Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

MAS’UUL KA TIRSAN KHAATUMO; Nacayb dadkayaga ay Somaliland u qabto, waxa ay ku garaaceen qoriga PM ka oo dhulka iyo dadkaba baabi’iya. UN, EU iyo Maraykankuse ma ka hadleen dagaalkaasi?

$
0
0

Breaking_news-620x3301Awdalpress – London – Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa sheegay inay ka walwalsan yihiin xaaladda tuulada Saax Dheer.

War saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen saddexda ergay ee UN, EU iyo Maraykanka ayaa waxa ay ku baaqeen in ciidammada hubaysan laga saaro halkaas.

Somaliland ayaa maalin ka hor sheegtay in ciidammadeedu ay qabsadeen Saax Dheer, oo la filayay in lagu qabto xaflad lagu caleemi saari lahaa madaxweynaha Khaatumo.

SomalilandSomalilandSomaliland

Dagaalkan ay Somaliland ay ku qabsatay Saaxya dheer ayaa loo adeegsaday qoriga sida daran wax u dila ee la yidhaa PM ka. Oo si xun u baabi’iya noole iyo moodba. Isla markaana suntiisu ay tahay mid degaanka iyo dadka loo adeegsadaanba ay xanuunno ba’an ka qaadaan. Nin reer Khaatumo ah oo dagaalka lagu qaaday Saaxya dheer aad uga walaacsanaana waxa uu awdalpress.com u sheegay in nacayb loo qabo reer Khaatumo loogu garaacay qoriga xoogga badan ee la yidhaa PM  ka.

Cali Khaliif Galayr ayaa dhawaan loo doortay madaxweynaha Khaatumo.

Xildhibaan Ibraahim Guure oo ka tirsan Khaatumo ayaa beeniyay qabsashada Saax Dheer ee Somaliland sheegtay.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images