Burburkii dawladnimo Somalia intii ka dembeysay, qabiil kasta oo Soomalida ka
mid ah waxaa maamula jabhado reerku samaystay (tribal militia). Qabiil walba
sidaas ayuu dan mooday inuu ku badbaadi karo (sax iyo khalad). Sidaas ayou
qabiil kastaa aduun weynaha dhaqaale kaga gurtaa oo isku dhifaacaa.
Waxaase jirta in qabiilka Gedabursiga loo yaqaan, ayagu jabhaddoodii (Horyaal)
intay aaseen, isu dhiibeen Jabhaddii SNM, oo ay yidhaahdeen Isaaqoow adigu na
xukun. SNM way ka ogolaatay, waxayna ku ballan qaaday inay kuwa SNM
dhashaana Gedabursi xukumi doonaan, ilayn ayagaa ka codsadee. Maantay taasi
dhab tahay.
Rajadii ugu dembeysay ee Gedabursi lahaa waxy ahayd ciidankii uu xeebaha ku
hayn jiray General Maxamed Xudhuun, ee ay isaga iyo rag kale oo Gedabuursi ahi
dhulka kaga horjoogsadeen weerarkii SNM soo qaaday si ay xeebaha u qasadaan.
Nasiib darro, General Maxammed Xudhuun habeen madowbaa lala booday, oo
laga xayuubiyey maamulkii uu hayey, waxayna ahayd arrin loogu gogol dhigaayey
tan maanta taagan. Waxaa dad badan uu Gedabursi ah u cadayde in ay dhacda
lagu bedalay General Moxamed Xudhuun ay qayb ka qaateen dad ka mid ah
siyaasiinta Gedabursi ee Hargeisa fadhiyaa. Waa la iibsaday kartidii iyo qiimahii uu
dadkiisa ku lahaa General Xudhuun, iyo kaalintii uu kaga jiray badbaadinata
Gedabursi. Markaa Gedabursi isagaa Jabhaddiisii Horyaallana hore u aasay, tii
xeebaha xoraysana gacan ka geysatay in jaqaafaha loo laabo. Taas oo maanta
suurta gelisay in ay hadda maamulaan dhulka Gedabursi ciidamo loo samaystay in
ay ummadda cabudhiyaan, amba laayaan sobab la’an marka amar laga soo siiyo
Hargeisa.
Ilduufkii ku dhacay maantuu Gedabursi ka shalaynayaa….arrimihii uu Gedabursi
shalay garan waayey ayaa maanta u cadaaday, sida ad moodo. “Ma waxaan ku
mooday, mise waxaad noqotay”. Waxaan loo noqon doonin.
Waxaa run ah in ay dadka wadaaga magaca Gedabursi ku dhawaaqayeen in
mudda ah, oo u sheegayeen kor iyo hoosba, caddaalad darrada ku habsatay guud
Waxaa run ah in ay dadka wadaaga magaca Gedabursi ku dhawaaqayeen in
mudda ah, oo u sheegayeen kor iyo hoosba, caddaalad darrada ku habsatay guud ahaan, siiba intooda ku dhaqan Gobalka Somaliland. Hore in badan ayaa dad badan oo Gedabursi ah loogu laayey markay goosteen in ay is hortaagaan
dhulbalaadhsiga, iyo deelqaafka lagu hayo. Dhul badan oo ay degi jireen maanta
kuma noola, oo quwad baa lagu soo riixay. Waxaa intaa dheer arrimo ay ka mid
yihiin kuwan hoos ku qoran:
1. Socodsiinta qorshii aha in ay cid kale xukuntu deegaanka Gedabursi, sidii uu
Gedabursi u ilduufay (shirkii nabadgeliyo samaynta ee ka dhacay Borama);
2. In ay shaqaalahii deegaanka la wareegeen dhalinyartee ay dhashay SNM,
wixii dhaqaale ka soo baxana tuunbo Hargeisa ku taalla lagu nuugo;
3. In ay dhalinyarta Gedabursi ku shaqo beelaan deegaanka, kuna tababar beelan (no skill training, no management training, no leadership building training), taaso keenaysa in weligood la xukumo oo dusha laga haysto. Waa siyaabihii Isticmaarku ku samayn jiray dadka uu qabsado.
