Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

WAR DEG DEG AH: Odayadii Gadabuursi oo ku kala qaybsamay war-saxaafadeedkii ay kaga hadli lahaayeen guddigii uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo u saaray tabashadoodii

$
0
0

SALAADIINTA-AWDALAwdalpress – Hargeysa – War naga soo gaadhay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in oday dhaqameedyadii u socday tabashooyinka saamiga shaqaalaha Somaliland ee gobollada Awdal, Salal iyo Gebilay ay ku leeyihiin Somaliland, ay ku kala jabeen go’aankii ay ka sugayeen Madaxweyne Siilaanyo. Kaasi oo uu khilaafku ka dhacay kadib markii Madaxweyne Ahmed Siilaanyo magacaabay guddi wasiirradiisa ah, si ay u soo eegaan tabashooyinka ay odayadu qoraal ugu gudbiyeen, kadibna  ay si fool ka fool ah uga wada hadleen. Muranka khilaafka dhaliyeyna waxa uu yimid markii ay arrintu soo gaadhay in ay saxaafadda la hadlaan.

Guddigan uu Siilaanyo u magacaabay, ayaa oday dhaqameedyada qaar u arkeen in ay ku jiraan wasiirro ay awal horeba farta ugu godayeen, kuwaasi oo ay ka biyo diideen. Halka Suldaannada qaar ay Madaxweynaha ka oggolaadeen, iyaga oo raalli ku ah guddiga dawladdiisa ka tirsan ee uu u magacaabay.

Haddaba khilaafkan ayaa muujinaya in ay odayadu marka horeba arrintoodu ahaayeen kuwo aan  hoosta isaga xidhanayn oo si deg deg ah loo maamulay. Markii ay Borama ka soo kicitimayeenna waxa qaar ka mid ahi ay saxaafadda awdalpress.com u sheegeen, in ay salaaddiinta qaar aamminsanaayeen in horta shir ballaadhan laga sameeyo arrintan, oo si weyn loo munaaqasheeyo doodda lala shir tageyo. Balse aan deg deg uun loola boodin.

Wixii war ah ee kale waan idinla socodsiin doonnaa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles