Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

War Deg Deg Ah: Ciidamo La Soo Dhoobay Wadooyinka Magaalada Boorama

$
0
0

xeroBoorama(Awdalpress) 18.Dec.2014 -shacabka ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa saaka ku soo toosay ciidamo faro badan kuwaasi oo la dhigay dhamaanba wadooyinka waaweyn ee soo Gala Suuqa Magaalada iyo kuwo baabuuro ku gaashaaman kuwaaasi oo suuqa iyo dhamaanba goobaha bulshadu isku timaada gaaf wareegaya .

ciidamadani lagu arkay magaalada Boorama saaka ayaa ku soo beegmaya xili haldoorka dhaqanku ay xukuumada ugu baaqeen in ciidamada jooga Gobolka Awdal dib loo celiyo isla markaasina meelihii ay ka timaadeen loo raro .

talaabadani ay xukuumadu qaaday ayaa waji gabax ku noqon doonta salaadiinta dhaqanka taasi oo laga yaabo in ay keento kala fogaansho shacabka Gobolada Galbeedka Iyo Xukuumada Somaliland ,sidoo kale aqoonyahan Gobolada galbeedka oo shalay taageero buuxda siiyey tabashooyinkii shacabka goboladani isla markaasina sheegay in ay taageersan yihiin baaqii nabada ee ay duubabka dhaqanku ku baaqeen ayaa talaabadani xukuumadu la yaab ku noqotay .

xero

isku soo wada duuboo waxaa halkaasi dadka odorasa siyaasada Somaliland ayaa sheegaya in xukuumada talada haysaa ay mudo kordhin ka raadinayso xiisada ka soo cusboonaatay Gobolka Awdal taasi oo laga yaabo in ay waji kale yeelato maadaama ay xukuumada iska dhago tirtay baaqii madaxdhaqameedka Gobolada Galbeedka Somaliland ..

xafiiska wararka ee Boorama

Awdalpress


Wasiirka duulista:- M/weynaha waxaan idhi inta beel Isaaq ahi haysato Gadabuursi ma haysto, waxaanan nahay laba beelood

$
0
0

Wasiirka-Duulista-HawadaAwdalpress – London – Kulan ay  weftiga wasiirada Somaliland iyo iskuduwayaasha wasaaradaha gobolka Awdal ku wada yeesheen xafiiska wasaarada Qorshaynta ee Borama,  ayaa lagaga wada hadlay xaalada jirta ee gobolka Awdal.

Shirkan oo ay saxaafaddu dibadda ka ahayd  ayey shabakada awdalpress heshay warar xogogaal oo ay ka heleen ilo xog ogaal ah oo ku jiray shirkaasi, balse diiday in magacooda la sheego ayaa xusay in Wasiirka Duulista hawada oo kulankaasi ka hadlay sheegay in uu M/weyne siilaanyo hortiisa ka caddeeyay in labada beelood ee isaaq iyo gadabuursi yihiin laba beelood siman, sidaas awgeed BEELAHA gadabuursi aanay haysan inta beel Isaaq ahi haysato, taasna aan markhaati u haysto wasiiradan reer Awdal ee shirka inala jooga, M/weynaha hortiisa ayaanan ka cadeeyay xataa hadaan xilkayga ku waayayo, ayuu yidhi wasiirka Duulistu Maxamed Xaashi.


Sidoo kale waxa ay sheegeen xubnaha shirka goobjooga ka ahaa in uu isaguna halkaasi ka hadlay wasiirka gaashaandhiga mudane Cadami oo isaguna sheegay in gudiga reer Awdal loogu daray nin ay necbaayeen oo ah wasiirka Maaliyadda oo caddaalad darro ay ka tirsanayaan, waxaanan ku idhi wasiirkaasi miyay jirtaa waxa lagaaga cabanayaa ? Wuxuuna iigu jawaabay oo yidhi HAA way jirtaa…

Hadalka wariiska duulista oo ay shakhsiyaadkaasi noo sheegeen mid uu ku muujinayey kalsoonida uu ku qabo shacabka gobolka iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay, ayaa u eg mid tilmaamaya isla markaana markhaati ka ah dihaalka siyaasadeed ee gobolka ka muuqda. Laakiin weli waxba lagama garanayo wakhtiga la saxi doono arrimaha gobolku uu tirsanayo iyo sida loo sixi doono.

Si kastaba ha ahaatee kulannadan wasiirada Somaliland la yeesheen iskuduwayaasha ayaa ku soo beegmaya xilli xaalad cusubi ka taagan tahay deegaanada galbeedka Somaliland.

Awdalpress

Xildhibaan Ahmedyaasiin oo si adag uga hadlay cabashooyinka soo noq noqonaya, ciidanka la dul dhigay gobollada galbeedka, Suldaan Wabar iyo siro uu daaha ka fayday. ( Video )

$
0
0

axmed-yaasiinAwdalpress – Hargeysa – Waxa bilowday dagaal qabow oo u dhexeeya maamulka Somaliland iyo gobollada galbeedka Somaliland. Waxana cirka isku shareeray xumadda siyaasadeed ee u dhexeeya labadaa garab. Oo uu abuuray Suldaan Wabar oo ka dhawaajiyey in ay gobolladaasi ka bexeen Somaliland,

Maanta waxa ugu danbeeyey xildhibaan Ahmedyaasiin Sh. Ali Ayaanle oo gacantogleeyey xaquuqda ka gobollada galbeedka kaga maqan Somaliland. Iyaga oo weliba cashuur badan laga qaado. Mashaariicda ay dawladdu u qorshay gobollada Somaliland ayuu Ahmedyaasiin ku sheegay ka ugu yar.

Awdalpress

Ahaatay Dhamaad Aduunyadan ,Xaqiiqadan Aadisteeda Adkaysi Ha Loo Lahaado …Abwaan AfGudhiye

$
0
0

AfgudhiyeBoorama-Awdalpress..Abwaan Afgudhiye iyo Gabaygiisii Oday Biiqay

Halkan Ka Daawo :

Dawladda Finland oo xayiraad dhinaca dhaq dhaqaaqa ah ku soo rogtay afar qof oo Somali ah.

$
0
0

Finland_oo_xukuntay_SomaliAwdalpress – Muqdisho – Dawladad waddanka Finland ayaa xukun dhaq dhaqaaqooda lala soconayo ku ridday maanta afar qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo loo haysto dambi ah inay dhaqaale ku taageereen Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Maxkamadda magaalada Helsinki ee xarunta dalka Finland ayaana xukunkan ku ridday afartaa qof oo saxaafadda dalkaasi ay sheegtay inay ahaayeen saddex rag ah iyo haweeney, inkastoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan inay dhammaantood ahaayeen rag.

Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in afartan ruux ay $3,900 ku yabooheen Xarakada Al-shabaab ee Somalia intii u dhaxeysay sannadihii 2008 illaa 2011-kii, iyadoo la sheegay in xukunkan uu xukunkani yahay kii ugu horreeyay oo la xidhiidha fal argagaxisenimo.

Saddex ka mid ah eedeysanayaashaan ayaa lagu riday xukun xayiraad ah oo min shan sano ah, halka ruuxa kale lagu xukumay xayiraad hal sano iyo bar ah, kaasoo la sheegay in lagu helay dambi ah inuu walaalkiis iyo dad kale ku dhiirrigeliyay inay ku biraan Al-shabaab.

Eedeymaha loo haysto ruuxa afaraad ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah inuu ku qasbay inay tababarro kusoo qaataan saldhigyo ay Somalia ku leedahay Al-shabaab, iyadoo ay hadalka u dhigtay maxkamaddu in qaar ka mid ah dadkaas ay ahaayeen kuwo aan gaarin da’dii ay ku qaan-gaari lahaayeen.

Maxkamaddu ma aysan sheegin magacyada afartaan qof ee xukunka ay ku ridday maanta, iyadoo la sheegay in dadkan aysan ka bixi karin Finland tan iyo inta uu xabsiga xayiraadda ah uga dhammaanayo.

Awdalpress

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Abdirahman Saylici oo Guriga guurtida degmada Dilla ee Barkhadle ugu deeqay 300 oo kiish oo sibidh ah iyo Gogoshiisii. ( Video ga hoosta daawo )

$
0
0

saylici‘Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waa inankayagii deeqda uu maanta degaankiisa ugu deeqayna waa mid caddaynaysa in aanu marnaba illowsanayn’ sidaa waxa yidhi nin ka mid ah waxgaradka degaanka oo aan khadka telefoonka ku waraysannay.

Magaalada Dilla ayaa Madaxweyne ku xigeenka si weyn oo aan loo kala hadhin loogu soo dhaweeyey, maamulka iyo duqayda Dillana si waafiya ayey u wada hadleen. Waxana deeqda Guriga degmada uu u fidiyey ka guddoomay, guddoomiyaha degmada iyo maamulka duqayda horumarinta degmada.

Gurigan oo dhismihiisu muddo socday ayaa waxa dhismihiisa dusha u ritay dadka degaanka u dhashay oo ay hormood ka yihiin qurba joogga ka soo jeedda degaankaasi.

Hadalladii Madaxweyne ku xigeenka iyo duqayda degmadana waxa ka mid ahaa:

Awdalpress

WAR DEG DEG AH. War hadda naga soo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Madaxweyne Siilaanyo ay berri ku kulmi doonaan dalka Djabouti.

$
0
0

xasan-iyo-siilaanyoAwdalpress – London – War lagu kalsoon yahay oo goordhaweyd soo gaadhay xafiiska awdalpress ee magaalada London ayaa sheegaya in maalinta berri ah uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo u  bixi doono magaalada Djabouti, halkaasi oo ay si fool ka fool ah ugu kulmi doonaan Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh.

Kulankan oo hore u baaqday ayaa qorshihiisu yahay arrimo dhawr ah, waxana ka mid ah wadahalladii u socday sidii loo sii wadi lahaa. Waxa kale oo hoosta laga xarriiqayaa in ay ka wada hadli doonaan, sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen arrimo badan oo xilligan u ciiray dhinaca maamulka Muqdisho.

Xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa iyagu kulankani oo mar hore baaqday u arkaya in maamulka Somaliland ka leexday sidii la isku ogaa. Waxana ay shaki ka qabaan in uu Madaxweyne Siilaanyo sameeyey tanaasul badan, kadib markii ay beesha caalamku ay ku cadaadisay in ay wada shaqayn la yeeshaan dawladda ka dhisan magaalada Muqdisho. Iyaga oo meesha ka saaray gooni isku taag ama xilligan lagaba hadlo.

Wixii war ah ee la xidhiidha kulanka berri ee labada madaxweyne waxad kala socon doontaan shabakadda wararka iyo faallooyinka ee Awdalpress.com

Awdalpress

 

Maanta waxa magaalada Muqdisho iyo dalka Somalia laga xusayaa 71 guuradii ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Police-ka Somaliyeed.

$
0
0

Xuska_Booliska171-sano ayaa ka soo wareegtay sanadkii la aasaasay ciidammada Poliiska Somalia oo ku beegan maanta oo ah 20kii  December ah sannadka 2014, waxana magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ka socota xaflad lagu maamuusayo maalintaasi.

Dabaad deggen ayaa waxaa ka soo qaybgalay saraakiisha ciidanka Police- ka Soomaaliya, Madaxweyne Hassan Sheikh iyo saraakiil kale oo ciidanka qaranka ka tirsan, waxana  dabaal-dagga lagu soo bandhay gaaddo-ka-ciyaarka ciidanku ay sameyaan oo wiilal iyo hablo isugu jira. Sidoo kale waxa madaxda dawladdu ka warrami doontaa doorka nabadgelyo ee dalku marayo iyo habsami u socodka nidaamka ciidanka Police-ka Somaliyeed uu u socdo.

Madaxwehnaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu munaasabadda ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo waxqabadka ciidamada booliiska iyo waxtarkooda, iyadoo ay noqonayso markii saddexaad oo la xuso aasaaska booliiska, tan iyo markii madaxweyne Xasan loo doortay xilka.

Goobta ay munaasabaddu ka dhacayso oo ah dugsiga tababarka booliiska ee Jen. Kaahiye ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray jidadka soo gala oo dhan, si looga hortago falal amni oo dhan inta xuska uu socdo.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa la aasaasay sannadkii 1943-kii, xilligaa oo uu dalku ku jiray gumeysi, waxaana ciidankan uu ka shaqeeya amaanka magaalooyinka iyo deegaannada kale ee ay shacabku ku nool yihiin.

Booliiska ayaa la sheegaa inay yihiin saaxiibka bulshada, waxaana saldhigyo ay ku leeyihiin xaafadaha kala duwan ee Muqdisho iyo degmooyinka gobollada dalka si ay amniga shacabka u ilaaliyaan.

 

Awdalpress

 

 


Suldaan Dhawal ,Suldaan Samatar Oo Sheegay In Aanay La Qabin Hadalkii Suldaan Wabar Ka Soo Jeedhay

$
0
0

saladiinBoorama(Awdalpress) 20.Dec.2014 -Qaar ka mid ah salaadiinta Gobolada Galbeedka Somaliland oo uu ka mid yahay Suldaan Cabdirahman Jamac Dhawal ,Suldaan Ibrahim Jamac Samatar ayaa sheegay in aanay fikirkaasi suldaanka la qabin

Halkan Ka Daawo :

Hambalyo iyo bogaadin ku socota xildhibaan Ahmedyaasiin Sh. Ali Ayaanleh.

$
0
0

axmed-yaasiinAwdalpress – London – Aniga oo ku hadlaya magaca Jaaliyadda reer Awdal ee dalka Ingiriiska waxa aan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u diynaa Xildhibaan Ahmedyaasiin Sh. ALi Ayaanle oo si sharaf leh uga hadlay shaqaaqada siyaasadeed ee in dhawalaa ahba ku habsatay gobollada galbeedka Somaliland. Taasi oo keentay in ciidan aan hore degaannadaasi looga baran la geeyo. Shacabkiina la kiciyo.

Xildhibaan Ahmedyaasiin oo ah siyaasi lagu yaqaan sharaf iyo dhawarsoonaan, ayaan ka gabban meesha ay dhibtu ka soo maaxanayso. Waxana uu si cad u sheegay baahiyaha gobolku uu tabanayo, xaqa goboka kaga maqan xukuumadda Somaliland ee uu uga fadhiyo. Caddaalad darrada ay qabaan dhalinta reer Awdal ee soo dooratay iyo tacaddiyada ay wasaaradaha qaar kula kacaan gobolka ama ay ka leexiyaan xaqooda.

” Awdal ciidan uma baahna ee caqli iyo caddaalad ayey u baahan tahay”  waxa sidaa yidhi Xildhibaan Ahmedyaasiin Sh. Ali Ayaanle.

Haddaba markii aan ka shawarray hadalkii Xidhibaan Ahmedyaasiin waxa aan isla garannay in aan ku hambalyeyno sida fariidnimada leh ee uu kaalintiisii uga soo baxay. Xildhibaannada kalena waxa aan leenahay ku dayda Ahmedyaasiin oo ummadda idin soo dooratay ee aad kuraasta ugu fadhidaan u hadla.

Wabillaahi Tawfiiq

Hassan Muse Khalif

London

Heshiiskii Ay kala Saxiixdeen Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland

$
0
0

heshiiskii soomaaliy iyo somalialndDjabouti (Awdalpress) 21.Dec.2014-Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta magaalada Djibouti ku saxiixay heshiis ka kooban 6 qodob halkan ka akhriso heshiiskii maanta ay kala saxiixdeen .

heshiiskii soomaaliy iyo somalialnd

Awdalpress/Djabouti

Madaxweyne Xasan Oo Tababar U Soo Xiray 1,033 Askari

$
0
0

Xasan-Sheekh1-300x199Muqdisho(Awdalpress) 22-12-2014-Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xerada ciidanka Jasiira ee Muqdisho tababar ugu soo xiray 1,033 askari.

Ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa isugu jiray 298 askari oo loo tababaray ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, 712 askari waxaa loo tababaray ciidanka xoogga ee lugta, halka 94 askari oo kalena ay yihiin booliska sida milateriga u tababaran.

Tababarka wuxuu socday ku dhawaad shan bil.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay askarta tababarka loo soo xiray ayaa sheegay in looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in ciidanka ay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay dalkooda, isla markaana looga fadhiyo in ay aqoontooda ugu adeegaan bulshada.

Askarta ayuu kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharafta ay ku dhex leeyihiin bulshada, ayna ka fogaadaan maandooriyeyaasha iyo wax kasta oo dili kara sumcadda iyo magaca ciidanka.

Madaxdhaqameedka Bariga Baki Oo Digniin Kulul U Diray Xukuumada Somaliland

$
0
0

cuqaal dilaBoorama(Awdalpress) 22-12-2014-Madax dhaqameedka Bariga degmada Baki iyo Deegaanka Dilla ayaa digniin adag u dirtay Xukuumada Somaliland taasi oo ay sheegeen hadii aanay si deg deg ah uga soo jawaabi waayaan isla markaasina joojin waayaan Macdanta laga Qodayo Deegaanka Baki ee aan lagala tashan dadka deegaanka in ay talaabo ka qaadi doonaan.

Sidoo kale cuqaashani ayaa sheegtay in Banka wajaale ee beeli si gaari ah uga faa’idaysto ay iyagun gacamahooda ula tagi doonaan .

Halkan Daawo:

Ciidamadii Ugu Badnaa Oo Ku Soo Jeeda Boorama iyo Dareenka Ku Xeeran

$
0
0

breakingnewsBoorama(Awdalpress) 22.12.2014-qaar ka tirsan shacabka degmada Gabilay  oo ay shabakada wararka  Awdalpress la xidhiidhay ayaa noo xaqiiyey in Baabuur tiradooda lagu qiyaasay 30 Kuwaasi oo isku jira Baroon iyo kuwo ciidamo saaran yihiin ay   ku soo fool leeyihiin magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal taasi oo maalmihii ugu dambeeyey ay xiisad cirka isku shareertay ka taagan tahay .

warar xogogaal ah ayaa sheegaya in ciidamadani cusub ee ku soo waajahan Gobolka Awdal ay keentay ka dib markii ay maamulka Somaliland warbaahinta ka arkeen ciidamo suldaan wabar taabacsan kuwaasi oo ku hanjabay in ay dagaaal la gali doonaan ,

si kastaba ahaatee Imaatinka ciidamadani ayaa ku soo beegmaya xili ay qaar ka mid ah salaadiinta dhaqanka ee Gobolada galbeedku warbaahinta la hadleen isla markaasina ay ka hor yimaadeen hadalkii ka soo yeedhay suldaan Wabar .

isku soo wada duuboo xukuumada ayaan ilaa hada kalsooni badan ku qabin salaadiinta hadashay isla markaasina dhagaha ka xidhay baaqoodii ahaa in ciidamada laga saaro Gobolka Awdal gaar ahaan Magaalada Hargeysa.

Xafiiska wararka Borama ee Awdalpress.

Qaar ka mid ah Odayada Dhaqanka Gobolada Galbeedka Oo sheegay In La Qabanyo Shirkii Beelaha Gadabursi .

