Awdalpress(Muqdisho) 08 July, 14– Wararka ka imanaya Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in ka bacdi salaadii maqrib markii loo fadhiistay Afurka la maqlay Qaraxweyn oo ka dhacay ilinka Madaxtooyada Villa Somalia ee xiga dhanka Boondheere, ka bacdina la maqlay Rasaas darandoori ah oo dhexmartay ciidanka Ilaalada madaxtooyada iyo kuwa kale oo xidhan dirayska ciidanka DFS, wararku waxay intaas ku darayaan la isla soo galay gudaha madaxtooyada lama cadaynayo khasaaraha gaadhay labada dhinac, balse waxa jira gurmad loo soo gurmanayo madaxtooyada iyo iska cabin xoogan oo ciidamada DFS ka wadaan gudaha si aan gacanta loogu dhigin madaxda Soomaaliya, inkasta oo la sheegayo in M/weyne Xasan Sheekh ku sugan yahay Garoonka Aden Cadde…
Ciidamada weerarka soo qaaday ayaa loo malaynayaa inay yihiin dagaalyahanada Alshabaab oo dagaal xoogani uu ka dhexeeyo dawlada Soomaaliya, waxaana aad u soo banayaya mudooyinkan dambe weerarka iyo dilalka ka dhacaya goobaha dawlada Soomaaliya madaxdoodu ku sugan yihiin, manta oo u dambaysay waxaa lagu dilay muqdisho Xildhibaan Aqalkiisii hurda..wixii warara ee soo kordha la soco..
Awdalpress