Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

FSNAU oo ka digtay inay ka sii darto xaaladda bini’aadannimo

$
0
0

FSNAUAwdalpress– 07 July 14–Waaxda Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee hay’adda FAO ee Cuntada iyo Beeraha (FSNAU) ayaa ka digaysa in dib-u-dhaca ku yimid roobka xilliga Gu’ga ee Soomaaliya, yaraanta gargaarka bini’aadannimada, helidda macluumaadka la xiriira nafaqa-darrada , colaadaha iyo sare u kaca sicirka cuntada ay sababi karaan xaalado adag oo ay galaan dadka ku nool Soomaaliya.

Warbixin ay maanta soo saartay FSNAU ayaa lagu sheegay in qiimayn ay sameeyeen waaxda FSNAU iyo Isku-xirka ka diga abaarta ee FEWS NET, horraantii bishii February ee sanadkan ay muujinayso natiijo ah in 857,000 qof oo ku nool gobollada Soomaaliya ay weli ku jiraan xaalad bini’aadannimo, isla markaana ay u baahan yihiin caawimaad degdeg ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in qiyaasti 203,000 oo carruur ah ay nafaqo-darro hayso, ayna u baahan yihiin gargaar iyo dawooyin bartamaha sanadkan 2014.

Waaxda biyaha iyo xogta dhulka u qaabilsan hay’adda FAO ee magaceeda loo soo gaabiyo (SWALIM) ayaa sheegtay inta u dhexeysa bilaha July iyo September ee sanadkan in 65 boqolkiiba laga yaabo in ay dhacdo biyo yaraan ka dhalata roobkii Gu’ga oo aan u di’in sidii la filayay. Waxaa la diiwaangeliyay in uusan roobka boqolkiiba konton u di’in sidii caadiga ahayd.

Waxbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in laga yaabo inta badan cunta yarida in ay saameyso dadka xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda ah ee ku nool gobollada Bakool, Gedo, Hiiraan, Jubbada dhexe, Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe iyo deegaannada xeebta ee bartamaha iyo koonfur-bari ee dalka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles