Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Magaalada Laascaanood oo dilal badheedh ah ka dhacay iyo Buuhoodle oo qarax Miino ka dhacay.

$
0
0

Qarax_Miino_Buuhoodle_1Awdalpress – Laascaanood – Magaalada Laascaanood ee laga xukumo Somaliland ayaa ciidammadoodu ay gacanta ku dhigeen dambiile ah oo saaka nafta kaga qaaday nin ka mid ahaa hawl-wadeennada ururka Bisha Cas ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ninka dilka gesytay ayaa rasaas qoriga AK-47 si badheedh ah magaalada badhtankeeda ugu furay mas’uulkan ka tirsan bisha cas, kaddibna waxa dhaawiciisii loo qaaday magaalada Garawe halkaasi oo uu ku dhintay.

 

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray, C/llaahi Orshe, waxaana la toogtay isaga oo ku sii socda jeeda xarunta Bisha Cas. Iyadoo hadal-hayntan magaalada ay u badan tahay in gacan-ku-dhiiglaha uu ahaa qof aan maskax ahaan dhammeyn.

Sidoo kale, toddobaadkii la soo dhaafay ayaa la sheegay in ninkan dilka geystay uu dhowr qof sigay, mase jirto wax caddeyn ah oo illaa hadda ilaha caafimaadka iyo booliisku soo saareen, waxan gacan-ku-dhiiglaha xabsiga dhexe ee Laascaanood.

Qarax miino ayaa iyana maanta laba qof ku dhaawacday galbeedka magaalada Buuhoodle, kaddib markii gaadhi ay wateen ay haleeshay miinada. Miinadan oo loo malaynayo in ay tahay mid muddo dheer halkaas ku jirtay.

Maxamuud Khadar Cabdi oo ahaa darawalkii gaariga ay miinadu haleeshay ayaa u sheegay warbaahinta in gaarigu uu damcaysanaa inuu kala wareego balse mar qura qabsatay miinada

Sidoo kale, Yaasiin Yuusuf Mahad oo ka mid ahaa dadkii goobtaas ka dhawaa ayaa wuxuu sheegay in gaariga uu doonayay inuu magaalada kusoo noqdo; laakiinse uu la kulmay qaraxa, wuxuuna sheegay in sida gaarigu u burburay iyo sida ay dadkii saarnaa uga badabadeen ay aad u kala duwan tahay.

Goobta uu qaraxani ka dhacay ayaa wax-yar u jirtaa xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna fariisin ciidan u ahaan jirtay ciidamadii Somalia, iyadoo aan lagu sameyn wax baaritaan ah.

Awdalpress.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images