INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Aniga oo ku hadlaya magaca reer Sh. Hassan Tani Gaboobe, waxan ummad weynta reer Buuhoodle la qaybsanaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariiste Garaad Abdillaahi Garaad Sofe oo ahaa hoggaamiye qaaliya, si gaar ahna waxan uga tacsiyadaynaynaa ( tacsi tiiraanyo leh ) dhammaanba reer Garaad Sofe, gaar ahaan
Col.Issa Sofe iyo Adam Sofe oo ah wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland. Annaga oo Marxuum Garaad Abdillaahi Garaad Sofe Ilaahay uga baryeyna in uu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo. Ehelkii iyo ummaddii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo …Aaammiin.
Waxa kale oo aan ummad weynta uu hoggaanka u ahaa iyagana ka tacsiyadaynaynaa geerida Marxuumka ku timid. Ilaahayna waxa aan uga rajaynaynaa in uu beddel khayr qaba u keeno. Aammiin.
Mohamed Sh. Hassan Taani
Tunis