Awdalpress– 05 Sep. 14–Dowladda Mareykanka ayaa goor dhow xaqiijisay in hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane uu ku dhintay weerar Isniintii diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.
Warsaxaafadeed caawa ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ay caddeysay dhimashada Axmed Cabdi Godane, taasoo lagu muujiyay inay dhabar jab weyn ku tahay kooxaha Argagixisada qaaradda Afrika.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in arrintani ay tahay tallaabo muhiim ah oo horey loo qaaday oo ka dhan ah dagaalka lagula Jiro Al-Shabaab, Islamarkaana dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto dadaalladeeda dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda, sirdoonka iyo Militariga ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab iyo guud ahaan kooxaha Argagixisada.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada kuwa ay bah-wadaagta yihiin, gaar ahaan ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ee dowladda federaalka Soomaaliya ka taageeraya sidii amni iyo degganaasho ay u heli lahaayeen shacabka Soomaalida.
Dowladda Soomaaliya ayaa saaka sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay maqli doonaan war ay ku farxaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa bishii February ee sanadkii 2008-ddii Al-Shabaab u aqoonsatay urur Argagixiso.
RBK




