Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

M/weynaha Somaliya Xasan oo M/xigeenka Kiiniya kala Hadlay Arinta Kismaayo

$
0
0

RUTO2Awdalpress(Yokohama) 01 Jun, 13–Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya, William Ruto ayaa sheegay in dowladdiisa ay ciidamadeeda kala baxayso gudaha Soomaaliya marka la xaqiijiyo amniga labada dal.

Ruto oo maanta magaalada Yokohama, oo uu ka socdo shirka Tokyo ee Horumarinta Afika, kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada Kenya aanay gudaha Soomaaliya u galin inay qabsadaan, sida ugu dhaqsaha bandanna ay kala baxayaan marka la xaqiijiyo in dadka labada dal ay heleen amni, isla markaana ay meesha ka baxdo cabsida ganacsatada ee weerarrada maleeshiyaadka.

Ruto wuxuu sheegay in amni darrada iyo dowlad la’aanta Soomaamliya ay hoos u dhigtay dhaqaalaha dalka Kenya ee dalxiiska iyo canshuuraha ka soo gali jiray. Agab kontorobaan ah ayuu sheegay in Soomaaliya laga soo galiyo gudaha Kenya.

Ruto wuxuu ammaanay dedaallada Soomaaliya ee dhinaca nabadda, dowladdiisana waxa uu sheegay inay intii karaankeeda ah ay caawineyso dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna Ruto u sheegay in la buun-buuniyay warar aan jirin oo mugdi ka dhex-abuuray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aanay ciidamo ama koox hubeysan u dirin magaalada Kismaayo, waxa ay guubaaniyaanna ay tahay nabadda.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka digay colaad ka soo cusboonaato magaalada Kismaayo.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Sheegay inay hiigsaneyso inay maamullada ku baahiso dalka oo dhan, taas oo uu xusay inay qaadaneyso muddo.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray mugdi laga dareemayay cilaaqaadka dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, kaas oo ka dhashay wasiirro maalmo ku xayirnaa magaalada Kismaayo. Madaxweynaha Soomaaliya iyo ku-xigeenka madaxweynaha Kenya ayaa isla gartay xoojinta xiriirka labada dal iyo in mugdiga jira meesha laga saaro.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles