Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ugu danbayntii UK waa laga mamnuucay Daroogada Khad ( Jaad )

$
0
0

JaadAwdalpress – London – Dooddii iyo xallintii arrinta daroogada Jaadku way soo af-jarantay. 24ka Jun sannadka 2014 ayaa dalka Britain dawladdeedu ay go’aamisay in Jaadka ( Khad ) ama Qaadku uu ka mid yahay daroogada darajada C ee sharci darrada ah. Laga bilaabo wakhtigaa qofkii lagu qabto isaga oo dhoofinaya, ama shakhsiga isticmaalaya ama iibiya waxa uu noqonayaa dabiile la maxkamadeedyo. Daroogada darajada C ee uu qaadku ka mid noqday sharciga u dhigani waxa weeyi 14 sano oo xadhig ah ama ganaax ama labada oo la iskugu daray qofka lagu helo.

Wasaaradda arrimaha guduhu bayaan cad waxa ay ku sheegtay, digniin, taasi oo odhanaysa, qofkii dad u wada Jaadka, xataa yaanu cuninba’e, waxa loo tixgelinayaa in uu iibiyo, sharciga iibinta ayaana qabanaysa. Kuwa iyagu cuna laakiin aan iibin, waxa la ganaaxayaa lacag dhan £60.00, iyada oo loogu darayo digniin haysasho daroogo, haddii saddex jeer lagu qabtana waa la xidhayaa.

Nin u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa ka jawaabay su’aalo la xidhiidha sharciga laga soo saaray Jaadka, waxanu yidhi, ‘ Dragga oo si xun loo isticmaalaa waxa ku hallaaba mujtamaca, Jaadka la mamnuucayna waxa uu caawinayaa dadka uu qayrkood ka reebay ee qabatimay cunistiisa’. Isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu ku daray, ‘ dalkan Ingiriiskuna waxa uu ka nabad gelayaa in uu gobolka u noqdo hoy danbiilayaashu kaga macaashaan. Sida waddammo kale oo Yurub ku yaallaa ay hore uga mamnuuceen daragadan Jaadka. Baarlamankayaga ayaana ansixiyey in Jaadka oo lagu daray daroogada C in la mamnuuco, waxana uu sharcigaasi bilaabmayaa 24/06/14’.

Somali badan oo dalkan Ingiriiska deggen ayaa soo dhaweysey joojinta Jaadka, laakiin waxa ay ka war warsan yihiin sidii loo caawin lahaa dadka uu dhiiggooda galay ama kuwa ka shaqaysanayey.

Waxan ka soo tarjunnay maqaal ku soo baxay luqadda Englishka.

Awdalpress

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles