Awdalpress – Muqidisho – Xalay fiidkii dagaalkii dhacay ee sida la sheegay dhex maray laba ciidan oo ka wada tirsan ciidammada Somalida, ayaa maanta natiijadiisii la shaaciyey, waxana afhayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya uu maanta shaacisay inay ku guuleysteen inay soo qabteen hub isugu jira qoryo iyo rasaas, kadib howlgal ay xalay ka sameeyeen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in hubka ay soo qabteen ay ku jireen bambooyinka gacanta laga tuuro, isaga oo xusay in ciidammada nabadsugidda Qaranku ay xaafadda Buulo-xuubeey guri ku yaalla ay hawlgalkan ka sameeyeen.
“Kaddib markii aan warbixinno ka helay ilo wareed ammaan, ciidanku waxay sameeyeen howlgal deg-deg ah, waxaana lagu guuleystay in lagu soo qabto hub ay ka mid yihiin qoryo fudud, bambaano iyo rasaas,” ayuu afhayeenku sheegay.
Sidoo kale, wasiirka Amniga, Khaliif Axmed Ereg ayaa isagana u sheegay warbaahinta in ciidamada nabadsugiddu ay gacanta kusoo dhigeen rag hubka ku haystay guriga howlgalka laga sameeyay.
“Waxaan qabannay hub isugu jira kuwa gacanta, bambooyin iyo rasaas aad u badan, dadkii hubkan haystay oo ka iibinayay Al-shabaab iyagana gacanta ayaan kusoo dhignay, cadaaladda ayaana la horgeynayaa,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.
Ciidamada nabadsugidda Qaranka ayaa la sheegay inay howlgalkaas kusoo qabqabteen 14-qof oo la sheegay inay ahaayeen kuwii hubka haystay oo uu ku jiray sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Col. Cabdi Ileys.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo booqday xarunta hay’adda nabadsugidda Qaranka ee Muqdisho ayaa loogu bandhigay halkaas hubkii gacanta lagu soo dhigay, isagoo ammaanay howlgalkii ay xalay ciidamadu sameeyeen.
“Tani waa dhar-baaxo kale oo ku dhacday dambiilayaasha iyo argagaxisada caadeystay in ay dilaan dadka aanu jecel nahay, waana ammaanayaa ciidamadii howlgalkan sameeyay,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Howlgalkan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah, oo ay xukuumaddu ku sheegto inay ku soo qabatay hub iyo waxyaabo kale oo la doonayay in laga iibiyo xarakada Al-shabaab. Iyada oo dambigaa lagu helay sargaal sare oo ciidammada Somaliya ka tirsan.
Iska-horimaadkii xalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay afar qof oo isugu jiray ciidammadii ilaalada ka hayay gurigaas iyo kuwa dowladda iyo shacab, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.
Awdalpress.com