$
0
0

saladiinBoorama(Awdalpress) gudida salaadiinta dhaqanka Gobolada Galbeedka Somaliland oo maanta shir jaraid ku qabtay magaalada Boorama ayaa hoosta ka xariiqay in shirkii beelaha gadabursi uu qabsoomi doonoisla markaasina waxay sheegeen in gudidii qaban qaabada shirku ay imika ku maqan yihiin dooxda Gob oo ah meesha loo qoondeeyey in uu ka dhaco shirku , si kastaba ahaatee waxaa kala jajab ku yimiday salaadiinta dhaqanka ka dib xiisada ilaa imika ka taagan Gobolka Awdal taasi oo sobabtay in fikir ahaan ku kala duwanaadaan madaxdhaqameedka Gobolku hadal ka soo yeedhay suldaan Abiibakar cilmi wabar .

salaadiinta shirka jaraid maanta ku qabantay gudaha magaalada Boorama ayaa waxaa ka mid ahaa Suldan Cabdiraxman jamac dhawal,suldan ibrahim jamac samatar iyo suldaan Xasan Xadi Baade

si kastaba ahaatee shacabka ku dhashay deegaanada galbeedka Somaliland ayaa isha ku haya qabsoomida shirkaasi iyo waxa uu ka badali karo xaalada siyaasadeed, dhaqaale iyo mid bulsheedka ee Beelaha ku dhaqan Gobolada Galbeedka Somaliland .


Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La kulmaya Dhiggiisa Masar, El-Sisi

$
0
0

sisi-300x206Qarira(Awdalpress) 29.Dec.2014-Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa casumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaas, Abdel Fattah el-Sisi, waxa uuna kulamo la qaadan doonaa inta uu halkaas ku sugan yahay madaxda dalka Masar.

Safiirka Soomaaliya ee Masar Cabdullaahi Xasan Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta la kulmi doono xog-hayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Nabil Elaraby iyo qaar ka tirsan madaxda ururka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmi doona madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi. Labada madaxweyne ayaa lagu wadaa inay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Masar ay u taageeri lahayd dowladda Soomaaliya.

BKL

Haweeney ka tirsanayd Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

$
0
0

Breaking_news-620x3301Muqdisho(Awdalpress) 30.Dec.2014-Koox hubeysan ayaa maanta degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ku dishay haweeney ka shaqeyn jirtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Maryan Axmed Boote ayaa la toogtay xilli ay ka baxaysay gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Tabakaayo-madow, sida uu Bar-kulan u sheegay qof goob-jooge ahaa.

Dableydii ka dambeysay falka ayaa isla markiiba goobta ka baxsatay, lamana garanayo sababta iyo cidda ay ka tirsanayd kooxda weerarka geysatay.

Maryan ayaa la sheegay inay dhowaan ka qalin-jebisay jaamacadda Plazma ee Muqdisho.

BK

Wasiir Abgaal Oo Fariin U Diray Warbaahinta iyo Xisbiyada Mucaaridka

$
0
0

abgaalBoorama(Awdalpress) 30.Dec.2014- Wasiirkaa Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo ka mid ahaa wefti wasiiraha oo ku sugan magaalada Boorama ayaa mar uu warbaahinta la hadlayey fariin u diray warbaahinta uu ku sheegay in ay taageeraan ama garabsiiyaan xiisada Gobolka Awdal iyo Xisbiyada Mucaaridka oo uu sheegay in ay mucaaradnimo ka raadinayaan xiisada ka taagan Gobolka Awdal , wasiirada Gobolka Awdal kaga jira xukuumada Siilaanyo ayaa maalmihii ugu dambeeyey bilaabay weeraro ay ku qaaddayaan  shacabka ka gadoodsan cadaalad darada ka jirta Somaliland iyo warbaahinta si hufan u gudbinaysa cabashada shacabka .

Halkan Ka Daawo

Wasiir Warancade Oo Xadhiga Ka Jaray Wadada Sh.Cali Jawhar Ee Magaalada Boorama

$
0
0

warancadeBoorama(Awdalpress) 30.Dec.2014-wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali warancade Oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Boorama ayaa maanta xadhiga ka jaray Waddo ay shacabka ku dhaqan xaafadaasi sheekh cali jawhar iyo Hay’ada Asarda iska kaashadeen dhameystirka iyo laami ka dhigida wadadaasi

Halkan Ka Daawo:

Dalladda ururka dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo maanta hoggaan cusub loo doortay. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Sonya
Dallada Ururka Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO Oo Hoggaanka  Cusub u doortay Siyaad Cumar Cali.

sonya2

sonya1

Awdalpress

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live