Waraysigan gaaban ee soo socda oo ay is weydaarsadeen labo nin oo soomaali ah lubigiisu maaha mid khuraafaad ah ee waa mid ku waajahan xaqiiqda waxa aan rumaysannahay haddaan soomaali nahay iyo waxa diinteenu ku aadantahay kana koobantahay. Marka wixii fikir ahaan aan anigu shaxsi ahaan ka odhanayo waraysiga markuu dhammado Ayaan odhan haddase ku soo dhawaada sidii uu u dhacay waraysigu.
Dhaliile: Dhoohanow arrin madaxayga ka xoog roonaaday oon baryanba ku wareeray Ayaan rabaa in ku weydiiyo haddii aad wax igu dhaanto ee maxaad ka qabtaa?
Dhoohane: Dhaliilow waayahan dambe hadalku wuu kugu yaraaye ee ma deelqaaf baad ka cabsatay mise diintaad wax yeeli baa afkii ku dabooshay bal sii daa warakaaga!
Dhaliile: Dhoohanow labadaba. Waraysigan aan rabo inan kula wadaago wuxu khuseeyaa imaanka umaddii berigii hore deganayd wadankii la magac baxday Soomaaliya ee imikana – waxba garan mayno oo waan ku wareernaye – la kala baxday boqol iyo tobanka land.
Dhoohane: hadalka aan kaa dhex galee miyaanad inaga uun ina sheegayn?
Dhaliile: Ma sige! Oo Ayaan sheegi lahaa. Markaa hadalkaygii aan watee xaajadu mar haddii ay ku saabsantahay umad iimaankeed waxan is idhi ma aamustaa intaad deelqaafi lahayd. Haddana markaan arkay sida wax u socdaan Ayaan go’aansaday in haddii an ka baqay inan cid kale wargeliyo aan adiga soo saaxiibkay ah aan wargeliyo.
Dhoohane: Dhaliilow bal aan qaadaa dhignee weydiinta sii daa iyo waxay ka aadantahayba.
Dhaliile: Dhoohanow horta waad mahadsantahay, weydiintu waxay la xiriirtaa sheeko aan rumaysnahay in aan keligay maqlin ee la ila maqlay. Waxan xiisay bal inan dhoohanow adiga kula wadaago sheekadaa. Haddii aad maqashayna – waa sidaan filayee- maqashay haddii kalena anaad iga maqli deedna wixii ka jira ayaynu is weydiin. Sheekaduna waa sida tan.
Goor mir dhexe ah xooluhuna raamsiga daayeen ayaa Malag Jibrill soo maray Jiidaale. Wuxu arkay dab weyn wuxuna maqlay sowraxan xad dhaaf ah. Goobtii ayuu yimi. Wuxu arkay dad badan oo jibeysan oo waramo iyo seefo galkii laga tuuray oo dhiigna ka qulqulayo oo ay ku tir-tirfanaya kuna heesaya
Muruq baanu leenahay
Murjis baanu sidannaa
Reer Macow Galool baan
Mirta dhexe habeenkii
Soo Muqmadaynay hilbkood
Meydkayagu meel wacan
Meydkoodu meel daran.
Dhinaca kale markuu Malag Jibriil jaleecay wuxu warkay wax taaj weyn la saaray oon wajigiiba la arkayn kuna fadhiya kursi dahaba. Mujaahidkii ugu horeeyey ayuu Malagu weydiiyey oo wuxu yidhi war muxuu ahaa waxaasi? Mujaahidkii wuxu ku jaabay waa qabiilkii. Malaku Jibrill wuu ka tagey oo jidka ayuu qaaday isaga oo u socda xaga Jara-dheer. Jidkii u sii qaaday wuxu arakay meyd tiro badan oo midba dhinac u jeedo. Markuu Jara-dheer ku soo dhowyahay ayuu sidoo kale wuxu arkay dab weyn wuxuuna maqalay sowrankii hore ku la mid ah. Markuu ku soo dhawaaday ayuu sidoo kale wuxu arakay waramo hadaafaya iyo seefo dhiigu shalawda hayo. Malagu wuxu sidoo kale maqlay heestii uu hore ugu soo maqlay Jiidaale ee ahayd
Muruq baanu leenahay
Murjis baanu sidanaa
Reer Midifla Toox baan
Mirta dhexe habeenkii
Soo muqmadaynay hilibkood
Meydkayagu meel wacan
Meydkoodu meel daran,
Markuu dhinaca kale jaleecay wuxu araky wax sidii hore oo kale taaj weyn saaranyahay kursi dahabana ku fadhiya. Mujaahidkii ugu soo horeey sidoo ayuu su’aalay oo wuxu yidhi, war muxuu ahaa waxan taajka la saaray? Mujaahidku wuxu ku jawaabay “waa qabiilkii”.
Markay halkaa xaajo marayso ayuu Malag Jibrill wuxuu go’aansaday inu bal war is dhaafsadaan Qabiilka.
Wuxuu Malagu Qabiilkii su’aalay “Waar arinku sina geel ka weyne waxan oo meyd ee dhulka yaal een soo arakay iyo waxan oo dhiiga muxu ahaa, taajkan aan aduunka hore loogu arag iyo kursigan dahabka ahina maxay ka walax yihiin?
Qabiilkii sidan ayuu ku jawaabay. Waxan oo meyd oo ad soo aragtay aniga ayaa la ii qalay, togagan dhiig ah eed aragtayana aniga la ii daadiyey. Intaa wuxu ku daray “Kuwan aad soo aragtay waa salaale ee kuwaad arki doonto ayaa ka sii daran”.
Malagu wuxu yidhi, “ oo hadda ninkan boqran ee cirku awadii dhiig casaaday ma adigaa”?
Qabillkii wuxu ku jawaabay, “maxaad fili! Boqor waa meel sokee, gobolka la dhaho Soomaaliya anaa ka injaaj ah anaa ka af tahana, anaana ka Ilaah ah”.
Malag Jibrill intuu yaabay ayuu subxaanalaystay deedna wuxu yidhi, “waar koley meel xun baad qiyaamaha taalaaye bal sheekada huf oo ii sheeg sidaad waxaas oo mansab u kasbatay?
Qabiilkii wuxu ku jawaabay, “Horta mid weeyee sidaan ifkaba keli u ahayn Ayaan aakhirana keli u noqonayn! Ugu yaraan Soomaali oo dhan dumar iyo wixii yaraan ku saqiiray moyee waa macay. Marka adigaba aan ku dhiibe anoo waxaas oo maamuus iyo mansab ah haysta sideen u daayaa. Haddanse maalkayguba dhamaanayn muftaaxiina gacanta aan ku hayso maxaan u madhxini xoolaha. Ta kale aan kuu waramo sidaan gobolka soomaliyeed galbeekii iyo berigii koonfurtii iyo waqooyigiiba faraha ugu dhigay. Waana sida tan
Horta Malag Jibroolow waan ognahay in Eebe kitaabkiisa kariimka ku yidhi banii aadamka “ Waan idin abuurnay oo waxan idin huwinay shakal malaaiktana waxan amarnay u foorarsada Adam markaasay dhamaan u foorarsadeen ibliis mooye oo diidey inu ka mid ahaadoo kuwar sujuuday”. Markaasbuu eebe su’aalay ibliis, “maxaa kuu diidey inad sujuudo haddii aan sidaa kugu amarnay,” wuxuu dhahay, “waan ka khayr badanahay waxad iga abuurtay nuur Iyana ciid.” Eebe markaa wuxu dhahay. “waar ka bax jannada. Kuuma waajibin ku kibirto dhexdeea, ka bax waxad ka mid tahay kuwa niyad xun.” Ibliis markaa eebe wuxu ka dalbay inuu muhlad siiyo ilaa maalinta qiyaamaha oo wuxu yidhi, “Ilaahow muhlad I sii ilaa maalinta xisaabaysid.” Eebe wuxu yidh, “waan ku siinay muhlada.” Ibliis wuxu markaa dhahay, “sidaad iiga saartay jannada ballan baan ku qaaday inan dariiqaaga toosan u fadhiisto,” wuxu yidhi,” waxan kaga iman doonaa labadooda gacmood dhexdooda, waxan kaga iman dhabarka, midigtra, bidixda helina maysid in badankoodu noqdaan qaar mahad celiya.” Eebe markaa wuxu dhahay. “ bax adiga oo dulaysan oo murugsan adiga iyo wixii jamacaaga noqdaba waxan ka buuxinaynaa jahanama.”
Qabiilkii hadalkii isga oo sii wata ayuu yidhi, “ Ayada oo ballantaasi eebe iyo ibliis ka dhaxaysey anigu waxa gacanta isoo qabtay oon gacan yare u noqday Ibliis. Aniga oo meelaha carabaha ku meermeera oon xaalkayga wanaagsanayna xumayna ayaa Ibliis mar labaad gacanta I soo qabtay . wuxuus igu dhahay. “manta Ayaan halkii ugu door roonayd kuu hayaaye ina soo wad.” Waxan weydiiyey halkay halkaasi ahayd.” Wuxu yidhi. “meel Soomaaliya la yidhi oo waxa ku nool markii la abuurayey aad moodo in maskaxdii laga ilaaway oo haddii aad inanka ku tidhaa abtigaa ama ina abtigaa soo gowrac u soo gowracayo.” Wuxu intaa Ibliis iigu daray kaddib markaan weydiiyey waxyaabaha aan filayo, “Waa meel lagu karaamaynayo oo laguu sharfayo si Eebihii abuuray aanay u sharfayn, waa meel adi daraada dhiig badan oo wada dhashay loo sadqaynayo.”
Malaku Jibriil baa markay halkaa talo marayso yidhi, “Oo maxaa u diidey inay nabadda ku wada noolaadaan, sow kuwa isleh, miyaanay arakayn Itoobiyadan jaarkooda ah ee xabashigii, tigreegii, oroomadii, canfarigii, soomaaligii iyo umada kale oo badani nabadda ku wada nool ee calanka keliya wada sita ee ku faanaya, miyaanay arkayn sida gacmaha ay isku haystaan masiixigii, muslinkii, iyo yuhuudigiiba.?
Qabiilkii baa ku jawaabay sida tan, “Nabaddaba ma fahamayaan waxay tahay, ayagoo marka horeba maskaxdoodu qalalnayd Ayaan anagu haddaan qabiilkii nahay waxan ugu sii darnay galaaskii qabillka ee farshadu ka buuxday xoogaa xashiis ah. Waxan ugu talo galay inaanay qabiil ka dhamaan oo maskaxdooda qafilani marnaba fakirin. Waan ognahay ani iyo ibliis hadday nabad fahmaan aniga iyo isagu toona anaan waarayn oo boqortooyadayadu dumayso.
Malaku Jibrill baa yidhi, “Oo xagay ka martay qawlkii Eebe subxaanuhuu wa tacaalaa ee ahaa, ‘Qofka qof mu’min ah camdi u dila jazaaigiisu waa jahanam, Eebene wuu nacdalay, wuxuna u diyaariyey cadaab oo cadiim ah.”
Qabiilkii wuxu ka jawaabay, “Wax way akhriyi waxse ma fahmaan maxaa yeelay hadday wax fahmayaan dee qawl Eebe wu cad yahay oo waa marag ma doon. Aniga iyo Ibliis se waxan ka cawdu bileysannaa inay wax nagu fahmaan.”
Malaku Jibrill wuxu dhahay, “Oo afartan cawlcawlan ee ifkiiba ku caarcaaray maxaad aakhiradooda u seejinaysaan eed ka rabtaan adiga iyo Ibliis.”
Qablkii wuxu ku jawaabay. “Anaga wixii macag nala noqonaya waa rabnaa gogol casna waa u dhigaynaa.”
Qabiilkii markaa hadalkii wuu sii watay waxaanu dhahay, “Malagow ani iyo Ibliisba fariin baad naga gaadhsiin Eebe subxaanuhuu watacaa, taasoo ah, ‘waxad gaadhsiisa inan gobolka la dhaho Soomaaliya aan kaga badinay oo anaga lana caabudo, xaaladuna meel wacan noo marayso. Markhaati ma doon weeyi oo adba indhahaagaad ku aragtay, waxna kaama qarsoona. Salaadooda iyo soonkooga toona wax ka soo qaad male oo ayagoo imika salad madaxa ka soo qaaday Ayaan dirnaa oo aan u sheeqnaa inu sadqada soo dhameeyo. Caaqilkood oo coomaadigood, Sheekhood iyo shariifkood, waxgaradkooga iyo wax ma gartahooga, madaxwenahooga iyo mudanahoogaba intaba gacantaan ku dhignay. Wax naga baxsadayna ma laha.”
Malaku Jibrill markaa wuu ka dhaqaajay wuxuna yidhi, “Waaba tahaye, dee bal xafladiina halkaa ka wata, kolyba xagga Eebe mee xun baad ku leedihiin adiga iyo ayaguba. Kuwanse waxan odhan lahaa, ‘waar bal haddii ad idinku sidan is garateen caruur dambe uun ha dhalina oo cawaaqibxumo aduunka ha u keenina.”
Dhaliile: Dhoohanow marka sheekadii horta wixii aan ka sii xasuusnhay intaabay igaga egtahay marka is warsigeenii aan u soo laabtee bal maxay kula tahay hadalkaa dhex maray Malag Jibriil iyo Qabiil.
Dhoohane: Dhaliilow horta sheeka maahee dee waaba tahayo horta waan u noolnahay amaba qaraar aan ku wada gaadhnay inan u noolaano ayadoo qawlka Ebee ee kariimka ahina u cad yahay. Intaa waxad ku dartaa qawlkii Eebe ee ahaa, “laa yu qayiru laaha biqowmin xataa yuqayiruu maa bi anfusihim,” kaasoo micnihiisu yahay “ qoomna ilaahay ma qayiro ayagoo is qayira mooyaane”. Marka maxaan yeelaynaa. Inan dhabankiyo iyo gacmuhuuni isku keen dhegaan iyo maahee inan qaska iyo qalalaasaha, jahliga iyo jaahwareerka qaybteena dhinaca ka galo mooyaane.
Dhaliile: Dhoohanow anigu weydiin kale Ayaan is weydiiyaa oo ah, “tolow marka laga reebo dumarka iyo caruurta mooye ruux ka mid ahi janno ma arkayaa?” Markaan aad u fiiriyeyna waxan is idhi ruux janno ka tagayaa ma jiro. Waxa fikirkaa igu dhaliyeyna waan kuu sheegi. Horta Dhoohanow inaga oo labo qabiilba aan kala ahaane aan ogahay adna aad ogtahay inan labo nin oo aad u saaxiib ah amaba ilma abti nahay Ayaan aniga oo hadda salaad madaxa ka soo qaaday soo akhriyeyna qawlka Eebe ee ahaa ‘qofka qof mu’min camdi u dila jasaaigiisu waa jahanam’ Ayaan waranka soo qaadanayaa oo adiga oo Dhoohane ah ayaan dhegta dhiigga ku gelinayaa. Aniga aragtayda markaan soo socday labo jid baa I banaanaa. Mid weeyee inan Eebe subxaanahuu watacaala maqlo oo aan dar alla kuu badbaadiyo iyo maahee inan qabiilka maqlo oon kawda kaa dhiibo. Markaan kawda kaa dhiibay Eebe subxaanahuu watacaala halkaas baan is dhigey oo waan diidey inan dhegtayda u dhigo. Markaa miyaan Eebe subaxaanuhuu watacaalaa u shariik yeelin. Ogow oo “Ashirku billah” ilaahay ood u shariik yeesha waa dambiga ugu cadiimsan ee qof bani aadmi ahi falo. Marka sideen janno u arkaynaa. Miyaan calal aqal dheel dheelka iyo gafka aan Ilaahii ina uumay u geysanayo kaasoo ah salaada aan leenahay waan tukaynaa ama soomka aan leenahay waan soomayna inagoo og inan tubtii Eebe ka fognahay.