4. Cabudhis, caga jugleyn, xidhitaan iyo weliba dil joogta ah oo lagu hayo
dhalinyarta Gedabursi, siiba meesha loo yaqaan Borama (waa Booraan
Gedabursi ku xeraysanyahay);
5. In xitaa siyaasiintii iyo Cuqaashii deegaanka ka soo jeeday la adeegsado si
ummadda loo aamusiiyo;
6. In uu deegaanku noqdo meel ciidamo hubaysani lugta kula jiraan markasta.
Taas oo an ka dhicin deegaanada kale. Hadaba nabadgeliya Gedabursi
sheega waa tee? Ayey wax ka lumayaan haddii la kala tashado, wada tashi
haddii wax lagu waayey?
Maalmahan waxaa soo iftiimaya in Suldaan Gedabursi ah (suldaan Wabar), oo
farta ku fiiqay arrimaha ka taagan deegaanka, la yidhi ha la soo xidho. Waxaa wax
lagasii naxo ah dad isu sheegaaya in ay isu dhowyihiin Suldaanka, oo leh waan soo
qabanaynaa, iyo in ku dhawaaqaysa “Suldan nooma aha mar hadduu sidaas
yeelay.”
Sua’shu waxay tahay, Suldan Wabar ma khasabaa in aanu Borama ka bixin?
Meesha uu hadda joogaa waa dhul Gedabursi, Suldaan weli wuu yahay, wayna ku
ogolyihiin inuu ku dhex noolaado. Xaq wuxuu leeyahay in uu ka hadllo arrimaha
an kor ku xusay ee haysta ummadda Gedabursi. Laguma sifayn nin jabhad ah oo soo weerar dhul Isaaq leeyahy, amba ku hajamay inuu dad layn doono. Runtii, waxaabo ku talinayaa in nabad iyo caddaalad lagu wado dhaqmo. Waxaan is idhi, malaha kalmadda “caddaalada” loo yaqaan ayaa dad ka cadhaysiisay. Waa maxay dembiga uu galay ee loo soo xidhayaa?
Ta labaad, Soomaaliya sida ay u dhantahay waxaa laga xukumaa Ethiopia maanta,
markaa maxaa dembi ka dhigay tegitaanka Suldaan Wabar uu tagay Ethiopia?
Ta sedexaad, Gedabursi xaqbuu u leeyahay inuu Ethiopia iyo Jiboutiba kala
xaajoodu siduu dhaqaale ula samaysan lahayeen, nabadgelyana loogu wada
dhaqmi lahaa. Waa dad qarniyo is dhex degaanaa, oo is dhalay, iminkana aan dhib
kala sheeganeyn.
Haddii Faysal Cali Waraabe ku doodaayo in ay Ethiopia ka xigto Somaalida degta
Barri iyo koonfurta Soomaaliya, maxaa dembi loogu arkayaa haddii Saladiinta
Gedabursi danaha dadkooda kala xaajoodaan, Ethiopia, Djibouti, amba Soomalida
kale iyo aduunka intaba? Sowtan wasiirada Isaaqa laga soo xulay ay danaha
reerahooda meel walba kalidood ugu tagaan. Waa yaab!!
Ugu dembayn, siyaasiinta Gedabursi, Salaadiintooda, waxgaradkooda, iyo
dhaliyaradoodu way ogyihiin in looga baahanyahay sidii waxa Gedabursi u dan ah
looga wada hadli lahaa. Markaa, waxaan ku talin lahaa, in la yareeyo dhaqan sidii
ayda qofkii hadla loogu qaylinaayo, amba lagu baanaayo inuu dembiile yahay, isla
markaana laga aamusanyahay sidii degaankan xaqiisa loo soo dhacsan lahaa. Waa laga qaadhay waqtiigii.
Ogaada, Isaaq sad-bursi wuu yaqaan, mase yaqaan saami qaybsi. Yaan taa laga
sugin. Waana sida qabiil kasta uu Soomaali ahi u dhaqmo waqtigan la joogo.
Dr. Cali Ibrahim Baxar