INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Waxa maanta magaalada London ku geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Abdirahman M Egeh ( Aroos-diid ) oo ahaa shaqsi qiima badan, isla markaana ka mid ahaa waxgaradka Jaaliyadda reer Awdal ee muddada dheer soo joogay waddammada Yurub gaar ahaan Ingiriiska iyo Holland. Waxana Jaalidda reer Awdal maamulkeeda iyo xubnaheeduba si weyn u tacsiyadaynayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Abdiraham Aroos-diid. ILaahayna waxa ay uga baryayaan Marxuumka in uu Jannadii Firdawsa ka waraabiyo.
Sidoo kale waxa hawl wadeennada shabakadda Awdalpress u tacsiyadaynaysaa dhammaanba eheladii Marxuumka oo ay ugu horreeyaan xaaskiisa iyo carruurtiisa, waxana ay Ilaahay uga baryayaan in uu qabriga u nuuro.
Xasuusin: Aaaska Marxuumka waxa aad kala socon doontaan shabakadda awdalpress ama boramanews.com
Aammiin Aaammiin
Awdalpress.com