Dhaqan ahaan waxa aan dadkii hore ka soo gaadhnay, faallooyin iyo tilmaamo ay raggu ku xulanayaan dumarka amma ay dumarku ku jeclaanayaan ragga. Marka uu ninku guur u meeryahayna waxa ay odayadii hore kula talin jireen in uu arrimo badan xeeriyo amma uu ka fiirsado. Hooyooyinka amma Marwooyinkuna waxa ay inanta ku la talin jireen nooca ragga ugu fiican ee inani in ay hesho ah.
Laakiin waxan ognahay in doobku marka uu guur u meer yahay amma ay gashaantidu guur doon tahay, ay haasaawaha hore midba midka kale khaldo. Iyaga oo odayadaa hore taasi eegayana waxa ay odhan jireen inani waa hooyadeed. Waxana ay uga jeedeen in ninka guur duunayaa amma inanka inan loo doonayaa ay habboon tahay in laga mitaal qaato dabeecadaha hooyadeed.
Waayo, hooyadu waxa ay ku dhaqantaa dabeecadaheeda rasmiga ah, inkasta oo mukurka iyo is macaanaynta dumarku ay iska badan tahay, oo qofka haweenta ah qof in badan la darsay mooyee aanu ka ku cusubi suurayn karin.
Faalladani igama aha mid aan u xaglinayo ragga, waxana sidoo kale aad looga faallooyin jiray wiilka inan soo doonayaa reerka uu ka soo jeedo iyo sida ay deeqsiyaal amma geesiyaal u yihiin. Talada halka ay kaga jiraan iyo wax la mid ah.
Balse arrimaha ragga lagu qiimeeyaa waxa ay kordhin jireen qiimaha uu inanta ka bixinayo, halka quruxda, dadnimada iyo hooyada fiican ee inanta dhashay ay qiimo u kordhin jireen inanta iyo reerkooda. Qiimaha aan ka hadlayaa waa xoolaha la siiyo inanta iyo reerkeeda amma inanka iyo reerkoodu uu bixiyo.
Haddaba bal akhristow innaga oo magacyo ku soo koobayna noocyada dumarka waxa aad isku daydaa in aan shan ka mid ah noocyada dumarka aan ku kala saarnay aad doorato toban astaamood midda leh.
Sidaa waxan uga jeednaa, kolley la heli maayo mid nooc kaliya amma shan ay dabeecaddeedu tahay.
Waa kuwan noocyadii dumarku ee 10 ka mid ah xulo:
- Mid dadaal badan
- Mid dabinno badan
- Mid dareen badan
- Mid dulmi badan
- Mid dacaayad badan
- Mid danni badan
- Mid daryeel badan.
- Mid duco badan
- Mid dawarsi badan.
- Mid daawasho badan
- Mid dano badan
- Mid dambi badan.
- Mid daf daf badan.
- Mid shir iyo sheeko jecel.
- Mid wareeg iyo booqasho jecel.
- Mid dayn badan.
- Mid xarrago jecel.
- Mid dudmo badan.
- Mid cayaar jecel.
- Mid telefoon iyo film jecel.
- Mid dagaal badan.
- Mid carruur Jecel
- Mid masayr badan.
- Mid udgoon jecel
- Mid hurdo badan
- Mid is rog rog badan.
- Mid dhalma jecel.
- Mid carruur neceb.
- Mid lacag diris jecel.
- Mid kharash badan.
Jawaabta masaladan waxa aad ku soo hagaajisaan:
shueebi@hotmail.com.
La soco maalinta kale iyo faallo sii xag jir ah oo ku saabasan dumarka.
Nala jooga
Awdalpress.com