Awdalpress – London – Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo wariye Mohamed Abdillaahi uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mohamed Yonis Bihi, waxana uu waraysigaasi ka dhacay xarunta Star TV uu ku leeyahay magaalada London. Waxana wasiirka uu wariyuhu ka waraystay arrinta uu London u yimid, ee ah codka ay xildhibaannada degaanka Sheffield ay ku aqoonsadeen Somaliland, iyo guddoomiyaha golaha shacabka Somaliland Mudane A Cirro oo la filayey in uu booqdo Sheffield oo ka joogsaday. Taasi oo aan la garanayn sababta. Balse uu Mudane Biixi uu ku dhalliilay guddoomiyaha.
Awdalpress.com





