Awdalpress(Jigjiga) 17 Sep, 14– Shir balaadhan oo ay yeesheen golaha maamulka DDSI oo shirgudoominayay M/weyne cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagaga wadahadlay go’aamadii shirkii golaha dhexe ee xisbiga dimuqraadiga Soomaalida Ethoipia ka soo baxay iyo Ansixintooda, waxa kale oo goluhu ka hadlay qorshaha horumarinta sanadka Cusub ee Ethopia iyo sidii loo beegsan lahaa yoolka horusocodka tubta toosan ee hiigsiga hindisha horumarka ee Ethoipia.
Golaha ayaa ka hadlay Arimihii kaga Aadanaa shirkii 14 bishan ay yeesheen golaha dhexe ee xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Ethoipia iyo go’aamadii ka soo baxay, wuxuuna goluhu cod buuxda ku soo dhaweeyay go’aamadaasi ka soo baxay golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya.
Sida lawada ogsoonyahay qorshayaasha horumarineed ee sanadkan deegaanka u yaala ayaa ah kuwo baaxad wayn isla markaana la doonayo in rubaca 1aad iyo rubaca 2 aad lagu dhamaystiro guud ahaan mashaariicaha waawayn ee sanadkan qorshaysan, wuxuuna madaxwayne Cabdi Maxmuud Cumar sheegay in la dardargaliyo adeega shacabka iyo shaqooyinka horumarka si loo gaadho yoolasha la hiigsanayo ee isbadalka iyo horumarka deegaanka iyo dalkaba ka socda guud ahaan.
Si kastaba ha ahaatee, Guud ahaan dalka Fedraalka ee Ethoipia waxaa ka socda qorshe horumarineed oo ku socda xawli fiican, kaasi oo uu salka u dhigay xisbiga ka taliya dalkaasi ee EPRDF isaga oo kaashanaya Axsaabta kale ee bahwadaagta la ah sida xisbiga Soomaalida Ethoipia ee ESDPD, Sanadahan dambana waxaa soo ifbaxay sida dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Maamulkeedu ula jaanqaaday qorshaha Horumarinta ee heer Fedraal iyo Midka heer kililba, Waxaana marba marka ka dambaysa soo xoogaysanaya Dhinacyada Amaanka, Xasiloonida, Kalsooniada shacabka Soomaalida Ethioipia ee deegaankooda, dhismaha Kaabayaasha dhaqaalaha, Abuurista iyo kobcinta Ganacsiga bulshada deegaanka Soomaalida Ethoipia, Kor u qaadista Reer miyiga iyada oo la dhisay qorshe loo bixiyay XOOLO DHAQATO BEERALAY.. kor u qaadista Tacliinta iyo waxbarashada..
Shabakada Awdalpress iyo Wararkii xog ururinta ee shabakadan.





