanayey.

Waxan ka soo tarjunnay maqaal ku soo baxay luqadda Englishka.

Awdalpress

 


Ciidammada ka hortagga falalka Argagixisada oo Dawladda Somalia dhawaan hawl galinayaan

$
0
0

Ciidamada_Dowladda_SoomaaliyaAwdalpress – Muqdisho – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay diyaarisay ciidammo ka hortaga weerarrada ay Al-shabaab waddo in ay Muqdisho ka geysato marka la galo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Afhayeenka hay’adaha amniga dowladda, Col, Qaasim Axmed Rooble ayaa si cad uga dhawaajiyay maanta in la dajiyay qorshe lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, taasoo uu ku tilmaamay inay iska kaashan doonaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

“Qorshe cad oo ammaanka lagu xaqiijinayo marka la galo bisha Ramadaan ayaa la diyaariyay, waxaana howlgallada amniga lagu sugayo si wadajir ah uga qayb-qaadan doona ciidamada dowladda iyo AMISOM, howlgalkuna waxaa hal-ku-dhig looga dhigay JCC,” ayuu yiri Col. Qaasim.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in go’aanno ay kasoo baxeen kulan shalay guddiga amniga ay yeesheen oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha, kaas oo la xiriira sidii ammaanka Muqdisho loo adkeyn lahaa.

“Marka la gaaro bisha Ramadaan magaalada oo dhan nabadgelyadeeda waxay si buuxda gacanta ugu jiri doontaa dowladda, waxayna ciidamadu howlgalladooda ka sameyn doonaan duleedyada Muqdisho, waxaana howlgalka JCC ka qayb-geli doona maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka,” ayuu hadalkiisa raaciyay afhayeenka.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in la diyaariyay ciidammo dheeraad ah oo ka qayb-qaadanaya sugidda ammaanka, kuwaasoo tababar soo dhameysteen, ayna dalka kusoo laabteen.

“Ciidammo dheeri ah ayaa lasoo diyaariyay ka hortagga rabshado dhaca, kuwaa oo qaarkood ay Muqdisho joogaan, qaarna dhawaan ayay imaanayaan waana kuwo goor hore la xulay isla markaana tayadooda la hagaajiyay,” ayuu Qaasim mar kale u sheegay war-fidiyeenka.

Arritan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Al-shabaab ay dhawaan ku hanjabtay in weerarro culus ay ka geysan doonto Muqdisho, iyadoo marka ay timaaddo bisha Ramadaan ay kordhin doonaan weerarradooda Muqdisho.

HOL

Dagaallo beeleedyo ka kala dhacay gobolka Shabeellaha hoose iyo Galgaduud.

$
0
0

Degmada_Marka_Shabeellada_HooseAwdalpress – Muqdisho – Dagaallo Sokeeye oo u dhexeeya beelaha Somaliyeed ee Koonfurta Somalia wada dega ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Hoose. Dagaalladan oo u dhexeeya Biyo-maal iyo Habar Gidir oo uu dagaal ku dhex maray goobo ka mid ah gobollada Shabeellaha hoose, halka dagaalka kalena ay foodda is dareen Habar Gidir iyo Marreexaan.

Wararka illaa immiga na soo gaadhaya ayaa sheegaya in ugu yaraan 12 qof ayaa geeriyooday in ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal maanta laba beelood ee Habar Gidir iyo Marreexaan ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhinaca Markana waxa laga soo sheegayaa in uu maalintii shalay ahayd uu dagaal jilbaha la isku aastay dhex maray beelaha Habar Gidir iyo Biyo Maal, laakiin xalay iyo maanta uu xaalka jiidahaasi iska deggen yahay. Illaa iyo tobaneeyo ruux ayaa ku naf waayey dad kalena way ku dhaawacmeen. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhammaantood ah dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka, iyadoo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose oo BBC-da la hadlayay ayaa sheegay in dagaalladan ay u dhexeeyaan ciidammo beeleed. - 

Dagaalka ka dhacay dhinaca gobolka Galguduud  ayaa qarxay kaddib markii nin ka mid ah labada beelood lagu dilay shalay duleedka degmada Balanbale, taasoo keentay in dagaalku uu saaka ka qarxo deegaan lagu magacaabo Baag.

 

Colaaddan ayaa ku baahday deegaannada Shilinta iyo Garas-gaabta oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Guriceel iyo Balanbal, iyadoo dadkii dagaalkan ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay la kala geeyay degmooyinka Caabduwaaq iyo Guriceel.

 

Guddoomiyaha degmada Balanbal, Hareeri Xasan Barre ayaa sheegay in maanta la kala dhex-galay beelaha dagaalku dhexmaray, isla markaana ay daggan tahay deegaannadii dagaalku ka dhacay.

 

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowladda Soomaaliya, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa wuxuu wax laga xumaado uu ku tilmaamay inay wada dagaalamaan beelaha walaalaha ah ee wada-degga gobolka Galgaduud.

Cirfo ayaa wuxuu ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka, bacdamaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka dheregsan yihiin natiijada ka imaan karta dagaallo sokeeye.

Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo dhankiisa ka hadlay dagaalka ayaa wuxuu sheegay inay ku baaqayaan in dagaalka la joojiyo, laguna dhameeyo khilaafka wadahadal, isla markaana aysan dib u billaaban dagaalladan.

Dagaalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo khasaare intaan le’eg ka geysta deegaannada gobollada dhexe ee Soomaaliya tan iyo markuu sannadkan billowday.

Mid ka mid ah malleeshiyooyinkii ku dagaalamay gobolka Shabeellada Hoose labadii tododbaad ee ugu dambeeyay ayaa saakay la wareegay gacan ku haynta degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaal 3:00 habeenimo ee xalay billowday ayay malleeshiyadan ugu suurogashay inay la wareegaan Marko, iyadoo dagaalkaas la sheegay inay ku naf-waayeen in ka badan 12-qof oo dhinacyadii dagaalamayay ahaa.

Sidoo kale, dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro ka badan afartameeyo qof oo ka mid ah malleeshiyooyinkii dagaalku u dhexeeyay, iyadoo dagaalkan uu ka billowday Buufoow oo aad ugu dhowr Marko, uuna dagaalku saakay gudaha u galay degmada Marko.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa HOL u xaqiijiyay in malleeshiyo ka mid ah kuwii ku dagaalamayay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ay gudaha u galeen degmada, ayna jirto cabsi laga qabo inay dhibaatooyin ka geystaan.

Dowladda Soomaaliya ayaan wax tallaabo ah weli qaadin, iyadoo guddoomiyihii degmada Marko, Maxamed Cismaan Yariisoow iyo ilaaladiisii ay xalay isaga baxeen degmada Marko, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur Siiddii ayaa VOA-da u sheegay isagoo Muqdisho ku sugan inuu wado dadaallo dagaalladan lagu qaboojinayo, isagoo xusay in dagaalladan ay markii hore ka billowdeen muran dhul, balse la siyaasadeeyay.

“Inta aan ogahay dagaalladan waa markii 14-aad oo beelahan ay ku dhexmaraan gobolka Shabeellada Hoose, runtiina waa dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay kuwo ka haray, waana ka xunnahay inay dagaalladan noqdaan kuwo sii socda,” ayuu yiri C/qaadir Siiddii.

Waxgaradka iyo culummada Soomaalliyeed ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalku uu ku dhexmarayo gobolka Shabeellada Hoose inay si dhaqso ah ku joojiyaan ayna khilaafaadkooda si nabad ah ku xalliyaan.

Xaaladda degmada Marko ayaa kacsan, iyadoo dadku ay ku jiraan guryahooda, ma jiraan wax ganacsi ah oo furan, iyadoo kooxaha degmada la wareegay ay baaritaan ka wadaan xaafadaha degmadaas ay ka kooban tahay.

HOL

Ending Sexual Violence in Conflict: by Foreign Secretary William Hague and UN Special Envoy Angelina Jolie

$
0
0

Wednesday, June 11, 2014

Hot News

 

 

 

 

 

 

 

Imagine witnessing a member of your family taken from your home by armed men and raped, or sold into sexual slavery, or imprisoned and tortured sexually.

 

Imagine that happening to tens of thousands of other women, men and children in your country, for years on end, and living in that dangerous and traumatic environment.

And imagine how you would feel if the rapists were allowed to walk free for the rest of their lives.

This is the reality for millions of survivors of warzone sexual violence and the reason for our campaign.

We came together because of our closeness to one particular country, Bosnia. There, up to 50,000 women and an unknown number of men were raped during four years of conflict. Bosnia is in the heart of Europe, the world’s most stable and peaceful region. But twenty years have passed without justice for the vast majority of those victims.

Rape has been used as a weapon of war repeatedly in our lifetimes, on every continent and in every major conflict.  It has nothing to do with sex, and everything to do with power and the desire to conquer and humiliate.

The nature of the act consigns many survivors – of both sexes – to a lifetime of isolation, exclusion, and fear.

In some countries survivors of rape are regarded as prostitutes, and are rejected and considered unfit for marriage.

Without social acceptance, many are consumed by shame and mental suffering, and scarred by physical injuries.

Without legal recognition, they often lack financial support, healthcare, or the counselling needed to recover from their experiences.

The victims are often very young children, whose bodies, minds and future can be irrevocably damaged.

Such is the corrosive power of the stigma that it often attaches itself to the next generation – to children born of rape, or the families of survivors.

This powerful taboo around warzone rape also explains why its scale and severity is not widely understood.

But from our own experience anyone who hears these stories finds their very soul revolt against such injustice.

Around the world memorials are built to people who have given their lives in conflict.

Imagine how vast an edifice would be needed to record the suffering of all the survivors of rape in conflicts in the last hundred years.  New names would have to be chiselled onto it every day, because these crimes are happening as you read these words: in Syria, South Sudan, the Central African Republic, and other countries.

We’ve joined forces because we share several unshakeable convictions.

First, we are convinced that rape and sexual violence are not inevitable, but a deliberate tactic of war that can be deterred, prevented and punished.

Second, we believe the fundamental issue is justice. Each time these crimes happen and the world does nothing, a precedent is set that sexual violence can be used with impunity: whether the victims are schoolgirls in Nigeria or refugees in Syria.

Third, this is a moral responsibility. No country can say they believe in human rights and choose to turn a blind eye to sexual violence in conflict. But it is also a vital foreign policy issue, fuelling instability and conflict. Ending it is a national security imperative.

Fourth, while men and boys are also victims, sexual violence in conflict is holding back the rights of women everywhere. Each day we read of the suffering of women at the hands of abusive husbands or draconian legal systems. If we can shatter impunity for sexual violence in conflict, then we can accelerate a change in attitudes towards women in many other settings.

Fifth, we both refuse to accept that sexual violence in conflict is a problem that is simply too vast and complex to be tackled. Much the same thing was said about the slave trade, or about banning the illegal arms trade. When public opinion is roused and governments stir themselves, change can be rapid.

There is evidence that this is now happening. More than ¾ of all the world’s nations have endorsed the Declaration of Commitment to End Sexual Violence in Conflict we put forward last year. And next week, we will host representatives of over 100 governments, the Heads of 8 UN Agencies and nearly a thousand experts here in London.

We will launch the first ever International Protocol on how to document and investigate sexual violence in conflict. Over a year in the making and the work of hundreds of experts, it will help investigators preserve information and evidence in the aftermath of an attack, improve the chances of successful prosecutions, and protect victims from trauma.

We will ask countries to bring their laws on rape and sexual violence into line with international standards. We will call for all soldiers and peacekeepers to be trained to understand and prevent warzone sexual violence. Simple measures, from installing lighting in refugee camps to accompanying women collecting firewood, can dramatically reduce the number of attacks, and we want these basic protections to become universal.

We will urge countries never to grant amnesties for sexual violence, and pursue the most infamous wanted men like Joseph Kony.  And we will ask for new funding for survivors and the groups who work with them – the unsung heroes whose work we build on.

There is no law that can be passed or treaty adopted that will abolish warzone sexual violence overnight. This is a cause for our generation.

And the truth is that governments will never achieve this by themselves. Ending sexual violence in conflict requires us to break the mould.  We need governments and citizens and civil society to work together, in a new model for how we tackle vast global issues.

It is in our power to remove rape as a weapon of war from the world’s arsenal of cruelty. And it is in our hands to treat victims not as social outcasts, but as courageous survivors.

Dhulbahante haddii ay wax garanayaan Dr. Galayr oo kale kuma dhex silceen taariikhda ayaana sheegi doonta.

$
0
0

Breaking_news-620x3301Dr. Gallayr oo kale dad nasiib leh ayaa hela, welise Dhulbahante may garan. Odaygaasi aqoon yahanka ah iyo dhawr kale oo ay isku fikir yihiin uma baahna dhaqaale iyo adduunyo kale oo way ka soo dhargeen, waxa ay u baahan yihiin, oo u soo tafa xayteen, nidarna ku galeen in aanay ka hadhin midaynta tolkood meel ay la gaadhaba iyo marka ay midoobaan halkii ay u jihayn lahaayeen dadkooda. Nasiib darraduse waxa ay ka dhacday tolkood ayaa dad dhib badan ku noqday welina fahmi la’, oo midnimadii ka doortay in ay qaybsamaan, is dilaan, oo qaarba meel ka soo qadhaabsadaan.

