Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Maxkamadda Muqdisha oo go’aansatay in qofkii qof dila ama dilay isna la dilayo.

$
0
0

Awdalpess – Muqdisho – Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia ayaa maanta xukuno dilo ah ku riday labo askari oo ka tirsanaa ciidamada nabad sugida Qaranka ka dib markii lagu eedeeyey iney dileen dad shacab ah

G/sare C/llaahi Maxamed Muuse (Keyse) oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamada ayaa saxaafada u sheegay in maxkamada la horkeenay askari ka tirsan ciidamada nabad sugida oo magaciisa la yiraahdo C/llaahi Maxamed Cilmi oo 23 jir ah, kaasoo uu sheegay in lagu xukumay dil ka dib markii lagu helay inuu dil bareer ah kula kacay marxuum lagu magacaabi jiray Asad C/llaahi Maxamed oo ka mid ahaan jiray darawalada gaadiidka BL ah ee Muqdisho taariikhudu markii ay aheyd 19-kii bishii Abril ee sanadkan.

“Isla maanta maxkamadu waxay u fariisatay dil toogasho ahna ku xukuntay dacwada eedeysane Aweys Axmed Xasan oo ahaa dable ka tirsanaa ciidanka nabad sigida ahna 28 jir kaasoo lagu eedeeyey inuu xaafada Baar Ubax ku dilay taariikhudu markii ay aheyd 19-kii bishii Abril ee sanadkan marxuum la oran jiray C/risaaq Muxumad Axmed” ayuu intaa ku daray G/sare C/llaahi Maxamed Muuse (Keyse).

 
Waxaa uu sheegay Garsoore Keyse in xukunka dilka ah ee lagu riday gacan ku dhiiglayaashan uu yimid markii la horkeenay cadeymo iyo markhaatiyo buuxa oo ku saabsan dembiga ay galeen isla markaana mid ka mid ah uu qirtay dembigiisa, wuxuuna xusay in xukunadaas loo cuskaday shareecada Islaamka iyo xeerka ciqaabta ciidanka XDS.

Qaar ka mid ah ehelada dadka ay horey u dileen askarta la xukumay oo maxkamada goob joog ka ahaa ayaa sheegay iney ku qanacsan yihiin xukunkaas, ayna doonayaan in la dilo raggii dilay wiilashooda oo aan waxba ka galabsan, mana ahan markii ugu horeysay ee maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukuno dil ah ku rido askar dilal geystay oo qaarkood horey loogu fuliyey xukunkaas.

Source> Daynile


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles