Abdirashid Xasan Mataan oo ah siyaasi ku cusub masraxa siyaasadeed ee Somaliland, immigana u tartamaya madaxnimada Somaliland, isaga oo u magacaaban madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa u muuqda nin doodihiisu ay aad u culus yihiin, isla markaana u hadlaya hab madani ah oo ka geddisan sida looga bartay siyaasiyiinta reer Somaliland nooca ay doonaanba ha ahaadeene. Haddaba muuqaalka aad arki doonaantaan waxa uu ka mid yahay barnaamijyada dhifka ah ee uu ka soo dhex muuqday Abdirashid.
Daawasho wanaagsan