Bal waakan wadaadkii Gallayr ahaa kolba geed iyo meel cidla’ ah oday iyo islaanba la fadhiistaye, aan wada dhageysanno goobta uu maanta ka hadlayo iyo inta uu u jiro talada uu u socdo, ee ah midaynta Dhulbahante. Hadda ogoobeey ma caayayo mana dacaayadaynayo ee waan tir tirsiinayaa. Waxanan u jeedaa oo aan arkayaa dad aan Gallayr oo kale haysan haddana nool oon farraaqyo lahayn.

Awdalpress

Xasuuqa ku dhacay Biyo-maal iyo Beelaha Isaaq qaar ka mid ahi waxa ay ka yidhaahdeen.

$
0
0

stock-vector-warning-sign-diamond-version-hot-news-17267431Awdalpress – Hargeysa – Biya-maal waa niman Dir ah, oo la dhashay Isaaq, Gadabuursi, Ciise, Gurgure iyo kuwo kale oo badan, waxa ay maanta yaallaan goob xun oo dhib badan, waxana cagta mariyey beelaha Hawiye qaar ka mid ah, maxastoodii waxa ay gobollada ay dagganaayeen ka noqdeen looma ooyaan, aan Islaan iyo oday loo kala aabbo yeelin.

Arrintaasi markii ay dhacday waxa adkaysan waayey odayo ka mid ah beelaha Isaaq ee Hargeysa dega, waxana ay digniin u direen beelaha gadaafada geystay, waxa kale oo ay farriin u direen Ismail Omer Geelle, oo ay ku tir tirsiinayaan in uu wax ka qabto.

Bal warkii oo muuqaal ahna iga qabta:

Awdalpress

Beelaha Hawiye oo ka biyo diiday eedaha looga soo jeediyey dagaalka qadhaadh ee ay la galeen beesha Biyo-Maal

$
0
0

American-Civil-War_2614797bUgu horreyn waxa maalintii shalay ahayd markii uu oday Xaadow ka hadlay dagaalka sokeeye ee u dhexeeya Habar Gidir iyo Biyo-maal ee ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe. Laakiin waxa uu u hadlay si haboogan oo uu meelo kale farta ku fiiqayo. Maanta oo ugu dambayseyna waxa shabakadaha la soo geliyey warkan muuqaalka ah ee uu kaga hadlayo taariikhda degaan xeebeedka Marka iyo inta ku xereeran sida taladeedu ahayd iyo beelaha u soo talin jiray qarniyadii ugu dambeysey.

Wararkaa oo qoraal iyo muuqaal ah halkan hoose kala soco:

Waxa uu tilmaamay Nabadoon Xaad in Gobolka Sh/Hoose lawada dagan yahay ayna jirin cid kali u leh Gobolkaasi, waxa uuna sheegay in muhiim tahay in si waaaltinimo ah lagu wada noolaado lagana tanaasulo dagaal wax ku raadinta

‘ Asalka dagaalka ayaan naqaan mid meesha ka dhashay maahan , waxaa lagu keenay diyaarado ,waxaa laga keenay gobolo fog fog ,dano dadka meesha jooga kuwa aan aheyn ayaa meesha yaala,dadkaas waan ognahay meesha ay ka yimaadeen iyo waxa ay rabaan , waxaana ugu baaqeynaa in arimhaasi faraha kala baxaan , waxaana u sheegaya dadka Gobolka Dagan in ay ka feejignaadaan fidnada loo soo raray’ ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in dadka hurinaya colaada Gobolka Sh/Hoose hadii ay ka waantoobi waayaan falalkaasi in ay tooshka ku ifin doonaan ayna soo bandhigi doonaan waxa ay yihiin iyo waliba ujeedkooda.

Nabadoon Xaad ayaa mar kale ugu baaqay dadka wada dega Gobolka Sh/Hose in nabad iyo isixtiraam kuwada noolaadaan , ayna meel iska dhigaan Colaada meelo fog looga soo raray.

Hadalka Nabadoon Xaad ayaa imaanaya xili Maalmihii lasoo dhaafay dagaalo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ay ka dhaceen Gobolka Sh/Hoose, waxaana dagaaladaasi la sheegay in ay hurinayaan dad siyaasado kale ku shaqeenaya.

Awdalpress

Haweenka Beel ka mid ah beelaha Hargeysa dega oo dhaadanaya, oo maxay leeyihiin? HALKAN KA DAAWO ADAA YAABIYE.

$
0
0

tribesAwdalpress – Hargeysa – Dumar ku hadlaya magaca beesha Subeer Awdal amma Habar Awal oo isugu yimid Hotel ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Hargeysa, ayaa taageero aad u weyn u muujiyey Muuse Biixi oo hoggaaminaya garabyada is haya ee xisbiga kulmiye, halka ay eedo iyo wax la mid ah u soo jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Ahmed M Siilaanyo iyo guddoomiyaha golaha guurtida. HALKAN KA DHEYSO WARKAASI.

Awdalpress


Malleeshiyada Beesha Habar Gidir oo la wareegtay maamulka Marka iyo guddoomiyihii gobolka Sh/hoose oo ku dhawaaqay in uu is casilayo. Yariisowse muxuu ka yidhi arrinta Marka?

$
0
0

markacadey_5Awdalpress – Marka – Gudoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow oo lagu eedeenayay in uu ku lug lahaa dagaalada soo noq noqday ee ka dhacayay Magaalada Marka iyo deegaano kale oo hoostaga ayaa shaaca ka qaaday in uu xilkaasi iska casilayo hadii uu xalka ku jiro.

Yariisow ayaa sheegay in dagaalka ku soo laab laabtay Magaalada Marka iyo deegaannada hoostaga  uu salka ku hayo sida uu tilmaamay habka maamulka Degmooyinka iyo deegaanada kala duwan ee Gobolka Sh/Hoose.

Gudoomiyaha Marka ayaa xusay in ay muhiim tahay in sharciga la raaco oo Masuulka guddoomiyaha ka ah loo madaxbanaaneeyo Degmada uu maamulo deegaanada iyo tuulooyinka hoos taga in uu xukumo oo maamulkiisu ka shaqeeyo.

‘’ Xilka aan hayo ee Gudoomiyaha marka waan katagayaa hadii uu xalka Gobolka Sh/Hoose ku jiro , waxaan diyaar u ahay in aan la shaqeeyo qof kasta oo loo soo magacaabo xilkaasi xitaa hadii ay noqaan beesha aan iska soo horjeedno’’ ayuu yiri Yariisow.

Hadalka Yraiisow ayaa imaanaya xili Magaalada Marka gacan ku heenteeda la wareegeen beel kamid ah dhinacyadii ku dagaalamay , Dowlada Soomaaliya ayaana ku gudo jirta dadaallo lagu xalinayo dagaalka kusoo noq noqday Gobolka Sh/Hoose.

Awdalpress

Maamulkii Khaatumo ee laga qabsaday Taleex, shirkii ka socday magaaladaasi ee ay dadkaasi rajada ka qabeen iyo hawsarradii hoggaaminayey halkee kuugu war dambeysey.

$
0
0

Breaking_news-620x3301Awdalpress – Laas- Caanood – Wararka ugu dambeeyey ee ka imanaya jiidaha hore ee degaannada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa laga soo sheegayaa dhiillo dagaal iyo in ciidammada Somaliland ay hore ugu ruqaansadeen dhinaca ay xuduudda ka wadaagaan Puntland. Wararka ay Joornaallada Hargeysa iyo shabakadahoodu qorayaanna waxa ay tibaaxayaan in hawl galladii ciidammada Somaliland ay ku qabsadeen Taleex iyo meelo kale ay soo gaba gabeeyeen,  Wararkaasi waxa ka mid ah kani aan hoos idiin dhignay ee wasiirka gaashaandhigga Somaliland uu kaga warramayo dagaalka jiidahaasi ay ku qabsadeen….. ee halkan hoose guji oo ka dhegeyso:

“Waxaan Leeyahay waar idinkuna Cararka ka raysta, Aniguna Tacabka Iyo Ciidanka Dirista aanu..”

Sidoo kale waxa dhinaca Somaliland laga soo sheegayaa in ay go’doomiyeen Tuulada Saax-dheer oo sida ay sheegayaan ay ku jiraan Dr. Ali Khalif  iyo inta uu hoggaanka u yahay ee u fadhiday shirka Taleex. Waxase sida dadka jiidaha hore joogaa ay shabakadda awdalpress.com u soo sheegeen in meelo u dhexeeya Qoriilay iyo Saax-dheer ay ciidanka Somaliland kala kulmeen jid gooyo markii dambe isku beddelay dagaal muddo socday. Laakiin wax khasaare ah oo labada dhinac ka soo yeedhay ma jirto. Illaa immigana waxa jiidahaa laga soo sheegayaa in gurmad dagaal yahanna ahi ay ku soo qul qulayaan. Halka ay ciidammada Somalilandna sheeganayaan in ay hub badan iyo maxaabiisba ka qabteen ciidanka ay halkaa isku haleeleen.
Dhinaca Puntland ayaa iyana af-hayeenka Madaxweyne Abdiweli uu saxaafadda u sheegay in aan loo dulqaadanayn xad gudubka ay dhulka Puntland ku soo galeen ciidanka Somaliland. Balse, wax action ah amma dhaq dhaqaaq ciidan ahi kama jiro Garawe iyo saldhigyada ay ciidammada Puntland ku leeyihiin xuduudaha amma dhulka ku dhaw Sool, Sanaag iyo Cayn.
Wararka kale ee dhinaca Ismaamulka Itoobiya ayaa iyana laga soo warinayaa in ay ciidanka New Police ee duur-galka ahi ay u soo jihaysan yihiin dhinaca xadka u dhexeeya gobollada dagaalladu ka socdaan. Laakiin dawladda Itoobiya iyo beesha caalamku midna kamay hadal mashaqada dagaal ee ka jirta gobollada ay isku hayaan maamullada Somaliland, Puntland iyo Khaatumo.
Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in dagaallada degaankaa ka bilowday ay sababeen bara-kac iyo rafaad nolol xumo oo ku habsaday dadka degaankaasi. Waxana uu jaha wareer ku riday maamulkii ay raaci lahaayeen ee sugi lahaa amnigooda, shacabka degaankaasina waxa ay u kala qaybsan yihiin amma kala taageeraan maamullada Puntland, Somaliland iyo kani tabarta yar ee Khaatumo.
Awdalpress

Daawo dooddan uu TVga press TV uu u qabtay rag uu ka mid yahay Prof.Abdi Ismail Samatar oo u doodaya Midnimada Somaliyeed iyo laba nin oo kale.

$
0
0

samatarAwdalpress – London – Dood adag oo uu soo daayey Telefishanka  Press TV ayaa waxa ku ka qayb galay Dr. Abdi Ismail Samatar oo u doodayey midnimada Somaliyeed, meeshana ka saaaray gooni isu taagga Somaliland iyo wiil Somaliyeed oo deggan dalka Ingiriiska oo isna u doodayey in ay Somaliland mudan tahay ictiraaf, haka ninka kale oo ka soo jeeda Somalia uu ku doodayey in aanay Somaliland xaq u lahayn in ay goosato, isla markaana ay ka mid tahay Somalia.

Halkan ka daawo…

Awdalpress.com

Hambalyo loo dirayo Ahmed Hassan Aw Aden iyo Muniira Muhumed Abdillaahi oo meherkoodu ka dhacay magaalada Borama

$
0
0

aroos (1)Dhammaanba dadka magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Ahmed Hassan Aw Aden iyo Muniira Muhumed Abdillaahi oo meherkoodu maalintii shalay ahayd ka dhacay barxadda quruxda badan ee Hotel Rays oo ku taalla magaalada Borama. Waxana ay Ilaahay uga baryayaan in meherkani uu noqdo kii ay labadaa da’yarta ahi ku badhaadhaan, ubad khayr qabana kala hela…aammiin

1.Abdirahman Omer Sheekh Ibrahim iyo xaaskiisa Anab Abdirahman Warfaa
2.Nimco Abdirahman O Sheekh
3.Amiira Abdirahman O Sheekh
4.Ahmed Abdirahman O Sheekh
5.Abdisamad Abdirahman Sheekh
6.Mahamoud Omer Sheekh Ibrahim iyo xaaskiisa
7.Hibo Mohamed Omer Sheekh
8.Abdihakim Abdirahman Warfaa iyo xaaskiisa
9.Omer Warfaa iyo xaaskiisa
10.Fawsi Abdirahman Warfaa
11.Faysal Abdirahman Warfaa iyo xaaskiia
12.Sacaada Abdirahman Warfaa iyo reerkeeda.
13.Janaral Mohamed Hassan, xaaskiisa Amaal Abdirahman Warfaa iyo carruurtooda.
14.Daauud Warfaa iyo xaaskiisa
15.Mohamed Warfaa iyo xaaskiisa

Iyo hawl wadeennada shabakadda Awdalpress oo dhammaantoodba hawada u marinaysa hambalyo taasi la mid ah.

Awdalpress.com

Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga UCID Oo Digniino Kul-kulul U Diray Xukuumadda Siilaanyo, Kuna Goojiyey Inay Mudaharaado Balaadhan Abaabuli Doonaan

$
0
0

Joornaalka Haatuf ee guddoomiyahiisii Mudane Gaboobe uu sida gafka ah u xidhan yahay ayaan ka soo xigannay warkan hoos ku qoran. Ka saxaafad ahaanna waxan cambaaraynaynaa xadhigga loo geystay mulkiilaha Haatuf. Xukuummadda Somalilandna waxan sida ugu dhakhso badan uga codsanaynaa in la soo daawo. (Awdalpress)

 

freedom-beard-2Awdalpress – Hargeysa, June 15, 2014  – Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa digniino kulkulul u diray xukuumadda Siilaanyo, kaas oo ugu baaqay inay joojiso tacadiyada warbaahinta ay ku hayso, kaas oo uga digay inay sii wado dhaqdhaqaaqyadda ay ku burburinayso xoriyatul-qawlka, isagoo luuqad adag ku cambaareeyey xadhiga Guddoomiyaha Haatuf Md Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu xukuumadda Kulmiye ugu hanjabay hadii ay joojin-waydo xad-gudubyadaasi inay axsaabta mucaaridku abaabuli doonaan warbaahinta iyo bulshaddaba, isla markaana ay diyaarin doonaan mudaharaado waawayn oo salmi ah.

Musharaxa Madaxwaynenimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa. Isagoo sidoo ka hadlay arrimo door ah ayaa isagoo ugu horayn ka hadlay arrimahaas waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Xukuumadda waxaanu mar kale ugu baaqaynaa in hadii ay joojin waydo Tacadiyada ay Saxaafadda ku hayso ee ay badhna iibsatay oo hantidii ummadda ayaa lagu bixiyey, badhna waa la xidhay oo kuwii warbaahinteena ee mawqifka lahaa waa xidh-xidhay oo waxaa la yidhi xoriyatul-qawlkiina kama hadli kartaan oo waxba ma qori kartaan. Hadii taasi sii socoto dalku halis ayuu inaga galayaa oo barrigii xukuumadda Kulmiye iyadaa odhan jirtay waxa la cabudhinayaa saxaafada, mida kale hadii baaqayagan dambe laga soo jawaabiyo oo ay xukuumadu ka soo jawabai waydo waxay nagu kalifaysaa inaanu warbaahinta abaabulno oo anaga oo xisbi qaran ah aanu abaabulno mudaharaado aanu kaga soo horjeedno cabudhinta saxaafadda iyo waliba xadhigii u danbeeyey ee sharci darada ahaa ee lagula kacay Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe. Hadii aynaan arrimaha maanta socda aynaan ka soo horjeedasanin waxay inagu kalifaysaa marka danbe dhamaanteen hilfaha la inoo laabo”.

Isagoo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanadda gobolka barriga Somaliland, waxa uu yidhi “Arrinta Taleex anagu baaq ayaanu diraynaa waxaanan leenahay Xukuumada qaranka aya uu igmaday in ay sugto Xuduudaha Somaliland laakiin dee in ay ku darto miyir dadka walaalaheena ah ee reer Somaliland ah ee halkasi inala dagan ee Somaliland aynu wada leenahayna in aan Xoog lagu maquunin ee nabad,waan waan iyo walaal tinimo loo raadiyo ayaanu arinkaasi ugu baaqaynaa”Ayuu yidhi Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen

Murashaxa Xisbiga UCID aqoonyahan Jamal Cali Xuseen ayaa waxaa uu ugu danbayntii uu ka hadlay oday dhaqameedyo mudooyinki danbe ay xukuumada Somaliland soo abaabulaysay ku waasi oo soo fadhiisanaayey Tv-yada dalka iyaga oo taageero u muujinaaya Musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo,waxana uu carabka uu ku dhuftay in ay Ceeb iyo Sharaf dhac ku tahay Somaliland in qaabkan oo kale loo dhaqmo,waxana uu sida oo kale uu tibaaxay in Madaxweyne Siilaanyo aanay odayaal la soo abaabulaa waxba u tarayn isla mar ahaantaana ay ka muuqato kalsooni darro aad u badani.

“Xukuumadu waxaa ay baryihii danbe dabada ka abaabulaysay oo ay waday salaadiin,Madax dhaqameedyo Tv-yada la soo fadhiisinaayey oo o dhanayey anaga oo reer hela waxaanu taageer sanahay Musharaxnimada Siilaanyo,waxaasi waa wax inagu ceeba sharaf dhacna inagu ah,waxana halkaasi ka muuqata kalsooni daro fara badan oo Xukuumada ka muuqata odayaal ay soo abaabusho oo ay halkaasi soo fadhiisisaana wax alaale iyo wax ay u tarayaana ma jiran”.

Sheeko xiiso leh: Qaadkii Waatan Ingiriiska laga joojiyey ee maxaa idiin talo ah? Idinka ayey idiin taallaa! ( Qaybtii 1aad )

$
0
0

Ahmedweli4Nin Somaliyeed oo aan magaalo wada deggennahay, kana mid ah dadka jaadka cuna laakiin haddana aan ka mid ahayn kuwa uu dishooday, ayaan weydiiyey su’aasha ah; Muusow walaal waatan Qaadkii amma Jaadkii la joonayo’e, maxaa idiin talo ah dadkiinnii Qaadka cuni jiray?  Inta uu qoslay, ee uu yara jees jeestay, ayuu halkii aan ka sugayey in uu sheeko dheer ii galo amma uu aniga I weydiiiyo maxay kula tahay, ayuu si fudud iigu jawaabay, oo yidhi,’ Idinka ayay su’aashaa jawaabteedu idiin taallaa.’ Inta aan aammusay ee aan jawaabtii ka yara fekeray, ayaan ku celiyey, oo siday noogu taallaa. ( akhristow in aanan jawaabta sheekada u gelin, bal maxaad u malayn lahayd jawaabta hadalkaa uu Muuse yidhi).

Hadalka Muuse waxa uu xambaarsan yahay xikmad aad u qoto dheer, oo marka aan kuu iftiiminno aad qosli doontid. Laakiin waxa laga yaabaa in aad immiga aagag kale ka doon doonayso jawaabta su’aashaasi. Inta aan ninkii u wada dhaqaaqnay meel shaaha aan ka cabno ee aan fadhi la yeeshay, ayaan si fiican mar kale uga sheekaysiiyey, annaga oo sheekada ka bilaabayna jawaabta su’aashii. Waxanay sheekadii nala sii xushay noocyada dadka jaadka cuna iyo arrimaha la xidhiidha.

Hummaagyada  muqayiliinta mar uu gacan toglaynayey ayaan aad ula yaabay. Hadda muqayiliinta uu ka sheekaynayaa maaha kuwa dalkii ee sheekadu waxa ay ku kooban tahay uun kuwa Ingiriiska amma dadka Qaadya-cunka ah ee fadhiista majlisyada dalka Ingiriiska, hadday ahaan lahayd majlisyada London, Birmingham, Shaffield, Bristol, Cardiff , Luton, M/Keynis iyo meelo badan oo kale. Dhibaatada qaadka iyo raadka uu yeelahay qoyska amma mujtamca ayaan aad u guda gallay.

Inta aanan haddaba sheekadan oo musalsal noqon doonta u guda gelin aan akhristow kuu soo qaddimo jawaabta gaaban ee uu Muuse ka bixiyey su’aashii aan weydiiyey iyo sida uu u sharraxay. Laba usbuuc in ka yar waxa ku aaddan maalinta  dalkan Ingiriiska laga mamnuucay Qaadta, taariikhda la joojinayaana waxa ay ku beegan tahay 24/06/2014, wixii ka dambeeyana ninkii amma haweenaydii Qaadka cuntaa waxa loo tixgelinayaa  danbiile haddii lagu qabtona xabsi ayuu qofka cunaa mutaysanayaa.

Muuse wuxu yidhi,’ Ciidan muddo dagaal ku jiray, oo dhimasho iyo dhaawac badani soo gaadhay, oo sannaddo duur gal ahaa, hawsha ay u taagan yihiinna ay ahayd uun dagaal uu wax dilo amma la dilo. Haddii uu dagaalkii ka joogsado, maxay yeelayaan? sow noloshii caadiga ahayd in ay ku soo noqdaan maaha, muddo intee le’eg ayey kula qabsanayaan noloshii caadiga ahayd? Dhaawicii kala darraa, iyo dadkii dhibtu ka soo gaadhay dagaalladaasi ay muddada dheer ku jireen, intay kaga bogsanayaan, ma iyaga uun baa xallili kara, sow in dadka ay ku soo noqdeen xil kama saarra….sidaasi daraaddeed, dadka jaadka cuni jiray waxa ay la mid yihiin ciidankaa dagaalka dheer ku soo jiray ee dagaalkii ka dhammaaday, cidda laga rabo in ay caawiyaan ciidankaa dhaawiciisu badan yahay waa idinka. Sidaasi ayaan Ahmedweliyow walaal kuu leehay idinka ayey idiin taallaa.

Sheekada xiisaheeda qaybaha dambe la soco

Ahmedweli Goth

Haweenay Somaliyeed oo sheegtay in 130 sano jir tahay oo aad moodayso in ay da’ yar tahay. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Old ageAwdalpress – London – Ilaahay waa siduu doonaba yeele, waxana uu cimrigaaga gaadhsiin karaa 150 sano. Laakiin bani’aadamku cimriga intaa le’eg waxa ay u arkaan mid mucjiso ah. Cimriga innoo caadiga ah ee dadku jiraanna waxa ugu weyn 80jir. Inkasta oo waddammada hore u maray aad ku arkayso dad da’doodu ay gaadhay 109 oo aan mid iyo laba ahayn, hase yeeshee aad u badan. Dhibaatooyinka waddamada Yurub iyo kuwa hore u maray haysatana waxa ka mid ah dadka da’doodu ay aadka u badan tahay, ee aan dhimanayn, una baahan daryeelka.

Dalalka Yurub oo dhibaatadaasi ay aad u soo food saartay labaatankii sano ee ugu dambeeyey, waxa tuulooyinka qaar loo daayey duqooshinka tirada ka batay. Waxana loo raadinayaa daryeelayaal xirfad leh oo xannaaneeya. Baahidaasi oo weli la dabooli kari la’yahay.

Halkan ka daawo, islaantan Somaliyeed ee duqda ah, oo ay TV Royal ay waraysi ka qaadeen.

Awdalpress.com


Suspected Al Shabaab militants attack Lamu’s Mpeketoni town, Death toll at 48

$
0
0

AFP

 

 

Monday, June 16, 2014

At least 48 people were killed overnight when suspected Shabaab militants attacked hotels, restaurants and government offices in a Kenyan coastal town, officials said.

 

On Monday, Mr Mwenda Njoka, the director of Communications at the Interior Ministry, confirmed that the number of bodies retrieved is now at 48.

Heavily armed gunmen stormed into the town of Mpeketoni, near the coastal island and popular tourist resort of Lamu, late on Sunday.

District deputy commissioner Benson Maisori said several buildings including hotels, restaurants, banks and government offices were burned down.

“There were around 50 attackers, heavily armed in three vehicles, and they were flying the Shabaab flag. They were shouting in Somali and shouting ‘Allahu Akbar’ (‘God is Greatest’),” he said.

Fierce gun battles began Sunday evening and continued into the early hours of Monday morning, but by dawn, the town of Mpeketoni was reported calm.

VOWED REVENGE

The Kenyan Red Cross had earlier indicated that the death toll was at 34.

“Our officers are still combing the area,” Kenyan police chief David Kimaiyo also told AFP.

“We suspect the involvement of Al-Shabaab in this attack. We are appealing for calm as we do our best the search for the attackers. It is a very unfortunate incident.”

Kenyan troops crossed into southern Somalia in 2011 to fight the Shebab, later joining the now 22,000-strong African Union force battling the Al-Qaeda-linked militants.

The Shabaab vowed revenge, carrying out a string of attacks on Kenyan soil, including last September’s assault on Nairobi’s Westgate mall in which at least 67 people were killed.

The town of Mpeketoni, a trading centre on the main coastal road, lies on the mainland some 30 kilometres (20 miles) southwest of Lamu island, a popular tourist destination whose ancient architecture is listed as a Unesco World Heritage site.

Cafes and bars were reportedly packed with people watching the World Cup on television when the gunmen attacked.

