Awdalpress – Hargeysa – Xogo hoose oo soo gaadhay shabakadda wararka iyo faallooyinka awdalpress.com ayaa sheegaya in shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu dib ugu dhacay illaa iyo Disambarta sannadkan 2014 ka. Waxana sabab looga dhigayaa in uu weli xisbiga dhexdiisa khilaaf jiro, kaasi oo gooro badan dib loogu dhigay arrimo u dhexeeyey guddoomiyaha xisbiga iyo madaxweynaha.
Xilliganna waxa la sheegayaa in ay isku soo beegmeen arrimo dagaal, siyaasadeed iyo abaaro oo soo food saaray dalka, sidaasi daraaddeedna aanay suurta gal ahayn in la qabto bisha August ee sannadkan oo dhawaan dib loogu riixay, halkii la filayey in ay ka soo hor marto.
Isku soo wada duuboo, shirka Kulmiye ayaa waxa ku hagoogan arrimo badan oo uu dhaliyey khilaafkii guddoomiyaha iyo Madaxweynaha oo aan illaa immiga sal dhigan.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idinla socodsiin doonnaa.
Awdalpress.com