Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qaramada Midoobay Oo Somaliland Ku Soo Rogtay Cunaqabtayn Dadban Oo Dhinaca Duulimaadyada Ah, Xukuumadda Oo Xidhiidh La Samaysay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Iyo Duulimaadyadii Rayidka Oo Laga Cabsi Qabo Inay Joogsadaan

$
0
0

Go’aankii wasiirka duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi uu qaatay dhawaan ee uu ku joojiyey duulimaadyadii haayaddaha qaramada midoobay ee Somaliland ayaa taasi waxay ka cadhaysiisay madaxda haayadaha qaramada midoobay ee magaalooyinka Nairobi, Montreal iyo New york oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay gebi ahaanba diiday inay wax wada hadal toos ah kala yeeshaan xukuumadda Somaliland sababta ay qaramada midoobay ugu wareejisay hawada Somaliland in laga maamulo magaalada Muqdisho.somaliland aviation

Arrintani oo ah caqabadii ugu weynayd ee abid ka hor timaad xukuumad Somaliland ah kagana timaadda beesha caalamka ayaa madaxa guud ee haayadda ICAO Raymand Benjamin oo xaruntiisu tahay magaalada Montreal ee dalka Canada wuxuu maanta diiday in gebi ahaanba wax wada hadal ah oo ku saabsan sababta maamulista hawada Somaliland Muqdisho loo geeyey uu kala yeesho Somaliland, waxaana burburay wada hadal ay wasaaradda duulista hawadu doonaysay in ay la yeelatayo madaxda qaramada midoobay ee Nairobi iyo haayadda ICAO ka dib markii si quudhsi ah uu sarkaal ka mid ah ICAO telefoonka ugala soo xidhiidhay wasiirka duulista hawada halkii la filaayey in qaramada midoobay ay wefdi usoo dirto, wada hadalkaasi telefoonka oo ku dhamaaday jawi qalalaase ah.

Guddidii Farsamo Ee Qaramada Midoobay Usoo Dirtay Somaliland Dhawaan Oo Warbixin Xun U Gudbiyey Golaha Ammaanka

Waxaa maalmo yar ka hor markii madaxweyne Siilaanyo usoo baxaayey wada hadaladii Turkiga uu kula yeelanaayey Xasan Sheekh Maxamuudka Xamar Hargeysa soo gaadhay wefdi farsamo oo uu soo diray xoghayaha guud ee qaramada midoobay Banki Moon kuwaasi oo hawsha ay u socdeen ahayd in ay xaqiiqo raadis ka keenaan Somaliland isla markaana xukuumadda Somaliland la socodsiiyaan in la bedelayo qaabka xafiiskii siyaasadda ee qaramada midoobay lana magacaabayo danjire cusub.

Wefdigaasi ayey xukuumadda Somaliland quudhsatay markii ay Hargeysa soo gaadheena ma jirin qof xukuumadda ka tirsan oo Hargeysa ka hortagay waxaanay maalmo ka dib la kulmeen wasiirka qorshaynta qarranka Dr. Sacad Cali Shire oo ay u sheegeen go’aankaasi.

Haddaba guddidani farsamo ayaa markii ay New York ku laabteen waxay u gudbiyeen golaha ammaanka iyo dalalka loo yaqaano Xidhiidhka caalamiga ah (International Contact Group) in Somaliland ay tahay qayb Soomaaliya ka mid ah oo dadka ku noolina ay doonayaan sidaasi, waxaanay ay guddidaasi ku sheegeen warbixintooda in aan Somaliland laga diidanayn in Muqdisho laga maamulo hawlaha xafiisyada qaramada midoobay, taasi oo sababtay iyadoo golaha ammaanku eegaya warbixintaasi ay amar ku bixiyaan in Muqdisho lagu wareejiyo maamulista hawada Soomaaliya oo markii hore si ku meel gaadh ah ay u maamulaysay haayadda UNDP oo ay wakiil u tahay haayadda ICAO xafiiskooda Nairobi.

Waxaa sidoo kale la filaya in bilaha soo socda dhammaanba xafiisyadii qaramada midoobay loo raro magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhammaantoodba xafiisyada Somaliland ku yaalla ee qaramada midoobay laga maamuli doono Muqdisho halka markii hore Nairobi laga maamuli jiray taasi oo keenaysa isku dhac Somaliland iyo Qaramada Midoobay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon Farriin U Diray

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa waraaq u qoray xoghayaha guud ee qaramada midoobay waraaqdaasi oo u ekayd mid dhawaan uu u diray golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo madaxweynaha golaha ammaanka oo ah danjiraha dawladda Rwanda ee qaramada midoobay uu diiday in golaha ammaanka loo gudbiyo.

Maxamed Cabdilaahi Cumar wasiirka arrimaha dibadda Somaliland wuxuu waraaqdani kaga cabanaayey warbixinta guddida farsamadu ay golaha ammaanka iyo xoghayaha guudba u gudbiyeen inay tahay mid khalad ah, wuxuuna ka codsaday in loo soo diro Somaliland ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay General Elliason ama saraakiisha sare ee qaramada midoobay si ay warbixin xaqiiq ah uga keenaan Somaliland.

Golaha Ammaanka iyo Haayaddaha Qaramada Midoobay Oo Cunaqabtayn Dadban Ku Soo Rogay Somaliland Kuna Cadaadinaya Inay Midnimo Soomaaliyeed U Dabcaan

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ay warbixino khaldan u gudbisay dawladda Muqdisho iyo haayadaha qaramada midoobay ayaa cadaadis dadban iyo cunaqabatayn ku saaraya Somaliland sidii ay uga dabci lahayd go’aanka madax banaanida qaranimadooda ay 18 May 1991-kii dib ula soo laabteen, waxaana jira shirqoolo isku xidhiidhsan oo toos loogu soo hagay Somaliland taasi oo kolba la eegayo bal sida ay u maarayn karaan in ay ka dabcaan go’aankoodaasi.

Todobaadka soo socda ayaa haddii xal kama danbays ah laga gaadhi waayo khilaafka dhinaca hawada Somaliland ee Muqdisho lagu wareejiyey waxaa dhici karta in duulimaadyada dhinaca rayidka ah ee Somaliland ka yimaadda ama u socdaala uu joogsi ku yimaado iyadoo cabsidu tahay in haayadda ICAO ay joojiso inay damaanad ka bixiso hawada Somaliland taasina ay ku qasabto madaaradda caalamiga ah ee Somaliland xidhiidhka la leh sida Dubai, Jibouti, Addis Ababa iyo Nairobi inay joojiyaan duulimaadyada ka yimaadda ama u safra Somaliland sababo dhinaca dammaanadda ah awgeed, ICAO waxay sidaasi u samayn karta iyadoo kaga aar goosanaysa go’aankii xukuumadda Somaliland ay ku xayirtay duulimaadyada haayadaha qaramada midoobay mana jirto wax ka hor istaagaya inay sidaasi yeelaan taasina waxay u darantahay Somaliland.

Haddii ay markaasi taasi dhacdo waxaa joogsanaya dhammaanba isku socodkii dhinaca duulimaadyada ee Somaliland iyo dalalka dibadda haddii aanay xukuumadda Somaliland dedaal ka gelin inay xidhiidh wada shaqayneed la yeelato dalalkaasi sida Kenya, Jibouti, Ethiopia iyo Emirateka carabta oo marka lagaba maarmi karo hawlahii ICAO qaban jirtay taasina ay si fudud u sahli karto inay Somaliland hawadeeda maamusho.

Halbeegnews, Hargeysa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles