Awdalpress(Nayrobi) 02 Jun !3–Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa maanta magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo heshiisyadii horey labada dal uga dhaxeeyey.
Wasiirada arrimaha dibedda ee Soomaaliya iyo Kenya Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan iyo Aamina Maxamed, oo maanta heshiiska kala saxiixday, ayaa sheegay in la dhisi doono guddi laba dowladooda ka kala socdo, oo si dhab ah ugu baaraandagi doono waxyaabaha u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.
Wasiirada, ayaa sidoo kale isku waafaqay in laga shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dowladooda ee ku wajahan ka shaqeynta ammaanka xuduudaha ay wadagaan labada wadan.
Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, oo warbaahinta la hadashay shirka ka dib, ayaa sheegtay in laga wada shaqeyn doono sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, iyadoo la marayo nidaamka ugu habboon oo aan la qasbeyn dadka qaxootiga ah..
Soomaaliya iyo Kenya ayaa si weyn isugu maandhaafsanaa xal u helista khilaafka ka dhashay maamul u sameyn gobolada Jubbooyinka.
RBK