- See more at: http://www.hiiraan.com/news4/2014/Jun/55225/suspected_al_shabaab_militants_attack_lamu_s_mpeketoni_town_death_toll_at_48.aspx#sthash.Ri7pTdrR.dpuf

“Hore Ayaan U Sheegay Waxaan Idhi Waxaanu Leenahay Dhabar La Cuno, Laakiin Shaf La Cuno Ma Lihin” Guddoomiyaha Xisbiga UCID

$
0
0

Faysal

Siyaasiga weyn ee Faysal Cali Waraabe, ahna guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa ka dhawaajiyey hadallo culaab leh, oo maanta ka qayb galay shir saddex geesood ah oo lagaga hadlayey xuduudaha Somaliland iyo difaaca qaranka. ( Halkan hoose ka akhriso)

Awdalpress –  Hargeysa – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland inay iska kaashadaan difaaca qaranimadda Somaliland.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlay kulan ay xarunta Madaxtooyada  ku yeesheen Madaxweyne Siilaanyo, Madaxda saddexda Xisbi qaran iyo Shirguddoonka Baarlamaanka, kuwaas oo sheegay in Xuduudaha Somaliland ay kuwo sugan yihiin.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Arrinta aan maanta isagu nimi waxa weeye waa arin muqadasa,waxa weeye difaaca qaranka,hadalka uu madaxweynahu yidhina waanu garab taaganahay hadanu nahay Xisbiga Cadaalada Iyo daryeelka UCID iyo Axsaabta kale-ba” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe

Waxa uu intaas ku daray “Waxa loo baahan-yahay fariin adag oo aanu u dirayno mujtamaca adduunka oo aanu leenahay hadaanu nahay umada reer Somaliland oo qaranimadeeda ilaa sadex iyo labaatan sano haysatay,waxaanu maantana aanu udiyaar nahay in aanu dhiig cusub u hurno, sidii loo hirgelin lahaa midnimada iyo gooni isu-taaga Somaliland,waxaanu leenahay dadka reer Somaliland ee halkaasi dagana hadalku idinka idin kuma socdo ee waxaa uu ku socdaa Cadawga Somaliland ee doonaya in ay maa mam Cusub samaystay ee doonaya in ay fidmadii Somaliya ay ka wadeen in ay Xagan u soo kaa xeeyaan markay ka soo jeesteen Somaliya ay Somaliland u soo jeestaan,horaan u sheegoo waxaan idhi anagu waxaanu leenahay dhabar lacuno ee laakiin ma lihin Shaf lacuno ee waanu soo jeesanaynaa”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Xigasho Oodweyne

Xoghayaha WADDANI Oo Luuqad Siyaasadaysan Shuruucda Xisbiga Ugu Cuskaday Gudomiye Xigeenka Xisbigaasi Oo Hadal Ka Dhacay

$
0
0

wadani flagAwdalpress – Hargeysa -Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Uurcadde Ayaa luuqad siyaasadaysan ku hoga tusaaleeyay Gudomiye Xigeenka Xisbiga WADDANI Mumin Seed in Cid Walba oo shuruucda xisbiga Buuxisa ay Isu sharixi karto Jagada gudoomiye Xigeenimo Ee Xisbigaasi

Waxana Uu Yidhi

“Sharcigu wuu u fasaxayaa qof kasta oo buuxiya shuruudaha looga baahan yahay in uu isku sharaxo jagada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI laakiin waxaa uu Xisbigu musharax Madaxweyne ku-xigeen u aqoonsanayaa qofka ku guulaysta jagadaa in ay u doortaan golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI shirkooda soo socda,xisbiga WADDANI-na waa mid dimuquraadi ah oo ogol in la wada tartamo oo gudihiisa laga dhex tar tamo.”ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uurcadde,waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata.

“Horta hadalka Guddoomiye ku-xigeenka maan dhegaysan manaan daawan oo waxba ka odhan maayo laakiin jagada Madaxweyne ku-xigeenka waa la isku soo sharixi karaa laakiin imika musharax heer xisbi ah maaha ee waa gudahayaga oo uu qofku ka tartamayo balse marka ay golaha dhexe cod ugu doortaan in uu yahay Musharaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka ayuu xisbiga u gelalayaa Tartanka doorashada Madaxweyne iyo ku-xigeen ee soo socota.”

Hadalkan ayaa Kusoo beegamay Kadib marki Dhowaan Mumin seed Uu Ka Firka naxay Masuul dhalasho ahaan ay isku deegaan yihiin Oo kula tartami doonaa jagada gudomiye Xigeenimo ee Xisbigaasi Kasoo umuuqda inuu ka cudud Tageero badan yahay Mumin Seed.

Source Oodweynenews.Com

Sheekadii Qaadka: Qaadkii waatan Ingiriiska laga joojiyey ee maxaa idiin talo ah? Indinka ayey idiin taallaa! (Qaybtii 2aad )

$
0
0

qaadkaWeli waxa innoo socota sheekadii daroogadan Qaadka la yidhaa, ee sannaddada badan lagu cunayey dalka Ingiriiska ee mar kaliya uun lagu baraarugay joojintiisa. Hadda ogoobey, muddo waa la hadal hayey in la joojin doono, oo dood ayaa ka dhex socon jirtay golayaasha dalkan Ingiriiska. Laakiin dadka badankiisu may rumaysnayn in sidaa dhibta yar leh uun loo joojin doono. Ugu dambayntiise waxa run noqotay in la joojinayo 24/06/14.

‘Waar Muuse haye, bal sheekadii waatan  innaga dhammaan weydaye, maxaa tala ah.’ ayaan mar kale hadalkayagii ku furray. Waxase uu iigu jawaabay, ‘horta waanigaa masaladii kuu furay, malaha meel kale ayaabad ka dayeysaye, waxanan kooxahayaga jaadka cuna la miseeyey, ciidan dagaal dheeri uu soo dishooday, oo mar kaliya uun loo sheegay in uu dagaalkii dhammaaday, ciidanka dagaal dheer soo galana waxa soo mara rafaad badan, dhaawac nooc walba leh iyo riiqda dagaal oo runtii maskaxda u daran ayey caan ku yihiin. Xataa qofka askariga ah ee dagaal in badan ku soo jiraa, way adag tahay in uu reerkiisa si caadi ah ula noolaado. Dawladaha hore u marayna waxa ay ciidanka dagaalka ka yimid geeyaan dhul u gaar ah, oo lagu soo nasiyo, lagu soo daweeyo. Oo weliba nolosha dib loogu soo baro. Dhaqan celin baa la yidhaa oo waa dagaal kale, oo maaliyad iyo maskax badan la geliyo’.

Intaa markii aan saaxiibkay ka dhageystay, ayaan ku celiyey, ‘ Muusow ma waxad leedahay dadkiinnii jaadka cunayey waxan la midnahay ciidankaa aad ka soo sheekaysay, oo waxad nooga baahan tihiin dhaqan celin. Wllaahi waa yaab! oo dalkii Ingiriiskii ee dhaqaale xumada ka cabanayey ma waxad leedahay mashaariic dhaqaale badani ku baxo ha noo sameeyo? Ma xuma oo, kaba soo qaad in qorshayaal la galo. Halkee ugu daran ee aad ka bilaabi lahayd? illayn adiga oo kale waadigan shaqaysanaya oo  dhaqan celin uma baahnid, laakiin waxa aan isla fahmi karraa in ay dad aad u dhaawacani ay jiraan.

