Awdalpress – Muqdisho – Madaxweynaha maamulka Gal-mudug C/xasan Cawaale Qeybdiid ayaa kasoo horjeestay doorashooyinkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee lagu doortay Laba madaxweyne.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in hadda Jubaland ay gasho is qab qabsi iyo wax la mid ah, waxaana uu ku baaqay in dib hadda loogu laabto doorashada si nabad ah.
Qeybdiid ayaa tilmaamay in si isku mid ah uu uga soo horjeedo Madoobe iyo Hiiraale, isagoo sheegay in waxa hadda taagan laga yaabo dagaal inay keenaan.
Waxaa xusid mudan in hadalka Qybdiid uu daba socdo hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo soo dhaweeyay doorashadii Axmed Madoobe.