Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Mucaaradadiisu ma mid reer Awdal lagu Ababiyaybaa..????

$
0
0

articleAwdalpress(Borama) 07 July 14–Maqaalkaygani waa mid aan mar wax ku tusaalaynayo, marna aan wax ugu sheegayo siyaasiga socod baradka ah ee reer Hargaysa Xil.Ibraahim Mahdi Buubaa, hadaba marka hore hadii aan tilmaan gaaban ka bixiyo darajooyinkiisa siyaasadeed ee uu kaga ciyaaro fagaarayaasha siyaasada Somaliland waxay yihiin… A) Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI…., B) Gudoomiyaha gudida Joogtada ah ee golaha Baarlamaanka Somaliland. iyo iyo..
Xilka Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ee uu lambar 9ka ugu lebisan yahay Wadani Xildhibaan Ibraahim Buubaa wuxuu kala wareegay Siyaasiga Xassan Xuseen Codyare oo reer Awdal ka soo jeeda lamana garanayo goor Adeerkii Ciro u magacaabay Booskan iyo goor uu Xasan Xuseen kala wareegay Afhayeenka Wadani, bulshada Somalilandna ismaba weydiin.. Waase Arin hoosta uga xariiqan bulshada reer galbeedka oo ay la sugayaan wakhtiga WADANI ula yimaad inay taageeraan xisbiga.
Xilka  Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee ku lebisan yahay Xil.Ibraahim Buubaa waxaa u magacaabay Adeerkii Ciro oo wuxuu ka qaaday booskan Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane(Xamaal) oo mudo badan ahaa, taas oo gudoomiye ciro kala dagaalamay reer Awdal in uu gudiyada Baarlamaanka ka dhisan u magacaabo hal gudoomiye gudi reer Awdal, isla markaana gudoomiyaha Joogtada oo ugu muhiimsan uu u dhiibtay CIRO wiilka Adeerka uu u yahay ee Xil.Buubaa..taasina mid hoosta uga xariiqan bulshada reer Awdal oo ay la sugayaan WADANI iyo Ciro ay tahay.
Hadaba iyada oo ay Arimahaasi jiraan ayaa wuxu bilaabay Xildhibaan Ibraahim Buubaa in Mucaaradadiisu noqoto mid yoolkeedu saran yahay reer Awdal oo keli ah, isla markaana dhaliilaha uu xukuumada M/weyne Siilaany uu ujeedinayo ay noqdeen kuwo ka bilaabma Awdal kuna dhamaada Awdal, wuxuu indhaha ka qarsadaa dhaliilaha dhabta ah ee xukuumadu ledahay oo sida cadcadeeda aan sacab la saari karin, wakhti uu yimid Boorama oo uu xafiis ka furayay wuxuu ka yimid xildhibaanadii gudidiisa ka midka ahaa ee Awdal ka soo jeeday, shalay oo u dambaysay wuxuu dhaliisha Xukuumada Siilaanyo ka dhigay wasiirka Golayaasha oo siyaasi reer Awdal ah loo magacaabay, waxay ahayd inuu tilmaamo inaanay wasaaradani ahayn mid aan u cuntamin ama ku haboonayn reer Awdal, balse M/weyne Siilaanyo u magacaabo wasaaradaha waaweyn ee Muga iyo Miisaanka leh, balse xildhibaanku wuxuu Abaaray shaqsi taas oo u muuqata siyaasad qof necbaysi ah, Ilayn waa mudane lagu Ababiyay boosas reer Awdal fadhiyeene.
Isku soo wada duuboo siyaasada Xil.Ibraahim Yare Buubaa  waxay iskugu soo biyo shubatay sheekadii yaabka badnayd ee ahayd ” Ninkii Arkay Wiil yar oo Naaska hooyadii Jaqaya ee Yidhi YARKANI Muxuu Naaska ku weynaaday miyaa laga gudhiyo…Nin la socday ayaa ku yidhi waar Aadaabtaada ku dhawrsanow, Hawl aan laguu dirsan ha farogelin… Xildhibaanka waxaan leeyahay inta aanad hadlin ka fiirso waxa aad ka hadlayso, Mucaaradada M/weyne Siilaanyana maaha meelaha aad xadhiga ka garaacayso iyo mid ku jirta Awdal, malaha waxaad kala fogaynaysaa xisbigaaga Wadani iyo shacabka gobolada galbeed, dad badan oo Akhrista Afkaartaadu waxay isweydiiyaan muxuu xildhibaanku hadaladiisa ugu dhigi la’yahay sida Adeerkii Xil.Ismaaciil Buubaa oo erey bixin ku soo kordhiyay Af Soomaaliga (HADILMA)… La soco Cadada Dambe……..

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles