Awdalpress – Muqdisho – Intii maalmahan ahba waxa shaki badani uu ku jiray Geerida Hoggaamiyaha Kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa waxaa maanta geeridiisa xaqiijiyay Ra’isulwasaaraha Xukuumada Somalia C/weli Sheekh Axmed.
Qoraal ay daabacday Wakaalada Wararka ee REUTERS oo soo Xiganeysa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare C/wali uu Xaqiijiyay Geerida Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo Saraakiil la socday,kuwaasi oo Maalmahaan la hadal hayey geeridooda.
Nuqul ka mid ahaa Qoraalka ay daabacday wakaaladda wararka Reuters ayaa waxa uu u qornaa sida tan “Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegeeynaa in uu Geeriyooday Hogaamiya Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo lagu dilay Duqeyntii Cirka ee ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose”.
Illaa immga waxa aan weli war rasmi ahi ka soo bixin Saraakiisha Al-shabaab oo ku aaddan Geerida Hogaamiyahooda Axmed Godane.
Awdalpress