Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Somalida Ethoipia oo gudi Qabanqaabo Doortay iyo M/xigeen cusub oo la doortay iyo Xubno laga saaray gudidii fulinta xisbiga

$
0
0

xisbiga ESDPDAwdalpress(Jigjiga) 14 Sep, 14–Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaaliada Ethopia ee ESPDP oo maanta lagu soo gabagabeeyay gelinkii dambe caasimada DDSI ee Jigjiga ayaa lagu magacaabay gudida Qaban qaabada Shirwaynaha Xisbiga, sidoo kalena  talaabo sharciga xisbiga waafaqsan looga qaaday saddex xubnood oo guddiga fulinta ka tirsanaan jiray.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay shabakada wararka ee Awdalpress in guddiga fulinta laga saaray M/weyne ku xigeenkii DDSI Cabdulaahi Yuusuf Weerar, Wasiirkii Arrimaha Bulshada C/Raxmaan Guray, iyo Wasiir Ku xigeenkii W/faafinta Faaraxow.

Sidoo kale  golaha dhexe waxay go’aamiyeen in xubnahaasi laga qaado dhamaan xilalkii ay hayeen, waxaana cod buuxa lagu ansixiyay in uu Mawliid Haayir noqdo M/Weyne ku xigeenka DDSI ee badalay booskii Cabdulaahi Itoobiya oo hore u ahaa M/xigeen.

Dhanka kale Golaha Dhexe Xisbigu waxay u codeeyeen Ansixinta Afar xubnood oo lagu daray guddiga fulinta xisbiga ESPDP, kuwaasi oo kala ahaa, Jamaal Cismaan (Jamaal-Dheere), Wasiirka Kobcinta Awooda, Khadar Cabdi Ismaaciil (Khadar Dheere) Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Liibaan, Maxamed Daahir, iyo Madaxa arrimaha xisbiga ee dagmada Jigjiga Sheekh Xasan.

Shirka  Golaha Dhexe ee xisbiga ESPDP waxa lagu dhisay guddiga Qaban qaabada shirwaynaha xisbiga oo madasha lagu magacaabay sagaal xubnood oo kala ah:-

C/Casiis Maxamed Cabdi                  Gudoomiye

Mawliid Haayir                                G/Ku xigeen

Axmad Maxamed Shukri                   Xubin

Khadar Cabdi Ismaaciil                      Xubin

Raxma Maxamud Haybe                  Xubin

Saadiq                                                  Xubin

Dr. C/Qaadir Iimaan                        Xubin

Fartuun Cabdi Mahdi                        Xubin

Jamaal Dheere                               Xubin

Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayay ahayd markii gudoomiyaha xisbiga dimuqraadiga shacabka Soomaalida Ethoipia Maxamed Rashiid Isaaq iyo M/weynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ka qaybgaleen shirkii golaha dhexe ee xisbiga EPRDF oo ka dhacay caasimada Dalka Ethoipia ee Adisababa, kaas oo bahwadaag ay yihiin xisbga ESDPD, inta badana ka qaybgala shirarka golaha dhexe si ay uga korodhsadaan khibradaha siyaasiga iyo Awooda fulineed ee talada, shirkan golaha dhexe ee xisbiga ESDPD ayaa imanaya ka dib markii ay shirkaasi ka soo laabteen masuuliyiinta uGu saraysa xisbiga iyo dawlad deegaanka Soomaalida Ethoipia.

Wararka Shabakada Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images