Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Maamulka Khaatumo oo magacaabay wasiirro

$
0
0

57Awdalpress(Saaxdheer) 14 Sep.14–Madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo, Prof. Cali Kahaliif Gallayr ayaa maanta oo Axad ah magacaabay xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.

Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska madaxweyne Galayr ayaa lagu magacaabay toddoba wasiir iyo hal wasiiru-dowle oo ka tirsanaan doona golaha cusub ee wasiirrada maamulka.

Xubnaha loo magacaabay in ay wasiirro ka noqdaan maamulka Khaatumo ayaa kala ah:

1. Maxamed Cali Cartan, oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dastuurka iyo federaalka,

2. Mukhtaar Ciise Faarax, oo loo magacaabay wasiirka macdanta iyo biyaha,

3. Xasan Muuse Cawl oo loo  magacaabay wasiirka maaliyadda,

4. Axmed Gacmo Yare oo loo magacaabay wasiirka warfaafinta,

5. Kayse Cabdi Yusuuf oo loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta,

6. Faarax Cadde Faarax oo loo magacaabay wasiirka arrrimaha bulshada,

7. Ismaaciil Axmed Cali oo loo magacaabay wasiirka amniga, iyo

8. Ibraahim Guure oo loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda xannaanada xoolaha.

Lama shaacin tirada rasmiga ah ee uu ka koobnaan doono goluhu,   hase yeeshee wararka laga helayo maamulka ayaa tilmaamaya in la magacaabi doono xubno kale, si loo dhammays tiro golaha wasiirrada maamulka.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Prof, Cali Khaliif Gallayr oo madaxweynaha maamulka Khaatumo loo doortay 14-kii August ee sannadkan ayaa ku howlan dhammaystirka hay’adaha maamulka.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images