Awdalpress(Garawe) 08 July, 14–Safiirka dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Fabrizio Marcelli, ayaa maanta tagay magaalada Garoowe oo uu kulamo kula yeeshay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).
Cabdiweli Gaas, oo la hadlay saxaafadda kulanka ka dib, ayaa sheegay in Talyaanigu uu kaalin ka qaatay horumarka deegaannada Puntland, isaga oo sheegay in mashaariic badan oo ka socda Puntland ay gacan ku leedahay dowladda Talyaaniga.
Madaxweyanaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa xusay in xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo Puntland iyo dowladda Talyaaniga, wuxuu tilmaamay inuu ku rajo weyn yahay inuu sii socon doono xiriirka Puntland kala dhexeeya Talyaaniga.
Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Fabrizio Marcelli, ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Talyaanigu ay ka go’an tahay in la xoojiyo xiriirka ay la leedahay Puntland.
Talyaaniga ayaa Puntland ka taageeray dhismaha garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, gaadiidka ciidanka booliska Puntland iyo mashaariic kale.
RBK