Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidammada ka hortagga falalka Argagixisada oo Dawladda Somalia dhawaan hawl galinayaan

$
0
0

Ciidamada_Dowladda_SoomaaliyaAwdalpress – Muqdisho – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay diyaarisay ciidammo ka hortaga weerarrada ay Al-shabaab waddo in ay Muqdisho ka geysato marka la galo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Afhayeenka hay’adaha amniga dowladda, Col, Qaasim Axmed Rooble ayaa si cad uga dhawaajiyay maanta in la dajiyay qorshe lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, taasoo uu ku tilmaamay inay iska kaashan doonaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

“Qorshe cad oo ammaanka lagu xaqiijinayo marka la galo bisha Ramadaan ayaa la diyaariyay, waxaana howlgallada amniga lagu sugayo si wadajir ah uga qayb-qaadan doona ciidamada dowladda iyo AMISOM, howlgalkuna waxaa hal-ku-dhig looga dhigay JCC,” ayuu yiri Col. Qaasim.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in go’aanno ay kasoo baxeen kulan shalay guddiga amniga ay yeesheen oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha, kaas oo la xiriira sidii ammaanka Muqdisho loo adkeyn lahaa.

“Marka la gaaro bisha Ramadaan magaalada oo dhan nabadgelyadeeda waxay si buuxda gacanta ugu jiri doontaa dowladda, waxayna ciidamadu howlgalladooda ka sameyn doonaan duleedyada Muqdisho, waxaana howlgalka JCC ka qayb-geli doona maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka,” ayuu hadalkiisa raaciyay afhayeenka.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in la diyaariyay ciidammo dheeraad ah oo ka qayb-qaadanaya sugidda ammaanka, kuwaasoo tababar soo dhameysteen, ayna dalka kusoo laabteen.

“Ciidammo dheeri ah ayaa lasoo diyaariyay ka hortagga rabshado dhaca, kuwaa oo qaarkood ay Muqdisho joogaan, qaarna dhawaan ayay imaanayaan waana kuwo goor hore la xulay isla markaana tayadooda la hagaajiyay,” ayuu Qaasim mar kale u sheegay war-fidiyeenka.

Arritan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Al-shabaab ay dhawaan ku hanjabtay in weerarro culus ay ka geysan doonto Muqdisho, iyadoo marka ay timaaddo bisha Ramadaan ay kordhin doonaan weerarradooda Muqdisho.

HOL


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles