Dadka reer Awdal waxa ay caan ku yihiin dad waxbarashada jecel oo aad u raadiya. Sida taariikhda lagu hayana wakhtigii Islaamku soo galay geeska Afrika waxa ay ahaayeen dadkii aqoonta diinta iyo ta dunyawiga ahba ugu hor bartay. Wakhtigaa oo aanay jirin xaddaarad uga horreysey. Sidoo kale waxa la og yahay in qarnigii hore bilowgiisii ay jireen dhallin yar aan sidaa u tiro badnayn oo wax ku soo baratay waddammada reer galbeedka, oo illaa heer Jaamacadeed gaadhay.
Xilliyadii la soo galay casriga waxbarashada cusub ee dalka Somaliya iyo Itoobiyana waxa ay dadka reer Awdal aad ugu dadaaleen in ay Maddarasadaha iyo schoolladaba ay galaan. Taasina waxa ay dhalisay dhaqanka ay ku caam bexeen ee ah waxbarasho jacaylka.
Magaalooyinka Diridhaba, Djabouti, Adari, Zaylac, Berbera iyo Borama ayaa ahaa dhul caan ku ah waxbarashada diinta iyo ta schoollada. Wakhtigii ay Somaliya gobonnimada qaadatay iyo ka horba waxa gobollada galbeedka ka bilaabmay amma ka hirgalay schoollo qiima badan oo ay ka mid ahaayeen Amoud, Aw Barre, Sheekh, Dilla, Borama, Dugsiga hoose dhexe ee Qulunjeed, Dugsiga hoose ee Boon, Dugsiyada Zaylac, Sheekh Bashir, Dugsiga Qallooc, Dugsiga Jaaraahoroto, dugsiga hoose ee Berbera iyo kuwo kale oo dhammaantood laga aflaxay.
Qofka ugu qiimo badan dhallin yarta ayaa wakhityadaa ahaa ka waxbarta, ka ugu liitaana waxa uu ahaa ka aan waxba baran amma schoolka ka saaqida. Dhallinta waxbarataana waxa ay adkaysi u lahaayeen duruuf kasta oo adag. Taasina waxa ay dhalisay in ay dhallin yar badani ku guulaystaan in ay schoollada dhammaystaan oo ay dabadeed shaqo ka helaan dawladda.
Inta badan waxa ay geli jireen macallinnimada oo ay uga dhawaanayeen waxbarashada iyo shaqo helis deg deg ah, sidoo kale waxa ay shaqo ka heli jireen xafiisyada dawladda iwm.
Xaddaaraddii hore iyo aqoontii markii ay isugu biirtay shacabkii reer Awdal waxa koray caqligii iyo garashadii, xaddaaraddii ayaa sii siyaadday. Waxana ay ka gudbeen dhaqankii qabaliga ahaa iyo jahligii ay dadku ku noolaayeen.
Nimco walliba nusqaal lehe, markii uu meesha ka baxay dhaqankii ay Somalidu hiddaha u lahayd ee wada noolaashaha iyo isku hiillinta, ee saldhigiisu ahaa qabiilka. Ayaa noloshii mujtamacu isugu ururtay keli keli iyo anaa amiir wa anta amiir. Is caawintii ayaa yaraatay amma la waayeyba. Waxana bilaabmay tartan qof qof iyo qoys qoys ah, taasina waxa ay xoojisay lexe jecladii iyo wax isa siin la’aantii. Sheekadiina waxa ay ku soo aroortay in guriba ka jaarkiisa ah uu iska eego, oo biyo la is cabsiin waayo. Halka qabiilooyinkii kale ay sida xayawaanka u wada duulayaan, oo ay xayn-xayn u wada socdaan.
Iyada oo ay sidaa tahay haddana beelihii reer Awdal kumay dhex baabi’in dhaqankii noocaasi ahaa ee ay ka gudbeen, waxana ay la soo gaadhay illaa iyo maanta.
Si kastaba ha ahaatee, waxa aan xillligan shaki ku jirin in ay fahmeen sida loogu baahan yahay dhaqanka qabaliga ah oo caymis ahaan ay u isticmaalaan iyo ka ilbaxnimo ee ay leeyihiin, si ay u helaan mid isku dhaf ah oo ka xoog badan kani qabiil iyo kani keli kelida ah ee ay muddada dheer ku soo noolaayeen.
Isku soo wada duuboo, waxa immiga uun ay reer Awdal is ogaadeen in ay leeyihiin awood maskaxeed ay ku muquunin karaan cid kasta, iyaga oo aan cidna dulmayn amma la dagaallamayn, laakiin la dagaallamaya dulmiga iyo jahliga. Waxana ay maanta ummadaha geeska Afrika u yihiin shamac u shidmaya oo u muuqda mid ka badbaadin kara hagar daamada jahliga iyo dulmiga uu wato.
La soco.
Ahmedweli Goth