Dhoohane: Dhaliilow horta waan runtaayo xaalkeenu kama duwana kii ay ku jireen reer quraysh markii rasuulku calayhi salaatu wa salaame soo baxay. Nin waliba dhagax yar ayuu haystay oo aw caabudayey. Rasuulkuna wuu la dagaalamay jahliga noocaas ah oo ilaahyadii oo dhan wuxu amray in la baa’biyo. Inaga hadda kuwa reer Qoritulo qoritulo ayay caabudaan, kuwa reer Caqli gaabna caqli gaab bay caabudaan. Marka nin waliba qabiilkiisa ayuu caabudaa. Waxaanse la yaabnahay reer quraysh rasuulkaa u soo baxay oo badbaadiyey ee inaga ayaa inoo soo baxaya oo ina badbaadinaya.
Dhaliile: Dhoohanow hadalkaa aad tidhi waa run. Walaaca ad muujisayna waan kula qabaa oo wax ina badbaadiya oo an arkayaa ma jiro. Labo ayuumbaan mid ahaan ku go’aamin lahaa. Mid weeyee inan codsano in Soomliya laga dhigo “center of rehabilitation” ama rugtii dibudawaynta oo markaa la inoo dhiibo cid ina maamusha intaan bogsanayno, su’aashuse waxa weeyi Soomaali intay ku qaadan inay ka dawaynsanto qabiil ‘ boqol sano, kun sano, milyan sano. Haddii aan taa la ogolayn waxan odhan lahaa Itoobiya waatan jaarkeena ee degan mudo ilaa saddex kun oo sano ah ee iyada aan ku biirno. Ugu yaraan inaga ayay inakala celin oo dhiiggeena qubanaya ay joojin.
Dhoohane: Dhaliilow horta anaad dhoohane igu sheegtaaye labadeena adaa dhega la. Horta ta horeed sheegtay weeyee waqtigan xaadirka ah nin nacas ah cidina uma gargaarto waa la sii nacaseeyaa. Markaa cidda intay wax si wacan kuugu maamusho hadhawna kugu wareejinaysa wax isku qoofalan ma gran halka laga helayo. Tan kale Itoobiya ayadaaban dan kaa lahayn oo kuna qaadanayn. Maxaa yeelay ma aday ku kala celin mise horumarkeegay ka shaqayn.
Dhaliile: Dhoohanow maxaa markaa talo ah, ma umushkan iyo umula dooxan uumbaan ku jireynaa?
Dhoohane: Horta anigu waxan raacsanahy hadalkii uu Malaku Jibriil yidhi ee ahaa, ‘Iska joojiya caruurta aad dhalaysaan eed cawaaqibxumo aduunka korkiisa u keenaysaan.’ Waa runoo haddii aad masango ama hadhuuh aad rabto inad hufto dee masafteeda la samaysataa, markaa haddii ad caruur damacday inad aduunka keento nabadgalyadii, sharaftii iyo cisigii ay ku noolaan lahaayeen ayaa loo diyaariyaa. Hadal soo duuduuboo Dhaliilow imikaan maqlaynaa olol daciif ah oo nafaqa dabadiisa ka ifaya inkastoo anan sidaa ugu kalsoonayn oo aan isleeyahay waar xataa hadday curato armay toban sano kedib burburtaa sidii tii horeba u burburtay.
Dhaliile: Dhoohanow su’aal kale, horta haddaynu Soomaali nahay xageen ka nimi oo taariikhdeenu maxay tahay?
Dhoohane: Dhaliilow horta haddaan tariikh leenahay sidanba iskuma aynaan murugsanaaneen ee horta taariikh la’aan dhe. Haddiise an ka jwaabo halka aynu ka nimi waa sida tan. Dad oo dhan ayaa la soo fayliyey. Deedna waxa la yidhi Qabiil aaway. Gacantuu taagey, waxa la yidhi halkaa u bax. Waxa loo yeedhay nacas, doqon, tuug, boobe, dhace, dhagarqabe, maskax yare, islaweyne, islamayaabe, duryame, dantii ma garte, caruurtii uma roone, markay soo wada baxeen waxa la faray inay ku daba faylaan Qabiil. Way ku daba fayleen, deedna Qabiil baa lagu yidhi ‘intaa adaa u madax ah waxad la aadaa geeska afriaka una bixi Soomaali.’
Dhaliile: Dhoohanow horta waa runtaayoo shaki kuma jiro in afartii ugu karaamo xumayd meesha la isugu keenay. Waxa kuugu daliil ah goobta la dhigay iyo nimcada taal ee ay ka qatan yihiin. Hadday wax yar oo maskax yeelan lahaayeen ayagoo waxna xadin waxna dhicin ayay afartuba dheregi lahaayeen. Su’aasha ugu dambaysa een ku weydiin lahaa waxa tahay. Tolow haddii haddii geeska afrika nasiib ay u heli lahaayeen umad aan afartan ahayn maxaa isbeli lahaa geeska afrika?
Dhoohane: Dhaliilow wax badan baa is bedeli lahaa oo halka imika ay caruurtoodu ka cararayaan ee ay badaha ku dhimanayaan geeska afrika ayaa hodan noqon lahaa oo aduunku u soo qulquli lahaa. Dadna waxa ugu doqonsan ninka hadhuub caano ka buuxaan loo dhiibey ee cabi garan waayey waa sidaan dhamaanteen nahaye. Aboorku inu ina dhaamo la iskuma hayo maxaayeelay isna wuu isku tiirsadaa oo dundumadaan aragnay buu dhisaa inaguna miciyahaan isku seefaysanaa. Anuu waxaban idhaa waar goobta xaq uma lehee miyaa la siiyo dad munaafacsada sida Jabanka. Xaq maaha in 127 million ay ku noolaadaan dhul gabigiisuba yahay 370 kun km murabac oo sunaami iyo dhul gariir iyo balo dhami ku habsatay, afar millionna ay haystaan dhul dhan 640 kun km murabac ooy wax ka qabsi baad sheegiye aduunka dhib iyo tuugsi uun ula joogaan.
Dhaliile: Dhoohanow hadal wuu inala dheeraadaye bal waa inu isku soo laaban. Waxan jeclahay marka damebe in waraysigeena ku soo qaadano Soomaalida iyo kalmada “Madaxweyne” waxa la kala siiyo. Anigu waxan aaminsanahay inay kalmadaasi ay qayrkeen inaga reebtay balse Soomaalida waa kalmad ku qaayo dheer. Hadda imise madaxweyne Ayaan leenahay labaatan, sodon, waxan ogahay uun inay ciida ka badanyihiin. Dawladda Maraykan oo u Talisa 350 milyan oo qof kana Talisa dhul cabirkiisu yahay 10 milyan km murabac waxay leedahay hal madaxweyne.
Waraysigii dhex maray Dhaliile iyo Dhoohane oo intaa ku eg waxan rumaysnahay in aan geeska afrika lagu caabudo Qabiil een Eebe subxaanuhu watacaalaa lagu caabudin. Sida uu mawduucu ku foorarana waxan jeclaan lahaa inay dadka Soomaali la dhaho dib isku xisaabiyaan hoosna u fiiriyaan qaska ay laaqanayaan. Mawduucani waxan rabi lahaa inu noqdo mid dad badani ka xaajoodaan oo ay is weydiiyaan waxa inagu khaldan iyo xiriirka aan ilaahay la leenahay hallka uu ku sugan yahay? Maxaynu caabudnaa? Eebe ma u shariik yeelay? Lacala waxa la yaaba markaan isugu fiirsanno in ilaahay ina garawsiiyo uubta dheer ee madow een ku jirro.
Qore:
Abdiqani sheikh
Ottawa, Canada.