Muuse oo aan sheekadii uga baxay hadalkiisiina sii wataa waxa uu yidhi ‘ waa run oo rag iyo dumar dhul yaal ah ayaan leenahay, waana kooxaha aan is leehay qaadka la’aantii kama noolaan karaan. Laakiin Ahmedweliyow horta aan kooxaha qaadka ku baree, waa dhawr nooc:

1. Koox cunistoodu ay tahay uun usbuucii maalin, amma xaflad ay leeyihiin, amma marti u timaadda oo ay wada      sheekaysanayaan, sida akhyaar muddo kala maqnayd oo isku timid. Amma goor arrin amma aroos la leeyahay iwm. Kooxdani waxa soo raacda, kuwo shaqaysta oo shaqada daraaddeed uun maalin kaliya u cuna. Amma aanay xaasaskoodu u oggolayn. Oo iyaguna  kala doortay in ay reerahoodu ka baaba’an iyo in ay mar mar uun yara cunaan….mmmmm,  kooxdaasi waa sahaala, oo dhib badan ma qabaan. Qaadka la’aantaiina way ka noolaan karaan.

2. Koox maalin walba cunta, haddana shaqaysta amma reerkooda ku filan, oo cunistoodu ay tahay, marka uu shaqada ka yimaaddo oo uu Mafrashka soo yara maro……telefoonn …rrrrrrrr….. waan soo socdaaye laba yar yar ii sii dhig, halkaa oo uu aqaar iyo laba ka sii yara tuuro. Amma marka uu shaqada u sii socdo habeenkii soo yara mara oo woxoogaa ka sii tuura. Iyo koox bilaa shaqo ah oo si farsamaysan isaga cunta, oo xataa gurigiisa ku cumi kara oo aanay xaasku wax dhib leh u arag.

3. Koox walligan, oo habeen iyo dharaarba cunta, oo shaqadooda iyo miyirkooduba uu jaadka oo ay cunaan uun uu noqday. Muuq ahaan aanay idhuhu qabanayn, hadday doonaan iskaba xanuunsanaya,  maskaxiyan amma si kaleba. Kooxdani waxad Ahmedow aragtaa iyaga oo inta ay mar mar si dhuumasha ah uga soo baxaan mijiliska  yimaadda booshariga ugu dhaw amma makhaayadda ugu dhaw si ay afka wax u saaraan, haddana hore ugu noqda Mijiliskii. Waa ciidanka ugu daran ee aadka u dhaawacan. Noloshoodiina Jaadka raaciyey.

La soco qaybta dambe.

Ahmedweli Goth

 

Maamulka Gobolka Awdal Oo Beeniyay Warar Lagaga Been Abuuray Raashin uu Lahaa Ganacsade Reer Boorama

$
0
0

Awdalpress – Borama – Gudi ka kooban 4 xubnood oo heer gobol iyo heer degmo isugu jira oo uu hor kacayay badhasaab ku xigeeenka gobolka Awdal ayaa maanta gaashaanka u daruuray hadalo deel-qaaf ah oo ka soo yeedhay hayada dhawrista tayada agabka ee Somaliland kuwaas oo dhawaan si hubsasho la’aan ah u dhaleeceeyay baabuur raashin kala duwan waday oo u rarnaa ganacsade wayn oo reer Boorama ah.

Solicitors-for-Unfair-Dismissal1

 

Gudidan oo maanta saxaafada u soo bandhigtay natiijadii ka soo baxday badhistaasi ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadalay Gudoomiyaha gudidaas ahna badhasaab ku xigeenka Awdal Md. Cabdi Nuur Sugaal waxana uu yidhi “Waxa aan aad uga xumahay in hubsasho la’aan ay iska hadlaan masuuliyiinta hayada Dhawrista Tayada Agabka ee Somaliland, gudi baan ahayn la noo xil saaray arintaas, kadib markii aan baadhnay waxaan cadaynaynaa in aanu jirin wax raashin ah oo dhacay oo ku jira baabuurkaas, saxaafadana waan u ogolnahay inay tagto oo ay indhaha soo saarto in raashinkaasi saxsan yahay oo la isticmaali karo, waxana aan aad uga xunahay in ganacsadaha cashuur bixiyaha ah ee kaalinta 1aad kaga jira dadaalka iskaa wax u qabsada ah ee gobolka ka socda in la marmariyo ceeb aanu lahayn, waxana sidoo kale aan gafkaas ku cambaaraynaynaa hayada Dhawrista Tayada Agabka iyo masuuliyiinteedaba”

 

Xoghayaha Gobolka Awdal Asad Cabdi Jaamac oo isaguna ka hadalay halkaas, xubina ka ahaa gudidii loo xilsaaray baadhistan ayaa yidhi “Waxa aan la yaabay oo aan arkayay in saxaafada looga waramay waxa ku jiray baabuur raran oo aan la baadhin, waxaasi waa gaf, waanan ka raali galinaynaa ganacsadihii lagula kacay, waxana aan cadaynaynaa mar labaad iyo mar sedexaad in raashinkaasi saxsan yahay, sidoo kalena waxa aan cambaaraynaynaa cidii saxaafada ka hadashay ee been abuurkaasi samaysay, raashinkaasina waa mid sax ah oo la isticmaali karo taariikhdiisuna saxsan tahay, waxa ay ahayd in hadii aan nahay maamulkii gobolka ay nala soo xidhiidhaan hayada Komishanku inta aanay hadlin ka hor oo ay wax na ogaysiiyaan, taasina ma dhicin, waxana an sheegaynaa in sharafta ganacsiga iyo ganacsatada cashuurta bixisaba ay tahay mid sugan oo aanaan ogolaanaynin in lagu ciyaaro”

 

Qaar ka mid ah xeer beegtida dhaqanka oo iyaguna halkaasi ka hadashay ayaa u mahadnaqay gudida baadhida samaysay waxana ay xuseen in sharaftu ay tahay wax Eebe (SW) uu sugay loona baahan yahay in aan si dhayal ah loo weerarin, waxaa ay intan daba dhigeen raaligalin balaadhan oo ay u direen ganacsadaha fadeexada beenawday lala beegsaday iyaga oo dhinaca kalena masuuliyiinta uu hadalkan deel-qaafka ahi ka soo yeedhay ugu maahmaayay “Waran soo noqon doona waligaa lama tuuro” iyaga oo hadlkaasi ula jeeday been aan sal iyo raad lahayn inaanay haboonayn in la sheego.

Wabillaahi Tawfiiq
Abdale Ali Yusuf
Borama Awdal

+25224456820

 

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live