Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Faroole: Madaxweynaha ayaan Nairobi kula kulmi doonaa iyo Boosaaso oo waddooyin Laami ah laga hirgalinaayo

$
0
0

faroole-Awdalpress(Nayrobi) 01 Jun, 13–Madaxweynaha dowlad goboleedka Punt-land C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa sheegay in uu madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan looga hadlayo arrimaha dastuurka iyo xal u helista arrimaha Jubbooyinka maalinta Arbacada kula qaadan doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Faroole, oo galabta la hadlay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya, ayaa sheegay in uu madaxweynaha ku boorin doono in aan la gacmagacmeyn dastuurka ummadda Soomaaliyeed u dagsan ee lagu soo doortay dowladda haatan dhisan.

Madaxweyne Faroole, waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay aqoonsato maamulka Jubba-land ee uu madaxweynaha u yahay Axmed Madoobe, oo uu Faroole sheegay in ay soo doorteen dadka gobolada Jubbooyinka.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa dhinaca kale si weyn ugu ammaanay jaaliyadda Punt-land ee ku nool Kenya kaalinta ay ka qaateen horumarka weyn ee ka socda deegaanada Punt-land, wuxuuna ka codsaday in aysan ka daalin wax u qabashada dadkooda.

Madaxweynaha Punt-land, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in uu ku kalsoon yahay in dadka Soomaaliyeed ay ka gudbayaan xaaladihii adkaa ee muddada labaaanka sano ahaa ka jiray Soomaaliya, uuna ku rajo weyn yahay in caddaalad iyo amni buuxa ay ka hirgalaan guud ahaan Soomaaliya.

Dhanka kalana, Dowladda hoose  ee magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ay hirgalinayso dhismaha waddooyin laami ah oo dhex mara magaaladaasi.

Duqa magaalada Boosaaso, Xasan Cabdalla Xasan ayaa Radio Bar-kulan u sheegay in ay dhisayaan laba waddo oo laami ah oo kala ah; waddada isku xirta Airport-ka iyo masjidka jaamaca ah  ee magaalada,  dhererkeeduna  la’egyahay 1.5km  iyo waddada looyaqaan Bandar Qaasim ee isku xirta masjid-jaamacii hore ee Boosaaso iyo masjidka Rowda ee isla magaalada, oo dhererkeedu la’egyahay 900mtr.

Xasan Cabdalla Xasan , ayaa intaas ku daray in ay jiraan mashaariic kale oo ku xigidoona kuwan, kuwaas oo dhammaantood ay dowladda hoose ee Boosaaso ugu talagashay sare u qaadidda bilicda iyo habsami u socodka hawlaha magaalada, loona baahanyahay in ay ka qayb qaataan qaybaha bulshada ku dhaqan Boosaaso.

Mashaariicdan ayaa waxaa wadajir u fulinaya; dowladda hoose ee Boosaaso, Hay’adda UN Habitat, ganacsatada iyo maamulka Boosaaso ee Puntland.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles