Awdalpress(Caabudwaaq) 07 July, 14–Koox hubaysan ayaa magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud maanta ku toogatay madaxii maaliyadda ee degmadaas, Cabdiqafaar Aadan.
Kooxda oo wadatay gaari fudud ayaa marxuumka ku dilay afaafka hore ee xarunta maamulka degmada, dabadeedna ka cararay goobta, sida uu Bar-kulan u xaqiijiyey guddoomiyaha degmada Caabudwaaq, Cabdirisaaq Xasan Cowl.
Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in ciidammada ammaanka ee degmadu ay ku hawllanyihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kuwii ka dambeeyey dilka marxuum Cabdiqafaar.
Cabdirisaaq ayaa ka codsaday dadka Caabudwaq inay maamulka kala shaqeeyaan sidii caddaaladda loo hor keeni lahaa gacan ku dhiigleyaasha, loona sugi lahaa nabadgalyada degmada.
RBK