Awdalpress – Gorayacawl -Jaaliyadaha qurbaha ee ka soo jeeda degaannada bariga Awdal ayaa waxa ay intii muddo ahba bilaabeen in ay ka qayb qaataan horuminta degaannadaasi. Waxana ay mucaawinooyin is daba joog ah u fidiyaan mashaariicda horumarineed ee ka jira degmooyinkaasi, sida waxbarashada, caafimaadka iyo jidadka.
Deeqdan ka timid qurba joogta ka soo jeedda degaannadaasi aan kor ku soo sheegnay ayaa deeq agab waxbarasho u soo dirtay degmooyinka Aw Barre iyo Idhan, halka qurba joogta ka soo jeedda deegaammada Dilla iyo Bakina ay ka hirgeliyeen magaalada Dilla mashaariic ay ka mid yihiin ceel biyood immiga lagu talo jiro in biyiisa la geliyo magaalada Dilla iyo dhisme xarun weyn oo saldhig u ah talada degaanka.
Warkan u dambeeyey ee deeqda agabta la soo gaadhsiiyey Goraya-cawl ka waayo halkan:
Awdalpress.com