Awdalpress – Muqdisho – Wararka aan ka hellay xarrunta Madaxtooyada ee Somalia ayaa tibaaxaya in La-taliyaha Xog-hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mudane Thomas A. Shannon uu booqasho ku yimid dalka Somalia.
Thomas A. Shannon ayaa waxa la sheegayaa in uu kulammo kala duwan kula qaatay Madaxtooyada iyo Xarunta Xalane madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo wakiillo ka socday beesha caalamka oo ku sugan dalka Somalia. Waxana uu Madaxdaasi kala hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan Ammaanka iyo horumarka Dalka.
Sidoo kale, Mr Thomas ayaa sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’isal Wasaare Cabdiweli Sheekh kala hadlay horumarinta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, geeridii hoggaamiyihii Al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane iyo howlgalka Milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab kana socda gudaha iyo daafaha Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Hassan iyo Ra’isal Wasaaraha dalka Somalia ayaa waxa ay Thomas A. Shannon warbixin kooban ka siiyeen xaaladda dalka gaar ahaan halka Ammaanka iyo la dagaalanka Alshabaab ee ay waddo dawladda Federaalka Somalia.
Dhanka kale, Mr Thomas ayaa xusay in Mareykanku uu dowladda Soomaaliya ka taageerayo dhinacyada ammaanka iyo dadaallada dib u dhiska dalka, islamarkaana uu diyaar u yahay inay isla eegaan wax wal oo caqabad ku ah ammaanka iyo Horumarka Dalka.
Awdalpress





