Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Kooxda Argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa sheegatay is-qarxin maanta laga fuliyey albaabka hore ee guriga Baarlamanka Somalia

$
0
0

qarax muqdisho laga fuliyeyAwdalpress – Muqdisho – Nin watay gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa maanta isku qarxiyey meel u dhaw guriga golaha Baarlamaanka Somalia. Waxana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in 5 qof oo ay laba ka mid tahay ciidammada Somalia ay halkaa ku naf waayeen, halka saddexda kale yihiin dad shacab ah oo ka ag dhawaa. Tiro kale oo 11 ahina way dhaawac noqdeen.

Gaadhigan loo adeegsaday is qarxinta ayaa intii aanu soo gaadhin goobta uu kuk qarxay, ay ciidammada amniga ee goobtaasi isku dayeen in ay joojiyaan markii uu joogsan waayeyna waxa ay ku fureen rasaas.  Sida la sheegayna ninka naftii halliga ahaa ee waday ayaa dhintay intii aanu gaadhigu qarxin.

Xilliga ay is-qarxintani dhacday ayaa waxa golaha ku sugnaa xidhibaanno aan tiradooda la sheegin balse u yimid in shaqo. Qaraxa kadibna way ku kala dareereen,

Kooxda sii baaba’aysa ee Al Shabaab ayaa sheegatay in ay iyagu ka dambeeyeen hawshan. Nin u hadlay ciidanka amniguna waxa uu sheegay in falkani uu ka mid yahay hawlo la ogaa qorshahooda, isla markaana ay la socdeen, laakiin aanay ogeyn goorta iyo meesha ay ka fulinayaan.

Maalintii shalayna waxa lagu aasay magaalada Muqdisho xildhibaan Xayd oo maalin ka hor koox hubaysani ay ku khaarajiyeen zaafadda Xamar weyn isaga oo gaadhigiisa la socda.

Madaxweynaha Somalia ayaa dhawaan isna ku dhawaaqay barnaamij loo bixiyey nabad ku afur, kaasi oo qorshihiisa hoose uu yahay in ciidanka ammaanka sugaya iyo ciidammada nabad  ilaalinta ee beesha caalamku ay hawl gallo ka sameeyaan goobo cayiman. Taasina waxa ay niyad jab ku ridday kooxda xag jirka ah ee ka sii dhammaanaya gobollada koonfureed.

Awdalpress

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles