Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dil toogasho ah oo lagu fuliyey dhallin yar ka tirsanayd Al Shabaab oo falal is qarxin ah ka geystay Magaalada Muqdisho iyo qabiilka ay dhallinyaradaasi ka soo jeedaan.

$
0
0

???????????????????????????????Awdalpress – Muqdisho – Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay afar ruux oo ay horay xukunno dil ah ay ugu ridday, kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Afarta ruux ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa waxaa laba ka mid ah oo lagu magacaabi jiray, Mustaf Maxamuud Shidane oo 22-jir ahaa oo qabiil ahaan ka soo jeeda beesha Habar Gidir oo ka sii ah Cayr ee Hawiye iyo Cabdinaasir Khaliif Maxamed oo 21-jir ahaa oo beel ahaan ka soo jeeda Hawiye, Habar Gidir oo Cayr ka sii ahaa, ay toogasho ku dileen askra ka tirsan ciidamada amniga dowladda oo lagu magacaabi jiray, Cabdi Maxamed Xuseen ayna ka qaateen qorigii uu watay.

Sidoo kale, waxaa ku jiray afartii qof ee saaka la tootay, Caawiye Axmed Jaamac 25-jir ahaa oo qarax ka fuliyay hoteel Maka Al-mukarama sannadkii la soo dhaafay oo qabiil ahaan ka soo jeeda Beesha Habar Yoonis ee Isaaq , kaasi oo guddoomiyaha maxkamadda ciidammadu uu sheegay in qaraxaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ruuxa afaraad ee la dilay ayaa isagana waxaa magacaabi jiray, Nuur C/lle Cawaale 21-jir ahaa, oo ka soo jeeda beesha Duduble ee Hawiye, ayuu guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida wuxuu sheegay in lagu soo qabtay bishii May qori hoobiye ah iyo saddex xabbadood oo rasaastiisa ah, kaasoo uu sheegay in Al-shabaab ay ku duqeyn jireen magaalada Muqdisho.

Dilka kaddib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, Col. Liibaan Cali Yaroow oo sheegay in dhammaan afarta qof ee la toogtay ay maxkamaddu ku heshay dambigii lagu soo eedeeyay ayna ku ridday xukunno dil ah, maatana lagu fuliyay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in afarta qof ee maanta ay toogteen ay qaar ka mid ah xukunnadii horay loogu riday ay rafcaan ka qaateen, balse mar kale lagu xukumay dil, maantana ay noqotay maalintii xukunka lagu fulin lahaa.

Xukunkan oo ka dhacay dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha hay’adaha ammaanka, iyadoo sidoo kale ay goobta ku sugnaayeen dadwehne u soo daawasho tagay sida loo fulinayo xukunka.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku fulisay, laba dhallinyaro ah oo lagu helay inay toogasho ku dileen bishii Abriil ee sannadkan Nafiso Cismaan Salaad oo ahayd gabar dhallinyaro ah oo u shaqeynaysay mid ka mid ah hay’adaha Turkiga ee Muqdisho ka howlgala.

Hol

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles